SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

Baarlamaanka DFKMG oo qaban qaabinaya qorshe loogu yeerayo Madaxweyne Col/ C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geedi.

  • Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax: ".... $8-milayn oo doollar ayaa ku baxdey shirka dibuheshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ayaa la sheegey ee waa in meeshey ka baxdey laysweydiiyaa. waayo dadkii danyarta ahaa ayaa la dhacay, shir 45-casho socdey inay ku baxdo $8-milyan wax dhici kara ma ahan, Bajadkaasina Baarlamaanka lama keenin
     

  • Xildhibaan Xuseen Cadaawe Raage “ Shaqada aan wadno ma ahan shaqo sax ah ee waa 2.5-ka sababtoo ah Madaxweyanaha, Ra’iisul wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa isku ah, 2.5-ka, hawlaha ugu waaweyn Madaxweyanaha iyo Raysul Wasaaraha ayaa qaatey inta kale soo hartey Gudoomiayaha Baarlamaanka ayaa la siiyey”. 


Baydhabo (SomaliTalk.com, Sept 17, 2007): Kulan ay isugu yimaadeen Xubnaha Baarlamaanka, islamarkaana uu shir gudoominayey Prof.Maxamed Cumar Dhalxa oo ah ku xigeenka Gudoomiyaha Baarlamaanka, islamarkaana ah siihayaha Gudoomiyaha iyo Madaxweynaha oo ay soo xaadireen in ka badan 142 mudane ayaa ka dhacay hoolka shirarka Baarlamaanka DFKMG ee Magaalada Baydhabo.

Kulankaan uu shirgudoominayey kusimaha Gudoomiyaha Baarlamaanak Prof. Dhalxa ayaa waxaa ka soo qaybgaley Qusulka Safaarada Norwegian  Soomaaliya BRYNJULE MUGAAS oo Xaruntooda tahay Nairobi Keynya, oo xubnaha Baarlamaanka uga warbixiyey waxyaabihii dowlada Norwegian ugu deeqdey dowlada Soomaaliya.


Qunsulka Norwegian, BRYNJULE MUGAAS

Kulankaan oo ahaa mid markii dambe xubnaha Baarlamaanka ay dhax galeen Ajande aad xasaasi u ah oo looga doodayey Awood qaybsiga ayaa dood dheer kadib gunaanadkii waxaa laysku raacey in Gudi Aqoonyahano Baarlamaanka ah loo saaro, kaasoo ka soo talo bixinaya qaab dhismeedka Xukuumadda ee lagu soo heshiiyey nidaamka 4.5-ka inuu waafaqsan yahay iyo in kale.


fadhiga Gudoonka maamulka guud ahaantiisa

Xubnaha Baarlamaanka ee halkaasi ka Hadley oo tiradooda gaaraysay ilaa iyo 30 mudane ayaa intooda badan waxay eedo kulul u soo jeediyeen Madaxweynaha DFKMG Col/C/llaahi Yuusuf, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geedi, waxayna mas’uuliyiinta sare ku eedeeyeen in ay ku xadgudbeen Nidaamkii Awood qaybsiga ee Axdiga KMG. 

Mudanayaasha Hadley ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore wuxuu yiri “ Baarlamaanka FKMG 3-sano ayaa ka tirsanahay, waa markii iigu horeysay oo aan maskaxdeyda ka cabiro halkaan, marka laga hadlo nidaamka 4.5-ka, ma bedelikaraan Mas’uuliyiinta sar sare ee Dowlada, beel kasta waxay leedahay Hogaamiye, isagaana uga qaybgalaya shirarka caalamka, mar aan weydiiney aniga iyo Prof. dhalxa Nidaamka Awood qaybsiga Madaxweynuhu kol hore, markii uu Gudoomiyaha ahaa Shariif Xasan Sh.Aadan, wuxuu Madaxweynuhu inoogu jawaabey “waxaa idiin diidey Gudoomiyaha Baarlamaanka, markii aan hadalkaasi aanu nidhi, waxaan moodeyey inuu taabtey baan maleynayey Mas’uuliyiinta sare ee dowlada, laakiin ma dhicin”. 

