SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Faallo:  waraysi gaara oo Meles Zenawi siiyay wargeyska todobaadlaha ee Newsweek ee Maraykanka 

Qore: Gen. Jaamac Maxamed Qaalib
 

20/04/2008 

      Wargeysyada reer galbeedku waxay ku tilmaameen Meles Zenawi nin muhim ah oo la bahoobay guud ahaan gaar ahaanna marakanka ee la dagaalanka argagixisada. Dadyowga afrikanka gaar ahaan kuwa geeska afrika oo ay ka mid yihiin Itoobiyaanka badankoodu sida oromada ugu tirada badan iyo qoomiyada kale oo ka tirsan Imperatoriyada u turjumteen tilmaantaa in ay tahay qurxin in Zenawi dabadhilif u yahay kuwa asaga amaanaya. 

      Aragtida argagixisanimada ee geeska afrika waa been abuurka maamulka bush ee maraykanka oo lagu jidaysanayo faragelinta arrimaha dalalka gobolkan. 

      Inkasta oo uu Zenawi dano kale ka leeyahay sheegsheega argagixisanimada si uu ugu cabbudhiyo kuwa isaga ka soo horjeeda, haddana sheegsheegiisa argagixisonimadu waa mid taageero iyo aqoonsiba siinaya been abuurka maamulka bush. 

      Dhinaca Soomaaliya Zenawi wuxu sheegay in midowga afrika iyo kuwa kaleba ay ku qasbeen sii joogitaanka ciidamadiisa Soomaaliya si uusan firaaq u dhicin, kuwa kale oo uu Zenawi sheegay shaki la’aan waxa ka mid ah maamulka bush oo Zenawi qasbi kara sida uu asaguba qirsan yahay maadaama uusan dhihin waa la iga codsaday! Hase yeeshe Zenawi run isuma sheegin iskaba daa dhegaystayaasha warkiisa dhageysanaya. Inkasta oo ay ciidamadiisu si daran ugu guuldaraysteen howl galladoodii ay ka wadeen Soomaaliya oo uu Zenawi u fulinayo maraykanka, waxa jira laba sababood oo kale oo ku sii dhiiri gelinaya Zenawi in aanay ciidamadiisu ka bixin Soomaaliya. Tan koowaad waa boobka iyo dhaca hantida Soomaalida ay ku kacaan ciidamada Itoobiya oo noqday maal si fudud lagu helayo. Arrintani waxay salka ku haysaa oo ku abtirsataa dhaqan xabashiyeed soo jireen ah oo jideeya in ciidamadoodu dhulalkay qabsadaan boobaan oo ku noolaadaan hantida dadyowga la qabsaday oo hadda ka mid ah Imbeeratoriyada Itoobiya. 

      Boqoradii hore ee Itoobiya baa qeyb ku lahaan jirtay hantida la boobay markaa la yaab ma aha in uu Zenawi qaytiisa ka helo hantida laga dhaco Soomaalida maadaama ay qaadan jireen kuwii isaga ka nasabsanaa (Boqoradii boqorada) ee talisyadii hore ee Itoobiya. 

      Tan labaad, Zenawi wuxuu ka been sheegaa oo hoos u dhigaa khasaarihiisa ee tirada ciidamadiisa kaga dhimatay dagaaladda Soomaaliya, markuu ugu badnaana wuxu qirtgay shan boqol, weligiisna madhaafiyo tiradaa saddex lambar inkastoo la wada ogyahay in tirade geeridoodu mar fog kor u dhaaftay shan lambar toban kun iyo wixii ka badan. 

      Si sirtaasi u sii qarsoonaato si ku meel gaar ah, oo aan loo tabin Karin kuwa geerida ku maqan, waa in la daahiyaa ku laabitaanka ciidamada in ay ku noqdaan dalkooda, mar horeba saraakiil sar-sare oo ka tirsanaa ciidamada oo soo jeediyay in Soomaaliya laga soo baxo baa la qabqabtay oo xiran. 

      Maraykanka ayaa si xoog leh ugu howlan in ciidamo kale oo shisheeye, oo aan kuwiisa aheyn, la keeno Soomaaliya si loogu ekeysiiyo in ciidamada Itoobiya labadalay oo ay waajibkoodii guteen, been abuurkaas oo kale waa dhaqanka siyaasadda maraykanka. 

      Maamulka Bush wuxu qabaa haddii aan sidaa la yeelin oo ciidamada Itoobiya oo guul daraystay dalkooda ku laabtaan, tirade badan oo ka geeriyootayna ay ka shifanto nidaamka Zinawi baa dhacaya. 

General Jaamac Maxamed Qaalib
Gudoomiye K/xigeen Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya

nweek
NEWSWEEK: Itoobiya oo ku dhiiqatay Soomaaliya
Waraysi Zenawi:
Q.1aad | Q.2aad

Faafin: SomaliTalk.com | April 22, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com