SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ciidamada Itoobiya oo taag u waayey Kooxaha ka soo horjeeda

Markii ay si dhab ah u burbureen Ciidamadii Dowladda federaalka isla markaana jab ay kala kulmeen xoogaga ka soo horjeeda ayaa ciidamada Itoobiya waxay markaan u muuqdaan kuwo ku wareerey gudahaa soomaaliya "ciidamada Itoobiya waxay maalinkasta moosayaan webi soo burqanaya waxaana aakhiritaan ay noqon doonaan kuwo faraha ka qaada webigaas" ayuu yiri Xasan faarax oo ka mid odoyaasha magaalada Muqdisha wuxuu intaa raaciyey" bal fiiri marka magaalo laga saaro cidamada Dowlada waxaa goobta imaanaya ciidamo itoobiyaan ah kuwaas marka ay laba maalmood joogaan oo ay is yiraahda ragii waatageen ayey mar kale ku arkaan xoogaga ka soo horjeeda waxaa la yaab leh markii ay ciidamada Itoobiya ka bxeen Buulo Barde waxaa 10 daqiiqo soo gale ciidamada Maxkamadaha marka waxaa leeyahay ciidamada Itoobiya war dhulkaan ma kala gaartiina isaga baxa wadanka.

Mid ka mid ah afhayeenada Maxkamadaha oo u warameyey saxaafada ayaa wax laga weydiiyey sabata ay gu baneeyaan ciidamada Itoobiya marka ay magaalo qabsadaan wuxuu ku jawaabey "Hadafkeenna maaha in aan magaalo qabsano ee waa in aan dhabarka jabino Cadowga waxaana uu sheegey in goordhow ay is qaabili doonaan Ciidamada Itoobiya
abuu Mansuur ayaa isna sheegeu in marka uu da'o Roobka Guga ay la soo bixi doonaa Farsamooyin lagu weeraro ciidamada Itoobiya.

Raiisul wasaaraha itoobiya oo dhawaan wareysi siiyey Jariida News Week ayaa sheegey in ciidamada Itoobiya ay dhiiqo galeen markii ay galeen soomaaliya isagoo sheegey in waqti dhow ay la soo bixi doonaan ciidamadooda.

ciidamada Itoobiya waxa hadda ay ka gambadaan goobaha ay joogaan Ciidamada ka soo horjeeda waxayna ku eg yihiin wadooyinka isku soo wada duub ciidamada Itoobiya waa kuwo ka sii niyad jabayo xaalka soomaaliya ka dib markii ay wax qabsan wedey Dowladda Federaalka waxaana maalin kasta Dowlada ka goosta ciidamo iyo hubkoodii waxaana ugu dambeeyey ciidamo habeen hore ka goostey dowladda kuwaas oo isku dhiibey xoogaga ka soo horjeeda

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 14, 2008
 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com