SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dariiqa Toosan 1/4

Bilaal hargeisaawi
Bilaal_1985@hotmail.com 
Qaybtii: 4aad  

3.   Fahamka guud ee siyaasada sharciga ah ee islaamka.

Waxaynu kazoo gudubnay dhawr qormo oo u badnaa iftiimin ku saabsan dhanka doodii uu ku baaqay walaalkeen c/raxmaan warsame, waxaynu hada u gali doonaa rukunka u wayn ee khilaafka oo ahaa fahamka  siyaasada sharciga ah ee muslimiinta, iyo sidoo kale ilaha laga qaato xukunka muslimiinta.

Siyaasada sharciga ah ee islaamku ama muslimiintu waa sidii ay madaxda muslimiintu u maamuli lahyd arimaha guud iyo kuwa gaar ahaaneed ee hay’adaha dawlada islaamka, maamulidaas oo umada u keenaysa ama usoo jiidaysa wanaaga ku dhaqanka diintooda iyo manfacadooda aduunyo kana hortagaysa wixii dhibaato ah ee soo gaadhaya diintooda iyo aduunyadooda.

Ilaha Siyasada muslimiinta.

1.    Kitaabka allaaah.

2.    Sunada Rasuulka.

Si aynu si aynu faham guud uga qaadano siyaasada sharciga ah ee muslimiinta waxaa muhim ah in aynu fahamno laba masalo.

1.    Masalo daliil iyo xujo cad ku leh kitaabka ama sunada amaba labadoodaba.

2.    Masalo aanuu si khaasa u cadayn kitaabka iyo sunadu.

·      Masalo daliil iyo xujo cad ku leh kitaabka ama sunada amaba labadoodaba.

Si markaas ruuxu u fahmo masaladan waxaa lagama maarmaan ah qodobadan:

1.      In faham dheeraad ah loo lahaado nusuusta sharciga ah, oo la garanaayo waxa ay nusuustaasi ina tusinayso ama loola jeedo, oo la fahmo shuruuda ku xidhan in xukun la fuliyo, iyo sidoo kale in la fahmo hadii ay jiraan waxyaalo diidaya in xukun la fuliyo si aan loofulin,

2.      In lakala saaro nusuusta ku timid sharciyaynta guud ee koobsanaysa waqti kasta iyo meel kasta oo la joogo, waana sida uu yahay asalka nusuustu, iyo nusuusta ku timid xukun ku cilaysan cilad jirta, ama ku kooban sifo uu khaas la yahay, ama kutimid dhaqan jiray markii ay nusuustani imanaysay.

Qodobka koowaad waxaa loo yaqaanaa sharaa’icda kuliga ah, een isla badbadalin isbedelka waqtiga. Masalada labaadna waa siyaasadaha jus’iga ah ee maslaxad la socda waanay isla bedelaan waqtiga iyo hadba meesha la joogo.

Tusaalooyinka inoo cadaynaya qodobka labaad waxaa ka mid ah joojintii uu joojiyay cumar ibnu khatab alle haka raali noqdee qaybtii ama qorigii ama sahmigii uu siin jiray qolooyinkii loo yaqaanay kuwa qalbigooda la kasbanaayo (almu’alafatu fii quluubihim), kadib markii ay ka baxday meesha sababtii keentay in la siiyo qaybtaas.

·      Masalo aanuu si khaasa u cadayn kitaabka iyo sunadu.

Fahamka lagu fahmayo masaladani ama dariiqa lagu xalinayo ee lagu furdaaminayaa waa waxa ay culimada usuuliyiintu u yaqaanaan ijtihaadka kaas oo ay u jeedadiisu tahay in maslaxad iyo wanaag lagu gaadho, dhib iyo mafsadana lagaga fogaado, ijtihaadkuna maaha uun in aad ansixiso wixii kuula muuqda wanaag ama aad mamnuucdo wixii kuula muuqda xumaan, ee waa in ijtihaadku uu noqdaa mid sharci ah oo leh dawaabidii ijtihaadka oo ay ka mid yihiin:

1.      In ijtihaadkaasi uu keenayo maslaxad, fogaynayana mafsado iyadoo lagu dhisayo ujeedooyinka shareeca, ijtihaad kasta oo ka hor imanaya ujeedooyinka shareecada amaba ka hor imanaya qayb ka mida ujeedooyinka shareecadu waa baadil, wallow dadku haba u arkaan in arinkaasi uu maslaxad keenayo ama uu mafsado ka joojinayee.

2.      In aanuu ijtihaadkaasi ka hor imanayn daliil cad, waayo maslaxadi kuma jirto in daliil cad la khilaafo, marka hore qofku haba is tuso inay maslaxadi ku jirtee.

