SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL


Xasuuqa ka dhacay Xamar muxuu xanbaarsanyahay?

  Xasuuqii ay dhawaan ciidamada gumeysiga Itoobiya ka geysteen Muqdisho ma ahayn kii ugu horreeyay tan iyo intii ay magaalada soo galeen dhammaadkii 2006 ee waa qayb ka mid ah silsiladda gumaadka iyo xadgudubyada ay wadeen ilaa wakhtigii ay waddanka qabsadeen, waxaanse xasuuqan si gaar ah ugu xusay in marka laga eego xilliga uu ku soo aaday uu xanbaarsanyahay farriimo dhiig ku qoran oo  uu gumeysigu ku tala-galay inuu soo gaadhsiiyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gaar ahaanna xoogagga muqaawamada oo qeybo ka mid ahi ay baryahan danbe dabacsanaan ka muujiyeen wadada hadal ay la galaan DFKG ee la shaqeysa gumeysiga.

Inta aynaan akhriyin farriimaha khadhaadh ee uu xasuuqani xanbaarsanyahay bal aan soo qaadno waxyaabaha aan is leeyahay waxay ina tusi karaan ujeedada cadowgu uga golleeyahay xasuuqan ayna  wali qaybihiisii ilaa xilliga sadaradan la qorayo wada dhammaanin.

  • Xasuuqani wuxuu ku soo beegmay xilli hadallo aan toos aheyn ay kala gaadheen DFKM iyo isbahaysiga dib u xoreynta iyada oo qolo kasta ay soo gudbisay aragtideeda.
  • Sidoo kale wuxuu xasuuqani ka danbeeyay guulo is daba joog ah oo ay soo hoyiyeen xoogagga muqaawamadu ka dib markii ay si ku meelgaadh ah ula wareegeen gacan ku haynta magaalooyin ay ka midyhiin  Diinsoor, Waajid, Qansaxdheere, Buurhakaba, Jawhar , Buulobarde, Balad weyne iyo kuwo kale .
  • Xasuuqani wuxuu yimid iyada oo dad badani is yidhaahdeen waxaa dhowaaday xilligii ay ciidamda gumeysigu bixi lahaayeen, halka ay dad kalena la soo dhowaatay xilligii la heli lahaa dowlad Soomaaliyeed oo loo dhanyahay .
  • Wakhti yar ka hor xilliga xasuuqani billowday waxaa soo baxay warbixino sheegaya khasaarooyin laxaad leh oo soo gaadhay ciidamada gumeysiga, waxaana laysla dhaxmaray in uu daal ka muuqdo ciidamada gumeysiga .
  • Xasuuqan waxaa lagu bartilmaameedsaday goobo la is lahaa way ka caaganyihiin millatariga, sida: masjidka weyn ee Al-hidaaya oo xarun u ah jamaacada Tabliiqa oo la yaqaanno dunida oo dhan inayna ku lug laheyn arrimo ciidan ee ay ku howlanyihiin in gaal iyo islaamba ay diinta gaadhsiiyaan, waxaana masaajidka dhaexdiisa lagu gumaaday culimo iyo arday ay ka mid yihiin culimo waaweyn, sida: Sheekh C/laahi Maxamuud Ciise iyo Sheekh Siciid Yaxye.

   Arrimahaas iyo kuwo kaleba waxay ina tusayaan in xasuuqan baaxadda leh ee geysteen ciidamada gumeysiga Itoobiya uu yahay mid si qorsheysan loogu talagalay, lana doonayay in lagu gudbiyo farriimo uu cadowgu doonayo inuu gaadhsiiyo guud ahaanba bulshada soomaaliyeed, farriimahaas inta ii muuqatana waxaa ka mid ah :

1.      farriin si gaar ah ugu socota is bahaysiga dib u xoreynta oo baryahan danbe shaaciyay inuu diyaar u yahay inuu wada hadal la galo DFKM, warbaahintana  laga sheegay in farriima aan toos ahayn ay kala gaadheen labada dhinac taas oo sida muuqata ugu yaraan qaybo ka mid ah isbahaysiga dib u xoreynta ay la ahayd inay keeni doonto in ciidamada gumeysiga Itoobiya ay meesha ka bixi doonaan mar haddii wada hadal Soomaalida dhexmaro ama awood qeybsiga la isla garto.

