SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MPLS

Adeegayaasha Cadawga Ummadda Soomaaliyeed

Wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa dalku gacan uu u galay dagaal oogayaal aan lahayn damiir dowladnimo iyo mid dal iyo dad lagu dhiso. Kaddib markii dhowr iyo toban shir loo qabtay xallinta dhibaatoyinka ka jira Soomaaliya in dowlad dhexe loo helo ayaa burburay. Kii ugu dambeeyey ee lagu qabtay Nairobi, Kenya ayaa waxa uu ahaa shirqoolkii (Conspiracy) ugu weynaa oo hirgaliyey ujeedada laga lahaa taaso ahayd in la helo shaqsiyaad ay dowladda Itoobiya ay u adeegsato una sharciyey soo gelitaanka dalka Soomaaliya, lagana helo madasha shirka taas oo uu ku soo baxay Abdullahi Yusuf. Waxaa marnaba ummadda Soomaaliyeed aan ka qarsoonayn in boqolkiiba sagaashan xubnaha ka qaybgalay doorashadaas ay ahaayeen kuwo ay si toos ah dawladda Itoobiya faragalin xoog leh ay ku lahayd. Xilligii dowladda kacaanka dalka ka jirtey ayaa Maxamed Siyaad Barre waxa ay xabsiga ku haysay Abdullahi Yusuf. Markii laga soo laabtay dagallaadii sida nasiibdarrada ah loogu jabay ee lala galay dawladdi Mingiste ee waaga ka jirtay Itoobiya, dagaalkaa kadib ayuu Cabdullahi isku dayay inqilaab inta badan salka ku hayay aano qabiil. Inqilaabkii waa uu fashilmay, Cabdullahina waxuu u cararay dalka Itoobiya si uu xukunka Soomaaliya u qabsado isaga oo taageera buuxda ka haysta dawladda Itoobiya.

Maadaama Abdullahi Yusuf uu san ahayn wadani soomaalinimo aaminsan, waxa kaliya oo uu aaminsanyahayna ay yihiin qabiil iyo faan uusan awoodeeda lahayn. (Haddaba su’aasha is waydiinta mudan waxay tahay Abdulahi Yusuf ma imaadeen haddii ay meesha joogi lahaayeen dad damiir dowladnimo iyo mid dal iyo dad lagu dhiso leh). Waxaan dhihi karaa Abdullahi Yusuf waxa uu ku yimid shirqool loo dhigay umadda Soomaaliyeed. Walina iyagoo gumaad lagu hayo kala masuugay dhiigoodii iyo dhaqaalahoodii iyo codkoodii in ay kula diriraan gumaysiga madoow ee Itoobiya iyo adeegayaashooda uu Abdullahi Yusuf horboodayo.

Xasuuqa lagu hayo shacabka soomaaliyeed gaar ahaan dadka reer Muqdisho oo Abdullahi Yusuf iyo tageerayaashiisu maalin kasta ku tilmaamaan in dhabbaha guusha ay gaareen waa mid doqonnimo xambaarsan maadaama ninka Itoobiyaanka ahi uusan aaminsanayn in uu qabiil ka adkaaday lakiin uu aaminsan yahay in uu Soomaali ka adkaaday, xeebtoodii iyo dhulkoodiina kula dirirayo. Dawladda Itoobiya iyo kuwa gacanta ku siiyayba ha ogaadaan in ay Soomaaliya iyo Soomaalida ay galiyeen gumaysi lamid ah kii ay Beljamka ku hayeen Koongo xilligii ay reer Yurub ay Afrika kala qaybsadeen kaaso xasuuqiisa ay ku nafwaayeen toban milyaan oo reer Koongo ah ee aan waxba galabsan.

Waxaa nasiib darro ah in dowladda mayalka adag ee Tigreega ay Soomaaliya ku leedahay shan xafiis inta badan goballadda dalka si toos ah iyo si dadbanba.

