SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

April 9: Ciidamada midowga maxaakiimta islaamka ayaa mar labaad saaka la waregay gacan ku heynta magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay oo ka tirsan gobolka shabeelada dhexe

Magaalooyinka jowhar iyo mahadaay oo labaduba ka tirsan gobolka she/dhexe ayaa gacan ku heyntooda ay la wareegeen ciidamo ka tirsan maxaakiimta waxaana la sheegayaa in ay isaga baxeen maamulkii DF iyada oo aan wax gacan ka hadal ah aysan ka dhicin

Afhayeenka ciidamada maxkamahda cabdiraxiin ciise cadow oo saxaafada la hadlayey ka dib markii ay ciidamadoodu qabsadeen ayaa xaqiijiyey qabsashada magaalooyinka jowhar iyo mahadaay .

Ciidamada ayaa ku qeylinayey allaahu akbar waxaana madaxa ugu duubnaa cimaamado markii ay soo galayeen magalada jowhar sida ay sheegeen dad joogooyaal ahaa oo aan la xiriirnay

Ciidamada midowga maxaakiimta ayaa waxaay sii daayeen maxaabiis aan tiro ahaan aan la ogeyn.

Magaalada jowhar ayaa waxay noqonaysaa magaaladii laba jeer la qabsado mudo bil gudaheed ah.

Qabsashadaan ayaan eheyn tii ugu horeysay waxaana asbuucaan gudihiisa ay ciidamada maxaakiimtu  qabsadeen magaalooyinka ay ka mid yihiin balcad ,mahadaay ,raage ceele,iyo jowhar oo ay hada heystaan waxaana la ogeyn in ay ka bixi doonaan waxaana ay ku isku hareereeyeen xarumaha maamulka dowlada sida saldhiga boliska iyo guriga gudoomiyaha gobolka.

Wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in magaalada mahadaay ee isla gobolka ka tirsan ay weli gacanta ku hayaan ciidamo ka tirsan kuwa maxaakiimta oo ay xulofo yihiin kuwa jowhar qabsaday oo iyane saaka galay isku waqti .

Ciidamda ayaa waxay digniin siinayeen dadka shacabka ah ee doonayo in ay bililiqeystaan hantida gaarka loo leeyahay iyo mida guudba mana jirin wax dhac iyo dil loo geystay.

Faafin: SomaliTalk.com | April 9, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com