SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Yaa Qalay Adoogay?

A. M. Yusuf  | wayeel@operamail.com

Sheekadan waxa qoray wiil yaraa ee agoon ahaan jiray. Waxa loo hibeyn, lagu na maamuusi agoonta Soomaaliyeed.

____________________________________________ 
 

SOODHOWEYNTII MEYTIDA 
 

Absuge, agoonki Cabbeey Makaraan, haddii gadaal uu dib ugu noqdo carruurnimadii, waxa uu soo gocanayaa codkii hooyadii arooryada Khamiisaha ay isaga ugu digi jirtay.

"Maandhow biriga waa Khamiis. Meytadii aa na soo haysa. Guriga ciyow wada haaq oo biyo na ku bilbil."

Dabadeed hooyodii waxa ay aadi jirtay suuqa si ay uga soo iibsato waxyaabo kasta ee loogu baahnaan karay in cambuulo lagu sammeeyo -- sida digir, lamma kabbo oo sariir macsar ahayd, murxo buneed, kiilo sonkor, caleem shaahi, qorfo iyo heyl, jaawi… iyo alaabo kale. Maalmaha qaarkood, gooraha qaar, mararka ay faraxsanan tahay, waxa ay Absuge ugu qaadi jirtay "digri" ay ka soo baratay Siyaaradii Buubaaye Aw Makanne.

Anbuulaa galleey la tuummi 
diireey ki ma'adehee; 
maneey dhaaysi [subag] eey leheen 
dhammaanteed dhagaanjiyaay….

Lix jir oo kale ayuu ahaa; ama se waa uu kaba sii yaraa. Isagu na si aabbehiisii ka geeryooday uu ugu soo dhoweeyo baraako kabkab ahayd; waxa uu aadi jiray Carragaduudda (meel berigeedii loo yaqaannay Dhiigtaarreey: waa meesha maanta ay dhacdo xaafadda Xamar Bile); Carragaduuddu se sidaas ugama sii fogeyn gurigooda; mararka qaarkood dhowr jeer ayuu ba iskaga daba laaban jiray si uu ciid kale uga keeno. Intii tabartiisa ahayd ayuu god yar yaanbo ku faagan jiray; ciidgaduudda na maroogsin ayuu ka soo buuxsan jiray. Madaxa saar ee la dhiikacso! Sidii qof wareersan waxa uu hadba geesaha ula dalanbaabbiyo ba; gurigii ayuu dib u soo tiigsan jiray; badanaaba, waxa uu iman jiray iyada oo ayan hooyo weli ka ba soo laaban suuqii Wardhiigley. Ciiddaas cusboon ayuu dhulkii ku kebbisi jiray.

Absuge yaraantiisii kama uusan qaloon ama cabsoon jirin weydiimaha ku saabsanaa Eebbe Weyne, Nabow Maxamed, geerida, wedka, sheekh, shariif, xer, aw, khaliif, suufi, macallin, kabiir -- iyo waxa dadku ay ugu yeeri jireen, "geeri-gacan-dheer": cirfiid ka soo baxaya qabrigii lagu duugay ee cawooyinka dibadaha u meehannaabaya si uu u helo qof uu dhiigga ka miirto. Waxa uu is weydiin jiray in aabbehii ahaa marsoobbaxa la sheegayay ba iyo in kale? Weydiintan keliya ayuu dadka ka ba reeban jiray. Malaha ma aan uu doonayn in carruurtu ku caydo dadcunnimada aabbehiis? Aabbe dhintay? Aabbe bahaloobay? 

NIMANKII KHAMIISAHA IMAN JIRAY 

Fiidaddowga maalmaha Khamiisaha, habeenada Jimcooyinku ay soo geli lahaayeen, waxa gurigooda iman jiray laba wadaad iyo nin geeryooday. Shii Xanfar, indhool ayuu ahaa; Absuge ayaa ba ul kagaga soo hongeyn jiray aqal hoorri ahaa ee ugu oollaa buuladii Buur Hindi; iyo Macallin Fatuuro, nin aad u dhallin yaraa. Ninka dhintay waa Absuge aabbihii: waalid isaga wiilkiisii ba ay si uun u kala dahsoonaan jireen.

Hayeeshee labada wadaad af uusan garanayn ayay cabbaaro ku wada daldalmi jireen. Waa dambe ayuu Shii Xanfar weydiiyay afka ay ku wada heesayeen isaga iyo Macallin Fatuuro. Cutushkii ayaa u sheegay in uu ahaa Qur’aan iyo Manaaqib. Si baas ayuu se ugu sii qeexay.