Hadii aynu doonayno in aynu siyaasadaa sharciga ah hada dhaqan galinana waa mid la dhaqan galaysa umana baahnin in cid kale siyasadeeda aynu soo guurino, waxaynu u baahanahay casrigan marka la helo dawlad islaama ka badci in la aasaaso hay’ado ama wasarado sharciyeed oo fuliya axkaamta, maamulana shu’uunta umada, aasaasidaas oo waafaqsan ujeedooyinka ama maqaasida shareecadu la timid, iyo sidoo kale iyadoon khilaafayn nusuusta ama adilada sharciga ah ee cadcad, waana sidaas siyasada sharciga ahi.

Sidoo kale waxaa iman kara in lagu ijtihaado masaail ka mid ah siyaasada sharciga ah ijtihaadyadaas oo isugu jira ijtihaadyo cusub iyadoo la eegayo isbadalka waqtiga ku yimid, ijtihaadyadaas oo umada usoo jiida faaiidooyin aduunyo iyo qaar aakhiroba, waayo waqtigan aynu hada marayno waxaa aad inoo dhex galay afkaar iyo siyaasado khaldan oo inooga yimid umado kale iyo qawaaniin ay shakhsiyaad dhigeen, taas oo aan aduunyana laga faaiidin aakhirona lagu seegay.

Sidoo kale waxaa iman kara ijtihaadaad badalaya ama meesha ka saaraya ijtihaadaad hore oo aan waqtigan la jaanqaadi Karin, ama aanay hada wax maslaxadi ku jirin in la qaato dhibna aan fogaynayn. Ama ijtihaadaadkan cusubi ay aad uga maslaxo iyo wanaag badan yihiin kuwii horre.

Waxyaalaha ay siyaasada islaamku dheertahay siyaasadaha kale waa in ay tahay siyaasad ku dhisan akhlaaq iyo xeerar aan la dhaafi Karin oo samaawi ah.

C/raxmaan ayaa waxaa ka mid ahaa maqaalkiisii bayaankii shabaabka: aayaha umada iyo islaamiyiinta, hadalkan:  "waxaan shaki ku jirin in maanta ay muslimiinta (Muslimiintu) uwada marti uga noqonayaan umadaha kale sida sida doorashadda loo sameeyo, sida loo xadeeyo loolanna xisaabtamo hay’adaha dawladda, sida ay shaqaynayaan iyaga qudhoodda, sida maamulka iyo maaraynta loo jideeyo, sida maalka iyo dhaqaalaha loo maamulo, sida horumarka, tacliinta, cilmibaarista loo qaabaadhigo, sida tayadda iyo waxqabadka adeega guud loo koontaroolo, sida ciidanka , booliska, taraafikadda loo agaasimo, sida canshuurta, zakadda, samafalka loo maareeyo, sida  kaabayaasha dhaqaalaha loo taago, sida maalgashiga iyo xiriirka dawliga loo maamulo, diblomaasiyadda iyo danaha isku dhexmilgan ee dunidda loo kala furdaamiyo, sida,,, sida,, sida. Waxaa suuragal ahayn in iyadoo baahidaas cilmi ee aan soo sheegnay Muslimiinta ay yihiin kuwa ugu khibaraada yar dunidda aan joogno la yiraahdo culimadda keli ah ha loo daayo"

Ilaahaybaa ceeb ka nasahan.

Wuxuu yidhi allaah: « Maantaan idiin dhamaystiray diintiinii » surat maidah ayah 4, Maxay diintu ku dhamaystirantahay hadii ay inaga dhimantahay sida loo xadeeyo loolanna xisaabtamo hay’adaha dawladda?, Maxay diintu ku dhamaystirantahay hadii ay inaga dhimantahay sida maamulka iyo maaraynta loo jideeyaa?, Maxay diintu ku dhamaystirantahay hadii ay inaga dhimantahay sida maalka iyo dhaqaalaha loo maamulaa?, Maxay diintu ku dhamaystirantahay hadii ay inaga dhimantahay sida horumarka, tacliinta, cilmibaarista loo qaabaadhigaa?, Maxay diintu ku dhamaystirantahay hadii ay inaga dhimantahay sida tayada iyo waxqabadka adeega guud loo koontaroolaa?, Maxay diintu ku dhamaystirantahay hadii ay inaga dhimantahay sida ciidanka , booliska, taraafikadda loo agaasimaa?, Maxay diintu ku dhamaystirantahay hadii ay inaga dhimantahay sida canshuurta, zakadda, samafalka loo maareeyaa?, Maxay diintu ku dhamaystirantahay hadii ay inaga dhimantahay sida  kaabayaasha dhaqaalaha loo taagaa?, Maxay diintu ku dhamaystirantahay hadii ay inaga dhimantahay sida maalgashiga iyo xiriirka dawliga loo maamulaa?, Maxay diintu ku dhamaystirantahay hadii ay inaga dhimantahay sida diblomaasiyadda iyo danaha isku dhexmilgan ee dunidda loo kala furdaamiyaa, waa suaalo u baahan jawaab.