1. Police Station – Xafiiska amniga oo ay Itoobiyaanka ay ku soo xiraan muwaadiiniinta Soomaalida ah oo ka soo horjeedda joogitaanka ciidamadda Itoobiya iyo danahoodda gumaysinimo.

2.. Counter Terrorism office – Xafiiska laddagaalanka aragagixisada oo ujeeddadiisa ay tahay in lagu gowraco culimaa’udiinka haddii ay aahan lahaayeen iqwaan, sunna-wajamaaca, aqoonyahanadda iyo wadiniyiinta Soomaalida iyadoo loo isticmaalayo erayga argagiso la dirir taasoo Itoobiya u ogolaanaysa in ay waxay rabto samayso madaama ay ka haysato sharcigii ay dadka ku xasuuqi lahayd “License to Kill” bulshada caalamkuna aysan ka hadli karin.

3. Consular office – Xafiiskaan waxaa loogu talagalay in dadka Soomaalida ah la siiyo baasaboorrada Itoobiya si ay u aqbalaan joogitaanka ciidamadooda Soomaaliya, madaama uusan baasaboorka Soomaalidu uusan haysan aqoonsiga caalamka ayna adagtahay dal-ku gelistiisa.

4. Public relation office – Xafiiskaan waxuu si too ah uu u qaabilsanyahay la shiridda odaydhaqameedyada, nabadoonada, isimadda, wabaradda, caaqillada iyo qabaa’illada Soomaalida.. Maadaama Itoobiyaanku ay ogyihiin Soomaalida in ay wadaninimadoodu ay kaga qiima badantahay qabiilku.

5. Commercial Office – Xafiiska ganacsiga maadaama ay Itoobiya rabto inay hesho dekad lacag la’aan ah oo wax uga soo degaan ayaay ugu soo duushay Soomaaliya. Dowladda Itoobiya ayaa isticmaasha dakaddaha Soomaaliya. Dowladda Itoobiya waxaa kaloo ay wax kala soodegaan dekadda Jabuuti oo ay bixiyaan halkii ton afar doolar, taas oo ay uga jabantahay tan Berbera oo ay bixiyaan halkii ton laba doolar, tan Boosaasana ay bixiyaan hal doolar iyo bar. Iyadoo tan Mogadishu iyo Marka kala soo dega wax kasta oo ay rabaan, lacagla’aan.

Guusha Meles uu ku faano waa midda uu Abdullahi Yusuf uu ugu faano taageerayiisha la qaba cadawadda iyo aargoosiga qabiilnimo, madaama uusan ahayn nin aan weligiis ku fikirin horumar, wadaninimo iyo walaaltinimo.

Hadda waxaa loo bahanyahay in la garto in Soomaaliya la haysto oo ay u baahantahay in dib loo xorreeyo. Cidda laga xorreeynayo ma aha Abdullahi Yusuf ee waa dowladda Itoobiya oo xoogga dalka ku soo gashay. Abdullahi Yusuf wax uu Soomaaliya ka yahay ma jirto oo aan ahayn in uu shaqaale u yahay dowladda Itoobiya. Safarkiisii Maraykanka ayuu waxuu soo raacay diyaaradda Ethiopia, taas oo dib ugu celisay halkii laga xukumay odega buka ee ah Addis Ababa.

Haddaba sida kaliya ee dalka lagu xorreyn karana waa wadajir iyo midnimo aan loo kala harin. Haddii aad tahay iqwaan ama sunna-wajamaaca ama wadiniyiinta Soomaalida ama muwaddinka doonayo in uu sharaftiisa iyo gobanimmadiisa so ceshado waxa kaliya oo ee hortaagan waa in dagaal aan kala go’ lahayn lagu qaado kuwa nagu soo xadgubay.

Somali Concern
Hussein Warsame
Salah Warsame
somaliconcern@yahoo.com
Minneapolis, MN

Faafin: SomaliTalk.com | April 26, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com