SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Sidee Looga Hor Tagi Karaa? (Part 1 of 2)
Mohamoud H.Nugidoon 
Ottawa, Canada
 
Ramadaan Kariim.
 
Waagii guduutaaba waayo leh.Farsamadii korodhaba waxyeeladeed. Weelkii buuxsamaaba daadashadiis.Waayeelkii hantaaqmaaba xeeshiis! Wiilkii murgucoodana ayaankii.Walax walibana meesheed.Wasiir Ina Saleebaan waynena walaaqashadiis!
 
Waxaan aragnaa mareego badan oo Soomaalidu unugeeda iyo yegleelkeedaba lahayd, balse gacmo guracan u gacan galay oon haba yaraatee loo aabo yeelin! Sida Gabiley.com, Gorgornews.com, Berbera.com, Boorama.com, Hargeysa.com, Mayd.com, Zayla.com iyo qaar kaloo badan.
 
 Waxaan woxogaa yara dulxadinaynaa mid ka ka mid ah mareegaha nacabka u gacan galay:
 
Waa sidan hoos ku qoran waxyaabhii ku dhacay mareegta la xidhay xagga badbaadada awgeed. Waa mareeg ka mid ahayd mareegahaan ugu jeclaa balse ayaandarro koox budhacad ahi qafaalatay.Tan ugu soo horeysa (ugu koreeya liiska aan soo wado) ee numberka 18647 ku dhiganayahay waa macluumaatka (Data) ka hadlaya wixii qabsaday ee ku dhacay mareegta Somalilandtoday.net.
 
 
Budhacad baa intay ka dhex furatay, waa Somalilandtoday e brograamyo, ayay halkaa dunida ka weerarayeen iyagoo iska dhigaya bangi xalaal ah oo sifo sharci ah ku qotoma oo ka mid ah bangiyada Ingiriiska ee magaciisa la yidhaa HSBC. Waxay dadka u dirayeen e-mayl ay leeyihiin:
"Arrin degdeg ah, waxa aan ka cabsi qabnaa in akowntkaagii loo adeegsanayo si aan sharciga waafaqasanayn. Waxaan doonaynaa inaan ku badbaadino oo aan adkaynu amaanka. Waa inaad si aan u hubsanno in cid kale isticmaalayso iyo in kale aad akowntkaaga Online ku hubisaa. Geli halkan akownta nambaarkaaga iyo Pass word-kaaga. Haddaad sida yeeli waydo akowntkaaga si degdeg ah ayannu u xidhaynaa, xag badbaado awgeed, si aanay halistu u sii siyaadin".
 
Markaasaa intay dadku isku naxaan iyagoo naxsan si aan akowntka looga xidhan, ilayn lacagbaa u taalee, ayay markaaba  la boobaan baas weedhka iyo akownt lambarkaba. Habka caynkana ee ay Hackarisku ku helaan siraha dadka ee ay ka midka yihiin pass word-ka iyo account number-ka  ama credita kaar number-ka wax la yidhaa "Phishing" qaabka ama tab iyo xeesha ay adeegsadaanna waxa la yidhaa "Phishery".
 
