SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Waan Kudilayaaye Dulqaado

Ashkir | bashiirash@hotmail.com

  Waxaa maanta wali lagu cel-celinayaa erayo adduun weynaha intiisa badan uu soo afjaray isticmaalkooda, taasina waa waxyaabaha tusinaya dadka Soomaaliyeed in ayyen baraarugin. Ra’iisulwasaare Geeddii oo dadka intiisa badan ay rumaysan yihiin in uu qorshahaan ka daba-tagsan yahay ayaa xafladdii ugu damaysay ee uu xaadiray ee loo qabtay dhallinta iyo Bulshada ka sheegay in ascaarta kor-u-kacday Beesha Caalamku ay wax ka qabato. Waxaana waliba la rumaysan yahay in uu Geedi laf ahaantiisu qayb lixaad leh ka qaatay sidii bulsho weynta Soomaaliyeed loo dhibaatayn lahaa. Khulaasadu waxay u egtahay madaxda Soomaaliyeed ayaan waxa ay samaynayaan in badan ogayn.  

   Maanta quwadda adduun-ku waxay dadka baraysaa in la dulqaato; ayadoo waliba rar laguugu diyaarinayo. Taa macneheedu waxaa weeye degmo nabad looga seexday xalay ayaa saqda dhexe waxa lagu soo kiciyaa B-52 iyo bombooyin lagu xalbay waxyaabaha adduumiyaha gadaal ka dhaawaca. Xoogaa degmadaas ka baxsada ayaa ragga qandaraas-ka logistics-ka dagaal-ka qaata ay biyo iyo buskud dhicitaankoodu dhaw yahay ka dabageeyaan, ayaga oo wali faa’iido ka samaynaya. Intaas lagaagama harayee waa in meeshii aad ku qaxday lagaa sii qaxiyaa asaga oo marxaladda aad ku sugan tahay laga dhagaysanayo beecmushtarigii. Kii aad madaxda aad ka dhigatay ayaa hadana lagu tusaa asaga oo warbaahinta ka cabanaya ( haddiiba diir-nax kujiro) oo leh Adduunku wax aan cunno hanala la soo gaaro. 

   Sh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun oo aad wada garanaysaan ayaa qorshahaan wuxuu ku faah-faahiyey mawduuc uu ugu magac daray “ eeynal xal fii qadiyatinaa.” Halkaa ayuu si baaxad weyn leh ugu faah-faahiyey mushkiladdu meesha ay ka timid horay iyo dibba. 

  Qorshaha qotada dheer la leeyahay wuxuu yahay in afkaaga la baro in ninka kudili kara wuu isla markaa wax ku siin karo. Macnuhu wuxuu noqonayaa si toos haddii aan ku dili karo waan ku noolayn karaa ee aqbal; in aad aqbashidna waad ku khasban tahay waayo horuu kuu gumaystay ninkaan maanta raba in uu wax kaa dhaadhiciyo. In yar ka dib waa in aad lumisid kalsoonida aad Allihii ku abuuray ku qabtay muddo ka hor.  

    Ilaa iyo burburkii ayaan soo baryeynay ninkii na qaxiyey awal. Dhawr iyo toban sano oo qafla iyo hurdo dheer ah ka dib ayaa nala xasuusiyey in aan Quruumaha Midoobay waxba qaban karin. Dhawr nin oo aad taqaannaan oo ilaa iyo burburkii dhibka idin kula jiray ayaa qalbigooda Alle xasuus yar ku beeray ka dibna waxay ina dhaxalsiisay xasuustii weynayd ee quluubteena ka sii muuqata ilaa iyo hadadan la joogo. Lixdii bilood ee MMI ay maamulayeen Koonfur Soomaaliya waxay na bartay in kalsoonida qof-ka insaanka ah aanay ciyaar ku lumi karin xitaa hadduu dhinto. Hadaad xasuusataan maalmihii dekadda weyn ee Muqdisho la furayey waatii qof kasta badeelkiisa soo qaatay si loo guro qashinkii sanawaadka karoormay. Barqadaa waxaan xasuustaa shucuurtii hooyo hooyooyinka ka mid ah ay qaybtay markay badeelkeeda soo qaadatay si ay xoogeeda uga faa’iidayso bulshada Soomaaliyeed. 

