SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print



Warbixin:-Xasuuqii waxshiga ahaa ee Taliskii xabishidda ee Boorama 30 Janaayo 1984. Akhri....


 Wararkii: Sept 15, 2007

  • Weriye ka tirsan Wargeyska Ayaamaha maalintii afraad u xiran Dowladda Federaalka
  • Sheekh Xasan Turki “Wax lug ah oo aan ku lahaa burburintii Safaaradihii Mareykanka ee Tanzaniga iyo Kenya ma jirto”
  • Madaxweynaha Eritrea Issaias Afwerki oo ka qaybgalay shirkii Asmara lagu soo gebagabeeyey
  • ONLFoo ku baaqday in la soo afjaro howl-gallada Itoobiya ka waddo dhulka Ismaamulka Soomaalida
  • Captian Boolis oo lagu dilay Muqdisho
  • Dowladda Itoobiya oo walaac ka muujisay Isbahaysiga cusub ee Asmara looga dhawaaqay

Weriye ka tirsan Wargeyska Ayaamaha maalintii afraad u xiran Dowladda Federaalka

Maalintii arbacadda ahayd Hawgalkana uu ka socday Suuqa Bakaaraha kaas oo ay wadeen ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa halkaasi waxaa lagu qabtay dad fara badan, waxaana dadkaasi ku jiray weriye ka tirsan Wargeyska Ayaamaha iyo Web-Site Internetka, waxaana weriyahaasi lagu magacaabaa Max’ed Xuseen (Jantiila).

Weriyahaasi ayaa waxaa markiiba la geeyey saldhigga Booliiska degmada Hawl-wadaag, isagoo xiligaasi isugu sheegay ciidamada Booliiska in uu yahay weriya ka tirsan Wargeyska Ayaamaha iyo Web-Site-ka Internet ah, hase yeeshee arrintaasi ciidamada Booliiska dheg jalaq uma siin, waxaana dad badan oo uu ku jiray loo gudbiyey xabsi ku yaala Xarunta Madaxtoonyada.

Saxaafadda Magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga hadashay xariga weriyahaasi kuna tilmaantay mid xadugudub ku ah xoriyadda Weriyaha, waxayna ka codsadeen Dowladda Federaalka in sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii daayo weriya Jantiile.

Amiin Yuusuf Khasaaro oo ah Madaxa wargeyska Ayaamaha oo xiriir la sameeyey Madaxa Xiriirka Dadweynaha iyo Saxaafadda ciidamada Booliiska Soomaaliyeed G/Dhexe C/waaxid Max’ed Xuseen ayaa sheegay in Weriye Jantiile uu ku xiran yahay xarunta Madaxtoonyada, waxa uuna C/waaxid xaqiijiyey in weriyahaasi ku xiran yahay xarunta Madaxtoonyada, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan loo siideyn doono.

Hadalkaasi yididiilada leh aad waxaa aad ugu farxay ehelada Weriyaha, hase yeeshee weriye Jantiile waxa uu maalintii afraad ku jiraa gacanta Ciidamada Dowladda. 

Sheekh Xasan Turki “Wax lug ah oo aan ku lahaa burburintii Safaaradihii Mareykanka ee Tanzaniga iyo Kenya ma jirto”

Sheekh Xasan Cabdulaahi Afrax Xasan Turki oo ka mid ahaa guddiga Shuurada Maxaakiimta Islaamka soomaaliyeed oo markii ugu horeysey ka soo muuqday shaashadaha Caalamka tan iyo markii looga itaal roonaaday Dagaaladii ay lagaleen Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa itoobiyaanka ah  ayaa sheegey in aanu wax lug ah ku laheyn weeraradii lagu qaadey safaaradaha Mareykanka ee waddamada Kenya iyo Tanzania 1998 dii. Sheekh Xasan Turki oo Shalay  ka soo muuqdey TV-ga Al Jazeera ayaa waxa uu sheegey in ururkiisu uu ku jiro xaalad dagaal, islamarkaana ku sugnaa meel howd ah oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya oo aaney Tv-gu sheegin halka ay aheyd, ayaa waxa tababar uga socdey qaar ka tirsan ciidamadii maxaakiimta Islaamka iyagoo tooganayey sida uu Tv-gu soo bandhigey Boorar lagu qorey magacyada Bush, Geeddi iyo Zanawi.

Ciidamadan ayaa waxay sidoo kale ku tababaranayeen hubka baasuukayaasha loo yaqaan miinooyin, hoobiyayaal iyo hub kale. Sheekh Xasan Turki ayaa waxa uu sheegey in aan mar naba ku lug yeelan weeraradii lagu bur buriyey safaaradihii Mareykanka ee Dara Salaam, iyo Nairobi ee waddamada Tanzania iyo Kenya. Waxa uu ugu baaqey shacabka reer Kenya in aaney soo dooran mar kale madaxweynaha hadda talada haya ee Mwai Kibaki, isagoo sheegey in uu dhibaato dhex dhigey dadka Keyanka ah iyo Soomaalida. “Waxa aanan waxba ka soo qaadi doonin wixii naga soo garey dhinaca Kenya, haddii dadka Kenyanku aaney dooran madaxweynaha hadda talada haya mar kale, oo waxan hagaajin doonaa xiriirka labada dal iyo midka sohdinta”ayuu yiri Sheekh Xasan Turki.Xasan Turki ayaa waxay dowladda Mareykanku ku eedeysey in uu ku lug lahaa weeraradii lagu qaadey safaaradaha mareykanku kulahaa Kenya iyo Tanzania sanadkii 1998dii.

