SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Xusuustii Xanuunka reebtay ee Wadaadadii la toogtay 1975 & Gawraca 2008

23dii April 2008 Ciidamada Ethiopia ee ku gawracay masaajidka Culimada iyo indheer garatada waa mid aan la iloobi kareyn, Illahayna naxariistii Janno haka waraabiyo, hababa Abdillaahi yusuf waa Nin la soo shaqeeyey dawladii hore ee gaysatey dhacdadan hoos ku xusan Dadka qaarkii haday iloobeen Dad aan iloobayn ayaa jirra . 

11dii January 1975: Dawladii kacaanka ee Siad Barre waxay soo saartey Qaanuun loogu magac daray sharciga Xeerka Qoyska,Dadweynuhuna u bixiyeen ( Hooga Qoyska)  

12dii Jan 1975: Siad Barre wuxuu Khudbad ka jeediyey Garoonka labaad ee Muqdisho ( Stadio Cons ) oo ahayd Munaasibad ku saabsanayd Maalinta Haweenka.waxaana ka raacay fadeexad markuu laaley Xeerkii Islaamka ee Xeerinaayey Guurka, Furniinka iyo Dhaxalka wuxuuna ku badalay in Haweenku la simanyihiin lana xuquuq yihiin Ragga iyo wixii xuquuqa ee Madani ah isagoo waliba xadeeyey Haweenka badan ee la guursanayo wuxuuna tirtirey Sharcigii Fiqiga ahaa ee Maxkabadaha Dalka lagaga Dhaqmaayey ilaa aamanuuntii & Aayadihii Quraanka ee ka hadlaayey Dhaxalka iyo Guurka oo loo fasirey in Haweenka la Dulmay taas oo ka soo horjeeda Diinta Islamka. 

13dii Jan 1975: wuxuu la shirey Garsoorayashii Maxkabadaha Dalka wuxuuna u sheegay in goáanka Daryeelka Qoyska Somaliyeed laguna dhaqmo.waxaana ka Biyo diiday Culumo badan oo dhegna jalaq u siin waayey waxayna uga jawaabeen si kulul oo cadho ku dheehantahay waxayna culumadu bilowday Maxaadarrooyin iyo kullamo lagu nacladeynayo ku qabteen masaajidyada. 

16-17dii Jan 1975: waxaa dhamaan masaajidada waaweeyn ee Muqdisho lagu soo firdhiyey Boqolaal ka tirsan Ciidanka Nabad Suggida Somaliyeed ( NSS ) si ay u dhagaystaan Tafsiirka la akhriyaayog gaar ahaan masjidka Arbaca Rukun oo Cashar ku saabsan sinaanta Ragga iyo Dumarku uu ka socday una qabtaan Culimada hormoodka ka ah. isla maalintaas waxay qabteeen 35 Wadaad laguna eedeyey gacansaar inay la leeyihiin Ururo Carbeed  oo Qowlaysato ah isla markaana Dhaqaale iyo tababaro ka helaan Wadamo Carbeed sida Saudi Arabia.

18-19kii Jan1975: Wadaadan waxaa la qaadey Dacwadoodii iyadoo loo raadinayo sababo culus oo loo waafajinayo Xukunkooda

19kii Jan 1975 waxaa la xukumay wadaadadii iyagoo lagu kala xukumay dil iyo xabsiyo kala duwan waxaana loo xukumay sidan 

23dii Jan 1975:10 Wadaad waxaa lagu Xukumay dil toogasho ah waxaana lagu toogtay Dugsiga Booliska 10:00kii subaxnimo waxaana daawasho looga kal yimid Goloyaasha Dawlada & Ciidanka qaybihiisa kala duwan iyo Dhamaan G/Banadir waxaana dul heehaabayey oo la soo kiciyey labo Diyaaradood oo ah nooca dagaalka si Dadweynaha loo cabsiyo galiyo markii ay dulmaraayeen Xaafada Waaberi labadii Diyaaradood wey isku Dhaceen Waxaana ku naf waayey 52 qof oo rayida.Illahay ha u naxariiste iyaga iyo  Wadaadadii la toogtay oo kala  ahaa sidan 

