SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

Muslimiinta ku nool Dallka Britain oo u jeestay sidii ay heshiis ooga dhalin lahaayeen dibka socda Dafur ee dalka Sudan..!!.

Dib u heshiisintan ay hormuudka u yiiin Mulimiinta Dallka Britain ayaa lagu tilmaamay in ay tahay Dib u heshiisiin saldhig u ah Siyaasadda Islaam-ka si loo xaqiijiyo Nabad waarta oo ka dhalata Galbeedka Gobalka Dafur ee Dallka Sudan sida ay sheegeen Wafdiga ka socday Mulimiinta Dalka Britain oo maalmo ka hor deegaankan ku tagay Booqasho, iyagoo ugu baaqay Kooxaha isku heesta Gobalka Dafur in ay heshiis ka gaaran waxa la isku heesto iyadoo saldhig looga dhigayo shir Dib u heshiisiineed oo la qabto wakhti dhow si ay ooga soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah.

Musliminta dalka Britain ayaa ku tilmaamay Dib u heshiisiitan in ay ka duwantahay dhamaan dadaaladii ka horeeyay ee lagu doonayay in nabad loogu soo dabaalo dalkaasi Sudan, balse Dafur horumarkeeda uu ku xiranyahay in la helo Nabad.

Lord Axmed oo xubim ka ah Golaha British house of lord sidoo kallana katirsan Wafdigii tagay Galbeedka Dafur ayaa yiri "Waxaan isku dayaynaa in aan kulmino Hogaamiyaasha Qaliiladda kuwa Maliishiyooyinka, Madaxda Bulshada Rayidka ah, Axsaabta Siyaadda iyo dadka Miisaanka culus ku leh guud ahaan Gobalka Dafur ee dalka Sudan".

Labo Maalmood ka hor ayuu dib ugu laabtay Wafdigan ka socday Muslimiinta Dalka Britain magalaalada London. wafdigan oo ka koobnaa Sadax Xubnoow waxaa ka mid ahaa, Axmed oo ka socday Golaha British house of lord, Dr Hussein oo xubin ka ah Urur sama fal oo dalkaasi Britain xafiiskiisa uu ku yaal laguna magacaabo Muslin Hand iyo Saxafiyada dhawaan diinta islaamka qaadatay Yvonne Ridley una dhalatay dalkaasi Britain waxayna ku soo caanbaxday kaddib markii ay xabsiga dhigeen Ururukii Dhaalibaan ee dalkaasi Afganistan ka talin jiray.

Booqashadan ay sadax Xubnood ku soo gaareen dalka Sudan ayay ku tilmaameen in ayan aheen tii ugu horeeysay iyadoo cadeeyay in ay Booqashooyin kalle ku iman doonaan dalka Sudan.

Yvonne Ridley ayaa tiri "Waxaan u arkaa in ay jiraan kooxo badan oo Qarsoon ayna tahay in dib u heshiisiinta laga soo qeeb galiyaa si ay kaalin muhiim ah ooga qaataan dib u heshiinta Gobalka". Waxayna intaas ku dartay Wariyadan dhawaan Islaamnimada ku qanacday in dadka Gobalka Dafur ay yihiin dad aan u Caqli badan isla markaana awooda In ay xallin karaan xibaatada ka taagan Gobalka Dafur.

February, sanadkii 2003 ayay aheed markii Gobalka Dafur ay ka dilaaceen dagaalo kadib markii kooxo maleeeshiyo ah ay bilaabeen in ay Xarumaha Dowladda ay weeraro ku soo qaadan iyaga oo dowlada sudan ku eedaynaya in aysan Muhiimad siin Gobalka Dafur.
Heyadda Qaramadda Bidoobay ayaa cadeeysay in dagaaladii Gobalka Dafur ay ku dhinteen Kumanaan kun oo qafood, kadib markii dagaalo, Baahi iyo Cuduro ay ka dilaaceen Dafur, balse dowlada Sudan ayaa wax kama jiraan hadalka UN-ka ku tilmaamtay iyadoo dowlada ay sheegtay in ay ku geeriyooday Qalaasihii Dafur dad ku dhow 10 kun oo qofood.

Lord Axmed oo Gudigan ka mid ah ayaa qiray in aysan jirin xal laga gaaray xaalada Gobalka Dafur, balse wuxuu cadeeyay in Dib u heshiisiintooda ay ka duwantahay kuwii ka horeeyay, isagoo intaas ku daray in Guddigan aysan arrimo shaqi iyo dano gaara midna aysan wadan isla markaana ay nabad ka dhalata deegaanka sudan ay jecelyihiin, isagoo ku tilmaamay Dib u heshiisiinta ay horkacayaan Qaraamada Midoobay, Midowga Africa iyo reer galbeedka uu ka duwanyahay midka ay iyagu wadaan.

Guddigan ayaa cadeeyay in Gudigooda uu ka madaxbanaan yahay dowlada dalka Britain oo ay daganyihiin.

Ibaheeysiga Badbaadinta Dafur (coalition to save Dafur), oo ay xaruntoodu ku taal dalka America ayaa horay u soo dhaweeyay Ciidamo ka socda Midowga Africa oo la geeya Sudan in ay tahay xalka kalliya ee Dagaalka dafur lagu soo gabagabeen karo. Balse Guddigan waxa uu sheegay in aysan arrintaas aaminsanen.

Lord Axmed oo ka tirsan Guddiga British house of lord ayaa yiri "Dowladda America 150,00 oo ciidan ah ayay u daabushay dalka Iraq walina waxay awoodi la'yihiin in ay sugaan nabadda Deegaanka Cagaaran (Green Zone), isagaba dhaaf in ay nabad ku soo celiyaan guud ahaan dalka Iraq, waa la mid xaalada Dafur maxaa yeelay xoog waxba laguna xallin karo".

Ugu danbeentiina Guddigan ayaa sheegay in ay dadaal badan ku bixin doonaan siddi nabad loogu soo dabaali lahaa Dafur, waxayna intaas ku dareen in ay sida ay guusha ooga gaareen sideentii macalimadii Dalkaasi Britain u dhalatay ay hooshana ugu guuleeysan doonan, macalimadan u dhalatay dalkaasi Britain lagu eedeeyay in ay Aflagaado u geeysatay Nabi Mohamed S.C.W balse markii danbe la sii daayay.
Dhamaad. Xigasho shabakadda Islamonline.

By ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman" April 22, 2008 Tuesday

Nairobi-Kenya.

sayfudiin@hotmail.com , ibraahimdc@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | April 23, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com