SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 

Nasiib Daranaa Degmada Qandala:
 
Qandala waxay ka mid tahay Degmooyinka ugu qadiimsan ama ugu Taariikhda weyn Gobolka Bari, Dadka Degaanka Qandala waxa Ganacsigooda uu ku xiranyahay Khayraadka Bada iyo Geedka loo yaqaan Xijiga ama Xabkaha.
 
Wixii ka danbeeyay Dowladii Maxamed Siyaad Barre Nasiib xumo waxa Degmada Qandala la soo dersay Maamul xumo sida Gudoomiyayaal aan Degmada aqoon u lahayn oo Maamulka Puntland soo magacaabo kuwasoo dadka Degaanka kala kulma isfaham la'aan iyo wada shaqeyn xumo.
 
Gudoomiyayaasha loo soo Magacaabo Qandala waxay xafiis ka dhigtaan Magaalada Boosaso halkaasi oo ay ku sugaan Mashariic badan oo qaab been abuur ah ugu xereystaan Hay'adda Cunrada ee WFP.
 
Maamulkii ugu danbeeyay ee Qandala loo sameeyo ayaa la dhisay dhowr beri ka hor balse Dadweynaha Magaalada ayaa diidmo xoog leh ka muujiyay tasoo dhalisay gacan ka hadal dexmra dadka Degaanka iyo kuwo kale oo taagersan Maamulka la dhisay.
 
Marka arrimahan oo kale yimadaan waxa maareyn jiray oo wax ka qaban jiray Odoyaasha iyo Waxgaradka Degaanka ka soo jeeda balse ayaan daro Jawaabtoodi waxay noqotay" Hadaad Hawd Geel ka maasho ama Helel Waaqle aado aniga uunbaa Hooyadaa ah".
 
Waxa isweydiin Mudan sababta ka hortaagan Dadka Qandala inay Doortaan Maamul la qaba aayahooda Dhib iyi Dheef oo Mashaariicda soo baxdana keenaya Degmada halka iminka Maamula soo maray ay ku bedeshaan Mashaaricda Landcorieser kuna raaxaytaan Magaalada Boosaso iyaga oo taagero ama gacan saar la leh Dhowr Oday.
 
Ugu Danbeyntii waxaan u soo jeedin lahaa Dadka Degmada Qandala inay tashadaan oo ay sameystaan Maaul ku dhisan Cadaalad oo Degaanka wax u qabanaya, sidoo kale Hay'adda WFP ayaan ugu baaqi lahaa inay kantaroosho deeqaha ama Macaawinada ay bixiyaan inay gaarto halkii ay ugu talo galeen.
 
Maxamed Cali Raqam
Boosaso
Raqam2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 28, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com