SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
15 April 2008.


Shir sanadeedkii Jaaliyadaha Ogaadeenya ee Australia & New Zealand oo ka dhacay Perth.

Ururka dhalinyarada Ogadenya OSF-Dk oo shir isugu yimid.

Falanqayn Ku saabsan ururada dhalinyarada Ogadenya ee qurbaha.
Dhegesyo halkan...


======================


Shir sanadeedkii Jaaliyadaha Ogaadeenya ee Australia & New Zealand oo ka dhacay Perth.

Jaaliyadaha Ogadenya ee wadamada Australia iyo Newsealand ayaa 12-4-08 isugu yimid shir sanadeedkii jaaliyadaha qaarada Australia oo ah kii sadexaad.

Shirkan oo ka dhacay magaala madaxda gobolada galbeedka Australia ee Perth ee wadanka Australia ayaa waxaa marti galiyey jaaliyada ogadenya ee magaaladaas.

Shirkaas ayaa waxaa kasoo qayb galay wuud fara badan oo ka timid gobolada Australiya iyo New Zealand iyo jaaliyadda martida loo yahay ee Galbeedka Australiya oo si weyn uga soo qayb gashay shirka. Waxaa iyana si weyn uga soo qayb galay shirka jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australiya ku nool masuuliyiin ka socda hayado kala geddisan oo Australian ah.
Shir

Sidoo kale waxaa shirka kasoo qayb galay Jaaliyadda Soomaaliya oo muujisay taageerida ay u hayaan halganka Ogaadeenya.
Shirka ayaa waxaa lagu furay aayado Qur’aan ah kadibna Waxaa ugu horreyn magarafoonka lagu soo dhoweeyey Gudoomiye-Xigeenka 1aad , JWXO , Mudane Mohamed Ismacil Omar. Wuxuu Gud-Xigeenku ku booriyey jaaliyadda marka hore inay muujiyaan sumcadd fiican bulshooyinka iyo dalka ay ku nool yihiin. Wuxuu Gud-Xigeenku ku baraarujiyey inay Jaaliyaddu tahay muraayadda laga daawanayo shacabka Ogaadeenya iyo qaddiyadiisa. In Carrurta la baro dhaqankooda iyo diintooda si ay u noqdaan kuwo xilkooda qaran gudta barrito.

Wuxuu aad ugu nuuxnuuxsaday inay dalalka ay ku nool yihiin wax ka qabsadaan caruuurta wax barashadooda xoog la saaro. Kadib Gudoomiye- xigeenku wuxuu si mug leh uga waramay taariikhda halganka Ogaadeenya ee ay maanta JWXO majaraha u hayso wuxuuna si aad ah u qeexay u jeedadii loo aas aasay Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay iyo heerka uu maanta marayo halganka Ogaadeenya oo ah meel aad loogu faani karo, Wuxuu Mudane M Ismail sheegay in Itoobiya u gaysay inay Soomaaliya qabsato naf la haarnimo, ayna rabto inay dhibaatada gudaheeda iyo Ogaadeenya ka haysata ku qariso hase ahaate ay masiibo kala kulantay, kuna guul daraysatay.

Sidoo kale waxaa lagu madasha shirka ka hadlay Sheikh C/raxman oo ka qayb galayaasha ku baraarujiyey in marka hore Alla laga baqo iyo ilaalinta iyo baahida midnimada iyo isku duubnaanta.

Jaaliyadaha Australia iyo Newsealand ayaa ka warbixiyey wax qabadkii jaaliyadahooda kadib waxaa taariikhda Ogaadenya iyo bilowgii gumeysiga ka hadlay Asad C/lahi Cumar
Waxaa kale oo shirka ka hadlay madax iyo aqoon yahan Soomaaliyeed oo muujiyey taageerada ay u hayaan halganka shacabka Ogadenya uu ugu jiro xorriyadiisa. Waxaa ka mid ahaa aqoon yahanada ka hadlay Sayid Cabdi Saciid , wuxuuna ka hadlay dhibaatada maanta haysata ummadda Soomaaliyeed iyo siduu gumeysigii guunka ah u qabsaday meel kasta. Wuxuuna intaas ku daray Cabdi Saciid in markii Somalida xorta ahi shacabka walaalahood ah ee Ogaadeenya u hiilin waayeen nabsigii qabtay oo iyagana cadowgii qabsaday. Wuxuu sheegay inay hadda waajib ku tahay qof kasta oo Soomali ah inuu taageero halganka shacabka Ogaadenya.
Waxaa iyana khudbad qiimo badan ka jeedisay shirkii Cibaado Dahir oo ka hadashay kaalinta ay haweenka Ogaadeenya kaga jiraan halganka iyo inay yihiin laf dhabarka halganka iyaga la’aantoodna aan halgan hirgelaynin. Waxay Marwo Cibaado qeexday dhibaatada shacabka gumeysigu ku hayo iyo inay kuwa ugu daran yihiin haweenka. Aad baa si aan kala go’ lahayn loogu sacabiyey.
Dhanka hooyooyinka ayaa waxaa shirka ka hadlay Cibaado Dahir oo ka hadashay kaalinta ay haweenka ogadenya kaga jiraan halganka iyo inay yihiin laf dhabarta halganka.

