SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
gaariSomaliTalk: Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo buugaag, laakiin..
Akhri...

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA



2002: BORLANGE IYO SOMALITALK.COM
 


Argagixii loo ooyayey oo irridaha kasoo galay

Axmed-shiil Muxumed

ahmedshil@yahoo.com

Borlänge, Sweden 


Bismillaahi wassalaatu wassalaamu calaa Rasuulilaahi

Horudhac

Dadka caalamka looga yaqaanno siyaasiyiin way fara badan yihiin kalana duwan yihiin, qaar waa islaamiyiin oo waxay udoodaan in sharciga alle soo dajiyey iyadoon lashaxaadin siduu yahay loogu dhqamo, kuwo kale waxay udoodaan Bii’ada waxaana loo yaqaannaa Asxaabta Bii’ada ama deeganka, qaar kale waxay aad udaneeyaan hanti korodhsiga waxaana loo yaqaannaa Asxaabta hantigoosiga, kuwo kale waxay sheegtaan inay hantiwadaag yihiin oo waxay wax kusaleeyaan fikraddii Karl Marx ama iyadoo dhan ama iyadoo wax dhiman. Annaga haddaan soomaali nahay aadbay noogu yaryihiin dad siyaasaddoodu ay mabda’ kusalaysan tahay waloow ay qaar badan afka waxyaabo kala duwan kasheegtaan sida qaalibka ah oon horena usoo aragnay siyaasiga soomaaliga ah mabda’iisu wuxuu kusalaysan yahay raadin wuxuu jeebka kushubto iyo wuxuu rag isaga dhiciyo asagoo umari qaab musuqmaasuqa oon xalaal ahayn. Waxaana caado dhaqan ah noqotay in qaabkaas siyaasadda lugu galo luguna maamulo. Qolyahaas oo aad loola yaabi jirey waxaa badalay siyaasiyiin ayagu dhiigga dadka umari inay dantooda gaadhaan oo ay isugu mid tahay inay 100 qof laayaan ama inay 10 000 oo qof xasuuqaan, muhiimaddu waa inay gaadhaan hungurigii ay baadi goobayeen. Arrimahaas ayaga ah oo wax aad loola yaabo ah lana rajaynayey inay joogsadaan isbadal kalena yimmaaddo siyaasaddana kusalaysnaato mabda’ aan guurguurin ayaa qolyo horleh oo carcar qaba fikrad qariib ahna wata ay masraxa soo galeen. 

Siyaasiyiin argagax baadigoobayo si ay hanti uga dhalaashadaan

Waxaa kasoo baxay shirkii sharta ee imbageetti siyaasiyiin argagaxa wax kuraadsado oo baaruudda calalsha oo qofkii ay fahmi waayaan ama ay dantooda kawaayaan waa argagixiye odhan. Wax argagax wax lugu raadsadaba Ameerika iyo Xabashi ayaa gacanta loo galiyey dalkii oo dhan iyadoon lagaba fekerin cawaaqib xumada ay keeni, sidoo kale dadkii ehlu diinka ah ee dalka lafdhabarta u’ahaa xagga waxbarashada, dhaqaalaha iyo dhinacyada kaleba ayaa ugaadhsi loogu jiraa iyadoo laleeyahay waa argagaxiso. Waxaa laga dhigay mid ladilo, mid lacaydhiyo oo la’ugaadhsado, mid xabsi lagaysto oo lasilciyo iyo mid cadawga laga iibsado. Hungurigii caadiga u ahaa siyaasiga soomaaliga wuxuu qolodan madaxa ugaliyey ladagaalan diintii ilaahay iyo ehelkeeda iyadoo qofkii diin laga dareemmo lugusoo hogaamin sawaariikhda kuruuska ee maraykanka iyo taangiga xabashida. Waxay aad u rajeeyeen inay mar un Qaacida immaato Soomaaliya ama faraheeda lagu arko oo beentooda ay halkudhagga kadhigteen ay rummowdo si gaaladu u aaminto oo ula safato.

Uyeedhasho dhibaato aan jirin

Intayna ayaga caalamka 2001 dii kadib kuharqin argagixiso ayaa Soomaaliya joogto eraygaas lagama aqoon Soomaaliya marka laga reebo in ayaga laftooda ay argagixiso ku’ahaayeen bulsho waynta Soomaaliyeed oo umaddii cadaabeen nololna udiideen. Halmar unbay kusoo dhacday inay baryahan danahooda kugaadhi karaan halkudhagga ladagaalanka argagixisada oo uu bush kadhigay sanadkii 2001 dii “trade mark” masruufna lagasoo saaran karo oo ilmahana lagu korsan karo sidoo kalena dhaqaale ra’simaal ah laga sammaysan karo. Qof ku mar hadduusan indheerad garad wax fahmayo waxna saadaalin karo ahayn aduunyada raffaad ayuu kujoogi. La’ismaba dhihin dad aan aqbali karin dulmiga aad waddaan baa joogo, meeshaba lamasoo dhigan in ilaah jiro oo uu koonkan asaga dabbaro. Mar haddii gacan kudhiigle Males iyo iyo saaxiibkiis Buush magacooda kaqorteen idanna siiyeen waxaa lasawirtay inuusan dhib danbe iman doonin oo ay say rabaan carrada u mushaaxi doonaan xasuuq, bililiqo, dhac, kufsi, barakicin iyo dullaysina shaqo kadhigan doonaan.

