SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararka: Sept 27, 2007

  • Barakac baahsan oo ka bilowday mar kale Muqdisho

  • Ilaa 6-qof oo shalay lagu dilay Magaalada Muqdisho

  • Wasiirka Arrimaha Dibadd Itoobiya oo ku soo fool leh Magaalada Muqdisho

  • Prof. Max’ed Axmed Gandi oo iska casilay guddoomiyenimada Hay’adda Tubta Nabadda

  • Dadka soo barakacay ee ku sugan Ex-Baar Xaraf... 

  • Bulshada Rayidka oo sheegtay in aysan indha ka fiirsan doonin waxa Muqdisho ka dhacay

  • Ciidamada Dowladda FKMG oo soo bandhigay ay Gaari ay sheegeen in hub lagu qarinayey

  • Hay’adda SWACRO oo raashin gaarsiisay….

  • Hawlgal Hub Aruurin oo ka bilaaban doona goobo kala duwan


Barakac baahsan oo ka bilowday mar kale Muqdisho

Maalintii labaad ayaa dad fara badan waxay ka qaxayaan deegaano u dhexeeya isbitaalka Carafaat ilaa Qabuuraha Barakaat, halkaas oo la sheegay in ay degan yihiin Boqolaal kun oo qoysas ah.

Dadkaan ayaa waxaa la sheegay in ay barakacinayaan ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo sheegay in ciddii ay ugu yimaadaan ay dhibato la kulmi doonaan, waxaana shalay la arkayey gawaari fara badan oo ay dadkaasi ku qaxayeen, waxayna dadka qaarkii waayeen wax ay ku qaxaan, maadaama ay ahaayeen kuwo ku noolaa nolol maalmeed.

Taliska Ciidanka Booliiska ayaa waxa uu sheegay in uusan waxba ka ogeyn barakaca baahsan ay Ciidamada Dowladda Federaalka kula kacayaan bulshada ku nool deegaano ka tirsan magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay Taliska Ciidanka Booliiska in Bulshada looga baahan yahay inay guryahooda ku nagaadaan.

Boqolaal iskuulo iyo jaamaco isugu jira oo ay ugu horeyso Jaamacadda Muqdisho ayaa maalintii labaad albaabadu u laahan yihiin kadib markii ay saameyn ay ku yeelatay hawlgalada ay ciidamada Dowladda ka wadaan deeganadaasi.

Ilaa 6-qof oo shalay lagu dilay Magaalada Muqdisho

Ilaa iyo 6-qof ayaa shalay lagu dilay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan suuqa Bakaaraha, waxaana dilkaasi gaystay kooxo aan la garaneyn oo ku hubeysnaa Bistoolado.

Shan ka mid ah dadkaasi waxaa lagu dilay Suuqa Bakaaraha oo uu ku jiray wiil dhallinyaro ahaa oo si weyn looga yaqaanay deegaanka Cali Kamiin oo lagu magacaabi jiray Sugaal Max’ed Diiriye, waxaana dilkiisa ka xumaaday dadweynaha deegaanka Cali Kamiin.

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa isna cambaareeyey dilka loo gaystay Guddoomiyihii Degmada Heliwaa Xuseen Xasan Absuge kadib markii habeen hore ay soo weerareen kooxaha ka soo horjeeda ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, gaar ahaan mar uu ku sugnaa saldhiga degmada Heliwaa, waxayna maamulka Gobalka Banaadir dilkaasi ku tilmaameen mid ka baxsan bini’aadannimada.

