SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wafdigii Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee wadahadalada u joogay magaalada Nairobi ayaa dib ugu laabtey magaalada Casmara.

By Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
mrsomalia@gmail.com

Wafdigii Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo mudo asbuuc ah ku sugnaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa xalay halkaas isaga dhoofay,iyagoo ku sii jeeda magaalada Casmara, si ay ula kulmaan labada gole ee uu ka kooban yahay Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

Prof. Ibraahim Hasan Adow oo wafdigaas ka mid ahaa ayaa u sheegay saxaafada gaar ahaan Idaacada Horn of Afrik ee magaalada Muqdisho in ay dhameysteen howshii ay Nairobi u yimaadeen.

Prof. Caddow ayaa wuxuu sheegay intii ay joogeen Magaalada Nairobi inay la kulmeen madax ka socotay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub ( EU), Midowga Afrika (OAU), jamacada Carabta, iyo Dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya safiiradooda, wuxuuna caddeeyay in ay wada hadalladaas ku saabsanayeen sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada ka taagan Soomaaliya.

Wafdiga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee soo gaarey Magaalada Nairobi ayaa waxay ka koobnaayeen , iyadoo ay kala hoggaaminayeen Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Shariif Xasan Shiikh Aadan, waxaana xubno ka ahaa Jen. Jaamac Maxamed Qaalib, Maxamed Cabdi Yuusuf, Prof. Ibraahim Xasan Caddow, Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi, Dr. Cumar Iimaan, Abdulkadir Dhaqane

Waxaana Nairobi iyagana joogay xubno ka tirsan Isbahaysiga oo aan ka xusi karno Maxamed Xasan Daryeel, Caasha Xaaji Cilmi iyo Mohamed Amiin Osman.

Dadaalka ay beesha Caalamka ugu jirto in la xaliyo mushkiladda Soomaaliya ayaa wuxuu haatan u muuqdaa mid dhab ah, balse waxaanse muuqan rajo ku saabsan in ay isa soo hor-fariistaan dhinacyada kooxda Mbagathi ee la nool Tigreega dalka qabsaday iyo Isbaheysiga ka soo horjeeda joogitaanka Ethopia ee Soomaaliya.

Isbaheysiga iyo wafdigiisa ayaa aaminsan in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad dalkana la haysto, hasayeshee wakiilka xoghayaha qaramada midoobay ee Soomaaliya Ambasedor Ahmedou Ould-Abdallah ayay isla garteen in arinka u gudbiyo golaha amaanka, iyagoo isku afgartey waxyaabihii ay ka wada hadleen oo dhan.

Dowlada Mareykanka iyo ergada wadamada Midowga Yurub iyo Isbahaeysiga ayaa wadahadal dhaxmarey kadib isku afgartey in arinka Soomaaliya si wadajir ah wax looga qabto, iyadoo loo maraya xaga wadahadalka, waxayna qirteen wadamada daneeya arimaha Soomaaliya in joogitaanka ciidamada Ethopia ee Soomaaliya ay tahay mushkilada ugu weyn ee hortaagan in Soomaaliya ay ka dhalato dowlad ay rabaan shacabka Soomaaliyeed iyo dhibaatada biniaadanimo daro ee ka jirta Soomaaliya waqtigaan.

Waxaa lagu wadaa in golaha amaanka in arimaha Soomaaliya shir looga hadlaayo la qabto dhawaan, shirkaas oo looga dhagaysan doono warbixin ku saabsan wadahadaladii ku dhaxmarey xubnaha Isbaheysiga iyo beesha caalamka oo dhinac ah magaalada Nairobi.

Wafdigii Isbaheysiga Dib u xoreynta ee wadahadalada u joogay magaalada Nairobi ayaa ku laabtey magaalada Casmara galabta, halkaas oo ku taal xaruunta golaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Waxaana la filayaa inay dhawaan saaxafada u soo bandhigaan intii ay joogeen Nairobi wadahadaladii ay la yeesheen beesha caalamka wixii ka soo baxay.

Joogitaankii Nairobi wafdiga Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa dhaliyey inuu tuhun soo kala dhaxgalo hogaamiyayaasha u adeega Tigreega ee kooxda Mbagathi, taas oo kaliftey inuu safar aan la shaacin inuu ku yimaado magaalada Muqdisho wasiirka arimaha dibbada Ethopia Musfin, isagoo la kulmay Abdulahi Yusuf,taas oo keentay in looga shakiyo Nuur Cade oo ku sugnaa magaalada Nairobi inuu xiriir hoose dhaxmarey ergayga UN-ta iyo Isbaheysiga,taas oo keentay in Abdulahi Yusuf si degdeg ah ku yimaado magaalada Nairobi kuna amro inuusan hogaamin Karin wafdiga laga yaabo inay tagaan xaruunta United Nation-ka si ay uga qayb galaan shirka looga hadlaayo in ciidamo nabad ilaalineed loo diro Soomaaliya, iyadoo lagu dhawaaqi doono in ciidamada Ethopia-na dalka laga saraayo.

Warar rasmi ah oo aan ka haleyno diplomasiyiin reer Galbeed ah oo diiday inaan shaacino ayaa noo sheegay in markii hore ay aheyd in Nuur Cade wafdiga hogaamiyo kana hadlo shirka looga hadlaayo arimaha Soomaaliya,hasayeshee hada waxaan helnay war ah in wafdiga u hogaamin doono Abdulahi Yusuf una doonaayo inuu isaga ka hadlo shirka, taas oo caqabad ku noqon doonto wadahadaladii ay beesha caalamka iyo Ergayga qaramada midoobay ee Soomaaliya kula yesheen Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya iyo kooxda Mbagathi ee u hogaaminayey Nuur Cade.

Ugu dambayntii waxaa cad in beesha caalamka ay ka qaadan doonto go’aan cad arimaha Soomaaliya, madaama ay hada xaqiiqsadeen halka ay salka ku hayso dhibaatada Soomaaliya, taas oo isla gartey kulamadii ka dhacay magaalada Nairobi in Ethopia oo sii haysata Soomaaliya in dhiibaatada iyo dagaalada ay sii socon doonaan, arinkaas oo ay ku wada qanceen dhinacyada wadahadalka dhaxmarey oo dhan, madaxda Isbaheysiga ayaa iyana si cad ugu sheegay beesha caalamka in dagaalka u sii socon doono inta ciidamada Ethipa ku jiraan ciida Soomaaliya, taas oo laga garoowsaday,beesha caalamka ayaa danaynaysa inay Soomaaliya u soo diraan ciidamo nabad ilaalineed oo wax ka qabta mushkilada ka tagan Soomaaliya, kadib markii kooxda Mbagathi iyo Ethopia ay wax ka qaban waayeen ama ku fashilmeen arimaha Soomaaliya.

Faafin: SomaliTalk.com | April 7, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com