SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Waa kuma Axmed Guray | Xamse

axmed guray wuxuu ahaa nin islaama waxa uu ahaa nin u dagaalamayay diintiisa dhinaca kale waxa uu ahaa nin daaci ah oo dadka diinta suuban gaadhsiinayay
Imaam Axmed Gurey waxaa la sheegay in uu ku dhashay dhulka u dhexaysa Saylac iyo Harar. Waxaana askari Boortaqiis ahi ku dilay Suudaan sanadkii 1543kii.

Dagaalka Boqortooyada Xabashidu qabiilada dhulkaas deggan kula jirtay, waxa uu markastaba ahaa mid xukun iyo saldana raadis salka ku haya, si hadaba damacaasi ugu suurto galo waxa ay Boqortooyadu mar walba isticmaali jirtey diinta Kiristaanka oo ay calool jileec iyo taageero kagaga raadinaysay waddamada reer galbeedka ee Kiristaanka ah. Boqor kasta oo Xabashida maamulana waxa hal hays u ahaa “Itoobiya waa Jasiirad Kiristaan ah oo ku dhex-taalla Bedweyn Islaam ah.” Taas oo ay ula jeedeen in Kiristaanka dhulka deggan laga badan yahay oo ay ku dhex nool yihiin badweyn islaam ah sababta ku dhalisay inuu xabashu la dagaalamaana waxay ahayd isagoo u arkayaay in ay wadaan fidno ay markaasi ay ku doonayaan inay dadka islaamka ah diinta kaga saarayaan.

waxa halkaasi ka dhalatay dood Doodaasi waxa ay noqotay tii ugu faa’iidada badnayd Xabashida ee u suurto gelisay in ay reer galbeedka (Kiristaanka ah) ka helaan taageero aan weligeed dhammaan.

Markii la soo gaadhey sannadkii 1800 waxa Boqortooyada Xabashida maamulayey Menelik II (Menelik-kii 2aad), waxa uu hub iyo dhaqaale fara badan ka helay wadamadii reer galbeedka, wuxuuna sameeyey dhul-balaarsigii ugu weynaa ee dhulalka Muslimiintu deggan tahay, gaar ahaan Soomaalida ku qabsado.

Mudadii 1880s waxa ay ahayd markii Xabashidu hubkii ugu badnaa ay hesho oo ay dhul balaadhsigii ugu weynaa ku dhaqaaqdo. Dhaqaalaha dhulka Soomaalidu degto ayaa aad u xumaaday (Shabeelaha Sare ilaa laga gaadhayo xeebaha Banaadir), taas oo ay sabab u ahayd hubka badan ee Xabashidu heshay iyo duulaamadii ay ku qaadday dhulalkii Soomaalida; ka dibna xoolihii iyo waxa ay hanti haysteen ka dhacdo, ceelashii ay ka cabi jireenna ka qabsato.

Dhacaas ka sokoow, duulanadaas Xabashidu waxa ay dhaawac weyn u geysteen dhaqdhaqaaqii dadka iyo baayacmushtarkii dadka Soomaalida ah ka dhexeeyey. Waxa kale oo weeraradaas Xabashidu abuureen nabad gelyo darro iyo dadkii oo safaradii ka baqay.

Mudadaas awoodda Xabashidu soo weynaanaysay waxa magaalada Harar oo magaala Madaxda Muslimiinta ahayd degganaa ciidamo Masaari ah oo muslimiinta taageerayey, hase ahaatee waddamadii reer galbeedka ahaa ee awoodda lahaa ayaa waxa ay Masar ku qasbeen in ay ciidamadeeda magaalada kala baxdo si kuwa Boqor Menelik u soo galaan. Markii ciidamadii Masar isu diyaarinayeen (aakhirkii 1884) in ay Harar ka baxaan, ilaa 30 kun oo ciidamadii Menelik ka tirsan aadna u hubaysan ayaa meel aan Harar ka fogayn fadhiyey oo sugayey inta ciidamada Masar magaalada ka baxayaan.

Boqor Menelik hubka culus ee uu haystay waxaa ugu deeqay wadamadii ay ka midka ahaayeen: Ingiriiska, Ruushka, Boortaqiiska, Faransiiska iyo Isbaanishka. Ujeedada ugu weyn ee wadamadaasi u taageerayeen waxa ugu weynaa xagga diinta.

Waayo waxa ay rabeen in Islaamka awoodda laga wareejiyo. Isla mudadaas ayaa wefdi Ingiriis ah oo uu hoggaaminayey Admiral Hewitt, loo diray Abasiiniya, si ay uga wada hadlaan sidii ciidamadii Masaarida ee Harar deganaaa ay si nabad gelyo ah halkaas uga bixi lahaayeen, wuxuuna la kulmay Boqorkii Xabashida.

Sannadkii 1885 sidii la filaayey ciidamadii Masar ayaa Harar ka baxay. Markii ciidamadii Masar ay Harar ka baxeen, ciidamadii Xabashida ayaa magaaladii soo galay, waxa ayna halkaas ku laayeen dad aad u fara badan oo culumada diinta u badnaa. Markii ay magaaladii Harar qabsadeen, masaajidkii ugu weynaa ee magaalada ku yaaley waxa ay u bedeleen kaniisad.

Markii ciidamada Xabashidu qabsadeen Harar waxa ay dileen Cabdalla Maxamed, oo ahaa Amiirkii Harar ee xukumayey Muslimiinta. Boqor Menelik markii uu qabsaday Harar wuxuu xukunkii u dhiibay ina-adeerkii Ras Makonnen. Menelik, isla markiiba wuxuu warqad u diray xafiiskii Ingiriiska ee Cadan, wuxuuna u sheegay "in Cabdalla Maxamed, uu ahaa nin dhaxlay maamulkii Imaam Axmed Gurey, ee Harar qabsaday qarnigii lix iyo tobnaad, sidaas darteedna in jabkiisu (Cabdalla) uu yahay badbaaadinta iyo soo celinta sharafta 'diintooda'.

Markaasi umada somaalida waxaan u sheegayaa inuu axmed gurey u ahaa nin caj’aab oo diinta islaamkana u dagaalamayay dhaxal reerbna u noqotay umada somaalida meel kaste ha joogaanee taasina waata dhalisay in lugu faano axmed gurey ilaa imigana magaciisii iyo sharaftiisii iyo halgankiisii wali wuu jiraa wuuna jiri doonaa (imam axmed ibraahim alqasi) waana nin u dhigma dhamaan qabiilada caalamka ka jira oo dhan
duqaydii horaytiyo
dariiqii la soo maray
kuwaan damqanaynow
wadka isku diyaarshay
gurey darajadiisii
dagaalyahankii u waynaa
wuxuu u dagaalamaaya
waa diinta waajibkeedee

wabilaahi towfiiq
hamse riraash
hargaysa
hamserirash@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 5, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com