SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Sept 25, 2007

  • Baarlamaanka DFKMG oo Hurdadii ka toosay, Kuna jira Orod aan horey looga baran

  • Sheekh Yuusuf Indha-Cadde oo loo magacaabay Xoghayaha Gaashaandhiga ee Isbahaysiga dib u xoreynta iyo dib u soo nooleynta Soomaaliyeed

  • Jendayi Frazer oo la filayo in ay timaado Baydhabo

  • Warbixin dheeraad ah oo dagaalkii ka dhacay Qabuuraha Barakaat

  • Labo ka tirsan ilaalada Dowladda Hoose oo shalay lagu dilay Suuq Bacaad

  • Dowladda Federaalka oo dooneysa in ay hubka ka uruuriso Mas’uuliyiinta Dowladda

  • C/llaalhi Yuusuf iyo Geedi oo Lagu wado in maaanta Baydhabo gaaraan

  • Odoyaasha Beelaha Hawiye oo Xubnaha Baarlamaanka kaga jira Hawiye u soo jeediyey in ay ka hadlayaan tacadiyo ay sheegeen in ay gaysteen ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya haddii kalse ay xilka iska casilaan


Baarlamaanka DFKMG oo Hurdadii ka toosay, Kuna jira Orod aan horey looga baran

Kulan ay isugu yimaadeen xubnaha Golaha Baarlamaanka oo maanta wajiyadooda laga dheehanayey kuwo dareeno kala duwan xambaarsan, islamarkaana ay soo xaadireen 148 mudane oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh.Aadan Maxamed Nuur {Sh.Aadan Madobe} oo maalin nimadii Axada ahayd dib ugu soo laabtey Magaalada Baydhabo oo hada Xarun u ah Baarlamaanka FKMG oo warbixin siiyey Golaha Baarlamaanka ayaa sheegey in uusan jirin Khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Geedi, balse uu jiro kala aragti duwanaasho xaga maamulka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarihiisa. 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh.Aadan Madoobe oo warbixin siiyey Golihiisa ayaa wuxuu yiri “markii aan kusoo laabanayey dalka waxaan galnay shirar kala duwan oo is daba jog ah oo aan kaga hadlaynay arimaha dalka, markaan kulanay seddaxdeena waxaan weydiiyey wax khilaaf oo soo kordhey miyaa jira, Madaxweynuhu wuxuu ii sheegay in khilaaf siyaasadeed uusan jirin balse uu jiro, xoogaa arimo xaga maamulka, markaan wada hadalnay waxaan kusoo heshiinay in Axdiga lawada ilaaliyo, qof kastana uu aamino dastuurka waxa uu siiyey, Hay’add kasta hawsheeda maamul in loo daayo ayaan isku Af-garanay, waxaana nasoo hoos galay xiritaankii Gudoomiyaha Maxkamada sare iyo Xilka qaadis Xeer ilaaliya, taasina aniga hoos uma dhex galin”

 

Gudoomiyaha wuxuu kale uu xusay in Gunooyinkii Baarlamaanka uu ka sugaayey uusan wadin, mana uusan sheegin sababo cad oo lagu waayikaro balse wuxuu baarlamaanka u sheegey in mudo badan uu sugaayey kadibna ay ku daahdey, wuxuuna xubnaha baarlamaanka ka codsadey in arimaha jira labo loo kala qaado, qaarkood in hawshooda hoos loo dhigo ayuu ku taliyey, halka kuwa kale uu ku sheegay in ay u baahan tahay in dood la geliyo, sidaas daraadeed wuxuu gudiyada baarlamaanka Gudoomiyeyaashooda ku amarey in kulan ay isugu yimaadaan maanta”.

 

Lakulanka gudoomiyayaasha Gudiyada Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in looga hadlo sida wax looga qaban karo arimaha isku maran ee Magaalada Muqdisho ka jiray maalmahaan oo u badnaa khilaafka mas’uuliyiinta sare ee DFKMG iyo xiritaanka Gudoomiyaha Maxkamada sare iyo waxyaabihii uu kula soo kulmay safarkiisa.

