SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Arday Soomaaliyeed oo Abaalmarin waxbarasho (Award) ku Guuleystey Wadanka Pakistan! 

Arday kamid ah Somalida ku nool wadanka Pakistan ayaa waxa uu ku guulaystay in uu kamid noqdo xidigaha sanadka ee jaamacadiisa.

      Ardeygaasi oo lagu magacaabo Maxamed Mukhtar Cali ayaa waxa oo ku guulaystay (Highest GPA of 2007, BS patch) taasoo micnaheedu yahay: ardaygii ugu Buudooyinka sareeyey ardaydii ka qalin jabisey Jaamacadiisa sanadkii 2007-ka, qeybta Information Technology-ga ee BS department-ga.

Maxamed Mukhtar ayaa ah ardaygii ugu horeeyay ee Ajnabi ah oo ku guuleysto Abaalmarin ceenkaan ah oo ka qaata jaamacaddiisa Preston University.

Xafladdan ayaa waxa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay dowlada Pakistan kuwaasoo uu hogaaminayey Duqa Maqaalada Karachi, Ayadoo sidoo kale eey soo wada xaadireen maamulka, macalimiinta iyo ardeyda jaamacada. Sidoo kale waxaa kasoo qeyb galay Jilaayaal ka mid ah raga ugu caan wadankan Pakistan, Waalidiintii ardeyda iyo marti sharaf kaloo aad u farabadan.


Agaasimaha Guud  ee Preston University Sir. Anwar A. Ansari iyo Duqa (The Mayer) Magaalada Karachi Sayid Mustafa Kamal 

Mohamed Mukhtar Cali ayaa waxa uu waqtigiisa inta badan ku qaataa gurigiisa sida lagu yaqaan ardeyga dadaalaya, isaga oo aan inta badan lagu arkin Soomalida meelaha eey waqtiga ku lumiyaan sida meelaha laga Qaxweeyo ee Lagu Fadhikudiriro.

Maxamed Mukhtaar oo lasii hayaamaya Abaalmarintiisii   

Mohamed Mukhtar Cali ayaa wax uu ka qalin jabiyey taqasuska ah BS (Information Technology), waqtigan la joogana wuxuu Masters-ka MS (Network and Telecommunication) kawadaa Jaamacadda weyn ee Mohammad Ali Jinnah University (MAJU).  

Ugu dambeyn waxaan u rajeyneynaa Ardeygaa Soomaaliyeed guul iyo horumar, Dambiga waalidkiisna ilaah dhaafo. 

Qore: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan (Cabdi Boqor)
abdulkadirphd@hotmail.com
Karachi-Pakistan

Faafin: SomaliTalk.com | April 11, 2008
 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com