Dhamaan qodobadaa uu sheegay walaalkeen c/raxmaan ee uu ku sheegay in aynu umadaha kale martida uga nahay waxaan leenahay waa waxyaalaha ay inaga martida inooga yihiin umadaha kale.

C/raxmaan miyaad ogayn arimahan aad sheegtay oo dhan, in uu islaamku u maamulay si aad uga heersaraysa sida aad hada doonayso in aynu umadaha kale ugaga soo qaadano, waxaan isku deyey oo uu shaydaanku igu riixi gaadhay in aan ku gaadhsiiyo ilaa heer aad tahay mid loosoo diray si uu umada xadaaradeeda u aaso, oo uu ugu badalo xadaaradaha shayaadiinta, laakiin waxaan hadalkaaga ka dhadhansaday in aad axkaamtaas iyo aragtidaa ah: in aynu umado kale marti uga noqono nidaam siyaasadeedkeena ay ka dhalatay waaqica ay manta umada islaamka ahi marayso ee duliga iyo daciifnimada ah, c/raxmaan waxaa laga yaabaa in aad dhalatay iyada oo dunida ay laba quwadood oo gaalo ahi u taliyaan waa midowgii soofiyeetka iyo maraykankee, waxaa laga yaabaa in aad garaadaysatay iyadoo dawladihii guumaysigu ay dhulkeena ka sameeyeen dawlado u daba dhilifyo ah, taas oo sababtay in la aaso xukunkii islaamka, sidaas kuuma lihi in aad iga nasiib xuntahay oo aan dhashay ama garaadasytay xili ay muslimiintu caalamka u talin jireen, laakiin waxaan ku leeyahay taariikhda cibraa inoogu sugan ee yaynaan xalka mashaakilkeena kusoo gaabin waaqican aan noolnahay manta, umada islaamka ahi sidan ay manta tahay waligeed may ahayn, Waxaa jirtay waqti ay luqada carabigu ahayd luqada cilmiga iyo garashada, Miyaad akhriyin taariikhdii andalus?, mase waxaad xukunkaaga ku dhistay aqoondarada hada haysata dunida msulimka ah. miyaad maqal in dunida muslimiinta ay soo martay dharaaro la waayay cid baahan oo zako ay ku baxdaa, mase waxaad xukunkaaga ku dhistay baahida iyo faqriga hada yaala dunida muslimka ah, miyaad akhriyin qaar ka mida dhaxalkii dadkeenii hore, miyaad akhriyin axkaamta fiqhiga ah ee diinteena. Ee ku saabsan dhamaan waxaa aad doonayso in aynu umadaha kale kaga dayano, miyaad ogayn in nabigu uu cilaaqaadka dibada ee dawladii muslimiinta inoogaga tagay duruus u baahan dabaqaad?, Ma ogtahay in ciidamadii muslimiintu gaadheen daafaha dunida oo dhan?, Yaa maamuli jiray?.

Ma akhriday kutubtan si aad u ogaato xadaarada muslimiinta iyo horumarkeeda, oo ay kuugu cadaato jahliga dulmiga qaska iyo maamul xumada hada dunida taala?, miyaad akhriyin Kitaabka Hordhaca ibnu khaldoon, miyaad ogayn in uu yahay ninkii ugu horeeyey ee aasaasay cilmiga bulshada.

Baariis adoon tegin

ama Boon ka sheekayn,

barashada dhulkaagaa,

horta laga bogtaayoo,

beryo laysku hawlaa

C/raxmaan waxa aad doonayso ee ah waxa ay hada dunida kale isku maamusho ama darajada ay gaadheen umadahaasi in aynu gaadhno, waxaa kasii wanaagsan in aynu helno xukun islaam ah oo dhamaystiran, markaas iyo markaas uunbaynu helaynaa waxa aynu doonayno wuxuu yidhi allaaah “Haday ku toosaan dadku dariiqa wanaagsan waxaan ka waraabin lahayn biyo badan” surat jin 16

Waxaynu kusoo gobagobaynaynaa qormadan:

Maadaama oo aynu soo sheegnay waxyaalaha ay ku dhisantahay siyaasada muslimiintu iyo masaaisha loo baahanyahay si siyaasada muslimiinta wax looga gooyo waxaa inaga inala gudboon in:

1.      Aan ogaano in siyaasada sharciga ah ee muslimiinmtu ay tahay, siyaasada kaliya ee umada in lagu dhaqo ay danteeda aduunyo iyo teeda akhiroba ku jirto.

