SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Af-hayeenka Ciidamada Booliiska DFKMG: "Ciidamadii ka qayb qaadan lahaa hawlgal xaga hawada Soomaaliya waxay u soo dhaqaaqeen marin biyoodka badda cas ……."

  • Hay’adda SWACRO oo raashin gaarsiisay dadkii ka barakacay dagaaladii dhawaan ka dhacay Muqdisho

Af-hayeenka Ciidamada Booliiska Soomaaliya Gaashaanle C/waaxid Maxamed Xuseen oo sheegey in ciidamadii ka qayb qaadan lahaa hawlgal xaga hawada Soomaaliya ay u soo dhaqaaqeen …….”

Siminaar kor loogu qaadayo Aqoonta Saraakiisha Qaybaha iyo Saldhigyada Degmooyinka, Gobolada Baay, Bakool, Gedd iyo Jubbada dhexe oo maalintii shanaad ka socda Saldhiga Booliiska Magaalada Baydhabo oo aan wax ka weydiiyey ujeedda siminaarka Af-hayeenka Ciidamada Booliiska DFKMG Soomaaliyeed Gaashaanle C/waaxid Maxamed Xuseen  ayaa wuxuu ku sheegay in 50 saraakiil oo isugu jira Taliyeyaasha qaybaha iyo saldhigyada Degmooyinka Gobolada Baay, Bakool, Geddo iyo Jubbada dhexe ay ku baranayaan guud ahaa Shuruucda dalka, Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, Xeerka Hab ciqaabta Soomaaliyeed, Sharciga ilaalinta canshuuraha, kan nabadgelyada wadooyinka, kan Argagixisada, xiriirka dadweynaha iyo guud ahaan nidaamka ciidana Booliiska waajibaadkiisa oo ay wax ka dhigayaan   6- sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Booliiska oo aqoon durugsanna u leh casharada ay bixinayaan, waxaa uuna soo gebageboobayaa 29/09/2007, waa siminaarkii seddexaad oo loo qabto saraakiisha Booliiska,” . 

Mar aan weydiiyey in saraakiishan ma yihiin kuwii hore mise kuwo cusub iyo tirade Ciidamda Booliiska Soomaaliya ee hawlgasha  ayaa wuxuu ku jawaabay 

“Intooda badan waa saraakiishii hore ee Booliiska, waxaana ku jira 7-Sarkaal beeleedyo ah oo nidaamka sharciga ku jooga, islamarkaana uu madaxweynaha soo sixiixay, mar hadii uu nidaamkaas ku dalacay, anagu waxaan ku koontaroolaynaa waa jibaadkiisa, Ciidamada hada hawlgala waa 4000 oo Askari waxaana mushaarkooda bixiya UNDP,  waxayna ka soo baxeen 3-da Dugsi ee kala ah, 20-Jirow, Carmo iyo Lafoole, Askari aan soo marina lama hawlgaliyo, Booliiska Soomaaliyeed ee hada hawlgala waa Booliiskii Federaalka, marka laga reebo kuwa Puntland,inastoo, waxaana dhowaan la hawlgelindoonaa ciidamadii booliiska Gobolada dalka oo hawshiisa hada ay ka bilaabatey Magaalada Muqdisho, inkastoo mudo 17-sano dalka lagu soo gurayey Hubka noocyadiisa kala duwan ciidanku wuxuu ka qabtey hawl weyn Magaalada Muqdisho, suurta galna ma ahan in dhowr bilood Hubka dadweynaha oo dhan looga qaado, waayo mudo ayey qaadanaysaa, laakiin maalin walba ciidanku waxay gacanta ku soo dhigaan Hub fara badan, waxaana ku wareejinaa ciidamada ARMISOM si ay u burburiyaan, taasoo wax weyn ka tartey nabadgelyada Magaalada Muqdisho”. 


Bidix Af-hayeenka, labada kale Macallimiin.

Sidoo kale mar uu ka jawaabayey su’aal Hubka la burburinayo sow ma ahan Hub Qaran, islamarkaana sow dembi ma ahan in la bur buriyo Hubkaas ? 

Wuxuu ku jawaabay “Dowlad kasta Hubkeed iyadaa la timaada, laakiin marka loo fiiriyo sharciga nabadgelyada guud, Hubkii loo arko inuu dan guud wax ka tarayo, sida Gaadiidka Tiknikada ah iyo kuwa kale ee tayada leh waa la la wareegayaa si nabadgelyada guud loogu sugo, waxa keli ah oo la bur buriyo waa Miinooyinka, Bam gacmeedyada iyo kuwa la macmilay, waayo kuwaasi Nabadgelyada shacabka ay khatar ku yihiin. 

 Sidoo kale mar aan weydiiyey ma jiraan Ciidamo Ajnabi ah oo dalka hada ku sugan oo aan Afrikaan ahayn?. ayaa wuxuu ku jawaabay “ waxaa jira ciidamo Naato ka socda oo Xeebaha Soomaaliya ilaaliya iyo ciidamo Maraykan ah oo laga yaabo in ay ka qayb qaataan hawlgal xaga Hawada ah ayaa ka soo dhaqaaqay marin Biyoodka Badda Cas, iyagoo kusoo jeeda Xeebaha Soomaaliya,  sidii hada ka horba ay uga qayb galeen dagaaladii ka socdey Koofurta Soomaaliya ee xuduuda la leh dalka Kiiniya. 

Maxamed Macallin Cismaan{All-man}Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com


 

Hay’adda SWACRO oo raashin gaarsiisay dadkii ka barakacay dagaaladii dhawaan ka dhacay Muqdisho

 

Hay’adda SWACRO (Somali Women and Children Rescue Organization) ayaa deeq raashin gaarsiisay dadweynaha Soomaaliyeed ee ku barakacay dagaalada ee ku sugan magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow dhow.

Wakiilka SWACRO ee Soomaaliya Yaasmiin Mayow ayaa waxa ay sheegtay in raashinkaasi ay ugu talagashay Hay’addu dadka ku dhibaateysan duleedka Magaalada Muqdisho kana barakacay dagaalada, waxay kaloo sheegtay in raashinkaasi uu ku soo beegmay xili lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Mayow waxay sheegtay in aysan ahayn markii ugu horeysay oo ay Hay’addu raashin deeq ah gaarsiiso dadka ku barakacay dagaalada.

Dhawaan ayay ahayd markii Hay’adda SWACRO ay deeq raashin gaarsiisay dad ku jira xero qaxooti oo ku taala degmada Afgooye.

Hay’addaan oo qaabilsan dhinaca Haweenka iyo Carruurta ayaa waxay dhawaan sidoo kale dugsiyo lagu barto Qur’aana Kariimka ka furtay deegaano ka tirsan Magaalada Muqdisho. Hay’addaan oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ayaa mas’uuliyiinteeda waxa ay noo sheegeen in Hay’addaani deeqo kala duwan gaarsiin doonto dhamaan gobalada dalka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Sept 28, 2007


Kal-fadhigii Ururka Is-baheeysiga Ummaada Soomaaliyeed.. Sweden

Su’aalihii Baarlamaanku weydiiyey wasiirka Wasaaradda dalxiiska iyo duurjoogta Cali Xareed
xareedWaxaa ka mid ahaa: “Waxaan maqalney in dowladii TNG-da ay dowlada Liibiya la gashay heshiis ay deyn uga qaadatay lacag dhan $7.5Milyan..”... Akhri Jawaabaha

 

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com