SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: April 14, 2008

  • Gacanku heynta Magaalada b/weyne oo xalay lagala wareegay dowlada fadaraalka dadna lagu dilay
  • Afar qof oo dhex geriyootay shaneemo aflaanta lagu daawado magaalda Marka
  • Qaraxyo iyo weeraro xalay lagu qaaday fadhiisinka ciidamada Burundi iyo saldhiga galbeed
  • Cadaado oo ay ka baxeen cidamo Ethiopian ah garayna
  • Dowlad Goboleed Cusub oo lagaga dhawaaqay Soomaaliya (Northland State of Somalia)

Gacanku heynta Magaalada b/weyne oo xalay lagala wareegay dowlada fadaraalka dadna lagu dilay

Ururka alshabaab ayaa xalay weerar ku dhufo oo ka dhaqaaq ah kula wareegay gacanku heynta magaalda b/weyne isla marknaa isaga baxay waxayna wararku sheegayaan in halkaasi lagu dilay tiro dad ah qaarkoodna ay ahaayeen macaliminii iyo dad ajaaniib ah

Dadkan la dilay ayaa waxaa ay haayeen 5 qof oo sadax ka mid ah ay ayeen macalimiin ajaaniib ah oo wax ka dhigi jiray iskuulka ku yaal dagmada B/weyne waxayna dhalashadoodu kala ahaayeen laba kenyati ah hal qof oo ingriis ah iyo hal Somali ah waxaana ku jiray nin kale oo Somali ah asalkiisu balse dhwaan lag asoo tarxiilay dalka Canada wxuuna daganaa in mudo ah

Ciidamada ururka alshabaab oo xalay la wareegay gacan ku heynta magaadla B/weyne saqdii dhexe ee xalay wararkuna waxay sheegayaan in aan wax dagaal ah aysan ka dhicin ayna isaga baxeen dhamaan maamulkii gobolka ee uu hormuudka ka haa gudomiyaha gobolka hiiraan yuusuf Axmed Hgar ( Yuusuf Dageed ) oo gurigiisa dab qabadsiiyeen xoogagii qabsaday magaalda sido kale waxay gubeen gaaridii ay lahaayeen ciidamada dowlada iyada oo looga cararay gudaha saldhiga boliska sada ay sheegayaan wararka aanu ka helayno ilo wareedyo kalu kalsoonaakaro

Waxayna sheegteen ururka alshabaab oo iyagu sheegtay in ay ka danbeeyaan qabsasahdamagalada B/weyne iyaga oo daadiyey waraaqo ay ku qornaayeen ereyo ay ka mid ahaayeen ( guul alshabaab)

Dadweynaha reer baladweyne ayaa walaac ka miijiyey waxyaabaha dhiilada iyo colada leh ee ka socdo dalka somaliya gaar ahaa gobolka hiiraan

Ugu danbeyntii xoogaga ka soo horjeedo joogitaanka cidamada shisheeye ee gudaha somaliya ee al shabaab ayaa isaga baxay isla xalay saqdi dhexe magalada B/wene oo hada aanu ka jirin wax maamul ah.

Afar qof oo dhex geriyootay shaneemo aflaanta lagu daawado magaalda Marka

Shineemo ku taal magalada marka oo ay ka buuxeen dhalinyaro daawanaysay filim ayaa lagu tuuray bamboo F1 ah waxaana qasaare dhimasho ah ka soo garay ilaa 4 ruux inta la xaqijiyey in ku dhow 20 kalana waxaa ka so gaaray dhaawacyo kala duwan oo qaarkood ay yihiin kuwo halis ah waxayna ahaayeen kuwo daawanayey filimka socday shaneemadaasi


Wardheere: Soomaalida London waxaan ugu baaqayaa in aanay u kala harin taageeridda Murashaxa Mudane Zakariya X. Maxamuud ee London Assembly (Endorsement)