2.      In aynu ogaano in siyaasada sharciga ah ee muslimiintu ay tahay siyaasad dhamaystiran oon u baahnayn qayrkeed iyo cid kale oo kaabta, wuxuu yidhi allaaah << Maantaan idiin dhamaystiray diintiinii >> surat maidah ayah 4,

3.      In aynu aad isugu taxaluujino barashada ilaha laga dheegto axkaamta siyaasada sharciga ah waa kitaabka allaaah iyo sunada nabigeena suubane scws.

4.      In aan aad u diraasayno maqaasida ama u jeedooyinka shareecada islaamka taas oo uu aasaas u yahay in la helo wanaaga aakhiro iyo aduun oo dhan, dhibka wixii inoo soo jiidayana aan iska fogayno.

5.      In aynu kala saarno labadii mas’allo ee aynu soo sheegnay ee kala ahaa shariga guud een is badbadilin ee marwalba sugan, iyo sharciyada jus’iga ah ee isla badbadla maslaxadaha ku xidhan waqtiyada iyo goobaha hadba la joogo.

6.      In aynu aqoon dheeri ah u lahaano iyo khibradba waaqica inagu hareeraysan iyo kaynu ku noolnahayba, si aynu isugu xidhno waaqica aynu noolnahay iyo daliilada ama ijtihaadyada sharciga ah ee inaga soo fulaya.

7.      In aynu aad u diraasayno siyaasadihii dawladii nabiga, iyo khulafadii raashiinta oo aynu fiqhi kala soo dhex baxno.

8.      In aynaan u fahmin ijtihaadka siyaasiga ah sidii uu kolba qofku maslaxad moodo ee ay waajibtahay in lagu qaydo wixii aan ka baxsanayn maqaasida shareecada.

Kolay maynaan siin xaqii uu lahaa mawduucani hadana u jeedadeenu waxay tahay uun in la fahmo in nidaamka siyaasiga ah ee islaamku uu yahay nidaam leh hab dhaqankiisa oo ay aasaas u tahay shariicadu uu yahay, iyo sidoo kale in uu yahay nidaam dhamaystiran oon u baahnayn cid kabta oo kusoo kordhisa wax ka maqan oo uu la dhutinaayo.

Waxaa kale oo jirtay masalo uu c/raxmaan ku sheegay diblomasiyada, oo uu aad ugu hanqal taagaayay in ay fiicnaan lahayd in aynu ku xalisano mashaakilkeena, iyana waa arin u baahan in maqaal kaligeed laga qoro marka aad eegto sida ay u badanyihiin dadka waayadan dambe aadka ugu baaqaya in la joojiyo dagaalka iyo jihaadka ka socda daafaha dunida oo xalka laga dayo wada hadal iyo diblo-masiyad, ma dafirayno doorka diblomasiyada laakiin waxaan leeyahay waqtigani maahan waqtigii wada hadalka.

Sidaan hore u sheegayna waa mawduuc dheer se waxaan kusoo koobayaa ereyo kooban oo uu istaahila in biyo dahaba lagu qoro oo uu lahaa sheekhii waynaa e shahiidka ahaa sidaasaanu ilaahay uga rajaynaynaaye sh. c/laahi casaam “Kuwa kunool riyooyinka romansiga ah ee doonaya in samada lagaga keeno khilaafadii oo ku jirta bileed ka samaysan dahab, waxaan kuwaas leenahay maydaan garan dariiqa”

Sidoo kale waxaan leenahay sidii uu yidhi sheikh umal isagoo soo raraya maahmaah soomalidu leedahay: “Qaniinyaa qaniinyo kaa goysa”.

Waa inoo iyo qormadan qormada xigta iyo Kaalinta culimada.

Sept 27, 2007

 

Su’aalihii Baarlamaanku weydiiyey wasiirka Wasaaradda dalxiiska iyo duurjoogta Cali Xareed
xareedWaxaa ka mid ahaa: “Waxaan maqalney in dowladii TNG-da ay dowlada Liibiya la gashay heshiis ay deyn uga qaadatay lacag dhan $7.5Milyan..”... Akhri Jawaabaha

 

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com