Waa guddoomiyihii seddexaad ee laga dilo degmada Heliwaa, iyadoo Guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir ay bartilmaameed u noqdeen kooxaha ka soo horejeeda maamulka Dowladda Federaalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadd Itoobiya oo ku soo fool leh Magaalada Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Siyum Musfin ayaa la filayaa in uu soo gaaro Magaalada Muqdisho si uu gacan gaysto dhex-dhexaadinta Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo waayadan khilaaf u dhexeeyey. Labada mas’uul oo iyagu gacansaar weyn la leh Dowladda Itoobiya ayaa la filayaa in Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya uu soo afjaro khilaafkaasi. Sanadkii hore dabayaaqadiisii ayay ahayd markii wasiirka Arrimaba Dibadda Itoobiya uu soo gebangabeeyey khilaaf u dhexeyey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed. Khilaafkaas ayaa waxa uu ahaa mid ku saabsanaa maamulka, hase yeeshee khilaafka haatan u dhexeeya waa uu ka duwan kii hore, waayo madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha waxay isku haystaan arrimo ay ka mid yihiin heshiiska shirkaddaha baara shidaalka, lacago laga keenay wadanka sucuudi carabiya iyo xil ka qaadistii xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo xarigii Guddoomiyaha Maxkamadda sare. Kulanka uu wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya la qaadanayo mas’uuliyiinta sare ee Dowladd Federaalka ayaa lagu waday in uu ka dhaco Magalada Baydhabo, hase yeeshee kulankaasi ayaa loo soo wareejiyey Magaalada Muqdisho. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo la filayey inuu ambabaxo Magaalada New York ee Cariga Mareykanka ayaa dib uga dhacay si uu uga qaybgalo kulan madaxeedka wadamada Caalamka arrimo la xiriira khilaafkaan, waxaana la filayaa in marka la dhameeyo khilaafkaan uu Madaxweynuhu u ambabaxo dalka Mareykanka.

Prof. Max’ed Axmed Gandi oo iska casilay guddoomiyenimada Hay’adda Tubta Nabadda

Prof Max’ed Axmed Gandi oo madax ka ahaa Hay’adda tubta Nabadda ayaa iska casilay xilkaasi, sida uu noo xaqiijiyey Muadane Axmed Diini oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Hay’addaasi.

Mudane waxa uu sheegay in mar hore uu iska casilay xilkaasi arrimo la xiriira hawlo siyaasadeed oo uu Diini sheegay in uu galay Barafasoorka.

Diini waxa uu sheegay in xilka uu sii hayn doono guddoomiye ku xigeenkii Hay’addaasi.

Prof. Gaandi waxa uu ka mid ahaa xubnihii ka qaybgalay Isbahaysigii xoreyna Soomaaliya ee dhawaan lagu soo gebagabeyey dalka Ereteriya.

Bulshada rayidka ayaa si weyn u soo dhaweysay is casilaadaasi, hase yeeshee Diini ma uusan soo bandhigi qoraal ku saabsan is casilaada Prof Gaandi.

Dadka soo barakacay ee ku sugan Ex-Baar Xaraf...

Dadkaan oo u badan carruur iyo haween ayaa waxay socod ay cabashadooda ku muujinayaan ku mareen wadada isku xirta Tareedishe ilaa iyo siinka Dheere ee Afgooye, kuwaas oo ka cabanaya xaaladaha nololeed ee ay ku sugan yihiin.

Dadkaan oo markaan labaad ku barakacay dalka gudihiisa ayaa waxay markii hore waxay ka soo barakaceen gobalada Jubooyinka dufuuro halkaasi ka jira awgeed, kuwaas oo soo gaaray Magaalada Muqdisho oo ay mar kale dib uga barakaceen  dagaalo ku qabsaday, waxayna deegaano cusub ka sameysteen Ex, Baar Xaraf ee duleedka Magalada Muqdisho.

Gudoomiye ku xigeenada xeradaasi Sheekh Max’ed Murjaan Kamaara oo dibad baxaasi kadib wargeyska Ayaamha u waramayey ayaa sheegay in ay ka dibad baxayaan dhibaatooyin la soo gudboonaaday xeradooda sida Hoy la’aan, Cunto la’aan, daryeel la’aan, isagoo intaasi ku daray in haatan xerada ka jirto xaalad biyo la’aaneeda iyo cudurada shubanka iyo maleeriyada, waxa uuna ka cosaday Beesha Caalamka iyo Ururada Samafalka ee Gudaha wadanka ka dhisan in dadkaasi lala soo gaaro Daawo cunto iyo hoy. 

Bulshada Rayidka oo sheegtay in aysan indha ka fiirsan doonin waxa Muqdisho ka dhacay

Doodaan oo socon doonta mudo labo maalmood ah ayaa waxaa ka qaybglaya qaybaha kala duwan ee Bulshada rayidka ah, waxaana shalay si aad ah looga dooday arrimaha nabadgelyada dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho, waxayna ka qaybgalayaashu sheegtay in aysan indhaha ka qabsan Karin waxa ka dhaca Magaalada Muqdisho.

“Dooni meyno xukun lagu raadinayo dhiig iyo mid lagu ilaalinayo” ayay tiri Madiino Maxamuud Cabdi (Madiino Janaraal) oo sheegtay in bulshada rayidka ah ay ka gaabiyeen in ay wax u qabtaan bulshadooda.