Xalay fiidkii ayaa lala beegsaday goobtaan filimada lagu dawado eek u taal bartamaha magalad marka ee gobolka shabeelaha hose magaalo madaxdiisa qaraxa ka dib markii ay burbureen waxyaabihii suurta galinayey dawashada filimka ayaa waxaa la arkayey dhaman dadkii ku jiray gudaha shineemada oo ka baxsanaya qarax labaad hadiiba u jiro tasoo sababata in ay isbuurtaan dawadayashii iayda oo halkaasi ay ku hareen meydadka iyo dhawacyada uu galaaftay qaraxa bambada gacanta lagatuuro ah

Dadkii waxyeelada ka so garatay ayaa loola cararay isbitaalka magaalda marka si loogu dabiibo halkaa waxaana dhacaday in qaarkood ay ku nafwaayeen gudaha ispitalka ka dib markii la keenay iyaga oo aad u liita waxaana siibadanaya dhimashada uu geystay qaraxaan ugu danbeeyey qaraxyo lala beegsanayey shineemooyin ku yaal magaalooyin badan oo ku yaal gudaha dalka somaliya xiliyadii ugu danbeeyey ,

Ispitaalka magaalada marka ayaa waxaa isug so baxay dad badan ma dib markii ay maqleen mashaqada ka dhacday shineemada oo digniino hore loo siiyey la filayey in mar uun ay dhici doonto qasaare sidaan oo kale ah daafaha magaalada ayaa la isaga yimid dad u badan caruur dumar ehel u ah iyo dadkale oo waalidiin ah

Dadkaan soo xoomay ayaa ahaa kuwo dhawacyada iyo meydadka ka raadinayey wax ay gartaan ama caruur iyo dad ka maqan arintaan ayaa ah mid ku cusub magalada marka balse waxay ka dhacday magaalooyin kale

Dadweynaha magaalda marka ayaa walaac xoogan ka muujiyey qaraxyada lala begsanayo shineemooyinka oo ku soo badanaya xili ay jiro shaqo la .aan bahsan

Qaraxyo iyo weeraro xalay lagu qaaday fadhiisinka ciidamada Burundi iyo saldhiga galbeed

Xooga ka soo horjeeda dowlada KMG iyo joogitaanka ciidamada shisheeye ee gudaha so maliya ayaa weeraro la bartilmaameedsaday saldhiga boliska ee galbeed lamina ogo qasaaraha ay geysteen qaraxyda iyo rasasta baasuukaha oo la maqlayey xalay fiidkii wuxuuna soconayey ku dhawad sacad

Xaalada degaanka ayaa saaka ah mid dagan mana jiraan wax qasare dhimasho iyo dhawac ah oo lagu arkay halkaa majiraan sidoo kale wax howgalo ah oo ay ciidamadu halkaa ka sameeyeen xafada dharkeynley iyo inta u dhaxayso saldhiga galbeeb ayaa u muuqata mid dagan mana jiraan wax wado ah oo xiran

Sidoo kale dagaal la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay xurunta jamacada umadda somaliyeed oo fadhiisin u ah cidamada dalka Burundi oo qyb ka ah cidamada AMISOM ee midowga africa

Dagaalka xalay ay isaga horyimaadeen ciidamada Burundi iyo kooxaha ka soo horjeedo joogitaanka cidamada shisheeye ee gudaha somaliya ayaan la ogeyn qasaraha dhabta ah ee uu geysta inta u la egyahay

Ma jiraan cid sheegatay dagaalkaan lagu qaaday ciidamada Burundi waana markii labad ee la weeraro ciidamadaan ka socdo dalka burindi waxaana tobadkii tagay qarax ismiidaamin ah lagu weeraray gaari cabdi bile oo u watay nin naftii hure ah oo laga soo buuxiyey waxyaaha qarxa mana jirin madaafiic iyo hoobiyeyaal ay ku garacen xafado iyo dad shacab ah sidii looga bartay marka la weeraro cidamada Ethiopia oo madaafiic la dhacay xafadaha iyo guryahay taasoo sababta dhimasho badan oo aan loo baahaneyn

Cadaado oo ay ka baxeen cidamo Ethiopian ah gaarayna ……..