  Dowlad ayaa la soo wadaa xoog lagu keeni doono Muqdisho waxay dhashay in ay laba u kala jabto. Iimaankeenna oo aan mudadii lixda bilood ahayd xoogaysan ayaa talo fara ka baxday markii qaar inaga inaga mid ahi ay khayaali iska dhaadhiciyeen.  Uma malaynayo in ay qofkiina madixiisa ku jirtay General Gabre ayaa oran doona Ciidanka Dowladda xeryo ayaan uga samayn doonaa duleedka magaalada Muqdisho madaxdana waxaan u reegayaa ciidan xul ah oo Itoobiyaan iyo Ugaandhays isugu jira.  

  Su’aasha halkaa markaan joogno qof kasta uu iswaydiinayo waxay tahay: ma General Gabre ayaan caawimaad waydiisannaa mise cid kale ayaa nooga wax tar roon caawa ? Waan ogahay dadka qaarkood waxay oran doonaan cashada hanaloo daynto quraacdu yeelkeeda; maxaayeelay madaxda Dowlada oo loogu talo galay in ay ummadda hoggaamiyaan ayaa waxay wali raaracaynayaan oo waliba la isku laynayaa sako boqor bixiyey ama wadaad Gaaleed xoogaa uu ilaahiisa ugu dhawaanayo. 

   Maanta dadka Soomaaliyeed laba arrimood ayaa usooran: 1) in Islaamnimada la sheeganayo laga dhabeeyo oo Allaha la rumaysan yahay talada loo dhiibto wixii awood ahna aan lala dib dhicin. Waayo in Alle la tala saarto keenimayso in aad guriga hoosta ka xiratid oo jawaabta Alle uun aad eegtid. Waxaan ubaahannay in aan feker dad Muslimiin ah fekerno; go’aanna qaadano markaa ka dib aan Alle talo saarano.  

  1. dadku Islaam-ka kuma kalsoonee wixii qofka la habboon ha hawadiyo. Maanta asbaabta aan gargaarka Alle la heli la’nahay waxaa ka mid ah Allaha aan tuugayno shaki weyn ayaa inooga jira wali. Qof kasta maanta wuxuu ogyahay in Alle ballan qaaday in uu Janno geeynayo qofkii shaqaysta. Sidaa awgeed dadku waxay ogyihiin in aan Jannada la siin qof aan dariiqeeda marin. Gargaarka Allena waa la mid. Alle wuxuu yiri haddaad Alle u gargaartaan Alle waa idiin gargaarayaa. Sidaa si la mid ah hal Gaalka aad la loolamaysid guusha waad usiman tihiin oo kuu doono ayaa Alle siiyaa; laakiin wuxuu Alle sheegay in uusan Muslim dhab ah Gaal uga hiilin doonin.

   Gabagabadii waxaan leeyahay Geeddii Iyo C/llaahi Yuusuf midna khayr aan Alle inala doonin inooma keeni karaan. Waxaan u baahannay in aan rumaysanno in aan horumar ku gaari karno oo kaliya feker nabad qaba. Nin in uu reerkiisa qaxiyo qandaraas ku soo qaatay oo markii uu arko in aad dhimanaysid kii qandaraaska soo siiyey calaacasha utaagaya meella inama gayn karo. Waxaadna xasuusnaataan waxaan u baahannay maanta hogaamiye rumaysan in waxa gacmeheenna iyo dhulkeena kujira ay ka barako badan yihiin xoogaa dad laga soo tuugay.  

  Abwaan-ka caan-ka ah ee Abshir Bacadle la yiraahdo ayaa horay u yiri “ Afarjeeble dayn hore qabay oo durugsan ha usheegin.” Halkaan dad badan ayaa uqaatay in uu ula jeeday dhuuni aan dalka udhalan. Wuxuu ula jeedaa qofkasta oo aan diintiisa iyo dalkiisu qiima ugu fadhiyin.

Ashkir | bashiirash@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
 

Sept 26, 2007

 

Su’aalihii Baarlamaanku weydiiyey wasiirka Wasaaradda dalxiiska iyo duurjoogta Cali Xareed
xareedWaxaa ka mid ahaa: “Waxaan maqalney in dowladii TNG-da ay dowlada Liibiya la gashay heshiis ay deyn uga qaadatay lacag dhan $7.5Milyan..”... Akhri Jawaabaha

 

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com