Xubnihii kale ee halkasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Xuseen Siyaad (Qoor Gaab) oo isna halkaasi ku soo bandhigay tirokoob sheegaya in dad gaaryaa Hal Milyan ay ku barakaceen dagaalada iyo iska hor imaadyad ka socda Magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay in dhibaatada looga bixi karo iyadoo labada dhinac ay wada hadal gaaraan.

Waxaa kale oo ka mid ah dadkii halkaasi ka hadlay AVV Sakariye oo sheegay in waxa la isku haysto yihiin siyaasad loona baahan yahay in arrintaasi xal laga gaaro.

Xubnihii kale ee iyana halkaasi ka hadlay waxa ka mid ahaa Maryan Xuween Awreeye oo iyana sheegtay in Bulshad rayidka looga baahan yahay sidii ay u badbaadin lahaayeen Bulshadooda, sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Mudane Gacal oo sheegay in Ummadda Soomaaliyeed xiligaani ay u tahay middii ugu adkeed, waxa uuna soo jeediyey in Bulshada rayidka looga baahan yahay in gacan ka gaystaan xal u helida arrintaasi.

Doodaan oo uu xiriirinayey Eng. Max’ed Cilmi Guure ayaa waxaa la filayaa in maanta mar kale dib la isugu soo laabto.

Ciidamada Dowladda FKMG oo soo bandhigay ay Gaari ay sheegeen in hub lagu qarinayey

Taliska ciidanka Booliiska ayaa shalay xaruntiisa ku soo bandhigay Gaari Mark II oo la sheegay in ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa, waxa uuna talisku sheegay in lagu soo qabtay hawgal ay sameeyeen ciidamada Booliiiska.

Gaarigaasi oo laga soo qabtay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, ayaa waxay ciidanka Booliisku sheegeen in ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa, hase yeeshee taliska ciidanka Booliiska ma sheegin in lagu soo qabtay raggii watay.

Gaarigaan oo loo soo bandhigay Saxaafadda ayaa waxay mas’uuliyiinta taliska ciidanku sheegeen in uusan aheyn gaarigii ugu horeeyey oo ay ku soo qabteen hawlgal ciidan, hase yeeshee waxaa weli socda qaraxyada iyo weerarada lagu hayo xarumaha Dowladda Federaalka, iyadoo qaraxyadii ugu dambeeyeyna ka dhaceen agagaarka Suuqa Bakaaraha oo ay ku dhinteen dhowr qofood oo ay ku jireen ciidanka Booliiska.

Hay’adda SWACRO oo raashin gaarsiisay….

Hay’adda SWACRO (Somali Women and Children Rescue Organization) ayaa deeq raashin gaarsiisay dadweynaha Soomaaliyeed ee ku barakacay dagaalada ee ku sugan magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow dhow.

Wakiilka SWACRO ee Soomaaliya Yaasmiin Mayow ayaa waxa ay sheegtay in raashinkaasi ay ugu talagashay Hay’addu dadka ku dhibaateysan duleedka Magaalada Muqdisho kana barakacay dagaalada, waxay kaloo sheegtay in raashinkaasi uu ku soo beegmay xili lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Mayow waxay sheegtay in aysan ahayn markii ugu horeysay oo ay Hay’addu raashin deeq ah gaarsiiso dadka ku barakacay dagaalada.

Dhawaan ayay ahayd markii Hay’adda SWACRO ay deeq raashin gaarsiisay dad ku jira xero qaxooti oo ku taala degmada Afgooye.

Hay’addaan oo qaabilsan dhinaca Haweenka iyo Carruurta ayaa waxay dhawaan sidoo kale dugsiyo lagu barto Qur’aana Kariimka ka furtay deegaano ka tirsan Magaalada Muqdisho. Hay’addaan oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ayaa mas’uuliyiinteeda waxa ay noo sheegeen in Hay’addaani deeqo kala duwan gaarsiin doonto dhamaan gobalada dalka.

amiin khasaaro
amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 27, 2007


Hawlgal Hub Aruurin oo ka bilaaban doona goobo kala duwan

Sept 26, 2007: Iyadoo maalintii labaad uusan Baarlamaanka FKMG uu san kulmin islamarkaana Gudoomiyayaasha Gudiyada hoose iyo Gudoonka Baarlamaanka mudo laba maalmaad kulan gaar ah uga socdey Magaalada baydhabo, ayaa kulan ay maaanta isugu yimaadeen laga soo saarey talooyin aan wali la shaacin, balse lagu wado in 27/09/2007 oo kulanka Baarlamaanka dhicidoona lagu soo bandhigidoono, Talooyinkaan ayaa waxaad moodaa kuwo si aad ah loo adkeeyey in aysan ogaan dadka wararka u dhuun daloola. 