Cabdullaahi Xasan Lugbuur oo laga argagixiyey lugtana laga toogtay

Lugbuur oo ah ninka umathala Tigreega dhulka soomaaliyed ee ay xabashida gummaysato ayaan maalin dhowr bilood laga joogo kadhagaystay asagoo BBC da laanteeda afka soomaaliga laga waraysanayo kusheegayo culumadii islaamka ee shacabka kakicisay waraabihii 16 sano caydhiinka kucunayey inay Qaacido iyo Argagixiso yihiin. Aad baan ulayaabay arrintaa maxaa yeelay maxaa Cabdullaahi wadaadadaa afkiisa gaadhsiiyey oo u geeyey asna tiisa ayuu larafanayey oo wuxuu sheegtaa inuu madaxwayne uyahay shacabka aduunka ugu xuquuqda yar ee 100 kii sano ee lasoo dhaafay silic iyo saxariir aan aduunka kale kajirin kunoolaa. Ayaga waa culumadee waxay kumashquulsanaayeen ladagaallanka argagixasada Soomaali qayrkeed karreebtay. Ilaahay wuxuu xukmiyey inuu argagixii gurigiisa ugu galay si ba’anna ooga argagixiyey.

Cali Maxamed Geeddi oo gurigiisii loogu galay gama’na loo diiday

Intuu wanaag ugu abaal gudi lahaa dalkii soo barbaariyey waxna soo baray ayuu kadoortay cadowgii rabay inuu dumiyo. Waa nin waligiiba irsaaqaddiisa lagaliyey dhiigga iyo geerida dadka kale, waxaa deeqi wayday musuqmaasuqii uu Meles sanadaha uqarinayey ee Itoobiya laga bililiqaystay. Islawynan iyo ismahdin darteed waxaa lagaadhay in wixii magaca shacabka masaakiinta ah lagu helaba villooyin Nairoobi looga gato iyadoo dadkii lagummaaday ee laqixiyey guryahoodiina laga burburiyey ayagoo geeri iyo nolol udhaxeeyo ay duurarka daadsan yihiin. Waxaa ilaahay xukmiyey in ay hurdo kasoo dhici waydo oo lagu salliday rag gama’ udiiday meel walbana ugu tagayo hadday rabto naftoodaba hagalaafatee.

Argagaxii oo afar taayar kusocdo iriddana kasoo galay asagoon dhag laqabto lahayn

Wixii loo ooyayey oo labaadi goobayey ayaa maanta taagan, gaadhi cabbaysan oo uu caydhinayo nimaan cabsiba aqoon ayaa cirka kasoo dhacay. Waxaa la’isyidhi mar hadday Males iyo Bush idinla jiraan wax idinka adkaan kara malaha, waxaana halkaas kacaddaani heerka ay horaanba islaanimo kajoogeen maadamo ay talo saarteen shayaadiintaas uxaydatay inay islaamka iyo ehelkiisaba baabi’iyaan. Xaalku wuxuuse maanta marayaa iqariya iyo sidan mammoodayn iyo nin Ra’iisal wasaare sheeganayo oy ciidamo ajnabi ah gacanta dadkii uu sheeganayey inuu maamulo kacelinayaan. 

Alqaacida iyo Soomaaliya

Waxaa jiray maqaal afka ingiriisiga kuqoran oo lagu sheegay inay Qaacida ku’adkaatay inay Somalia saldhigato oo kusoo baxay 11 maayo sanadkan www.examiner.com waxayna arrintaa burinaysa hadalkii nimanka Soomaaliya horboodayo darajada kudoonayeen oo ay lahaayeen armay maalin idiin rumowdaa in wax Qaacida u eg lagu arko somalia si kaslooni la’idiin siiyo. Qarax aad mooddo kii Qaacidda ayaa meel walba hadheeyey, cid loo raacdo iyo meel lagasoo abaabulayna lagaran maayo. Xaalna wuxuu marayaa inay ragii burburinta iyo ladagaalanka islaamka irsaqoodu galay ay isu diyaariyaan inay carruurtooda shaqada kadhaxlaan ayagoon laftoodaba la’ogayn intay argagaxa kabadbaadi illeen qaraxu da’ fiirin maayo e. Hadday maxkamadaha maanta joogi lahaayeen way ku adkaan lahayn urur kale oo ajnabi ah inuu soomaaliya hawlo kafuliyo bal jabkoodii wuxuu sahlay inay ururro badan si dhibyar kusoo galaan soomaaliya ayagoo adeegsanayo shacabka uu cadwoga ka argagixiyey ee ciilka lajiifo doonayana inay aargoostaan kuwaasoo cid walba oo ugacan haatisa aan maya dhahayn mar hadday kukeelmayni dhaawaca iyo dhibaataynta cadowga iyo askartiisa. 

Ugu danbayntii

Kusoo dhawaada argagax aan billow iyo dhamamad midna lahayn ood idinku boholihii uu kujirey aad kasoo faagteen. Midna meel dhigta wali luguma dhawaaqin Jabhaddii Xoreynta Soomaaliyeed hawlgalladeediina wali mabillaaban. Marka waxaas aad aragtaan ee hadda idin haysto waa wax lala wada yaabban yahay hawlihii dalka gumaysiga looga kicin lahaase wali si rasmi ah uma billaaban oo meel dhexe ayey marayaan. 

Axmed-shiil Muxumed
Borlänge, Sweden
ahmedshil@yahoo.com

Warbixin: Borlänge iyo Somalitalk.com II

Gunnimo doon : Askari gumaysi tababaray, Askari shuuci soo tababaray, Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | June 7, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com