Bismillaahi wassalaatu wassalaamu calaa
rasuulilaahi
Hordhac:
Bani’adamka ilaahay wuu kala damac duway, dadka
qaarbaan wax badan ubaahnayn oo ay waxyar
kufilanyihiin, qaarna wax deeqiba majiro wax walba
oo lasiiyo. Rasuulka SCW waxaa laga wariyey inuu
yidhi haddii banii’aadam kasta lasiiyo wuxuu sheegto
dadka qaarbaa dhihi lahaa hebel wixiisana halla iigu
daro. Marka baahida dadku ay waxyaabaha kala duwan
uqabaan waa wax soo jireen ah waligeedna jiri. Qofba
aduunka dhinacbuu ujeedaa oo waxbuu xiiseeyaa ama
luguba salliday.
Dhinaca muslimiinta markaan eegno waxaa jiray dad
aan yarayn oo wakhti badan iyo tamar badan kubixiyey
fidinta diinta islaamka waxaana miithaal inoogu
filan afartii faqiih ee aabayaasha u ahaa afarta
madhabood ee waawayn oo kubixiyey dadaal xaddhaaf
ah, barashada diinta islaamka iyo dajinta fiqigeeda
iyo labadii caalim ee waa waynaa ee axaadiithta
rasuulka SCW aruuriyey ee kala ahaa Bukhaari iyo
Muslim.
Dadkii ayaga kadanbeeyey ee kafaa’iidaystay
cilmibaadhistooda iyo dadaalkooda waxaan
aaminsanahay inayna xitaa qiyaasi karin dadaalka ay
mareen iyo inta ay dhib usoo mareen hawshaas qaaliga
ah. Waxaa kaloon miithaal usoo qaadan karaa Ibnu
Taymiyah oo asagu ayba yar yihiin cid lamida xagga
dadaalka, maxaa yeelay adduunyoo dhanba iskuma
mashquulin wuxuuna dhintay asagoo kudhow 70 sano oon
beerna qodan heerna dhisan shaqo un kadhigtay 100%
fidinta diinta islaamka iyo toosinta waxyaabaha ay
dadku kakhaldeen. Dalalkan hore’umaray oo dadku
ilaah aad ugu nimceeyey xag aduunyo waxaa kajiro
waxyaabo fara badan oo ay dadku kala jecel yihiin.
Tusaale ahaan waxaa jiro niman caado kadhigtay inay
fantaan buuraha aduunka ugu dhaadheer oo sanad walba
ay ku le’daan boqollaal qof.
Waxaa kaloo jiro kuwo ayagana ayagoon wax kale
kaashan gacmahooda iyo lugahooda kufanto daaraha
adduunka ugu dhaadheer. Kuwaas waa kuwa caafimaadka
qabo ee waxaaba jiro kuwo ayagu maskaxda kaxanuunsan
oo inay dadka dilaan ay caado utahay oo waliba ay
udilaan si isu eg waxaana looga yaqaannaa dalalkan
“dilaagii sida isdabajoogga ah wax udilayey” (serial
killer) waxaana ay aad caan uga yihiin dalka
Marykanka, waxaa dhici karto inuu dilaagaa dilo kuna
takhasuso dilka dad gaara ah oo da’da, jinsiga ama
xirfadda isaga mid ah sida haweenka jidhkooda gato
iwm oo uusan kusaqajaamin qaybo kale oo bulshada
kamida.
Afar boqol iyo afartan malyuun oo doollar
Aan usoo daadago marka dulucda qoraalkayga oo
runtii kusaabsan maqaal aan maskaxdayda kasaari
waayey oo kusoo baxay jariidada göteborgs-posten
http://www.gp.se/gp/jsp/Crosslink.jsp?d=130&a=336627
oo kasoo baxdo dalkan iswiidhan magaaladiisa labaad,
taasoo qortay maqaal ay kasoo xigatay jariidada The
Times oo ay iyana ay uwarrantay Edése Doret oo
usheegtay jariidadda inuu nin boqor ah oo Caraba
kadalbaday inay shirkadda Airbus usammayso
dayuuradda aduunka ugu wayn ee ay baryahan
sammaynayaan oo ah Airbus A380 asagoo markaa bixini
lacag dhan 440 malyuun oo doollarka maraykanka ah.
Dayuuraddu waxay kakooban tahay laba dabaq oo
iskorsaaran waxayna qaaddaa qiyaastii 860 qof oo
rakaaba. Arrinta layaabka leh kasokoow lacagta lugu
bixinayo dayuuradda oo ah lacag aad ufarabadan ayaa
ah in ninka dalbaday oo lacagtaa bixiyey ama
bixinaya inuu codsaday in dayuuradda gudaheeda
qaybta ugu wayn loo ekaysiiyo sidii teendho Reer
Guuraa oo kale iyadoo lugu qurxini daahyo waawayn
iyo kaarbadyada dhulka ladhigto oo culculus iyadoo
darbiyada lugu sawiri balliyo iyo harooyin, inteeda
kalena loo ekaysiini dabaq guri oo kuyaallo New York
lagana sammayn dhulkeeda hoose iyo darbiyadaba
alwaax, luguna rakibi muraayadaha laga daawado tvga
iyo internetka oo ballacoodu yahay 42 iyo 70 inch
(suulka madaxiisa hore).
