SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

TACSI TIIRAANYO LEH 

INAA LILAAHI WAA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

      Waxaan tacsi tiiraanyo iyo murugo leh u diraynaa qoyska reer Cabdi Cawil iyo reer Cali Xirsi, dhamaan ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo bulshadda Soomaaliyeed ee degan labada magaalo ee mataanaha aha (Minneapolis iyo St.Paul) ee gobolka Minnesota, USA  oo uu ka geeryooday marxuum  CABDULLAHI CAWIL C.. Waxaan Alle uga baryaynaa in uu Janadii ka waraabiyo, ehelkii iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo.

      Marxuum CABDULLAHI CAWIL CABDI, ayaa wuxuu geeryooday maalintii Jimcaha 4/11/2008.  Marxuum Cabdullahi Cawil, Ilaahay ha’u naxariistee ayaa habeenkii jimcaha taariikhduna ahayd April 11, 2008 saacadu markay ahayd 9:15 habeenimo lagu toogtay isgooyska labadda jid ee Cedar Ave iyo 6th Street ee magaalada Minneapolis, isla halkaasna nafta ku waayey. Cabdullahi waxaa la aasay maalintii Axada, taariikhduna ahayd, April 13, 2008, isaga oo lagu aasay qabuuraha Burnsville.

      Marxuum Cabdullahi Cawil ayaa wuxuu ahaa wiil dhib yar, dabeecad wanaagsan, bashaash ah, arday wanaagsan ah, dhamaan dhalinyarada degan labadda magaalo ee mataanaha ah ee Minneapolis & St.Paul ay aad u jeclaayeen. Ilaahay samir iyo  iimaan haynaga siiyo, marxuumkana janadii Fardowsa Allaha ka waraabiyo.

      Anigoo ku hadlaya magaca shaqaalaha, waalidiinta iyo dhalinyarada xarunta Brian Coyle Community Center, waxaan si gaar ahaan ah tacsi tiiraanyo leh ugu diraynaa. 

      Qoyska iyo qaarabada Marxuum Cabdullahi Cawil: 

    1. Hooyo Sahro Maxamud Axmed
    2. Aabe Cabdullahi Cawil
    3. Cali Xirsi
    4. Mubar Cali Xirsi
    5. Mohamed Cali Xirsi
    6. Mustafe Cali Xirsi
    7. Cabdi Cali Xirsi
    8. Anisa Cali Xirsi
    9. Xaliimo Cawil Cabdi
    10. Nimco Cawil Cabdi
    11. Deeqa Cawil Cabdi
    12. Raxmo Cawil Cabdi
    13. Hindo Cawil Cabdi

Iyo dhamaan reer Cawil Cali, reer Cali Xirsi iyo ubadkooda, ehelkooda iyo waliba asxaabtooda. 

Qore: ABDIRAHMAN MUKHTAR ( Abdirashiid ) 

Faafin: SomaliTalk.com | April 18, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com