Halloo Caddaalad Falo Kooxdii Ladagaalanka
Argagixisada (Ashahaado-la-dirika)
Cabdixayi Cismaan Garaad
agaraad@gmail.com
London, UK
Nimankii Soomalidu u bixisay Ashahaada-la-dirka waxay mar ku
guulaysteen in ay dhagta adduunka C/laahi wax oogu sheego maahane tan
kale ayana wax ugu sheegaan. Balse waxaa la oran karaa way kaga
dheereeyeen oo waa tii dawladdii oo Baydhabo iyo Jawhar fadhida, ayaga
loo dirsaday inay xamar sifeeyaan kana saaraan niman“adduunku
(International Community) iyo Mareykan u yaqaanaan argagixiso - kuwaasoo
ka koobnaa kuwa aanay Soomalidu ogeyn jiritaankooda iyo qaar culumada
dalka looyaqaan.
Kaddib markii dawladda kumeel-gaarka ah lagu soo dhisay Kenya,
baarlamaankii Soomaaliya waxa uu isku khilaafay meesha dawladdu dagi
doonto. Qaar uu hogaaminayey guddoomiyihii baarlamaaka jeerkaas Shariif
Xasan, oo ay ka mid ahaayeen inta badan hogaamiye-kooxeedyadii Xamar,
waxay arkayeen in magaalo-maddaxda, dawladdu toos u degto halkaasna ka
sii waddo hawlihii loo soo igmaday oo ahaa, dib-u- heshiisiin iyo
soo-celin qaran Soomaaliyeed. Dhanka kale , madexweynaha iyo wasiirkiisa
kowaad iyo tiro ahaan inta badan baarlamaanka waxa ay qabeen markii
danbana marsiisteen, in si kumeelgaar ah loogu sii shaqeeyo Baydhabo iyo
Jawhar. Waa tii halkaas lagu kala dhaqaaqay. Kooxdii Shariifku
horkacayey oo hogaamiye kooxeedyadii Xamar ka buuxaan waa tay Muqdisha
madal ka yeesheen, Cabdullaahina damcay inuu go’doonsho oo uu ka yeelo
niman qas iyo fawdo waxaan ahayn aan ogolayn, dan iyo xeelna ka dhigtay
jid-gooyo.
Dadaal fara badan ka gadaal Cabdullaahi iyo Geeddi waxa ay ku
guulaysteen in ay Shariif Xasan soo ceshadaan, kaddib heshiiskii Sanca
iyo gacanmarintii Boosaaso. Shariifkuna raggii uu Xamar kaga soo tagay
iyo kulama hambaasin inuu u sheego inuu ka tagay ee aayar buu Baydhabo
soo xaluushay, malaha asagoo gacmuhu u buuxaan, xayn mudanayaal baarlaan
ahna wata ayuu u soo cid galay Cabdullaahi iyo Geeddi.
Maalmahaas waxay ahaayeen maalmihii ugu xayraan siyaadadeed badaanaa,
oo la soo gudboonaaday hogaamiye-kooxeedyadii Muqdisho iyo intii ay
hogaanka u ahaayeenba. Shariif tag, Xamar isbaarooyinkii iyo kuwo kale
oo hor leh ayaa hareeyey, tiro ahaana waxay noqdeen kuwa ka yar intii
hore ay ku joogeen, oo Shariif Xasan kaligii iskama huleeline rag iyo
culeys siyaasadeed ayuu kala tagay. Xaaladdaas adag ka gadaal, isku dayo
iyo dhaqdhaqaaq dublamaasiyadeed oo faro badan kaddib waxa ay Mareykan
ka iyo Aduunkuba (International community) ku qanciyeen, in ay ayagu ka
muhiimsanyihiin Cabdullahi iyo dawladdiisa ku oodann Baydhabo iyo
Jawhar. Ugu yaraan saraakiil CIA ah iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee
Mareykanka ah ayey ku qanciyeen dooddaas. Waxaa la oran karaa waxba may
qancinine waa lala soo doontay mashruuca. Waxaase hubaal ah in la isa
suray danayaal kala duwan, maxsuulkuna waxaa uu ahaa in ay muddo kooban
ku naalloonayeen aqoonsi siyaasadeed iyo mid adeegsi oo ay ka heleen
saraakiil Mareykan ah oo sheeganayey iney horboodaan Beesha Caalamka
(International Community). Taasina waxay ahayd tii sababtay in
Cabdullahi iyo Geeddi si cad u cambaareeyeen Maraykanka iyo “Beesha
Caalamka” (International Community) in ay ku eedeeyeen in ay gacan
bidixayn ku hayaan dawladda oo aanay doonayan “dawlad Soomaliya ka
hanaqaadda”.