Dabaqa hoose ee dayuuradda waxaa loogu talogalay
shaqaalaha boqorka iyo dadka darajada hooseeyo,
sidoo kale baabuurta boqorka iwm, waxaana lugu
rakibi nooc kamida difaaca sida sawaariikhda lidka
dayuuradaha.
Illaa iyo hadda marka boqorka laga reebo waxaa
dalbatay illaa dhowr iyo toban shirkadood
dayuuradahan aadka u waawayn, kuwaasoo ah shirkadaha
aduunka ugu waawayn, waxayse jariidadu iswaydiisay
meesha uu boqorku ula duuli dayuuradda maxaa yeelay
aadbay uyaryihiin ayey tidhi dayuuraddaas garoomada
ayba cago dhigani karto waynankeeda iyo
ballaadhkeeda awgii.
Isbarbardhig kharashka kubaxo sanadkii qoysaska
Boqorrada dalalka hore’umaray iyo Boqorkan laxusay
kaligii
Warbixintan waxaa laqoray sanadkii 2000 inkastoo
ay kasoo wareegaty qiyaastii toddoba sano haddana
mafilayo inay wax badan kukordheen kharashka kubaxo
sanadkii qoysaskan Reer Boqorka ah ee hoos kuxusan.
- Qoyska Reer Boqor ee Ingiriiska: 80
malyuun oo usd.
- Qoyska Reer Boqor ee Holland: 21
malyuun oo usd
- Qoyska Reer Boqor ee Danmark: 16
malyuun oo usd
- Qoyska Reer boqor ee Belgam: 12
malyuun oo usd
- Qoyska Reer Boqor ee Isbayn: 9
malyuun oo usd
- Qoyska Reer Boqor ee Iswiidhan: 5
malyuun oo Usd
- Qoyska Reer Boqor ee Noorwey: 3
malyuun oo Usd
Adigu bal marka qiyaas kharashka kubaxo nin
halmar intuu suuqa u dhaadhacay soo gubay 440
malyuun oo doollarka maraykanka ah, waxaan umalayn
qiyaastii inayna kubaxayn wax kayar intuu dayuuradda
kusoo iibsaday sanad walba.
Gabogabadii
Dadyowga kunool dunida saddexaad ayaa waxaa lugu
xantaa inay aad ugu yaryihiin dadka haysto mabaadii’
ay noloshooda kudabaqaan shaqana kadhigtaan inta ay
nool yihiin ayagoo dhaqaalahooda, wakhtigooda,
muruqooda iyo maskaxdooda kumaalgaliyo kadibna
natiijo loo aayo oo bulshooyinka wax wayn kabadala
hirgaliyo.
Madaxwaynihii dalkii la’odhan Zaire ayaa
lasheegay inuu dalkiisa kadhacay lacag dhan 7 kun oo
malyuun oo doollarka maraykanka ah, lacagtaas
asagoon wax badan kacalfan ayuu kadhintay sidoo kale
qaraabadiisana ayan waxba kadhaxlin meesha dadkii
iska lahaa ay kagaajaysan yihiin kana silicsan
yihiin.
Dalalka Khaliijka waxaa ilaahay kumannaystay
khayraad fara badan oo dabiici ah inkastoo ay ayaga
iska leeyihiin oon faraha lala gali karin oo sharci
islaam ahaan aan lugu lahayn waxaan ka’ahayn Zakada
inay bixiyaan sanadkii, sidoo kale la’ogahay inay
lacago aan yarayn ay muslimiinta saboolka ah ugu
deeqeen marar badan haddana waxaa muuqato inay lacag
xad dhaafa ah ay gubaan oo waxaan macno lahayn
boqollaal milyan kugubaan waxa calamka latartamayo
si dadka loo gaadhsiiyo tiknoolojiyo casri ah,
waxbarasho sare, farsamo cusub iyo waliba in hawada
sare lasahmiyo, waxay dadka qaar kamaraysaa inay
lacag faraha kabadatay oo aduunka iyo nolosha
maalaayiin qof waxkabadali lahayd inay waxaan macno
wayn lahayn kugubaan.
440 malyuun waxay miisaaniyad sanad unoqon kartaa
dawlad dunida saddexaad kamida oo dadkeedu dhanyahay
10 illaa 20 malyuun.
2007-07-11