Xasuuqa Masaajidka Al Hidaaya: Astaanta Macatab ku
dirirnimada Xabashida
Waxa 20/4/08 ciidamada cadawga Itoobiya ku gawraceen
Masaajidka Al Hidaaya rax
an wadaado ah, oo uu ku jiro imaamkii masaajidku, Sheekh
Siciid Yaxye iyo dadkii kale ee masaajidkaas ku
cibaadaysanayay.Ma garanayo ereyo laga bogan karo, muujinta
dhiilada iyo murugada meeshaas ka dhacaday.Kali ah,waxaan
ilaahay uga baryayaa samir iyi iimaan ugu deeqo eheladii iyo
qaraabadii ay ka baxeen.
Waxa kale oo isla todobaadkan taliska cadawga ah ee
Ethiopia, xiriirka dibloomasiyeed u jaray dalka Gadar(
Qatar) .Ka dib markii uu ku eedeeyay in talefishanka dalkaas
laga leeyahay ee Aljazeera,xasilooni daro ka wado geeska
afrika.Al Jazeera oo daaha ka rogtay xasuuqa,gumaadka iyo
macaluulinta taliskaasi ku hayo dadka Soomaaliyeed ee ku
dhaqan degaanka Ogaadeniya(Soomali Galbeed) intooda diidan
guumaysiga Tikreega!
Miyaa garanaysaan cid aan Itoobiya ahayn, oo xasilooni daro
iyo xasuuqa ka wada Geeska Afrika?
Taliska Melez,waxa uu waliba doonayaa inuu Soomaali meel
madaw ku wada gawraco,lagana waramin dabar-goynta
ciidankiisu ku hayo dadkeena!
Hadaba waxay ila noqotay inaan ka gaabsado,ku talax taga wax
ka sheega muuqaalka tooska ee xasuuqa Al Hidaaya,kana abaaro
gorfaynta dhacdadan, wajiga kale ee dahsoon iyo
xididada dhacdadani salka ku hayso.
Arintaas oo wax badan ka iftiimin karta, gun-raaca,
sooyaalka taariikeed iyo waayeed ee arintani ka shidaal
qaadato.
Xaajadani ma ugubaa mise waa curad?
Masaajidka Al Hidaaya maaha kii ugu horeeyay ama ugu
danbeeyay ee ciidanka macatab ku dirika ahi, maato ku
gawraco ama dumiyo. Waxa uu xidhiidh toos ah la leeyahay
colaad gaamurtay iyo asal nacayb diineed oo 700 sano jirta!
Laga soo bilaabo qarnigii 13aad iyo ilaa maantadan
qoyan,dhul-balaadhsiga ,dilka.dhaca iyo hanti maroorsigu,
wuxuu ahaa siyaasad joogta ah, oo talis kasta oo dalka
Ethiopia ka hanaqaadaa,kula dhaqmo dadyowga Muslinka ah ee
Geeska Afrika.
Qarniyadii dhexe waxa dhici jirtey,in Xabashida duulaan ku
ekeeyaan dadyawga Muslinka,dumiyaan talisyadooda,goobahah
cibaadada ,jidgooyaan wadooyinka ganacsiga,gaar ahaan
Harar,Saylac iyo Imaaradii Islaamka ahaa ee degaamadaas
wixii ka soo rogan buuraleyada Amhara iyo Gobolka Tigray.
Dhibaatada ay dadka Muslinka ah,ku hayeen ayaa dhalisay
kacdoonkii iyo jihaadkii Axmed Guray,horaantii qarnigii
16aad.
Halgankaas oo ahaa iska caabin sharci ah,oo layskaga
waabinayay weerarada Xabashida.
Axmed Gurey wuxuu ku daah-furay guulihiisa taarikhda galay,
dagaalkii caanka ahaa ee la baxay Shimbro Kore ee dhacay
bishii Marso 1526.Dagaalkaas ciidanka xabashidu waxa uu ka
koobnaa 10,000 fardooley gaashaaman ah iyo 200,000 ciidamada
lugta ah.
Dhanka kale ciidanka Axmed Gurey,waxa uu ka koobnaa 500
fardooley ah iyo 12000 ciidamada lugta ah.
Dagaalkaas oo Muslimiinta libintu ku raacday ,waxa uu
daahfur u ahaa iska caabinta tayaysan ee Muslimiinta Geeska
Afrika(Markaan Muslimiinta leeyahay,shaki galin maayo
Soomaalinimada Axmed gurey iyo laf-dhabarnimada kaalinta
Soomaalida ee jihaadkaas,ee waxaan muujinya inaan dagaalku
mid qoomiyadeed oo kaliya ahayn,balse diini
ahaa,Muslimiinta Geeska Afrikana ka wadad qayb-galeen).Waana
jawaabtii gardarooyinkii Xabashida ee qarniyada jitrey.
