SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warfaafin ciidan

Jabhadda Xorriyadda Oromia          2007-09-07

Qorraxda xorriyadda waxay dhawaan ka iftiimi Oromia oo xor ah 

Meesha ay ummadaha iyo jinsiyadaha kala duwan ee ay gummaystaan ay milkisay faqiirnimo, dibudhac iyo habdhaqan siyaasadeed oo aad uqallafsan, Abbasiiniyada nagummaysato waxay si xaddhaafa ugu kharashgaraynaysaa hantida aadka uyar ee dalka, xaflado laga badbadiyey oo ay ugu dabbaaldagayaan waxa ay ugu yeedheen dhammaadka sanadkooda labada kun. Waxay uhaystaan inayna qorraxdu kadhacayn boqortooyadooda kudhisan gawracashada umadda Oromada iyo silica ay kuhayaan umaddannada Oromada 

Maanta waxaa farxad noo ah inaan idinku wargalinno in Ciidanka Xoriyadda Oromia (AIO) oo ah garabka ciidan ee ururka Jabhadda Xoriyadda Oromo (FIO) inuu soo gabogabeeyey diyaargaroowgiisii dagaal bilaabayna hawlgalladiisii. Jimcihii bishan September 7 ee 2007 da, waxay ciidankeenna geesiyaasha ah billaabeen dullaan ay kuqaadeen saldhigyada iyo taliska ciidanka gumaysiga Itoobiya, degmada taariikhiga ah ee Dallo Manna ee koonfur bari Oromia. Degmadan waxay caan kutahay taariikhda gumaysi diidka ee dadka Oromada iyo halyaygii Oromo ee caanka ahaa Janaraal Waaqoo Guutuu. 

Waxaan halkan kacaddaynaynaa inaan mas’uul kannahay weerarkii lugu qaaday saldhigga ciidanka gumaysiga ee degmada Dallo Manna. Weerarkan waxaa lugu burburiyey xaruntii kaydka rasaasta ee ciidanka gumaysiga, xaruntii taliskooda iyo guryihii ay ciidankoodu dagganaayeen, sidoo kale waxaa waxyeello ba’an loo gaystay ciidankii gumaysiga. Weerarkaa ba’an kadib ciidanka cadawgu way carareen ayagoo lug ah, waxayna katageen wax walba oo ay lahaayeen. Geesiyaasha halgamayaasha ahna waxay kusoo noqdeen saldhigoodii ayagoo guul kasoo hoyay cadawga hawlgalkan taariikhiga ah, waxayna soo dhaawaceen ruuxda islawayn ee ciidanka cadowga. 

Waxaan caalamka usheegaynaa inay billaabatay xorayntii Oromia sidoo kalena ay billaabatay soo noqoshadii dimuqraadiyada Oromada ee (Oromo Gada). Dagaalkan hubaysan ee kadhaxeeyo umadda Oromada iyo ciidanka gumaysiga wuu socon illaa laga xoreeyo dhulka Oromia.  

Waxaan ugu yeedhaynaa dadkannaga iyo dadyawga kale ee kuhoos jiro gumasiga Itoobiya inay si wadajira ugu istaagaan kahortagga ciidanka gumaysiga si xorriyad loo siiyo dhammaan dadyawga dulman. 

Jabhadda Xoriyadda ee Oromia (FIO)

Oromia ha xoroowdo 
 

Tarjumid

Sept 27, 2007

 

Su’aalihii Baarlamaanku weydiiyey wasiirka Wasaaradda dalxiiska iyo duurjoogta Cali Xareed
xareedWaxaa ka mid ahaa: “Waxaan maqalney in dowladii TNG-da ay dowlada Liibiya la gashay heshiis ay deyn uga qaadatay lacag dhan $7.5Milyan..”... Akhri Jawaabaha

 

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com