 

Hase ahaatee arimahaan dhacaya ayaa waxay u muuqdaan kuwo kicinaya mowjado Caro badan xambaarsan oo in mudo ah la abuurayey, kuwaasoo qaarkood ay dhasheenba,  halka kuwo kale oo ka daran ay u diyaarsan yihiin iyaguna in kaalintooda ay soo muuqato.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa waxaad moodaa wixii ka dabeeyey safarkii Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ku aaday dalka SAUDI ARABIA, kuwo ka soo toosaya Hurdo mudo dheer ay ku jireen, waxayna ku jiraan Orad aan hore looga baran, waxaana ruux kasta hurdada ka soo toosay, iyadoo wax waliba faraha ay ka sii baxayaan, laakiin lama oga halka ay oradkooda kusoo gebagebayndoonaan, waayo waxaan wali ka dhamaan haraagii hurdada dheeraa raadkiisa.

waxaan warkaani Baydhabo nooga soo diray wariyaheena Maxamed Macallin Cismaan {All-man}

Sheekh Yuusuf Indha-Cadde oo loo magacaabay Xoghayaha Gaashaandhiga ee Isbahaysiga dib u xoreynta iyo dib u soo nooleynta Soomaaliyeed

Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya lagu soo gebagabeeyey kal fadhi ay lahaayeen golaha dhexe ee isbahaysiga xoreynta iyo dib u soo nooleynta soomaaliya, waxaana gebagabadii lagu dhisay guddi hoosaadyo, sidoo kale waxaa lagu magacaabo ku xigeenada isbahaysigaasi.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa ku xigi doona labo gudoomiye ku xigeen oo kala ah, guddoomiye ku xigeenka koowaad Gen. Jaamac Max’ed Qaalib, Guddoomiye ku xigeenka labaad Sakariye Xaaji Maxamuud Cabdi, sidoo kale Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah guddoomiyaha golaha dhexe oo isagu u shaqeyn doono qaab baarlamaan ahaa waxaa ku xigi doona labo guddoomiye ku xigeen oo kala ah guddoomiye ku xigeenka koowaad Xuseen Caydiid kan labaadna C/raxmaan Faarax  Janaqow. Waxaa sidoo kale la magacaabay xoghayaasha isbahayisigaasi, waxaana xoghayaha gaashaandhiga loo magacaabay Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad (Indha Cadde), Xoghayaha arrimaha dibadda Yuusuf Ibraahim (Yuusuf Dheeg), Xoghayaha Warfaafinta Axmed Sheekh Cabdullaahi, Xoghayaha Xaquuq Isnaanka Fawziyo Max’ed Sheekh oo ah gabadha keliya ee ka mid noqotay guddiga fulinta ee Isbahaysigaasi.

Jendayi Frazer oo la filayo in ay timaado Baydhabo

Kaaliyaha xogyaha arrimaha Afrika ee Mareykanka J. Frazer ayaa la filayaa in soo gaarto Magaalada Baydhabo, waxaana la filayaa in halkaasi ay kulan gaar ah kula yeelato mas’uuliyiinta ugu sareeya Dowladda Federaalka sida Madaxweynaha.

Frazer ayaa Baydhabo u imaaneysa labo arrimood oo mid tahay sidii loo xalin lahaa khilaaf u dhexeeya madaxda sare ee Dowladda, sidoo kale waxaa  jirta in ay dooneyso sidii ay wax uga ogaan lahayd xaaladda Soomaaliya, maadaama maalinba maalinta ka dambeysa soo xoogeysanayaan weerarada lagu hayo ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, iyadoo dhawaan isbahaysi looga dhawaaqay Magaalada Asmara.

Maanta ayaa la filayaa in magaalada Baydhabo u ambabaxo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Cali Max’ed Geedi, sida aad ku arki doontid qodobada hoose ee warkan.

Warbixin dheeraad ah oo dagaalkii ka dhacay Qabuuraha Barakaat

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxa dagaal dhawaan ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan qabuuraha Barakaar halkaas oo ay saldhig ku lahaayeen ciidam ka tirsan Dowladda Federaalka.

Dagaalkaasi ayaa la sheegay in ciidamada Dowladda looga dilay ilaa iyo shan askari iyadoo dhowr kalana looga dhaawacay, sidoo kale gaari ayaa la sheegay in looga gubay sida ay noo sheegeen dadka deegaanka, isla markaana mid kale horey loo kaxeystay. Dadka deegaanka waxay kaloo noo sheegeen in la dilay taliyihii ciidamada ee xeradaasi, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in taliyaha uu ku dhintay dagaalka markii uu bilowday, hase yeeshee warar kale ayaa waxay sheegayaan taliyaha horey loo watay kadibna la dilay. 

Labo ka tirsan ilaalada Dowladda Hoose oo shalay lagu dilay Suuq Bacaad

Waxaa shalay Suuq Bacaad ee deegaanka Yaqshiid lagu dilay labo Askari oo ka tirsan ciidanka ilaalada deegaanka Gobalka Banaadir, waxaana la sheegay in dilkaasi ay gaysteen labo nin oo ku hubeysnaa bistoolado.

