SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Cadayga

WQ: Cali-Daahir X Muxammad

Mohyadiin@live.co.uk 
 

بسم الله الرّحمن الرّحيم الْحَمْدُ للّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ  والصّلاة والسّلام علي نبيّنا محمّد وآله أجمعين.

 
السِّوَاْكُ مَطْهَرَةٌ لِلْفَمِ ، مَرْضَاْةٌ لِلْرَّبِ

رواه أحمد عن أبي بكر / وغيره عن عائشة وأبي أمامة / صحيح / صحيح الجامع /  3695  

Cadaygu Afkuu Daahiriyaa

Rabbina Wuu Raali Geliyaa

Cadaygu wuxuu kamid yahay fidrada iyo sunooyinka wan-wanaagsan kana mid ah  waxyaabaha dhaqan wanaaga ah uu la yimid islaamku siduu Rasuulku SCWW uu yiri:

عَشْرٌ مِنَ الفِطْرَةِ

Toban waxay kamid tahay dhaqanka wanaagsan (ee astaanta u ah Islaanimada.) 

Waxaana kamid ahaa: 

السِّوَاْكُ

Cadayga

 رواه مسلم عن عائشة

 مختصر صحيح مسلم / 182

Wuxuu Rasuulku SCWW uu ka baqi jiray in lagu waajib yeelo fidradaa wanaagsan  isagoo ummadiisa u turaya kana baqaya inay ku cuslaato oo ay la iman kari waayaan sidaa darteed buu Rasuulku SCWW  wuxuu yiri:  

(( أُمِرْتُ بِالسِّوَاْكِ حَتَّى خَشِيْتُ أنْ يُكْتَبَ عَلَيَّ  ))

 رواه أحمد عن وائلة / حسن / الصحيحة / 1556

 (( Waxaa la i faray cadayga ilaa aan ka baqay in laigu waajib yeelo )) 
 
Waliba Rasuulku SCWW siduu isugu adkayn jiray amarkaa la faray ayuu wuxuu ku sigan jiray inay ilkuhu ka daataan. Wuxuuna yiri Rasuulku SCWW: 

 (( أُمِرْتُ بِالسِّوَاْكِ حَتَى خَشِيْتُ أنْ أدْرَدَ  ))

 رواه البزار عن أنس / صحيح / صحيح الجامع / 1375

  (( Waxaa la i faray cadayga ilaa aan ka baqay inay ilkuhu I daataan ))

 وللطبراني في الكبير عن ابن عباس :

 (( أُمِرْتُ بِالسِّوَاْكِ حَتّى خِفْتُ عَلَى أسْنَاْنِيْ  ))

 صحيح / صحيح الجامع / 1377

 Waxaa la I faray cadayga ilaa aan u baqo ilkahayga 
 
Maadaama Miisaanka intaa laeg uu cadaygu leeyahay buu Rasuulku SCWW wuxuu damcay inuu ummadiisa ku waajibiyo. Wuxuuna Rasuulku SCWW uu yiri:  

  (( لَوْ لا أنْ أشُقَّ عَلَى أُمَّتِيْ لَفَرَضْتُ عَلَى أمَّتِيْ السِّوَاْكَ كَمَاْ فَرَضْتُ عَلَيْهِمْ الوُضُوْءَ )) 

أخرجه ابن أبي شيبه عن عبد الرحمن بن أبي ليلى عن بعض اصحاب النبي صلى الله عليه وآله وسلم رفعه / صحيح / الصحيحة / 3067

 (( Hadii aanan umadayda dhibi lahayn waxaan ku farad yeeli lahaa umadayda dushooda cadayga sidaan ugu farad yeelay dushooda waysashada))

  Arinta cadaygana waxaa aad loo sii adkeeyay:

 (1) Kolka lawaysaqaadanayo

  Rasuulku SCWW wuxuu yiri:

 لَوْلا أنْ أشُقَّ عَلَى أُمَّتِيْ لأمَرْتُهُمْ بِالسِّوَاْكِ مَعَ الْوُضُوْءِ .