Haddaba, saw lama oran karo taasi waxa ay ahayd libin ay mar soo
hoyeen hogaamiye- kooxeedyada Muqdisho. Waxaa hubaal ah in ay is
waafajiyeen dano gaar ah oo ay lahaayeen iyo tii Mareykanka oo ahayd la
dagaalanka waxa ay ugu yeereen “argagixisada”.
“Guushaas” way ku naalloodeen in muddo ah, adduun iyo hanti
farabadana waa ku heleen , duq Cabdulaahi iyo Geeddina waxaa la hubaa
inay walwal iyo caro faro badan ku abuurtay. Waxaase hoogood galay
markay maddax shabeel leefeen, oo inta har cad bannaanka soo istaageen
ay yiraahdeen , waxaan sameynay isbahaysi la dagaalama waxa ay ugu
yeereen “Argagixisada” iyo kuwa hooya ama qarinaya “argagixisada”.
Isla markiiba dadkii Xamar daganaa oo ay horey u daashadeen una
diideen har iyo hooy oo ay hogaaminayaan culimada, ganacsatada iyo
maxkamadihii maxalliga ahaa ayaa garaystay in aan middaan marnaba la
daawan karin. Maantaa wixii ka danbeeyey waxaa galay malagii
hogaamiye-kooxeedyada Xamar iyo kuwii Koonfurta Soomliya oo dhan.
Haddaba sida ciwaanka ku cad, waa gar, in loo caddaalad falo
hogaamiyo-kooxeedyadii Muqdisha, haddii dhagaha saraakiil ka socota
CIA iyo wasaaradda arrimaha dibadda Meraykunku noqoto “guul
siyaasadeed”. Waana guusha ay sheegeen inay gaareen ugu yaraan Sheekh
Shariif iyo afar sarkaal oo ka mid ah golihiisa .
Waxaase hubaal ah in ay muhiim tahay in la qiro
guul-siyaasadeedkii hogaamiye- kooxeedyadii Muqdisho gaareen, haddii
kooxda shirka Jibuuti saxiixday (ARS) guusha ugu weyn ooy soo hooyeen
sida ay ayguba qireen ay tahay in ay xaqiijiyeen amba suurogal ka
yeeleen “in dhagta Cabdulaahi “adduunka” wax ugu sheego maahane tan kale
loo ogolaaday inay wax u sheegaan”. Waabase hadduu jiro adduun labo
dhagood leh oo lakal moogaysto!
Ugu danbeyntii, haddiiba, meesha loo hayaamay ay ahayd in dhagta,
Cabdulaahi haysto teeda kale la helo, ma mudnayn in wixii bur-bur
dal,dad iyo duunyo lahaa aan kuweyno Shariifoow hogaankaagii, ee waxay
ahayd in Maxamed Qanyare, Muuse Suudi iyo malaha Sifir la weydiiyo sida
ay wax yeeleen. Waxaanse hubaa in dhagta saaraakiisha CIA , tan Ahmed
Walad Cabdalla iyo tan Ethiopian-ka heliddeeda aanay halganka wax aan
kala jab iyo kala shaki ahayn aanay kusoo kordhin, waana midda hadda
muuqata. Waxaanse Alle ka dhawraynaa in safafka Xabashida kasoo horjeeda
oo gudaha ka halgamaya ka ilaaliyo kala jab iyo khilaaf inatba. Waxaan
hubaa inaan labo isku diidaneyn in dhegta “Beesha caalamka”
(International Community) iyo Mareykanka maanta kutaal inay tahay tii
sanad ka hor kutiillay. Haddaba Shariif Axmed iyo raggiisa waxaa marti
loogu yahay inay Soomali ku qanciyeen in guusha ay sheeganayaan ka
duwan tahay tii Maxemed Qanyare iyo Xaaji Muuse Suudi hanteen kal hore
deedna ku hungoobeen oo ku hoogeen.
Cabdixayi Cismaan Garaad
agaraad@gmail.com
London, UK