Dhinaca kale waxaa maalintii Afraad Magaalada Baydhabo ka socda Siminaar ay ka faa’iideysanayaan Qaybaha Talisyada Booliiska Gobolada iyo Degmooyinka Baay, Bakool, Geddo iyo Jubbada dhexe oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, islamarkaana ay maalgelisay Hay’adda UNDP, sida aan ka soo xiganay qaar ka mid ah Saraakiisha ka qaybgalaysay, inkastoo aysan ii sheegin ujeeddada siminaarka iyo tirade ka faa’iideysanaysa. 

Sidoo kale warar hoose oo aan helney waxay sheegayaan in loo yeerey xisaabiha guud ee DFKMG iyo Hanti dhowrka guud, si ay u baaraan kiiska dhaqaalo ee loo haysto Gudoomiyaha Maxkamadda sare iyo Garsooraha la xiran oo maalmihii ugu dambeeyey ka dhashay Qaraxyo isasaaran oo aan wali guntooda la helin. 

Warar isasoo taraya waxay sheegayaan in dalka ay ku soo fool leeyihiin Ciidamo Maraykan ah oo qaybihii ugu horeeyey oo googol xaar ah la sheegey in ay ku soo degeen Garoonka Balidoogle ee Gobolka Sh/hoose, waxaa kaloo la hadal hayaa in Kaaliyaha Xog-hayaha Arimaha Dibadda Maraykanka  dhinca Afrika ay safar  ku timaado Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Baydhabo, inkastoo si rasmi ah aan loo shaacin imaashiyaheeda iyo ujeedada safarkeeda 

Warar hoose oo aan helney waxay sheegaynaan in Ciidamadda Ethobia ee ku sugan Soomaaliya iyo kuwa dowlada FKMG oo  maalmaha soo socda ay hawlgal balaaran oo hub aruurin ah ka bilaabidoonaan goobaha ay ku sugan yihiin, kadib marka ay hawshooda soo gebagebeeyaana la sheegay in ciidamada Ethobia dalka ay dib uga guran doonaan, islamarkaana kaalintooda ay buuxin doonaan Ciidamada Maraykanka iyo kuwo kale oo aan wali la carabaabin, warku wuxuu intaa ku darayaa in Isbahaysiga lagu soo dhisay Asmara ay dalka dib ugu soo laaban doonaan marka ay ciidamada Ethobia ka baxaan dalka. 

Maxamed Macallin Csimaan{All-man}Somalitalk Baydhabo.

fatxumaalik@hotmail.com

 

Khilaafka C/laahi Yuusuf iyo Geedi oo ku salaysan arrimaha batroolka, lacago laga soo qaaday sucuudiga
.Qaraxyo shalay ka dhacay Muqdisho...
.Odoyaal iyo Siyaasiyiin ka tirsan Beesha Mudulood oo kulan..
.Kulan dhex maray C/llaahi Yuusuf  iyo Cali Max’ed Geedi..
.Dowladda Federaalka oo hub ka dhigis isku sameyneysa..
.Dad ku dhintay Gaari tacshiirad ay huwiyeen kooxo dabley
.Waa in laga guuro int au dhaxaysa Carafaat iyo Qabuuraha..
.Weriye Xuseen Xasan Dhaqane oo xiran maalintii 3aad...
.Hay’adda SWACRO oo raashin gaarsiisay dadkii ka barakacay
. Qoraal u baaqaya maamulka Gobolka Sool ee P/L oo ay..
.
Dagaallo badan oo lagu jabiyey cadowga....
Wararkii Sept 26, 2007 halkan ka akhri....

Weerarada Xiliga Habeenkii Ah Ka Dhaca Magaalada Muqdisho Oo Wel-Wel Ba,an Ku Haya Shacabka. 

Su’aalihii Baarlamaanku weydiiyey wasiirka Wasaaradda dalxiiska iyo duurjoogta Cali Xareed
xareedWaxaa ka mid ahaa: “Waxaan maqalney in dowladii TNG-da ay dowlada Liibiya la gashay heshiis ay deyn uga qaadatay lacag dhan $7.5Milyan..”... Akhri Jawaabaha

 

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com