SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print



Warbixin:-Xasuuqii waxshiga ahaa ee Taliskii xabishidda ee Boorama 30 Janaayo 1984. Akhri....


Dhimashada mashruuca fikirkra qawmiyeed(nationalism) Qaybta 2aad:

Arrinta ta kale ee xusidda mudan ayaa ah, in tawajuha iyo ujeedddooyinka ku aaddan ee ka tarjumaya abuuridda masaafo iyo kalafogayn aan sax ahayn oo aan fiicnayn oo laka dhexdhigo laguna kala dilo fikradda qawmiyeed iyo mashruuca casriyayn ee waddaniyeed iyo dawladeed iyo, waxa ay fikirkaasi waajibinayso ee shuruudo iyo waajibaad ah iyo fasiraadda khaaska ah ee ay fikirkaasi ka bixinayso ee ay ka qabto una aragto marka la yiraahdo nolosha iyo dhaqanka iyo siyaasadda iyo dimuquraadiyadda ay tahay mid la oran karo mid abuuraysa masaafo iyo kala fogayn la dhex dhigo lana kala dilo fikradda qawmiyeed iyo mashruuceeda casriyayn iyo dawladeed iyo nidaamka dimuquraadiyadeed,iyadoo taasina ah tawajuh iyo ujeeddooyin khaldan oo aan sax ahayn,iyo gaar ahaan waliba marka la fiiriyo in muhiimadda iyo horyaalnimada laga siiyo lana koolkooliyo oo la hormariyo loona eexdo fikradda qawmiyeed iyo casriyayn iyo dawladeed marka la yiraahdo fikradaha kale ee iyada ka soo haray,iyadoo ay arrinta noocaas ahina ay abuurayso ayna dhalinayso oo keeneyso su’aal weyn oo la iska weydiinayo daacadnimada iyo niyadsamida iyo ujeeddooyinka qolooyinka iyo kooxaha qawmiyeed iyo dhabnimada iyo hubaasha kalsoonida lagu qabi karo baaqyada iyo halkudhagyada qurxoon ee xorriyadda iyo caddaaladda iyo kaladuwanaanshaha iyo sinnaanta ay iska soo hormariyaan ee ay buunka dheer u tumayaan, iyo ilaa xad intee le’eg ayay qolooyinka iyo kooxaha qawmiyeed ay iyagu isku boqreen iskuna xil saareen ayna isa siiyeen si gaar ah, waxii ay dadka kale iyo qolooyinka aan iyaga ahayn ee dhaqameed ama toleed ee qabaliga ah ama diimeed ay ku eedaynayeen kuna dhaleecaynayeen habsaanimo iyo dibu socodnimo iyo jaahilnimo,iyagoo iyana sidoo kale ay sahashadeen kuna dhiiradeen in ay gawracaan oo ay dhagta dhiigga u daraan oo ay qurbaan u bixiyeen dimuquraadiyaddii la rabay ayna ahayd, in ay noqoto saldhigga iyo asaaska marka la yiraahdo isfahamka iyo isafgaradka baaqa dibu heshiisiineed ee nolosha iyo khilaafaadka bulsho iyo siyaasadeed oo iyadu ah,tan wax kasta ka horraysa kana ballaaran oo wax kasta koobaysa islamarkaana mugga leh oo wax kastana lagu dhammayn karo kana hodansan oo dhinacyada oo dhan kulmin karta oo  qaadi karta marka la yiraahdo aragtida fikriyeed ee dhinaca kaliya ah ee ay matasho ayna tusaalaha u tahay fikradda qawmiyeed iyo casriyayn iyo dawladeed iyo qolooyinka dabaqadda jiilka casriga ah ee aqooneed iyo siyaasadeed ee magaalo ee fikirkaas iyagu wata ee horboodaya islamarkaana adeegsada oo ku danaysta. 

