SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed (Jabiso)

BAYAAN

Muqaawamada Islaamiga  ee Soomaaliyeed waxay ku guulaysatay in ay hanato kalsoonida shacbiga Soomaaliyeed, ayna ka hesho dadkeeda taageero hiil iyo hooba leh, taas oo keentay in cadawgu hanan waayo talada dhulkii uu horay gacanta ugu dhigay oo u qeybsamay deegaano muqaawamadu si toos ah uga taliso iyo meelo maleeshiyo beeleedyo ka arrimiyaan. Waxaa kale oo ay muqaawamadu ku guulaysatay in ay gumaysiga iyo cawaankiisa qoqob galiso, una diido in uu sidii uu doono ujeedooyinkiisa uga dhex fushado dalka iyo dadka. Guulaha waaweyn ee ay soo hoyisay muqaawamadu waxaa kale oo ka mid ah in ay si cad daaha uga qaaday xaqiiqada kuwa la shaqaysta gumaysiga oo bulshada qayb ka mid ah iyo caalamka kale qaarkiba markii hore u haysteen in ay yihiin dad talada wax ku leh, haddase ay cid walba u caddaatay in ay yihiin buun gumaysigu sidii uu doono u afuufo, wax kalena aan la weydiin.

Haddaba iyada oo xaqiiqadaas laga ambaqaadayo waxay Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed (Jabiso) u aragtaa :

1. in marxaladdaan loo baahan yahay in ugu horrayn si buuxda loo mideeyo dhammaan kooxaha muqaawamada, isla markaana albaabada loo furo ka qeybgalka bulshada Soomaaliyeed ee ku hawlan xoraynta iyo dawlad u dhiska dalka, loona jeexo siyaasad cad oo lagu gaaro arrimahaas.

2. si loo daboolo baahida maamul iyo nabadgalyo ee ka taagnayd gobolada koonfureed intii gumaysigu dalka qabsaday waxaan ugu baaqaynaa qeybaha muqaawamada, odayaasha iyo waxgaradka in ay u dhisaan gobolada maamulo iyo ciidan boolis, qaybaha bulshadana ay dhammaan ka wada qaybgaliyaan dhismaha maamulada iyo ciidanka booliska, isla markaana ay ugu baaqaan dadkii Soomaliyeed ee ku dagmay la shaqaynta gumaysiga in ay u soo noqdaan diintooda iyo dadkooda ; si loo soo gabagabeeyo xabbadda Soomaaliyeed ee is dhaafaysa, gumaysigana looga wada xayuubiyo gabbaadka Soomaaliyeed ee uu ku dhuumanayo,.

3. in xiriir toos ah lala sameeyo hoggaamada diimeed, dhaqan iyo siyaasadeed ee bulshaweynta Soomaliyeed, lana mideeyo aragtida iyo mawaaqifta ummadda ; si la isugu keeno shacbigeena tabartiisa, cadawgana hal mar la isaga wada hinqiyo.

4. Jabhadda Islaaiga Soomaaliyeed (Jabiso) waxay soo dhaweynaysaa dadaal kaste oo nabadeed ee shacbigeenu si shuruud la’aan ah ugu gaari karo xuquuqdiisa, sida : haysashada diintiisa, madaxbanaanidiisa iyo midnimadiisa.

5.     Jabhadda Islaaiga Soomaaliyeed (Jabiso) waxay soo dhaweynaysaa, si buuxdana u taageeraysaa baaqii ay soo wada saareen odayaasha beelaha Dir, Hawiye, Digil iyo Mirifle ee bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayay ku dhaqanka shareecada islaamka, isla markaana waxaan ugu yeeraynaa beelaha kale in ay tillaabadaas oo kale qaadaan ; si ay bulshadeenu u wada gaarto xal loo dhan yahay oo ku salaysan diinteena.

6.Jabhadda waxa ay aad uga xuntahay dhibaatada ku dhacaysa shacabka soomaaliyeed sida sicir bararka, amni darrada,  barakaca, burburinta arxan-darrada ah iyo abaaraha, taasoo ay keentay danbiyada la galay. Sidaa darteed  waxaan dhamaan shacabka soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay Alle u toobad keenaan ayna ku midoobaan kitaabka Alle iyo sunnada Nabigeena ( s.c.w), waxaana hubaal ah in aan dhibkaas wax kale looga baxaynin, sida uu Ilaahay inoo sheegay.

قال تعالى: " إن الله لايغير ما بقوم حتى يغيروا مابأنفسهم "

وقال تعالى: " ولوأن أهل القري آمنوا واتقوا لفتحنا عليهم بركات من السماء والأرض ولكن كذبوافأخذناهم بماكانوا يكسبون"

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA GUUD
islamicfront@hotmail.com
Tel: Halkan ka eeg.....
Muqdisho, Soomaaliya

Bayaanka oo saxiixan ka eeg halkan (PDF)

Faafin: SomaliTalk.com | April 16, 2008
 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com