SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Aljazeera oo Waraysi la yeelatay SH. Xasan Turki.
  • Siyaasada Maamul Goboleedka Maakhir State Of Somalia oo lasoo bandhigey (Sept 15, 2007)
  • Nabadoon Caan ah Oo Habeenkii Axadu soo geleysey Lagu Diley Degmada Dharkeynley Ee Magalada Muqdisho.
  • Ciidamada Dowlada KMG Oo Kala Baxay Wadaad Tabliiq Ah Masajidka Khaalid-binu-waliid Ee Degmada Wardhiigley Ee Muqdisho.
  • Waxaa Habeenkii Axadu soo geleysey Gurigiisa ku Geeriyoodey Sulddaan Cumar Saciid Sulddaan Fiqi X.Awiisa

Aljazeera oo Waraysi la yeelatay SH. Xasan Turki. (Daawo Video-ga hoose ama ka daawo halkan...)


Siyaasada Maamul Goboleedka Maakhir State Of Somalia oo lasoo bandhigey (Sept 15, 2007)

Badhan:- Dowlad Goboleedka Maakhir State of Somalia oo dhowaan ka carutey deegaanada Sanaag iyo Galbeedka Gobolka Bari ayaa waxay soo bandhigtey siyaasadeeda ku saabsan arimaha Soomaaliya iyo sababaha keeney in dib loo dhiso maamulkan iyadoo uu maamulka MaakhirState ahaa mid kasoo Jeeda maamuladii taariikhiga ahaa ee Deegaanadaas.

Qoraalkii ay dowlad Goboleedku ku cadeyneysey siyaasadeeda halkan ka akhri...


Nabadoon Caan ah Oo Habeenkii Axadu soo geleysey Lagu Diley Degmada Dharkeynley Ee Magalada Muqdisho.

Sept 16, 2007: Nabadoon maxamud xasan oo si weyn looga yaqanay magalada caasimada ee muqdisho ayaa xalay gabal dhacii lagu diley isagoo kusii socday hoygiisa oo ku yaalay degmada dharkeynley.

Nabadoon maxamud xasan ayaa waxaa dil toogasho u gaystay nin dabley ah oo ku hubaysan bastoolad islamrkana madaxa kala beegsaday kadibna goobtii uu falka dilka ka gaystay ka baxsaday sida ay saxafada u xaqiiiyeen dad goobjogayaal oo ku sugan goobta dilku ka dhacay .

Gudoomiyaha degmada dharkeynley ayaa sxaafada usii xaqiijiyey in nabadoonku ahaa nin si weyn looga yaqano guud ahaan gobolka banadir islamrkana siduu hadalka u dhigay sheegay inuu ahaa marxumkaasi nin nabada u ololeeya .

Dilalka qorsheysan ee lala beegsanayo dadka waxtarka u ah bulshada iyo aqoonyahnada ayaa noqday kuwo kusoo noq-noqday magalada muqdisho iyadoo uu noqonayo nabadonkani kii labaad ee mudo hal bil gudaheed ay ku dilaan casimada muqdisho islamrkaana ay hore dabley hubaysani hore u qaarajiyeen nabadoon si weyn looga yaqaano guud ahaan dalka oo lagu magacabi jiray macalin haaruun macalin ciise .

Iskusoo wada duboo dilalkan qorsheysan ayaa lala xiriirinayaa amaan xumida ka taagan magalada muqdisho xili ay magalada ku sugan yihiin cutubyo ciidanka booliska oo ay weheliyaan cidamada ethiopianka islamrkaana u muqda kuwo ku guldaraystay inay hantaan amaanka caasimada oo noqday jaantaa rogan . 

Ciidamada Dowlada KMG Oo Kala Baxay Wadaad Tabliiq Ah Masajidka Khaalid-binu-waliid Ee Degmada Wardhiigley Ee Muqdisho.

Ciidamada dowlada KMG ah ee farisinkoodu yahay isgoyska aadan cadde ayaa kala baxay masajid ku yaala degmada wardhiigley ee magalada muqdisho nin ka tirsanaa culimo-udiinka tabliiqa islamrkaana lagu magacabi jiray sh.xasan dhajac .

Sida ay saxaafada u xaqiijiyeen mid kamida jameecada masajidka ku tukata oo lagu magacabo cabdilaahi macalin ayaa sheegay in ay gudaha usoo galeen afar askari oo ku hubaysnaa qoryaha AK_47-ka islamrkaana ay taxabteen sheekhaasi oo kamid ahaa culumo udiinka masajidkaas ku cibaadaysta .

