SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL

Dadweynaha Reer Puntland oo Fool xumo iyo Damiir la'aan ku tilmaamay dhacdadii Ciidamada Ethiopia ay ka sameyeen Masaajidka Al-Hidaaya.
 
Kadib markii 23 April 2008 ay ka dhacday Magaalada Muqdisho falal fool xun oo Ciidamada Dalka Ethiopia ay ka geysteen Xarun Cibaado ama Masaajidka Al-Hidaaya ayaa arrintaasi waxa fikradahooda ka muujiyay Dadweynaha Reer Puntland.
 
Aqoonyahano iyo Waxgarad badan oo ku sugan Magaalada Boosaso oo dhacdadaasi ka hadlayay ayaa sheegay inay tahay mid bahdil ku ah Umadda Soomaliyeed gaar ahaan kuwa sheeganaya Masuuliyiinta.
 
Inta badan waxa Dadweynuhu si weyn uga xumadeen Dilka loo geystay Culimada Tabliiqa kadib markii sawirada meydkooda ay ka daawadeen qaar ka mid ah website-yada internetka.
 
Maxamed Ciise oo ka mid ah aqoonyahana fikradooda aan weydiiyay ayaa ugu baaqay Ciidamada Ethopia inay joojiyaan gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaliyeed , isaga oo sidoo kale u soo jeediyay Ciidamada Soomaliyeed ee gacanta siinaya inay joojiyaan.
 
Isku soo wada duboo Dadweynaha Reer Puntland ayaa si weyn uga xumaaday dhadooyinkii ugu danbeeyay ee Muqdisho ka dhaca.
 
Cawaale Jaamac Salaad
Boosaso,Puntland
Jamnaf87@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 28, 2008

batroolFadeexaddii Ganacsi ee ka Dhacday Australia iyo Xiriirka Batroolka Puntland
Australia: Waxaa burbur dhaqaale ku dhacay shirkad dallaaliin ah oo xiriir la leh Range Resources, arrintaas oo keentay in... Akhri warbixinta

Black Gold of Puntland
Warbixin dheer oo laga qoray shirkadaha Batroolka DGPL
: Geyre (Wasiir-ku-xigeenka kalluumaysiga): Dekedda Boosaaso waxaa sannadkii ka soo xerooda $35 million ilaa $40 million oo doolar... Akhri

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?: Puntland Waxay ka Go'eysaa Soomaaliya, Haddii Lagala Hadlo Arrimaha Shirkadaha Batroolka?.. Akhri..

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

 


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com