Guulihii iyo gadoodkii Muslinka Geeska Afrika waxa ka
dhashay Kiniisad dumin fal-celis u ahayd, masaajid dumintii
iyo dilkii culimada, maadama astaan u ahaayeen jirida iyo
faafida diinta islaamka ee Geeska Afrika.
Sida uu ku cadeeyay Carab Faqiih, oo ka qayb galay
dagaaladii Axmed Gurey ,buuga uu dagaaladaas ka qorey ee la
yiraa Futuux AL Xabash(furashadii Xabashida) ciidamada
muslimiintu markay qabtaan maxaabiista Xabashida,markiiba
waxay degdeg nafta uga jaru jireen Baadariyada diinta ee ay
gacanta ku dhigaan.
Waayo? Kaalinta ay ragaasi ka ciyaari jireen,dhiiragalinta
dagaalada Muslinka lagu soo qaadi jiray, oo iyagu horseed ka
ahaan jireen ama abaabuli jireen (eega Fatuux Al
Xabash boga151)
Waa arinta ku kaliftey ciidankii Axmed Gurey, inay gubaan
kaniisado badan oo ka dhisnaa dhulkii ay ka qabsadeen
ciidanka Xabshida. Taas oo hayd sidaynu xusnay
jawaabtii,,dumintii iyo gubistii xad-dhaafka ahayd ee
Xabashidu u gaysan jireen Masaajidada Muslimiinta. Waxa
laga magacaabi karaa Kiniisadii ugu caansaanaa ee la gubay:
Debra Libaanos
Beyt Samaat
Laliballa
Kiinasadaas oo ahaa kuwo, xabashidu ku dhaarato.Arintani
waxay ay cadaynaysaa,muuqaalka diimeed iyo macatab ku
dirireed ee colaada Xabashidu Soomaalida iyo Muslinka Geeska
Afrika u qabtey, walina kula dhaqmayso.
Dhanka kale,in falalkaas Muslimiintu isdifaac iyo
naf-lacaari,ahaa waxa inoo cadaynaya hadalkan hoos ku
qoran,ee ka midka ah warqad boqorkii Xabashidu Lebna Dengel
1508-1540, u soo qorey Axmed Gurey (boqorkani waxa uu
dhintay, isagoo Axmed Gurey baacsanayo,wiilkiisii oo
dhexlayna waxaa dilay Garaad Nuur,oo Axmed Gurey ka dib
xilka jihaadka qabtay)
“Muslimiinta hadaad tihiin ,waxaan ku soo duuli jirnay
dhulkiina,dhici jirnay hantidiina oo waliba dumin jirney
guryhiina.Imika waa naga adkaateen oo na dulayseen.Hadaba
intaasi idinku filane ku noqda dhulkiinii oo,
naga joojiya weerarka”eeg Futuux al Xabash 152. 1
Dagaaladaas uu xusay waxa ka mid ahaa,weerar isla
boqorkaasi magaalada Saylac ku qaadey,dhibaato baahsana u
gaystay dadkii deganaa magaaladaas.
Waliba xiliga Xabashidu Saylac qabsatay ee gubtay ,
ciidamadii Boortaqiiskuna waxay ka duqeeyeen magaalada
dhinaca bada sanadihii1517-1518(eeg Trimingaham).
Waxaana ku Shahiiday weeraradaas Amiir Maxfuud,oo ahaa
Amiirkii Saylac,dhanka kalena Axmed Gurey sodog u haa(
waxa uu dhalay Doonbiro,oo ahayd xaaskii Axmed Gurey).
Boortaqiisku isla wakhtiyadaas,waxay weerar iyo duqayn
dhinaca bada ah ku qaadeen Muqdisho iyo Berbera.Bal
is-barbardhig waxa maanta Xamar ka taagan iyo waliba
duqaynta ciidamada Mareekanka!
Dagaaladaas rogaal celinta iyo iska caabinta ahaa,Axmed
Gurey waxa uu ku qabsaday 90%degaamanada xabashida.Isagoo
sii wada halgankaasii ayuu, Shahiiday Feb 22/1543,ka dib
markii ay dhacday oo xabad uu ku dhuftay, askari Booratqiis
ah Lishpona(caasimada dalka Portugal) laga soo
amray,Kiniisada Roomana ee Fatikaanka looga soo siiyay
furihii janada!!