"Leey ilaaha, sallalaahu wassallim! Hees maahin! Waa afkii Ilaahey. Waa warka keliya aas adoogaa haddaan kuu kasi karo bo." 
"Adoogeygi af Soomaali ma kasaayo miyaa?" 
"Afka dadka dhantay waa Khur'aan jaw." 
"Khuraan? Khuraanka af maashee waaye?" 
"Heeh! Heeh! Waryaa Khuraanka afkii Ilaaheey waaye! Af Carawi waaye!" 
"Aabbehay af Carawi ma yakhaannaa?" 
"Heey, nabee! Waa yakhaan. Waryaa! Siis u kaseynin? Khureyshti aas bo Janno la joogaahe!" 
"Habartayne iida af Carwiga ma takhaan?" 
Macallin Fatuuro ayaa wiilkii ku afjigay, "Arrooy! Ma habartaa? Yaa iida maa wili dhimatay hee? Xaadse geeri ugu saraadee, hiindadaa? Qumayahow!" 
Absuge oo argagaxsanaa ayaa weydiiyay, "Sidee ku barateen afka Ilaahey? Adii iyo Shii Xanfar ma horaad u dhimateen? Ma lamma cirfiidaad tihiin?"

Cabbaarkaas goortii la marayay, macalinkii oo xanaaqsanaa ayaa Absuge dhoorkii dheeraa kaga dhegay, kolkaas na sidii ari Carbeed u jiiday, ula na dhowaaday bowd uu qariyay geedka saarsaarka la yiraahdo. Dhowr serbi inta uu ka soo goostay, iskugu na wada soohay sidii dawliga ceelkii, ayuu wiilkii haragga kaga siibay. Cod karaamo awnimo watay ayuu se ku qanciyay hooyo Biyood oo aad uga carootay dilka loo geystay agoonkeedii. Si ayan Biyood uga xummaan waxa uu ka raariday in wiilkeedii Sheydaan ka dhex hadlayay.

"Ma cunug agoomahaan gacantaydaan u quuraa? Waxaan tumaayay ba waa shaydaanu rajiimiye," ayuu Aw Fatuuro cod naxariis laga dareemi karay ku yiri. 
Oday Xanfarkii uu Absuge usha u sidi jiray na waxa yiri, "Wallaahi, tallaahi, leey ilaaha sallalaahu! Fatuuroow. Ba'awga wili si oo faaylan u sii nig dhaw!"

Dhawaaqii Shii Xanfar waxa uu maankii Biyood u tebiyay farriimo gacmaheeddii ka dhigay nacabkii u labaddibleyn lahaa wadaad u oomanaa dhiigga wiilkeedii. Hooyo si mintid ahayd ayay ugu qabqabatay, ugu na dhigaysay halgaadihii Aw Fatuuro uu Absuge ku jiidi-jiidii lahaa.Balowgii ayaa ka dhammaaday, wiilkii. Absuge se, waa ku ayaankaas! Nasiib badnayaa se!

Haddiiba waxa gurigii mar soo wada galay adeer Faralle, adeer Jeesgooye, iyo adeer Diraac. Buuqii ka dhacay lagama wada sheekeyn karo. Ogow se, Aw Fatuuro dib dambe in uusan u imaan karin gurigaas ayaa si cad loogu sheegay. 

UURKUTAALLOOYIN 

Hal wax ayuu Absuge weligiiba se dareensanaa. Aabbehiisii loogu sheegay in uu guriga wax ka joogay ayuu intaas u cabanayay. Warcelin yar na kama uu helin. Waxtar na kama helin. Ciidan na kama helin. Dadnimo na kale, taas haba sheegin. Waxba isuma ayan ba ahayn. Aabbehaas dhintay. Absuge waxa uu ka qoomameeyay ciiddii uu dartii u soo qoday, u na soo daldalay… iyo gurigii uu awgii u hagaajiyay ba. Abbe wax-ma-tare ahaa.

Mid kale na dareen ayuu u lahaa. Lama taaban karin ilmo adeer Jeesgooye. Lama maagi karin ilmo adeer Faralle. Sidoo kale, ilmo adeer Diraac. Ilmo adeer Yoolac, kuwaas yaa ba agtooda isku mari karay. Waa aabbeyaal dhaba ahaa. Waa abbeyaal noolaa. Meel xawaalo la yiraahdo na ilmahooda, hal maalin na, kagama ayan soo baadi jirin. 

