SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOMALIA

CAMBAAREYN KU WAJAHAN DOWLADA ITOOBIYA KA DIB MARKII AAY MASJIDKA AL-HIDAAYA DAD KU LAAYEEN.
21/04/2008

Ugaas C/raxmaan Axmed Siyaad ugaaska beesha yaxye saalax ayaa Asaga oo careysan cambaareyn dusha kaga tuuray ciidamada itoobiyaanka ah ee xasuuqa u geeystay culimada iyo ardayda tabliiqa ah ee loogu galay masjidka al- hidaaya, iyo waliba xasuuqa loo geeystay dadka rayidka ah ee halkaas deganaay, waxa uuna ugaaska muujiyay in uu aad ugu xun yahay arinkaan foosha xun leh loona dul qaadan Karin in culimada tabliiqa ah iyo ardayda cilmiga raacanayso masjid dhaxdiisa lagu laayo, ugaas c/raxmaan waxa uu u duceyay dadkii halkaas ku geeriyooday in uu allaah janada ka waraabiyo.

Ugaas waxaa kale ee uu baaq deg deg ah u jeediyay dowlada itoobiya iyo beesha caalamka qaasatan uruka jaamacada carabta in aay si deg deg wax ugu qabtaan sii deynta ardaydaas la qafaashay oo ciyaalka ah waxna geeysan danbina laheyn eena laga qafaashay masjidka dhaxdiisa.

Ugaas C/raxman waxaa kale oo uu xusay shirkii xamar lagu qabtay ee aay ka soo qeeyb galeen dhamaan odoyaal dhaqameedka soomaaliyeed waxaa uuna dhamaan odoyaal dhaqameedka soomaaliyeed ku baraarujinayaa in aay u istaagaan in aay wax ka qabtaan falka aragagaxa ah ee foosha xun leh oo lagu laayay culimada iyo ardayda tabliiqa ah walina halkaas lagu qafaashay ciyaal gaarayo 41 ciyaal, taas oo aanan qawaaniin ahaan banaaneyn.

Ugaas c/raxmaan axmed siyaad ugaaska beesha yaxye saalax ee koonfurta soomaaliy.

Dr saciis xusen haashim.

Waxii dheeraad ah waxaad nagala soo xiriiri kartaa by email.

E-mail yaxyesaalax@yahoo.com

Asc wr wb.

Faafin: SomaliTalk.com | April 23, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com