Xidhibaan Macallin Jiis oo isna halkaasi ka Hadley waxaa uu yiri “in Madaxweynuhu uu magacaabo Gudoomiye Degmo, Taliye Qayb Dastuurka inooguma qorna, Xubnihii la magacaabey waxay awoodooda u adeegsadeen Shacabka Soomaaliyeed, waxaan hayaa 25 Qodob oo uu ku xadgudbey Madaxweynaha, hadii loo baahdo waa layweydiin karaa, waxaana jirtey mar uu Madaxweynaha nagala soo qaybgaley kulankaan oo kale waxaan isku dayey su’aal inaan weydiiyo, laakiin waa layga joojiyey laba bilood kadib ayaa laga shalaayey, aniga eeda oo dhan waxaan saarayaa madaxweynaha isagaana ka mas’uul ah in dastuurka lagu xad gudbo”. 

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax waxaa uu yiri “Sharciga waa lagu tuntey siyaasad ahaan, dhaqaalo ahaan wixii lagu heshiiyey waa la laaley, hadii Reer hebel laguugu dhaco yaad eersan doontaa, $8-milayn oo doollar ayaa ku baxdey shirka dibuheshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ayaa la sheegey ee waa in meeshey ka baxdey laysweydiiyaa, waayo dadkii danyarta ahaa ayaa la dhacay, shir 45-casho socdey inay ku baxdo $8-milyan wax dhici kara ma ahan, Bajadkaasina Baarlamaanka lama keenin, Beeluhuna markii ay is dheceen ayay isa sii dheceen iyaga dhexdooda, waa nala caburiyey ee wixii wax caburinaaya ha dhaco”. 


fadhiga Gudoonka maamulka guud ahaantiisa

Xildhibaan Xuseen Cadaawe Raage “ Shaqada aan wadno ma ahan shaqo sax ah ee waa 2.5-ka sababtoo ah Madaxweyanah, Ra’iisul wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa isku ah, 2.5-ka, hawlaha ugu waaweyn Madaxweyanah iyo Raysul Wasaaraha ayaa qaatey inta kale soo hartey Gudoomiayaha Baarlamaanka ayaa la siiyey”. 

Xildhibaan Sh.Jaamac Xaaji Xuseen oo isna markiisa halkaasi ka Hadley ayaa wuxuu yiri “Cadaalad deridii sidii ay u socotey waxay gaartey in xubno Xildhibaano ahaa xubin nimadooda looga saarey jago darted oo beesha shanaad ka tirsan, ay maanta Beelo kale iska qaatey waana cadaalad daro weyn”. 

Xildhibaanad Sareedo Maxamed C/lla oo iyadu marka aya hadleyso inta hadaladeeda u muuqda kuwo si gooni loogu halbeegsanayo wax qabadka iyo dhismaha Xukuumada ayaa tiri “ aniga wixii beri dhacayo ayaan ogahay ee arinta aan dhano dib u eegida Jaatarka ee halaga daayo Nidaamka Baawar sheerinka, wax Qusul la yiraahdo oo bixi kara ma jiro, Agaasimeyaasha dowlada dhismahooda waa in dib loogu noqdaa ayey tiri iyadoo si weyn ugu careysan sida dowladu ay wax u maamushey”. 

Xildhibaan Cali Cismaan Jidow ayaa isna doodiisa ku cabirey sidan “ Wasiirka Arimaha Gudaha wuxuu ku hawlan yahay inuu 60-Degmo ku soo kordhiyo dalka, taasina waxay dalka ku soo kordhinaysaa inay Abuurto Colaad hor leh, arintuna waxay ku soo aruurtey 3.0, waxaana dhicidoonta in la kala shiro, iyadoo loo kala shirayo 3-Beel iyo 2- Beel oo kale, 14-ka Bee lee beesha 5-naad hal beel ayaa wax la siiyey”. 

