SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAARDHEERE
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


Ku: Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka dibadiisa. 

Ujeeddo: Soo jiidasho Maalgelin Warshada Sibirka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Dhamaan dadka ay warqadani ku socoto waxaan idinku wargelinayaa,dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed ee Jecel wadanka iyo kheyraadkiisa inaanu doonayno in aanu idiin soo gudbino macluumaad   ku saabsan soo jiidasho maalgelin Warshada Sibirka (Shamiintada) ee Deg.Baardheere.

Ka dib daraasadahii la sameeyey xilligii Dowladii hore  ee Soomaaliya,ayna wadajir u sameeyeen Wasaaradihii hore ee Qorshaynta Qaranka iyo Horomarinta   Dooxada Jubba iyo shirkadii wadey sahanka baarista Kheyraadka  sida GTZ iyo Jaamacada WISCONSIN ee USA ayna ku cadeeyeen in la helay keyd kheyraad Shamiindo ee Deg.Baardheere,taasoo waxsoosaarkeedu ugu dambeentii looqorsheeyey Warshad Sibir ah in laga dhiso Deg.Baardheere.

Faahfaahinta warbixinta xogtaas waxaad ka heli kartaan Reporka laga qorey ee lakala yiraahdo (masterplan report) oo ay qortey hay,adda GTZ iyo WQQ, HDJ, iyo midka kale ee   ayqortey Jaamacada WISCONSIN ee la yiraahdo (JESS REPORT). [JESS = Jubba Environmental and Socioeconomic Studies]

Hadaba waxaanu dib u abaabulnay sahamo iyo xog ururin ku saabsan qorshaha dhisida warshada  iyo dhamaan xogaha la xariira   kheyraadka kale ee la heli karo,iyadoo weliba la heli karo sahankaasi lagu muujiyey sawiro laga qaadey goobahaasi. 

Waxaan dhamaan cid kasta oo soomaaliyeed ama shisheeyaha ee danaynaysa in ay maalgelin ku sameeyaan soo saarida sibirkaasi ku wargelinaynaa in dadka deegaanku uu daneynayo ,soona dhaweynaynayo higelinta mashruucaasi oo ay u arkaan muhiimad dhaqaale oo u soo kordhi doonto shacabka soomaaliyeed. 

Ugu dambeentii waxaan idinku boorinynaa inaad u howlgashaan taabagelinta sidii loo soosaari lahaa warshada Sibirka ,maalgelina aad u raadisaan. 

Wada Xiriir wacan. 

Waxii faah-faahin ah kala xariira soo jeediyayasha fikirka ee kala ah: 

Xilldhibaan :.Maxamed Jaamac Labaaale
Tel:002521-5869623
Dr.C/naasir Cusmaan Cilmi(Zope)
Tel:002521-5810130

ama: axmed saalixi
Email:  saalixi221@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 15, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com