Sh.xasan dhajac oo xiliga la qabtay ay ahayd afurka ka hor ayaan ilaa iyo iminka la ogayan halka ay geeyeen askarta kaxaysatay ninkas culumada ahaa iyo weliba sababta keentay xiritaanka sheekhan .

Maaha markii ugu horaysay ee culumada tabliiqa lagu qab-qabto goob masajid ah oo lagu cibadaysto xili laga joogo sadex bilood ayay ahayd markii ay ciidamada gobolka banadir oo uu horbodayo gudomiyaha gobolka banadir ay xabsiga dhigeen tiro kontomeeyo sheekh oo culumada tabliqa ah iyagoo kasoo qabtay gudaha masjidka ugu weyn ee al-hidaaya oo xarun ah jameecada tabliiqa oo ku yaala degmada huriwaa gaar ahaan xaafada waxara cadde .

yaasiin faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com


Innaalillaahi Wa Innaa Ileehi Raajicuun 

Waxaa Habeenkii Axadu soo geleysey Gurigiisa ku Geeriyoodey Sulddaan Cumar Saciid Sulddaan Fiqi X.Awiisa

Muqdisho[DMC]16 September2007. 

Ilaahey ha u naxariistee waxaa xaley gurigiisa ku geeriyoodey Suldddaanka guud ee Beelaha Tunni Sulddaan Cumar Saciid Sulddaan Fiqi X.Awiisa,kaas oo ku geeriyoodey gurigiisa oo ku yaalla magaalada Muqdisho,waxaana suladdaanka geeridiisa la ogeysiinayaa dhamaan salaaddiinta Beelaha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa  Digil Iyo Miriflle, iyo dhamaan ehelada suladdanka  oo ku dhaqan dalka iyo dibadda. 

Salddanadda suladdaanka ayaa waxay ka mid tahay saladdiinta ugu magaca weyn ee Beelaha Digil,taas oo taariiqiyan ahayd gogosha salaadiinta Beelaha digil sida ay noo sheegeen salaadiinta Beelaha Digil,waxana maqaalka kan xiga ku soo bandhigeynnaa sawirka iyo taariikh nololeedka Sulddaan Cumarsaciis Sulddaan Fiqi Xaaji Awiisa. 

Sullddanka ayaa waxaa lagu aasi doonaa magaalada Baraawe ee ku dhashey iyadoo meydkiisa laga qaadi doono magalada Muqdisho laguana galbin doono Baabuurro sida uu noo sheegey Guddoomiyaha Degmada Baraawe Cali Maxamuud Sheegoow (Cali Marduuf),waxaana hadda magaalada Baraawe ka socda qabanqaabo loogu diyaargaroobayo aaska Sulddanka.Ilaahey Ha u Naxariisto (Aammiin). 

Shabkadda Warbaahinta DMC Muqdisho
Aadan Cusman
Bokoola@hotmail.com


Wakiilka JWXO ee Qaarada Yurub Mudane Axmed Gurxan oo waraysi siiyey idaacada Radio France International(RFI).
 
Jaaliyadda Ogadenya ee Holland oo shir balaadhan isugu timid halkaasna kaga dhawaaqday urur samafal oo la yidhaahdo SORAN.
 
Wafti heer sare ah oo ka socda jaaliyada Ogadenya ee wadanka Jarmalka oo ka qayb galay shirkaas.
 
Gudoomiyaha JWXO Admiral Max,ed C.Cismaan oo khadka Telefon ka kaga qayb galay shirkaas.
 
Gudoomiyaha H/arimaha gudaha iyo Amniga ee JWXO N/Hure Cabdi Cabdullaahi oo shacabka Ogadenya uga digay khayaanooyinka u gumaysigu u maleegayo kuna booriyay inay sii laban laabaan taageerada ay uhayaan halganka.
 
Qodobadaas iyo kuwa kaloo badan ba waxaad ka dhagaysan kartaann iyagoo maqal ah Radio Xoriyo oo aad ka heli kartaan halkan: Radio Xoriyo
 

15 September 2007
Soosaare: C/nuur Sh. Maxamed

Sept 16, 2007

 

usaNin Soomaali ah oo Talaadadii lagu xiray Maraykanka "ma aha Argaggaxiso ee waxaa loo xiray arrin la xiriirta Daroogo..."

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com