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Ceymooy oo ka dhawaajiyey hadalo miisaan leh ayaa wuxuu yiri “Baarlamaanku ma yahay mid Xukuumada la xisaabtami kara, $32Milyan ee doolar ee Sucuudiga inoogu deeqey ayaa loo celinayaa Boqor C/lla Bin Cabdull casiis, waxaana jira Afar Mooshin oo la furey mid kasta Go’aan ka gaaristiisa dadd baa lagu dhowrayaa, Gudoonka Baarlamaanku sharcigii buu ku tuntey”. 

Xildhibaan Xasan Macallin Xuseen oo ka mid ah Gudoonka Baarlamaanka ayaa markii ugu horeysay fikirkiisa ka dhiibtey intii aan ka qayb galayey shirarka Baarlamaanka wuxuuna yiri “ Xildhibaano waxaa jiridoonta Xildhibaano wareegto lagu bedelo, arinkaasna anagaa ka aamusney, ma jiro Qoraal uu Madaxweynaha loo gudbiyey oo dib loogu soo celiyey, waxaana ka mid ahay Gudoonka Baarlamaanka, tan kale Ra’iisul Wasaaraha uma yeeri karno Bar isaga ayey marti u yihiin, waxayna ka sugayaan Gaari ninkiisa uu joogo oo dhinac buusan ee Gudoomiye Baarlamaanka hadalkiisa waxaa uu u batey in Madaxweynaha loo yeero ee Cod geli” ayuu hadalkiisa ku soo koobey

 Gunaanadkii shira ayaa waxaa Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka uu Magacaabey Gudi uu ugu horeeyo Xildhibaan Sh.Jaamac X/Xuseen oo isagu hore u ahaa Gudoomiyaha gudiga Cadaalada Arimaha Baarlamaanka iyo xubno kale oo badan. 


14-ka gudi ee Baarlamaanka oo la shiraya Qunsulka Norwegian-ka.

Hase ahaatee marka laysku soo wada duubo hawlaha Baarlamaanka uu waday tan iyo Bishii Luuliyo ayaa waxaad moodaa kuwo u eg, Qawda maqashii waxna ha u qaban, hadalada Baarlamaanka ma soo dhaafaan hoolka iyo qaybaha Warbaahinta markaas laga maqlaayo, inkastoo Baarlamaanku aad moodo mararka qaar Ruux xanuunsanayey in mudo ah mararka qaar dadka qaraabadiisa ay ku soo didaan, kadib marka ay xaaladiisa wax iska bedesho, Baarlamaanka ayaa mararka qaar waa uu iska kacaa siduu u kacayna wax uma fuliyo, hawshiisa waxay ku soo kooban taa in Gudiyo loo magacaabo marka xaalada ay taagan tahay. 

Dhinaca kale waxaa maalinat Beri ah la filaayaa xubno ka socda dalallka Carabta oo fadhigoodu yahay dalka Kuwiet, kuwaasoo la kulmidoona Xubnaha Baarlamaanka, lama shaacin ujeeda booqasha xubnahaan.

Maxamed Macallin Cismaan{All-man}Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 17, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..


mutamar
Mutamarkii Minneapolis .... Ka akhri halkan.....


batroolQaybsigii Batroolka Soomaalida
Qoraalkii lataliyaasha shirkadaha KuwaitEnergy & MedcoEnergi ay  DFKMG magaalada Malindi ugu usoo bandhigeen June 12, 06, ee qaybsiga Batroolka Soomaalida, oo ku qoran:
PowerPoint ama PDF.

oil Xaqiiqada Dhabta ah ee ka dambaysa "Sharciga Batroolka Soomaaliyeed" Waa duudsin Khayraadka Shacabka Soomaaliyeed muddo 70-ka sano ee soo socota.. Waxaana la is weydiinayaa in Baarlamaanka DFKMG uu xeerkaas ansixin doono.... Akhri [Xog iyo warbixin]....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com