Abwaanad Roda Afjano oo goob joog ka ahayd shirkaas ayaa halkaas kasoo jeedisay gabayo isugu jira guubaabo iyo kicin aadna u qiira galiyey shacabkii kazoo qaby galay shirkaas.

Oday dhaqameedyada iyo waxgaradka u dhashay Ogadenya oo xaadir ku ahaa shirkaas ayaa waxaa ka mid ahaa kana hadlay halkaas
Abdi Daahir Afey
Ugaas Xukun Axmed Saahid
Mohamed Faarax (Farey)
Odayaashan oo dhamaantood tibaaxay siday lagama maarmaan u tahay in lagarab istaago halagnka Ogaadeenya lagu xoreynayo ee ay JWXO hor muudka u tahay waxayna dhamaantoo muujiyeen in guusha lagu gaadhi karo midnimo iyo isku tashi.
Dhanka dhalinta waxaa u hadlay halgame C/Taajir (Xiirey) oo horaan ka tirsanaa Jaaliyaad Ogaadeenya ee Koonfur Afrika

Ugu dambayntii waxaa dadkii meesha ka hadlay oo dhamaan sacab lagu soo dhoweyey la balan qaaday in halganka shacabka Ogaadeenya hiil iyo hooba lala garab istaago, isla markaas dhibaatada shacabka gumeysigu ku hayo caalamka lala socodsiiyo, gurmadna la sameeyo.


Ururka dhalinyarada Ogadenya OSF-Dk oo shir isugu yimid

Ururka ardayda dhalinyarada Ogadenya ee Denmark OSF-DK ayaa galabnimadii shalayto 12 April 2008 isugu yimid magaalada Copenhagen shir heersare ah oo ay kasoo qayb galeen wafti uu hogaaminayay gudoomiyaha ururka
ardayda ogadenya ee wadanka Ingiriiska Mudane Xassan Sh. Muxumed Iraad iyo Fatxi oo ahayd gabadh ka soctay
kana mid ah ururka dhalinyarada Ogadenya ee wadanka Maraykanka siiba SEATTLE WASHINGTON

Waftigan oo ka kooban 6 xubnood oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa booqasho rasmi ah ku yimid Denmark 10/04/2008 si ay uga qayb galaan shirka ururka OSF-Dk Waftiga ka socday UK iyo xubinkas ka socday USA ayaa dhammaantood kasoo jeediyey shirka khudbado dhaxal gal ah oo isugu jiray:
Ujeedooyinka ururada dhalinyarada Ogadenya.
Kaalinta dhalinyarada ogadenya ee qurbaha ee halganka hubaysan ee jwxo.
Isku xidhnaanshaha dhalinyarada Ogadenya ee dibad
joogta ah iyo ka warhaynta dhulkoodii hooyo.
Wacyi galin iyo baraarujin guud.
Sidoo kale shirka waxaa kasoo qayb galay wajigiisii hore madax ka tirsan jwxo sida kuxigeenka iskuduwaha
guud ee jaaliyada N/Hure Gamaadiid,wuxuuna halkas kasoo jeediyey warbixino ku aadan halganka iyo xaalada
guud ee wadanku hadda marayo sidoo kale wuxuu dhalinyarada ku booriyey inay markasta isku
xidhnaadaan.

Dhanka aqoonyahanada u dhalatay ogadenya ayaan shirkan ka maqnayn waxaana khudbad gaaban oo mugweyn halkas kasoo jeediyey Dr.Yuusuf Cadami oo shirka uga taariikheeyey in dhalinyaradu tahay lafdhabarta bulshada iyo tiirka halgamada caalamku soo maray.

Shirkan oo socday ilaa sadedxii saqda dhexe ayaa waxaa sidoo kale warbixino kasoo jeediyey gudiga ururka
dhalinyarada Ogadenya ee wadanka Denmark,halka ay Kiin Aaden oo ururka u qaabilsan abaabulka kusoo bandhigtay gabay cajiib ah oo ka tarjumayay xaalada uu dalku ku sugan yahay iyo damanaanta dadka Ogadenya

Kasoo qayb galayaasha shirkan oo uu qaadi waayey hoolkii shirku ka dhacayay ayaa isaga kala yimid
dhamaan gobolada wadanka Denmark,waxana la isku afgartey si aan kala hadh iyo hagrasho lahayn loo
garab istaagayo halganka ay jwxo hurmuudka ka tahay

Shirka ayaa qaybtiisii dambe lagu soo gabagabeeyey ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee ay iska leeyihiin
ummadda Ogadenya sida Dhaantada,iyadoo ay halkaas diyaar ku ahaayeen faniin da,yar ah oo u dhalatay
ogadenya sida Cabdiraxmaan Koronto iyo Axmed Xeef.
15 April 2008

Cabdinuur Sh. Maxamed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | April 16, 2008
 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com