SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Dadkii Salaadda ka daba Tukanayay waxay dalbadeen in Imaamkani uusan mar dambe tujin, maxaa yeelay waa uu khiyaamay!!?

      Waa qiso la yaab leh oo ka dhacday Masjid lagu magacaabo (AL-Asyaax) ee ka tirsan Degmada Qasiim ee dalka Saudi Arabia, kaddib markii Imaam Masjidkaasi ka tujinayay Salaadda Taraawiixda uu Qur’aanka ka akhrinayay Taleefoonkiisa gacanta (Mobile-kiisa), halkii uu si caadi ah u akhrin lahaa.

      Dhacdadan ayaa lagu soo qoray Wargeyska “Al-Wadan” ee ka soo baxa dalka Saudi Arabia cadadkiisii shalay oo Talaado ahayd taariikhduna ku beegnayd 18/09/2007, iyadoo dadkii salaadda ku tukanayay Masjidkaasi ay arrintani ku baraarugeen wixii ka dambeeyay habeenkii 3-aad ee Bishan Barakeysan ee Ramadaan, iyagoo xusay in sababta ay arrintani ku dareemeen ay tahay dhaq-dhaqaaqii faraha badnaa ee uu samaynayay Imaamka oo mar walba gacanta la aadayay Jeebka.

      Arrintani ayaa markii la ogaaday kaddib waxa ay muran xooggan ka dhex dhalisay dadkii ku tukanayay Masjidkani oo qaarkood tilmaamay in Imaamkani uu khiyaamay, caqligoodana siray, isagoo isugu muujiyay in uu yahay nin Qur’aanka Xifdisan (حافظ القران) iyo sidoo kalena lagu murmay in arrintani uu ku kacay Imaamkani ay tahay mid bannaan iyo in kale.

      Dhinaca kale madaxa Masaajidka Xaafaddani Jaasir C/raxmaan Jaasir oo ka hadlayay arrintani ayaa waxa uu xaqiijiyay in Imaamkani uu Qur’aanka akhrintiisa u adeegsan jiray Taleefoonkiisa gacanta (Cell Phone-ka) inta lagu guda jiray Salaadda Taraawiixda, isla markaana Imaamkani uu ahaa nin Tabarucaad ahaan kaga noqday Imaam Masjidka, balse uusan ahayn Imaam ay soo xusheen Maamulka Masjidkani cusub oo dhismihiisa dhowaan la dhameeyay illaa iyo haatanna aan loo sameyn Imaam rasmi ah.

      Saudi Arabia oo ka mid ah dalalka sida weyn u isticmaala Taleefoonnada gacanta (Mobile Phones-ka) ee dunida ayaa dhinaca kale waxaan meesha ka marneyn saameynta Bulsho ee Mobile-kani ku dhex yeeshay shacabkani Carbeed, inkastoo taleefoonnadani ay fududeeyeen arrimo badan oo dhib laga mari lahaa haddii aan al adeegsan, waxaana mar walba dhibaatadiisa ka badan faa’iidada uu u leeyahay dhinaca isgaarsiinta.

W/T: Yaxye Yuusuf Khasaaro

e-mail addresses: yaxyekhasaaro@hotmail.com

                    yaxyekhasaaro@yahoo.com  

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 19, 2007

 

usaNin Soomaali ah oo Talaadadii lagu xiray Maraykanka "ma aha Argaggaxiso ee waxaa loo xiray arrin la xiriirta Daroogo..."

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com