SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DUBAI

SHARIKAD SOOMAALIYEED OO MAALGALINAYSA DHISMAHA DAARTII UGU DHEERAYD SHARIKADAHA AFRICANKA

Shirkadda Soomaaliyeed ee loo yaqaan Qaran Express ayaa shaaca ka qaadday inay maalgalisay dhismaha daartii ugu dheereeyd ee ay yeelato sharikad Afrikan ah, Daartan oo sida ay sheegtay shirkaddu ka kooban 37 Dabaq ayaa laga waxaa laga dhisayaa Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, magaalada Cajmaan.

Shirkaddu waxay sheegtay in daartan oo haatan uu billawday iibkeedu in jinsiyadda ugu badan ee ku soo qulqulaysa xafiisyada shirkaddu inay tahay Soomaali , kuwaasoo badankoodu ka yimid waddamada UK, iyo waqooyiga Ameerika, iyadoo sidoo kale soo jiidatay oo ay wax ka iibsadeen jinsiyado kale sida Hindi, Iiraaniyiin , Ciraaqiyiin iyo kuwo ka kala yimid wadama khaliijka.

Daartan oo ka kooban Appartameentooyin ama shuqooyin ka kooban (3 Qol jiif, 2 Qol jiif iyo 1 Qol jiif) iyadoo appartment waliba ama shuqo waliba ay wadato ama leeydahay Qol Adeegto, Musqulo dhowr ah , Jiko iyo balkoonayaal.

Mar wax laga weydiiyay afhayeenka shirkadda waxyaabaha ay dadweynaha ku soo jiidatay daartani ayuu wuxuu yiri “Daartani waxay leedahay faasility badan ama tilmaamo iyo sifooyin u qaas ah waxaana ka mid ah”:-

TILMAAMAHA U QAASKA AH DAARTAN

· Guriga qofka ayaa 100% lahaanaya magaciisana wuu ugu soo baxayaa Dokumeentigiisu.

· Waxuu ku helayaa Iqaamo ama Viso Degganaansho oo joogto ah asaga iyo carruurtiisaba.

· Gegida dayuuradaha caalamiga ah ee Dubai ayay u jrtaa 20 Daqiiqo oo ah baabuur.

· Waxay ku taallaa ama ka dhismaysaa meel ah carro-san, hawo nadiif ah leh,lagana arki karo badda oo ah Xaafadda Parkview ee duleedka magaaladda Cajmaan (oo ah mid ka mid ah toddobada imaaradood ee dalka isutagga Imaaraadka carabta-UAE), dhulka ay ka dhismaysana daar kale kama xigto wadda weeyn ee loo yaqaan Emirates Road.

· Daartan waxaa dhinac waliba ka xiga, oo aan weliba laga xigin wax waliba oo lagu dooran lahaa sida Masaajid,Iskuul K.G. ah, Cosbitaal ama rug baaris caafimaad iyo weliba Shopping Mall aad u weeyn oo leh parkinadiisa.

· Daartu waxay ka kooban tahay 37 Dabaq oo kan ugu hoosaayaahi uu yahay Goobo Ganacsi, 5 dabaq oo Parkinno ah iyo 31 Dabaq oo Degaan ah.

· Waxay leedahay:

o Berkad lagu dabaasho oo qayb ka mid ah aan ugu tala galnay carruurtaada.

o Xarun jimicsi ama jir dhis u kala xiran Ragga iyo Dumarka.

o Jackuzi xamaam maqribi –biyo kulul oo la isku uumiyo.

o Wiishash ama Liftiyo aad u dheereeya oo dhaqso u geynaya qofka dabaqa uu doono.

o Diishash Satalayt ah oo laga daawan karto kumanaan TV oo caalami ah, kuwaasoo ku rakiban guri waliba ama Appartment kasta.

o Internet / iyo Telefoon aad si fudud loo heli karto.

o Securtiy joogto ah 24 ka saacadood (Qalabka wax lagu ilaaliyo sida camarooyin ku rakiban iyo rag tababaran oo qaabilsan dhinaca amaanka).

o Marmar ama mutuneel aad u qurux badan oo lagu dhisay dhulka guryaha , jikada iyo musqulaha oo aan lagu kufeeyn.

o Dhamaan qalab la isticmaalay oo ah mid heer sarreeya sida Albaabada oo ah loox,Aluuminium,Muraayado adadag oo guuxa banaanka kaa celinaya.

o Guri waliba waxaa ku sameeysan nidaamka ka hor tagga ama sii sheeg hadii uu dab kaco.

o Daarta dusheeda waxaa ku yaalla Meel loogu tala galay inay soo fadhiistaan Dayuuradaha Qumaatiga u kaca ee Helikobtarika hadii loo baahdo.

HABKA IIBKA

· Hab aad u sahlan oo muddo dheer ah ayaa lagu iibinayaa iyadoo aan qofka la saarin wax Ribo ah.

· Qofka ayaa kala dooranaya habka ugu sahlan ee uu isaga bixin karo lacagta.

· Gurigiisa wuxuu dagayaa qofku ama sii kiraynayaa iyadoo aanuu ka dhamaan lacagtii iibku.

· Hadii duruufi ka hor timaad oo uu iska bixin waayo lacagta billaha ah , markaa lagama xaraashayo ee waxaa loogu iibinayaa sicirka maalintaa uu ka marayo suuqa oo laga yaabo in faaiido badani ugu jirto lacagta u soo hartana waanu siinaynaa .

Faafin: SomaliTalk.com | April 28, 2008

batroolFadeexaddii Ganacsi ee ka Dhacday Australia iyo Xiriirka Batroolka Puntland
Australia: Waxaa burbur dhaqaale ku dhacay shirkad dallaaliin ah oo xiriir la leh Range Resources, arrintaas oo keentay in... Akhri warbixinta

Black Gold of Puntland
Warbixin dheer oo laga qoray shirkadaha Batroolka DGPL
: Geyre (Wasiir-ku-xigeenka kalluumaysiga): Dekedda Boosaaso waxaa sannadkii ka soo xerooda $35 million ilaa $40 million oo doolar... Akhri

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?: Puntland Waxay ka Go'eysaa Soomaaliya, Haddii Lagala Hadlo Arrimaha Shirkadaha Batroolka?.. Akhri..

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

 


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com