Haddaba siday ku galaan mareegaha ( web site-yada) dadka ama shirkadaha? Waxay soo raaciyaan badanaa markay dadku wax internet-ka ka soo download garaysanayaan khaasatan mareegaha ay iyagu leeyihiin oo ay ku shaqaysataan, ama qaar ay wada shaqaystaan, soft ware-ka la yidhaa " spyware". Spyware-ku ma hadlo, ma juuqo, lama arko, kombyuutarka ayuu kuu dhex kuududaa. Spywareku wuxuu daalacdaa keyboard-ka si uu u xado username-ka iyo paasword-ka, habkaanna waxa la yidhaa keyboard-logging. Keyboard-logging-ku shaqada ugu wayn ee uu u qabto hacheriska (hackers) waa password-kaa iyo username-ka aad ku galaysid mareegtaada ayuu sajishaa adoon ogayn. Markuu intaa helo ee uu dhowr jeer hubiyo ayuu u dirayayaa si automatik ah meeshii ama qoladii laga soo download-gereeyay. Sidaa markay sirihii dadka ku helaan, ayay kadib gali karaan mareegaha. Ka dib meel, ama xarun ay addunyada dacaladeeda kaga duulaanbay ka dhex samaystaan, oo aan u bixiyay " Xaadhinta Budhcadda". Kombyuutarka ay budhcadda internetku (online criminals) duulimaadyada ka qaadaan een ciddii la haydna ka war qabin waxa  la yidhaa Zombie. Erayga Zombie bilawgiisii wuxuu ka yimid dalka Haiti, halkaasoo sidaad ka warqabtaan fuuduuga (voodoo) xoog looga adeegsado, siiba qarniyaddi tegi. Voodoo oo ah nooc sixirada adduunka ilaa haatan inta la ogayahay ka mid ah kuwa ugu khatarsan.Salkana ku haya aqoon laga soo waariday Afrika, gaar ahaan xiliyaddii adoon-ka-ganacsiigii xaaraanta ahaa ka jiray adduunka.
 
Haddaba qofka sixirkaa fuuduuga lagu sameeyo ayaa beeraha Haiti ee qasabka ama aale-sonkorka lagaga shaqaysiiyaa,lacagna lama siiyo, isna ma waydiisto.Mana oga inuu cid kale u ciidmayo oo lagu shaqaysanayo. Magaca Zombie halkaas ayaa laga soo ergistay.
 
E-maylada ay dadka dunida dacaladiisa ay u kala diraan iyo software-da kala duduwan ee ay e-maylada u adeegsadaan ay rabaan inay dadka ku dhacaan waxa la yidhaa "malware". Ilayn e-maayladan iyagaa samaystay eh shirkad sharciga raacaysaa uma qaadayso fariimahoogee!
 
Markaa hackerisku mar kasta waa inay haystaan "spyware" oo ay wax ku basasaan iyo  "malware" oo u suura galisa inay baankaagii ama shirkad security ah iska soo dhigaan. Waxaa soo dhan marka la isku geeyo tabaha iyo xeesha ay qalabkaa u adeegsadaanbaa waxa la yidhaa '" Phishery" ama "Phishing".
 
Mareegta dabinkooga ku dhacday ee miskiinta ah waa Somalilandtoday.net. Markii u horaysay ay ka dhex tooseen, ee ay duulaano si daba joog ah uga direen xarunta ay ka dhex sameesteen waxay ahayd Diisambar 9-keedii, 2006. Seddex cisho ka dibna waxa qasab ku noqotay shirkadiihii securitigu inay amar ku bixiyeen in la xidho mareegtaas. Maalintii la xidhay waxay ahayd  12/12/2006. Maalintaa ka hor ayay ka war heleen (dabcan shirkadaha badbaadada internetka ayaa ku baraarujisay in la soo weeraray) maamulka Somalilantoday, waayo 11/12/2006, ayay ogeysiis ku soo dhejeen ay leeyiin waa lana soo weeraray oo arrimaa si ehe haddaanu soo geli weyno sidaa ogaada. Balse dhekhsaannu hawda ugu soo laabi doonaa. Dibna ugumay soo laabmin hawda.
 
Macluumaadkaasoo dhanna waxaad indhahaaga kaga bogan kartaa adigoo akhrista si foojiganna u dhuuxa nudahan hoos ku xardhan.Mid mid u fur ilaa hoosta akhriso. Halkaa aan nudahan ka soo min guuriyay waa shirkad Ingiriiska deggan oo u qaabilsan " Internet Security".
 
 
 
 
Qoraalka kan ku xiga waxaan soo ban dhigi doonaa siyaabaha looga hor tagi karo arrimahan oo kale inay kugu dhacaan, haddayna horeba kuugu dhicin.
 
 
Waa walaalkiin
Mohamoud H.Nugidoon 
Ottawa, Canada

SomaliTalk.com | Sept 29, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com