Ciidamo Ethiopian ah oo wata ilaa 16 gari oo uuraal ah kuwas oo ka baxay cadaado ayaa gaaray saaka garoonka kubada cagta magaalada caabuud waaq ee gobolka galgaduud waxaana lagu wadaa in halkaas ay fadhiisin ka samaysan doonaan sida ay saadaalinayaan dad badan oo aqoon u leh howlgalada ciidamad aEthiopia ay ka wadaan gudaha dalka somaliya

Ciidamadan ayaa waxay ku signaayeen magalada cadado mudo iyaga oo ka soo guuray shalay subax sida warku sheegayo waxayna ku soo hakadeen magaalada Galinsoor

Lama garanayo cidamadaani in ay u socdaan dhinaca is maamulka Ethioia iyo in ay halkaan ku nagaan doonaan mana la kulmin wax iska cabin ah iyo sidoo kale wax soo dhaweyn ah

Waxaana loo malaynayaa in ay doonayaa ciidamadaani sidii ay uga adeegan lahaayeen magaalda oo kaliye dibna ugu noqon doonaan caddaado iyo halkii ay ka yimadeen

Muuse Maxamuud Jisow
musejisow@hotmail.com
muqdisho somaliya
0025215576666
0025250907666


Dowlad Goboleed Cusub oo lagaga dhawaaqay Soomaaliya (Northland State of Somalia)

Ka dib markii shirar isdaba joog ah ay baryahan ka socdeen gobalka Minnesota oo lagaga wada hadlayey sidii loo aasaasi lahaa dowlad goboleed hoos timaada dowlada Federaalka Soomaaliya uu madaxda ka yahay Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed.

Shirarkaas ayaa waxa lagu lafa guray muhiimada ay leedahay dowlad goboleedkan iyo sida ay muhiim u tahay in loo sameeyo si dhaqsa ah. Shirarkaas oo ay ka soo qayb galeen odayo, cuqaal, isimo, aqoonyahano, arday, culimo, iyo hooyooyin.
Shirarkaas oo lagu soo bandhigay baadhitaano qoto dheer iyo wareysiyo muhiim ah oo ka hadlayey marxalada Soomaaliya iyo gaar ahaan marxalada gobolada hada la doonayo in maamul loo sameeyo.

Gebegabadii ayaa waxa lagu guuleystey in la lagu dhawaaqo Dowlad Gobaleed ka talisa gobolada Sool, Sanaag, Ceyn, iyo Togdheer. Dowlad gobaleedkaas oo loo bixiyey Northland State of Somalia.

Somali Media
Abdimalik Askar
aabdimalik@hotmail.com


Suuqa Madiina: Haweenka ka Ganacsada Suuqa Qudaarta oo loo dayac tiray dhisme ay ku ganacsadaan.. Akhri Apri 14

Muqdisho: Qodobo ku saabsan sicir bararka oo ay soo saareen culima'udiin, ganacsato, aqoonyahano iyo bulashada rayidka ah... Akhri.... Apr 14

Wardheere: Soomaalida London waxaan ugu baaqayaa in aanay u kala harin taageeridda Murashaxa Mudane Zakariya X. Maxamuud ee London Assembly.. Akhri... Apr 14

Video: Boob Loo geystey Dukaannada Bakaaraha

Ciidamada Itoobiya oo taag u waayey Kooxaha ka soo horjeeda

Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo warsaxaafadeed ka soo saaray Abaaraha dalka ka jira. Akhri...

Wiil Soomaaliyeed oo Lagu Diley Minneapolis
Marxuumka la toogtey oo da'diisu ahayd 18-jir.. Akhri...

NEWSWEEK: Itoobiya oo ku dhiiqatay Soomaaliya
Waraysi Jariidadda Newsweek la yeelatay Meles Zenawi...
 Q.1aad | Q.2aad

Faafin: SomaliTalk.com | April 14, 2008
 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com