Ciidankaan oo suuq bacaad ka waday hawlo la xiriiray dhinaca canshuur uruurinta ayaa markii la dilaya waxaa dhacday in ganacsatadii ay suuqa ku kala cararaan, sidoo kalana waxaa la xiray dhamaan adeegyadii ganacsiga ee suuqaasi.

Habeen horey ayay ahayd markii suuqaasi lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka nabad sugida oo lagu magacaabi jiray  C/llaahi Odoxow, waxaana isna dilkiisa gaystay labo nin oo bistoolado ku hubeysnaa.

Dilalka ayaa ku soo badanaya Magaalada Muqdisho, waxaan suuqa Bakaaraha lagu dilay labo nin oo ilaa iyo haatan la garaneyn sababihii loo dilay, hase yeeshee mid  ayaa lagu waramay in laga soo bixiyay masjid, isla markaana banaanka lagu dilay deegaanka Buula Xuubay ayaa waxaa isna lagu dilay nin ku lahaa xarun isgaarsiineed.

Dilalkaan ayaa waxay keeneen in ay yaraadaan ganacsigii suuqyada Bakaaraha iyo Suuqa Bacaad, waxayna ku soo beegmeen xili lagu jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan

Dowladda Federaalka oo dooneysa in ay hubka ka uruuriso Mas’uuliyiinta Dowladda

Waxaa maalmahan isa soo taraya warar sheegaya in Dowladda Federaalka ay dooneyso in ay gebi ahaanba uruuriso hubka gacanta ugu jira mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda, Wasiirada iyo saraakiisha ciidamada.

Hub uruurinta ayaa waxaa la sheegay in ay gacan ka gaysan doonaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho. Ilaa iyo 150 tikniko ah ayaa la sheegay in ay gacamaha ugu jiraan xubnaha ka tirsan Dowladda Federaalka, taasina waxay keentay ay qalqal geliyaan ammaanka Magaalada Muqdisho, warar kale ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Milatariga ee ku sugan Magaalada Muqdisho dib looga saari doono Magaalada, waxaana kaalintooda lagu bedeli doonaa ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiyanka ah, hase yeeshee dad badan ayaa waxay tilmaamayaan in ay adkaan doonto in hubka laga qaado mas’uuliyiinta dowladda, maadaama ay bartilmaameed u yihiin kooxaha Dowladdaka soo horjeeda..

Saraakiisha Itoobiya ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay wadaan qorshayaal ay hubka kaga dhigayaan mas’uuliyiinta Dowladda iyo  waliba saraakiisha Dowladda, waxaana la sheegay in Ciidamada Itoobiya ee haysta hubka noocyadiisa kala duwan halka mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ay haystaan hub u dhigma kuwa Itoobiya, waxayna taasi walwal ku abuurtay ciidamada Itoobiya ee ku s ugan gudaha dalka Soomaaliya.

C/llaalhi Yuusuf iyo Geedi oo Lagu wado in maaanta Baydhabo gaaraan

Waxaa la filayaa in maanta ay Magaalada Baydhabo u ambabaxaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi, waxaana la sheegay  in ay u yeereen Golaha Baarlamaanka si loo dhameeyo khilaafka dhexdooda ka aloosan, hase yeeshee Guddoomiyaha Baarlamaanka oo shalay ka hadlayay kal fadhigii Baarlamaanka ayaa si kulul u beeniyey in uu khilaaf xoogani u dhexeeyo Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha, waxaase khilaaf in uu u dhexeeyo Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha xaqiijiyey gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Prof. Max’ed Cumar Dhalxa.

Dhanka kale Xildhibaanada baarlamaanka ayaa iyagu qaba in khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha uu keeni karo gacan ka hadal, inkastoo ilaa iyo haatan mas’uuliyiinta ugu sareysa aysan ka hadlin khilaafkaasi, sidoo kale xeer ilaaliyaha guud ee qaranka C/llaahi Daahir Barre ayaa waxa uu sheegay in uusan marnaba xilka ka qaadi Karin Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi isagoo ku tilmamaay xil ka qaadistii dhawaan lagu sameeyey mid aan waxba ka jirin.

Odoyaasha Beelaha Hawiye oo Xubnaha Baarlamaanka kaga jira Hawiye u soo jeediyey in ay ka hadlayaan tacadiyo ay sheegeen in ay gaysteen ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya haddii kalse ay xilka iska casilaan

Kulan ay shalay isugu yimaadeen Odoyasha Beelaha Hawiye ayaa waxaa looga hadlay xaaladda ka taagan dalka, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, waxayna Odoyaashu sheegeen in xildhibaanada Beelaha  Hawiye kaga jira Dowladda ay si dhaqsi ah isku casilaan, haddii kale ay ka hadlayaan Tacadiyada ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ku hayaan bulsha weynta Beelaha Hawiye.