Ka dib dhimashadii Axmed Gurey waxa istaagey gulihii
Muslimiinta.laakiiin Xabashida lafteeda,dagaaladaasi waxay
wiiqeen awoodoodii ciidan.Dhirbaaxadii iyo casharkii Axmed
Gurey u dhigay,oo dhegahooda ka qiiqayay awgeed,waxa laga
nastey dhibkoodii mudo sadex qarni ah 300 sanadood.
Ilaa laga soo gaaro dabayaaqadii qarnigii 19aad iyo
imaanshii guumaysiga reer Yurub(1884 shirkii Barlin ka
dib)oo mar kale soo nooleeyay,gardardii iyo dhibtii u gaysan
jireen Muslinka Geeska Afrika.
Halkaas oo Milinlik mar kale, ambaqaaday dhulbalaadhsigii
caanka ahaa ee uu ku boobay dadka Muslinka ah .Dhulalka uu
duulaankiis ku qabsaday,wax ka mid ah Addis Ababada (1886)
maanta caasimada u ah Ethiopia!
Isla sanadkii ku xigayna waxa uu qabsaday,magaalada Harar
sanadkii1887.Hubka iyo qorshaha uu dhulalkaas ku
qabsaday,waxa u fidiyay guumaystaayaashii reer Yurub!
Harar oo ahayd caasimadii Axmed Gurey iyo astaanta
gaashaandhiga Muslimiinta Geeska Afrika. Talaabadii ugu
horeysay ee uu qaaday Minlik markuu Harar qabsaday , waxay
ahayd,duminta Masaajidkii magaalada ugu waynaa,waxaanu ka
dhisay,bartii uu ka yaalay Kiniisad ilaa maanta taagan!!
Waraaqdii caanka ahayd ee uu u diray dalalka reer
yurub,waxa uu ku cadeeyay inay Ethiopia tahay Jasiirad
Kiristaan ah ,oo ku dhex- taala badwayn Muslimiin ah,waxa
kale oo tilmaamay Amiir C/laahigii Harar,ee uu magaalada ka
qabsaday, Axmed Gurey kale oo la jabiyay!!
Bal u fiirso qoto-dheerida iyo xiriirsanaanta colaada
ninkaas ku jirtay,waliba ogow isaga iyo Axmed Gurey waxa u
dhexeeyay 300 sano!!
Mar kale waxa damacii dhul-balaadhsiga iyo macatab ku
dirirnimada Xabashida,waxa hakiyay dhalashii Jamhuuriyada
Soomaaliya,waana la wada xasuustaa dagaaladii 1964 iyo
1977(Xasuuso Axmed Gurey waxa jabiyay Bortaqiis,Ciidankii
Soomaalidana waxa jabiyay 1977 Ruush!!).
Balse markii Soomaalidu is cuntay, ayay seetada goosatey
cadaawadii guunka ahayd ee Xabashidu u haysay
Soomaalida iyo dadyawga Muslinka ee Geeska Afrika.
Xasuuqa Masaajidka Al Hidaaya iyo maatada laga duqaynayo
wasaaradii gaahaandhiga qaranka ee laga hogaaminayay
dagaalkii 1977 , waa midhaha ka dhashay maan-gaabnimada
Soomaalida iyo cawaanimada dagaalada sokeeyay ee lagu wada
gubtey.
Markii ay is wada dooxataa daad u soo galay .
Hadaba qofkii doonya inuu fahmo waxa ka dhacay maanta
Masaajidka Al-Hidaaya,waa
inuu marka hore ka dheragsanaada,taxanaha iyo qotodheerida
colaada diinta ku salaysan iyo inay jireen,boqolaal dhacdo,
oo Al-Hidaaya oo kale ahaa, oo hore Xabashidu inoo gaysatay.
Sidaa awgeed odhaahda caanka ee tiraahda”Taariikhdu way soo
noq-noqotaa” run badan ayaa ku jirta.
Soomaalidu,oo ah cududa Islaamka ee Geeska Afrika.Hadii
aanay sidan isu dhaamin,oo aanay ka waantoobin xinka
qabyaalada iyo tolaayda ninka danta leh.
Waxa hubaal ah,in maalinba koox ,Xabashidu xasuuqi(waa
sida maaantaba taagane)iyadoo Soomaalida kale daawaynayaan,
ama ku faraxsanyiinba!
Ugu danbayn, waxaan leeyahay ‘Soomaalida maanta indhaha ka
qarsanaya ama ka qayb-qaadanaya,gumaadka Xabashidu
kula kacayso walaalahooda Soomaaliyeed,ha ogaadaan in
kawaanka Ethiopia la wada saaranyahay,balse la kala horeeyo
oo kali!’
Qalinkii: C/raxmaan.M.Muue
____________
Faafin: SomaliTalk.com | April 28, 2008