Madaxweynaha Eritrea Issaias Afwerki oo ka qaybgalay shirkii Asmara lagu soo gebagabeeyey

Madaxweynaha Eritrea Issias Afwerki ayaa ka qeyb galey maalinimadii Shalay  shirkii uga socdey magaalada Asmara ee Waddanka Eritrea kooxaha mucaaradsan dowladda Federaalka Soomaaliya  ee la magac baxay ururka dib u xoreynta iyo dib u soo nooleynta shacabka Soomaaliyeed.          Hadallo ay halkaa ka jeediyeen labada mas’uul ee loo doortey in ay hogaamiyaan ururkaasi ee Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan ayaa waxa ay ku sheegeen in ay waajibaadkooda u gudan doonaan si alle kacabsi iyo caddaalad ay ku dheehan tahay.     Imaam Bashiir Dhoolla Yare oo ka mid ah ergadii shirka ka qeyb qaadanaysey ayaa waxa uu inoo  sheegey in shirkan galinka dambe ee Shalay  la soo afmeeray.

Waxa uu sheegey Imaam Bashiir in Madaxweynaha Eritrea Issias Afwerki hadalladii uu meesha ka jeediyey ay ka mid ahaayeen in Soomaaliya muddo dheer uu codowgu go’aamiyey in la heysto, sida uu yiri Iimaamka isla markaana Soomaalida looga fadhiyo in ay ka xuroobaan wax uu ugu yeerey gumeysiga. 

ONLF oo ku baaqday in la soo afjaro howl-gallada Itoobiya ka waddo dhulka Ismaamulka Soomaalida

Mucaaradka ONLF ayaa ku boorisey caalamka in la soo afjaro howlgalka burburinta ee ciidamada Ethiopia ay ka wadaan gobolka Soomaalida ee dalka Ethiopia, iyadoo ONLF ay ka digtay xasuuqa ka socda gobolka oo ku tilmaantay mid laga aamusay.

Jabhada xoreynta Ogaden ee ONLF ayaa sheegtay in kumaan kun oo ah rayid barakacay ay u qaxeen dhinaca wadanka deriska ee Soomaaliya iyagoo aan haysan raashin iyo daawo toona afartii bilood ee la soo dhaafay. ONLF waxa ay sidoo kale ugu baaqday Q.M in ay mus’uuliyad gaar ah iska saaraan baarista lagu sameenayo dembiyada dagaalka. Dowlada Ethiopia ayaa diiday eedeynta loo soo jeediyey iyadoo sheegtay in aysan wax dhibaato ah u geysan dad rayidka  ah.

Captian Boolis oo lagu dilay Muqdisho

Sarkaal ka tirsan ciidamada booliska ayaa habeen hore  lagu dilay agagaarka xaruntii hore ee Sey biyaano ee magaalada Muqdisho.Sida uu Saxaafadda  u sheegay Afhayeenka ciidamada booliska C/qaaxid, sarkaalkaan oo la oran jirey Cabdi Cidaad ayaa waxa uu ahaa Captain boolis ah, iyadoo dilkiisa ay fuliyeen kooxo hubeysan oo rasaas Ooda kaga qaaday marxuumka, xilli uu ku sii jeeday gurigiisa salaadii maqrib ka dib. Kooxaha dilkaan geystay ayaa ka baxsaday halkaasi, iyadoo ciidamada booliska oo gaaray goobta dilka uu ka dhacay ay bilaabeen baaritaano ku aadan arintaan.  

Dowladda Itoobiya oo walaac ka muujisay Isbahaysiga cusub ee Asmara looga dhawaaqay

Dowladda Itoobiya ayaa walaac weyn ka muujisay isbahaysiga loo dhawaaqay Magaalada Asmara ee dalka Eretiriya, kaas oo loogu magacdaray Isbahaysiga dib u xoreynta iyo dib u soo nooleynta Soomaaliya, waxayna Itoobiya ku tilmaantay ururkaasi in uu yahay mid la doonayo in lagu carqaladeeyo Dowladda Federaalka iyo waliba qaar ka mid ah wadamada Geeska Afrika.

“Dowladda Ereteriya weligeedba waxay u taagneed in ay wiiqdo hanaanka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, welina sidii ay u waddaa arrimahaasi” ayuu yiri Mas’uul ka tirsan Dowladda Itoobiya, dhinaca kale Madaxweynaha  Ereteriya oo kulan la yeeshay mas’uuliyiinta Isbahaysiga cusub ayaa waxa uu uga digay in dhexdooda ku timaado kala qayb-sanaan.

“Waxaa la doonayaa in la idiin qaybiyo qabiil qabiil, Xagjirnimo iyo Qunyaru Socod, arrintaasina waa in aad ka digtoonaadaan oo aad isku kaashataan sidii aan isaga xoreyn laheedeen Gumeysiga Itoobiya” ayuu yiri Afawerki

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 14, 2007

 

usaNin Soomaali ah oo Talaadadii lagu xiray Maraykanka "ma aha Argaggaxiso ee waxaa loo xiray arrin la xiriirta Daroogo..."

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com