 رواه مالك والشافعي والبيهقي عن أبي هريرة  صحيح  صحيح الجامع / 5318

  (( Hadii aanan ummadayda dushooda dhibi lahayn, waxaan amri lahaa inay cadaydaan weesaqaad walba )) 
 

 (2) Salaada kolka la gelayo

 Rasuulku SCWW wuxuu yiri:

 لَوْلا أنْ أشُقَّ عَلَى أُمّتِيْ لأمَرْتُهُمْ بِالسِّوَاْكِ عِنْدَ كُلِّ صَلاةٍ .

  متفق عليه / عن أبي هريرة .

(( Hadii aanan ummadayda dhibi lahayn, waxaan fari lahaa inay cadaydaan salaad walba akteeda ))

 (3) Kolka Qur’aan La Akhrisanayo

 Wuxuu  Rasuulku SCWW uu yiri: 

إنَّ الْعَبْدَ إذَاْ تَسَوَّكَ ثُمَّ قَاْمَ يُصَلِّيْ قَاْمَ الْمَلَكُ خَلْفَهُ  فَسَمِعَ لِقِرَاْءَتِهِ ، فَيَدْنُوْ مِنْهُ أوْ كَلِمَةً نَحْوَهَاْ حَتَّى يَضَعَ فَاْهُ عَلَى فِيْهِ ، وَمَاْ يَخْرُجُ مِنْ فِيْهِ شَيْءٌ مِنَ الْقُرْآنِ إلا صَاْرَ فِيْ جَوْفِ الْمَلَكِ ، فَطَهِّرُواْ أفْوَاْهَكُمْ لِلْقُرْآنِ  

 أخرجه البزار عن علي بسند جيد / الصحيحة / 1213  

(( Adoonku kolkuu cadaydo kadibna uu isu taago inuu tukado wuxuu istaagaa malagii gadaashiisa, wuxuu dhegeystaa aqrintiisa ( Qur’aanka ), wuu usoo dhawaadaa ama kalimad lamid ah ilaa uu dajiyo ( Malaga ) afkiisa ( Adoonka ) afkiisa, kama soo baxo ( Adoonka ) afkiisa wax qur’aan ah hadayba kasoo baxdo waxay ahaataa Malaga calooshiisa, Ee u nadiifiya afafkiina qur’aanka ))   

عَنْ حُذَيْفَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَاْلَ : كَاْنَ رَسُوْلُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَآلهِ وَسَلَّمْ إذاْ قَاْمَ لِيَتَهَجَّدَ يَشُوْصُ فَاْهُ بِالسِّوَاْكِ / متفق عليه

 Xudayfa RC waxaa xagiisa laga wariyay inuu yiri:

(( Wuxuu ahaa Rasuulku SCWW kolkuu doono inuu u istaago tahajudka ( Salaatu-laylka wuxuu marmarin jiray afkiisa cadayga ))

 Waxaa iyadana sunno wanaagsan ah in la cadayado kolka guriga lasoo gelayo.

 عَنِ الْمِقْدَاْدِ بْنِ شُرَيْحِ عَنْ أبِيْهِ قَاْلَ : سَأَلْتُ عَاْئِشَةَ قُلْتُ : بِأيِّ شَيْءٍ كَاْنَ يَبْدَأُ النَّبِيُ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَآلهِ وَسَلَّمْ إذَاْ دَخَلَ بَيْتَهُ ؟ قَاْلَتْ بِالسِّوَاْكِ . رواه مسلم 

Miqdaad ibnu Shureex RC ayaa wuxuu aabihii ka wariyay inuu yiri: 

Waxaan waydiiyay Caaisha RC waxaana ku iri:

Shaygee buu ku bilaabi jiray Nabiga SCWW kolkuu guriga soo galo? 

Waxay tiri Caaisha RC cadayguu ku bilaaban jiray.

 وبالله التّوفيق

وصلّى الله وسلّم على نبيّنا محمّد وآله أجمعين.    

 

Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com