Odoyaashu waxay soo bandhigeen tirokoob ku aadan khasaarihii ay gaysteen ciidamada  Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, iyagoo sheegay in ilaa iyo hadda ay weli sii socoto tacadiyadda ay gaysanayaan Ciidamadu.

Odoyaashu waxay sheegeen in dhibaatooyinkaasi ay isugu jiraan Dil, Dhac, Kufsi, Barakicin iyo kuwo kale, sidaa darteedna loo baahan yahay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga hadlaan xildhibaanada Beelaha Hawiye ee Baarlamaanka ku jira, kuwaas oo ay tilmaameen in ay yihiin kuwa iyagu mas’uulka ka ah shacabka Beelaha Hawiye.

Golaha Odoyaasha Beelaha ayaa iyagu waxay si weyn uga soo horjeedan Siyaasadda Dowladda Federaalka iyagoo horey u soo bandhigay warbixin la xiriira  tacadiyo ay sheegeen in ay gaysteen Ciidamada Dowladda iyo kuwa itoobiya.

Amiin Yuusuf Khasaaro.
amiinkhsaaro@yahoo.com  

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 25, 2007

Khilaaf soo kala dhex galay C/llaahi Yuusuf iyo Geedi
.Geedi “Dowladda Itoobiya waxay dhab ka tahay nadda..
.Xamar: Iska hor imaad xalay ka dhacay Qabuuraka Barakaat
.Dilal joogto ah oo ka socda Magaalada Muqdisho
.Yuusuf Daba-geed: G/Hiiraan hubku waa ka mamnuuc...
.DFKMG oo sheegtay in ay gacanta ku dhigeen hub...
.U.N. oo sheegtay in Muqdisho haatanay nabad tahay
.Ahmedou Ould Abdallah “DF waxay noo sheegtay in ay..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Sept 24

xareedSu’aalihii Baarlamaanku weydiiyey wasiirka Wasaaradda dalxiiska iyo duurjoogta Cali Xareed: Waxaa ka mid ahaa: “Waxaan maqalney in dowladii TNG-da ay dowlada Liibiya la gashay heshiis ay deyn uga qaadatay lacag dhan $7.5Milyan..”... Akhri Jawaabaha

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qarax shalay ka dhacay xaafadda KPP ee degmada Hodan
.Sarkaal ka tirsan nabad sugida oo lagu dilay Muqdisho
.John Yates oo sheegay in xiligaan uusan tagi Karin Muqdisho
.Maamulka Somaliland oo ka carooday ciidamo Itoobiyaan oo..
.Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey Axmadow C/lahi oo..
.Xukuumadda Geedi oo sharci daro ku tilmaantay xariga loo..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Sept 23

Wasiirkii ugu horeeyey Baarlamaanka uu u hambalyeeyo oo noqdey wasiirka Dalxiiska iyo Duurjoogta
Xildhibaan Faarax Ismaaciil “xariga Gudoomiyaha Maxkamada sare ee DFKMG iyo Xaakim Sheegow wuxuu xad gudub..

Waraysi: Ma Dhabaa In Somali-land iyo Puntland Ay Isku RaacsanYihiin In Xuduudkoodu  Yahay Adhicadeeye.

Banaanbixii Jaaliyadda Ogaadeenya ee Switzerland 20ka September 2007

Ergada reer Puntland ee ka qayb galay Shirkii Casmara waa ku soo noqon doonaan Puntland

baydhaboBaarlamaanka DFKMG oo qaban qaabinaya qorshe loogu yeerayo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha DFKMG
Xildhibaan Maxamed Qanyare: "shir 45-casho socdey inay ku baxdo $8-milyan wax dhici kara ma ahan..." Akhri...

plAfhayeenka Madaxweyne-xigeenka Puntland oo Shaqaaqooyinka Laascaanood ku eedeeyey inuu ka danbeeyo Xaabsade.... Akhri

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Qamar Cali
"waxaana jira oo la keeni doonaa 40-Konteenar oo isugu jira Daawo iyo Qalab Caafimaad oo yaala dalka".. Akhri...

Dagaal Culus Oo Isniintii ka dhacay Magaalada Marka
iyo Xildhibaan Qanyare Oo Sheegay Inay Sharcigii Awood Qayabsiga Ku Tunteen Masuuliyiinta Dowlada Ugu Saraysa..

  usaNin Soomaali ah oo Talaadadii lagu xiray Maraykanka "ma aha Argaggaxiso ee waxaa loo xiray arrin la xiriirta Daroogo..."

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com