Haddaba farriinta xasuuqani u sido isbahaysiga waa inay ka quustaan inay Itoobiya dhib yaraan kaga baxayso Soomaliya iyo inayna gorgortan ka galidoonin sii joogiddeeda taas oo asal ahaan ku qotonta dano gaar ah oo ay Soomaaliya ka leeddahay waxa la doonaba ha lagu sheegee, waxaana muuqata in gumeysigu rabo inuu isbahaysiga tuso inayna ahayn dad agtiisa muhiim ka ah ama mudan in tanaasulaad loo sameeyo si ay ugu nuglaadaan tanaasulaad badan oo ilaa xad gaadhaya inay iswada dhiibaan, waxayna ila tahay in madaxda isbahaysigu farriintaas si xooggan u fahmeen ama horayba ay u fahamsanaayeen arrintaasina waxay keeni doontaa in isbahaysigu awooddiisa isugu geeyo muqaawamada hubeysan inta la gaadhayo xilli uu cadowgu si dhab ah u xanuunsado oo uu isagu go’aansado inuu wadanka ka boxo oo aan baryo ku imaanin, haddii kale waa in lagu talagalaa wadadahadalka qaabkan ku billowda inuu ku dhammaan doono in muqaawamadu sharciyeyso joogitaanka gumeysiga haddii ay aqbasho inay kuraas (kooban) ka qaadato DFKM ee la shaqeysa gumeysiga. Arrintaas oo wax badan u dhimi doonta kalsoonidii ay bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto siisay muqaawamada ku howlan dib u xoreynta Soomaaliya.

2.  farriin ku socota guud ahaan xoogagga muqaawamada qeybohooda kala duwan oo macneheedu yahay Faanoole fari kama qodna, in aad malleeshiyooyin Soomaali ah magalaalooyin aan u dhiibannay ka erideenna wax weyn xaaladda ka baddali meyso, ciyaarina waa galin danbe ee guntiga xajista, farriintaasina muhiim bay muqaawamada u tahay si ay awooddeeda u keydsato wakhtigana uga faa’iideysato mar haddii ay caddahay in dagaalku dheeraanayo waxa dhab ahaan ay muqaawamada is hayaanna uu yahay gumeysiga, waxaana habboon inay muqaawamdu xoogga saarto gumeysiga, kana dhaga adeygto intii suurtagal ah daandaansiga dabadhilifka Amxaarada la socda oo dhab ahaan aanu dilkoodu xanuujineynin gumeysiga; maxaa yeelay haddii kun la dilo kun kalae oo cusub ayay helayaan geeridoodana inay ka naxaan iska daaye way ku farxayaan illeyn waa cadow dhaafaye.

3.      farriin kale waxay ku socotaa dadweynaha dayaca ka daalay ee wali qaarkood duleedada muqdisho tubanyihiin iyaga oo sugaya inay maalin dhow guryohoodii ku noqdaan ka dib markii ay maqleen wadahadallo la filayo inay dhex maraan DFKG iyo isbahaysiga dib u xoreynta, farriintani waxay dadkaas u siddaa dhambaal odhanaya ilaa aad ogolaataan is badalka dhacay iyo in waddanka Itoobiya dowlad ka tahay oo aad sidaas kula shaqeysaan idiin ma dhowa inaad guryihiinnii ku soo noqotaan, haddii aad isku daydaanna marka danbe idinka oo mayd ah ayaa la idinka saari doonaa.

4.      farriin kale waxay ku socotaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo waxayna leedahay in la isu turo inagama dhexeynin cadowna halka uu u dhimanayo ayaa lagu dhuftaa, culimada iyo masaajiddda kumaanaan khaldamin ee waxaan ognahay inay tahay halka aad ka nooshihiin mooryaanta iyo inta idin dhibaysana annaga dhib naguma hayaan haddii loo baahdana ciidan baaban ka dhiganeynaa, dhab ahaanna annaga ayay ciidan noo yihiin haddaba.

      Arrinkaasi wuxuu keenayaa inay bulshada soomaaliyeed ogaato waxa haysta inuu yahay codow kii uxumaa oo amxaaro ah, la iskana ilaawo in laga sugo inuu inoo arxamo, waxaana lama huraan ah in xaqiiqadaas laga duulo oo Soomaaliyi isu raacdo sidii gumeysiga wadanka looga kicin lahaa, loona difaaci lahaa maatada iyo muqaddasaadkaba.  

5.      farriin kale oo fool xun waxay ku socotaa madaxda DFKM  ee la shaqeysa gumeysiga wuxuuna macneheedu yahay shacbiga ma matashaan ee annaga ayaad noo shaqeysaan marka yaa idiin diray wadahadal iyo inaad cid aanaan raalli ka ahayn la kulantaan, shaqadiiinna ku ekaada oo marka aan madaafiicda garaacno sacbiya cadow ayaa lala helayna dhaha, waxayna ila tahay in farriintaas ugu yaraan Nuur cadde fahmay oo isla markiiba ku dhawaaqay inay ciidamada Itoobiya cadow iska difaacayeen, garna ay u lahaayeen ficilka ay sameeyeen, waxayna ila tahay in Soomaalidu garan karto in ragga noocaas ah ee gumeysiga la shaqeeya aan gacal la moodin, ama loo arkin rag gacanta wax ugu jiraan oo talo ka go’do. 

Xasan Maxamed Ibraahim
xasanyare@msn.com

Afeef: Aragtida qoraalkani waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com