Haddaba sida ay qolooyinka iyio kooxaha qawmiga sheegta ay ugu eedeeyaan kooxaha iyo qolooyinka ururada beeleed iyo kooxaqha siyaasadeed iyo maamulada toleed ee maxaliga ah in ay Qatar ku yihiin midnimada iyo fikradda qawmiyeed iyo qaranimada soomaaliyeed,ayay waxay iyana kooxaha iyo ururada siyaasadeed iyo  maamulada siyaasadeed ee toleed iyo dhaqameed ee maxaliga ah(rudimentary state), sida kan puntland oo kale, waxay iyana u arkaan in ay ku soo roggidda iyo dusha uga keenidda fikrad kasta oo ka horimanaysa ama burinaysa oo lid ku ah mafaahimta iyo sooyaalka hiddaha taariikheed iyo dhaqan ee mujtamaca soomaaliyeed eek u salaysan kaladuwanaanshaha dhaqan,bulsho,siyaasadeed,deegaan iyo toleed, ay taas u arkayaan miid dhibaato iyo luggooyo iyo hagardaamo ku ah waxay u arkaan in ay tahay xuquuqdooda sharciyeed iyo khusuusiyaadkooda dhaqan,bulsho,siyaasadeed,taariikheed ee toleed iyo bulsho ee ay gaarka u leeyihiin,iyadoo taas darteedna marka la fiiriyo doodaha noocaas ah ee ay kala qabaan labada dhinac eek an dhaqameed iyo toleed ee bulshadii hore,iyo kan casriyeed iyo qawmiyeed ee bulshada danbe iyo jiilka dawladeed ee magaalo, aysan meesha ool suurtagalna ahayn oo aysan jid iyo daw toona ahayn in dhinac iyo koox kaligeed ahi ay gaar isku siiso iskuna magacawdo ayna si gaar ah isugu qorto una sheegato, in ay iyadu marjac iyo aabbe iyo abbaan iyo wasiyo ay u tahay mujtamaca iyo qaranimadiisa ummadeed,iyadoo aysan jirin wax sabab ah oo lagu rumaysan karo oo macquul iyo loo qaateen ah oo xaqiijinaya, sheegashada in dhinac iyo qolo ay ku andacooto in ay iyadu ilaaliye iyo gaarba ay u tahay qawminimada iyo midnimada qaran ee ummadeed iyo dawladeed ayna ka ilaalinayso, iyadoo marmarsiiyo looga dhiganayo kuna andacoonayo in uu ka ilaalinayo ummadda iyo qaranimadeeda, qabiilka iyo hoggaamiyayaasha beeleed iyo maamulada toleed ee dhaqameed ee iyagu ummadda iyo midnimadeeda qaran cadawga ku ah ee dalka googo’oynaya ama kala qaybinaya,ayay iyagoo taas ku andacoonaya iyo in ay ummadda iyo qaranimadeeda ilaalinayaan oo ay gaar ka yihiin una taagan yihiin, ayay haddana arrinta waxay u weeciyaan kana dhigaan qawmiyanimada iyo qaranimada ummadeed ee ay sheeganayaan mid ay danahooda iyo masaalixdooda ugu adeegaan oo ay ku shaqaystaan kuna danaystaan ayna ka dhigtaan maqaar dadka lagu maalo laguna madiidaysto oo lagu hoosaasiyo, looguna gabbado oo lagu qariyo danaysiga iyo damacooda xukun iyo siyaasadeed ee ay u jidbaysan yihiin una meehanaabayaan ee ay la sarqaansan yihiin ee madax maray. 

Haddaba waxaa cad sida aan kor ku soo sheegnay in fikrad iyo aragti kasta oo qawmiyeed iyo casriyayn ee dawladeed oo la mid ah, nusqaddii iyo moodadii qawmiyeed ee qarnigii tagay soomaaliya ka hana qaaday ee laga hirgaliyay iyo tusaalayaashii qawmiyeed ee hannaanka iyo habka kooxeed iyo urureed ku salaysnaa,laga soo bilaabo ururadii qawmiyeed(nationalist party)ee ay SYL ugu horraysay iyo kuwii ka danbeeyay oo idil ee tijaabada hannaanka kooxeed iyo urureed ku dhisnaa,iyadoo tijaabada iyo moodada nusqaddii qarnigii 20aad ee tagay ee noocaas ahaa uu yahay mid dhamaaday oo aan dib danbe aan hawo looga qabin oo gabbalkiis dhacay,iyadoo cid kasta oo iskudayda in ay nusqaddaas ay soo celiso ama ay tixraacdo uu halbacaad lagu lisay uu dadaalkeedu iyo daalkeeduba au ku dhammaan doono oo aan wax natiijo ah laga gaarayn waxna ka soo naasacaddayn oo gacmadaalis uun iska ah. Waxaana xusid iyo digniinba mudan in cid kasta oo isku daalisa iyo cid walba oo madax ka noqotaba mashruuca qawmiyeed ee hannaanka urureed iyo kooxeed ee hadda la caadaystay ku salaysan sida nidaamyada tijaabooyinkii SOODARE iyo tii CARTE iyo tan hadda jirta ee IMBAGAATI oo dhammaantood ah tijaabada nusqaddii gabowday ee aan soo tilmaanay ahna tijaabooyinka noocaas ahi kuwo la isku maaweelinayo waqtiga iyo xooggana la isaga luminayo oo la isku daalinayo oo gacmodaalis ah,iyadoo natiijada tijaabooyinka noocaas ahina cid kasta oo madax ka ah iyo koox kasta oo wadata waxay doonaan ha noqotee ay isku meel ku danbeeyaan natiijo kaliyana ay yeelan doonaan oo ah wax kama jiraan iyo hal bacaad lagu lisay 

mahad herse

london uk

htrmah@aol.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 15, 2007

 

usaNin Soomaali ah oo Talaadadii lagu xiray Maraykanka "ma aha Argaggaxiso ee waxaa loo xiray arrin la xiriirta Daroogo..."

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com