  • 1.Sheekh Axmed Sheekh Maxamed 
  • 2.Sheekh Cali Xasan Warsame  
  • 3.Sheekh Cabsiiye Diiriye  
  • 4.Sheekh Cusman Jaamac  
  • 5.Sheekh Maxamud saciid Xersi 
  • 6.Sheekh Cali Jaamac Xersi
  • 7.Sheekh Aadan Cali Xersi
  • 8.Sheekh Yasiin Cilmi Cawil
  • 9.Sheekh Axmed Liiban
  • 10.Sheekh Muuse Yuusuf 

6 Wadaad waxaa lagu xukumay 30 sanno oo xariga waxayna kala ahaayeen sidan

  • 1.Sheekh Aadan Nuur Cilmi Cali
  • 2.Sheekh Maxamed Samatar Cali
  • 3.Sheekh Cabdi salad Cabdullaahi
  • 4.Sheekh Xersi Xuseen
  • 5.Sheekh Aadn Cabdullahi
  • 6.Sheekh Xasan Barre 

17 Wadaad waxaa lagu xukumay 20 Sanno oo xariga waxayna kala ahaayeen sidan.

  • 1.  Sheekh. Axmed Mxamed Cusman 
  • 2.  Sh.Cabdi Cali C/rahmaan
  • 3.  Sh.cabdi Cabdullahi
  • 4.  Sh.Maxamed Maxamud Weheliye
  • 5.  Sh.Axmed Cali Yusuf
  • 6.  Sh.Shariif Maxamed Yusuf
  • 7.  Sh. cabdullahi Faarax Cigaal
  • 8.  Sh.Macallim Xasan macallim C/rahmaan
  • 9.  Sh.yacquub Maxamed macallim
  • 10.Sh Macallim Cabaas Muse Faarax
  • 11.Sh Bashiir Sheekh Maxamed
  • 12.Sh.Cali Mursal Maxamed
  • 13.Sh.Cumar sSheekh Cali
  • 14.Sh.Abuubakar Xasan
  • 15.Sh.maxamed Abdi
  • 16.Sh.Ismaaciil Xasan Aaden
  • 17.Sh.Xasan Cawaale 

Markii u dhacaaayey xukunkani Madax badan oo Somaliyeed kama ay hadal waxayna u ahaayeen markhaati oo waliba qaarkood ay noolyihiin  Madaxdii Somaliyeed  ee wakhtigaas waxay u a dagaalameen qabiiladooda maanta Qaarkood ayaa nool ama hala socdeen cadowga ama ha hadhsadaan Maamul-Goboleedyo iwm. in lagu hor gawraco Culimadooda waxay ka yihiin raali Laakiin inteebay socon kartaa ? Somalidu weligedba wey diri jirtey weyna heshiin jireen , laakiin dawada kaliya ee Somalida maantu waa Diinta taasina waa ta keentay in Culimadooda lagu Hor gawraco  . 

NB 

Abdillaahi Yusuf maalintii shaatiga dhiiga loo geshay Khudbadiisii ugu horeysay wuxuu yidhi: Cidii na soo weerarta waan isk celinaynaa , Cidii na soo farogalisana waxaan dhahaynaa waar na daaya (Nairobi October 2004 ) maantana  ? ? ? ? 

Hadii aan maanta wax fahmi weyno ma waaxaan sugaynaa marka Amxaaradu kabbaha la soo gasho masaajidada * Dr :Omer Osman Rabi 1998.

Maxamed Xaji Ibraahim Egal: wuxuu yidhi Somali mar uunbay isku iman doontaa laakiin Ereteria & Ethiopia  yayna waxba daalin  

Somaaliya Somali baa leh 

Mahdi Farah Aden
Amsterdam / Holland
farahaden99@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | April 27, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com