SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SOOMAALIDU MA QARANBAA MISE WAA UMMAD?

Waxaa loo baahan yahay in la kala sooco qaranimada iyo Ummadnimada, waana sidatan:

Qarannimadu (dawladnimada) dadkaa samaysta iyagaana bedeli kara, ummadnimada na waa abuurista Ilaahay, oo dadku iskama dhigin Ummad ee waxay is arkeen iyogoo ummad ah, oo ka midaysan arrimo badan.

Marka xaga ummadnimada waxaa Ilaahay ku mideeyey Soomaalida arrimo dhawr ah sida: Luqada, Islaamimada, dhaqanka, waxbarashada asaasiga ( dugsiyada qur'aanka) oo ilma kasta oo Soomaali ah waa in dugsi quraan la geeyo, dhaqan dhaqaalaha, dareenka iskashiga iyo isudhiidhi'a maxaa yeelay waa isku hidde, isku dhaqandhqaale oo waa isku dhar, isku suuq isku cunto…….

Sidoo kale hal masjid ayey ku wada tukanyaan, hal riwaad bay wada daawanayaan marka kolleyba soomaali waa kalama maarmaan oo way isku tiirsantahay haday midi dhacdo kuwii ku tiirsanayaa way la dhacayaan suuro galna ma aha wax isku tiirsan inay qaar dhacaan qaarna taagnaadaan, marka waa inaan lagu kala tegin waxyaabaha aan ku midaysanahay taaso ah in la caymiyo udub dhexaadyada midnimada Ummadda iyadoo lagu kala duwan yahay xaga qaranimada oo dawlado kala duwan mawaadiniin (Citizenship) loo yahay waa in la badbaadiyo midnimada Ummadnimada( Nationality) .

Waxaa jira in dunidu innoo taqaana Soomali iyadoon danaynayn dawladaha aan baasaboorkeeda haysano, marka hore adigu Somali baad tahay, qofkii soomali ah ee wax xun sameeya xumaantaasi dhammaan Soomalida way saamaynaysaa, qofkii Soomaali ah ee waanaag sameeya Somaali oo dhan way ku faanaysaa. marka la gaaro xafisyada socdaalka ayaa laga hadli karaa dawladda aad muwaadinka ka tahay, Marka samaan iyo xumaan waa la wada wadaagaa magaca Soomaaliyeed sidaa darteed arrimahaa an ku madaysan nahay ee dunidu nagula xisaabtamayso waa inaan lagu kala tegin.

Sida xaqiiqada ah ummadda soomaaliyeed waxaa Ilahay ku mannaystay awoodo aanay lahayn ummado badan Ilaahay ha inna waafajyo innan fahamno kana faa'iidasano awoodeheena dadnimo iyo dalnimoba.

Waxay dunidu u badantahay Ummaddo ku kala jira dowlado kala duwan oo muwaadiniin ka ah kuna abtirsada hal Ummad kali ah sida Kurdiyiinta oo ku kala jirta dowlado badan iskuna kaashata Ummadnimada, Cafarta oo ku baahsan Djibouti, Eritrea iyo Federalka Ethiopia, kuna midaysan Ummadnimada iyagoo ku kaltagsan muwaadinimada, sidokale haddan eegno France wuxuu u qaybsan yahay Belgium, Switzerland Kobik(KANDA) iyo France, waxay ku midaysan yihiin farasiinimada iygoo ku kala jira dawladahaas kala duwan. Marka waa inaan ka faa'iidaysano Ummadahaa ku kala duwan xag dawladnimada iyagoo ku midaysan xaga ummadnimada oo iska kaashanaya oo wax ku wada qabsanaaya.

Ugu danbays waxaa lagama maarmaan ah in dadka xilkaska ah ee samiirka leh inay kala soocaan waajibaadka ka saaran xagga dowladaha ay muwaadiniinta ka yihiin (citizenship) iyo xilka ka saaran xagga Ummadnimada (nationality) soomaaliyeed oo mid kasta ay ka gutaan xilka ka saaran.

Adv C/raxmaaan xusseen (Abu Xamsa)
odowa40@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 27, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com