MOODDO GEERIDA KU SAABSAN 

Haayoo dhimashadu ba waagaas waxa uu u moodi jiray "diiq geeryoonayay oo kale; wedka na, Oday Duurdaye oo kale". Odaygan, malaha, waa Soomaaliga dhabta ah ee Absuge uu weligii ba arkay. Duurdaye. Soomaali run ahaa. Duurdaye, si ka duwan sidii Absuge hooyadii, marrehii Shii Xanfar iyo awsaantii [digri-salaankii] Macallin Fatuuro ba, -- ama si loogu wada fahmo sida ugu wada wanaagsan: afkii Ilaahay -- waxa uu kaga sii kalsoonaan jiray faalkii Bucur Boordeel, iyo xiddigiskii Maaxi Mayow, iyo dhaawgii Siiddii Tarashle. Jinni iyo jaan sixir lagaga xijaabo adeegsiga suuligiisii cusubaa, Tarashle ayaa Duurdaye ku yiri,

"Orgi raaya-dheeraa waa iniid baarlawaanka [suuliga] u khashid; haddii taaseeti ka bihi karinne, diiqoo ne allaa ka dhigee, muqsusha inii dhiiggoo luwu bafiyo [rusheeyo] waaye."

Sidaas daraaddeed, maalin maalmaha ka mid ahayd, Oday Duurdaye waxa uu doonayay musqushiisii cusbayd in uu diiq ugu waqdhaacimo.

Waxa ahayd lix-jirkii Absuge kahor. Berigaa isaga ahaa, berigaas dhiigga la qubi lahaa, ayuu Absuge la kulmay Oday Duurdaye oo weli u middi sahanayay si uu diiq-dooro u bireeyo. Markii ugu horreysay noloshiisa ayuu arkay diiq madaxbeelay oo iskaga daba wareegayay sidii in uu ka caweynay goob shabashabo. Laakiinse, haddana waxa uu arkay isla haddiiba sida biyo karkarayay haddana loo dhex kuday, dabadeed na baalashii lagaga sii wada rifayay, loo xuubsiibay, cadcad na loogu sii jarjarayay. Haddii se uusan arki lahayn tifidda iyo jarjarka diigga lagula sii kacay, waxa uu iska rumaysnaan lahaa in diiqu na dib ugu soo kici lahaa sidii Axabeeygii suuxsuuxi jiray oo kale.

Faylasuuf yar ayuu ba Absuge ku soo baxay. Weydiin ba weydiin kale ayay oodda ka rogtay. Waxa uu had iyo jeer is-weydiin jiray:

"Maxaa u wacan in Axabeey oo aan la qalin inta uu iska dhinto, sida diiqii na u rafrafto -- misana in uu dib iskaga soo noolaan karay?" 
Isaga ayaa isu warcelin jiray, "Mindhaa Axabeey isagu dad ayuu ahaa? Oo hee? Maxaa aabbehay haddaba u diiday in uu dib u soo noolaado? Ma Axabeey, cuuryaankaas liitay, tolow, miyuu ka ba sii abuuris liitay?" 

AARGOOSI 

Waa dambe ayuu adeer Yoolac ka bartay xeer Soomaaliga ugu mudanaa: "qofkii rubad gooyo ba; isaga na in la gooyo". Goor waxa la soo gaaray agoonkii, haddeer, uu isagii na wax dili karay. Qofnimo ahaan, baxaallii ahaan, wiilkii waxa uu ku soo baxay Yoolac oo inta taagan. Dad kale ayuu xataa ka bartay halyaynimadan: adeer Yoolac ba waxa Xamar ka soo ridday in uu dilo ilaal [askari] aabbihii Mudug horey ugu soo dilay. Wed, dable, ayaa toogtay awowe. Adeer Yoolac aabbihii. Waa murugo dhacday waagii Saldanadii Cali Yuusuf. Geesi, daddil, ayuu ba Adeer Yoolac u arkayay. Absuge waxa uu doonayay in uu noqdo geesi. Dilaa ku dhaqmo xeerarka aargudashada. Sida Yoolac ba.

Awgii go'aankaas uu qaatay, maalin maalmaha ka mid ahayd, faylasuufkii yaraa, Absuge, agoonki Cabbeey Makaraan, halyay qaangaaray, waxa uu hooyo Biyood weydiiyay:

"Ii sheeg! yaa qalay adoogay? Ma Duurdaye mise wed kale?"…

A. M. Yusuf | wayeel@operamail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 28, 2008

batroolFadeexaddii Ganacsi ee ka Dhacday Australia iyo Xiriirka Batroolka Puntland
Australia: Waxaa burbur dhaqaale ku dhacay shirkad dallaaliin ah oo xiriir la leh Range Resources, arrintaas oo keentay in... Akhri warbixinta

Black Gold of Puntland
Warbixin dheer oo laga qoray shirkadaha Batroolka DGPL
: Geyre (Wasiir-ku-xigeenka kalluumaysiga): Dekedda Boosaaso waxaa sannadkii ka soo xerooda $35 million ilaa $40 million oo doolar... Akhri

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?: Puntland Waxay ka Go'eysaa Soomaaliya, Haddii Lagala Hadlo Arrimaha Shirkadaha Batroolka?.. Akhri..

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

 


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com