SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dhibaatada Koonfur Ka Dhacday Yaa Ka Mas'uul Ah?
 
Jawaabta su,aashan waxay tahay bad aan laga bixi karin.  Waxaan jeclaystay inaan halkan ku soo bandhigo waxyaalihii aan ka soo uruuriyay dadweyne aad u tirabadan oo aan waraysiyo la yeeshay.
 
Soomaalida aan su,aashan hordhigay xitaa waxaa ka mid ah Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf.  Wuxuu isagu ku jawaabay {Waydii kuwa Xamar qasaaya ee dalka burburiyay ee tan iyo maanta dhiiga dadka daadinaya, iyo kuwa Hay,adihii dalka dilalka iyo afduubka u gaysanaya}.
 
Hadaba jawaabadkan ka helay dadyoowgii Soomaaliyeed ee kala duwanaa waxaa ka mid ahaa kuwan soo socda:
 
Dad waxay qabaan dhibaatada Somaliya waxaa ka mas,uul ah dadkeena gobolada dhexe iyo Mudug.
Dad waxay qabaan gumaystihii Somaliya shanta u qaybiyay ee Jamhuuriyadii dhalatay ku kalifay inay hub aruursato oo wax walba hub galiso ayaa u sabab ah.
Dad waxay qabaan inuu sabab u yahay dagaalkii 1977kii ku qaadnay Itoobiya.
Dad waxay qabaan qabiiladeena qaar ka mid ah oo midba mid farta lagu fiiqayo inay sabab u yihiin burburka.
Dad waxay qabaan inay burburka keentay sidii guracnayd ee uu madaxweyne Maxamed Siyaad wax u maamulay.
 
Dad waxay qabaan kuwii jabhadaha ahaa ee cadawga u tagay ayaa burburka sababay.
Kuwo waxay qabaan SNM-tii Woqooyiga soo gashay kama horayn burburka oo markay magoolooyinkii bartankoodi dagaalka ka fureen ee ay Hargaysa burburtay ayaa ugu horaysay burburka.
Dad waxay qabaan Turubkii siyaasadeed  ee uu Mingiste la ciyaaray Maxamed Siyaad ee uu Mingiste raayay inay keentay burburka.
Dad waxay qabaan inay qabyaalad burburisay Somaliya.
 
Qaar waxay aad u rumaysan yihiin Xasadka la is xasdayo inay sababtay burburka Somaliya.
Qaar iyaguna waxay xoog u rumaysan yihiin in uu Fusuq xad dhaaf ah oo dunida meel lagu arkay uusan jirin ay burburisay Somaliya.
Qaar waxay qabaan siyaasiyiinta dalka tan iyo 1954 ee wada qabiilka, jahliga, xasadka iyo magaagnimada dalka ku maamushay inay sababeen burburka.
 
Lisstadu waa ay dheertahay.   Dambiguna ma yara iyo farqaha la isku dhaganyahay ee yaa hadaba burburiyay dalkeeni?
 
Anigu ma qabo inuu mid ka mid ah qabiiladeena Soomaaliyeed uu burburiyay Somaliya.   Sababtoo ah, qabiil Soomaaliyeed oo dad wada xun leh ma uu jiro sida uusan u jirin mid dadkiisu wada fiicanyihiin.    Xitaa kuwa Xamar ku sugan ee muuqaal ahaan Xamar iyo dalka intiisa kaleba burburiyay arrintu way ka wayntahay iyaga.   Sababtoo ah, hadaysan siyaasad ahayn waxa dal burburiya cid iska soo dhaqaada maxay waa horeba u burburin weyday Somaliya.

Soomalidu yaysan is xagxagan, hana dhaafto faraha la isku fiiqayo.
 
Kuwa Koonfur Qasaya Maxaa La Gudboon Maanta?
 
Nimankan Koonfur qasaya, waxaa la gudboon unay xisaabtamaan oo ay is arkan waxay shalay ku hamoonayeen inuu khalad iyo gaf weyn ahaa oo sababo badan awgeed u socon wayday.
 
Marka, waxaad ku haamooteen khalad iyo saxba waxa ay iniigu socon wayeen waa wax la garan karo, lakiin marka wixii socon waayeen oo aad wali dabada haysataan oo jidkii khaldanaa ku sii dhaga adaygtaan oo aad kusii indho cadaataan waa doqonimo mida ugu weyn.
 
Waxaan nimankaas khaldan ee ama garan la.a inay khaladkoodi ka soo haraan ama aan wali is ogayn ama is og laakiin wali dib isugu noqon la,a, waxaan kula talinayaa inay maanta is xisaabiyaan.
 
Hadii aad arrimahan hoos ku qoran ku dhaqaaqdaan, waxaad helaysaan inay Ummadu ini cafiso uur iyo gacanba oo aad mar labaad Soomaali magac iyo muuqaalba ku soo noqotaan ileen hadda daruuraha ayaad korsantihiine oo ismaba ogidiine niman magacoodu sicir-barar ku dhacay ayaad tihiine.  Markaan intaas leeyahay, kuma jiraan haween,caruur iyo kii xanuusanayayba.
 
Waxaan kula talinaya nimankaas:
 
1) Ka waantooba hadba gobol dad Soomaaliyeed ku dhaqanyihiin inaad ku duushaan oo is waydiiya kuwii hore oo aad ku duusheen idinka iyo ciidamada Itoobiyaanka ahiba inaydaan wax faa,ido ah ka keenin khasaaro mooye.
 
2) Uga baxa guryaha dadka Soomaaliyeed ee aad ku jirtaan.
 
3) Faraha ka qaada maamulka Ummada Soomaliyeed ee aad iska dhoofsanaysaan.
 
4) Ummada Soomaaliyeedna in ninkaan Cabdullahi Yuusuf iyo ciidamadan Itoobiyaanka ah ee uu wato la dhaafsho waxay maanta u taal idinkoo ahaan jiray hormoodka wadaninimada Soomaaliyeed,  balse maanta u jeestay dhac, dil, xasuuq, sun bada lagu daadiyo, xashiishad beerihii Koonfur lagu beero, mooskii iyo dhamaan wax soo saarki Ummada Soomaaliyeed oo la iska dhoofsado oo maal xaaran ah dhasha. Beerihii shacabka oo xoo lagu haysto iyo dhismayaashi iwm.
 
5) Woqooyiga Somaliya (Somaliland) maanta waxay haystaan nabad aan Somaliya inteeda kale ka jirin. Ilaahay ha u siyaadiyo nabada, dhamaan Somaliyana nabad haka dhigo, nimankaas reer Woqooyiga oo aan ka mid ahay, kubadu iyaga ayeey maanta dhinacooda taala.
Nimankaas waxaa la gudboon inay maanta u hiiliyaan Somaliya iyo sumcadeedi, arrimaha Koonfurna waxii ay ka qaban karaan ka qabtaan.
 
6) Waxaa muhiim ah in Soomaali mar labaad gacmaha ay is wada qabsato oo sidii lagu yiqiin  waliba maanta si abad ah ay noqoto.
 
7) Waxaa muhiim ah in sharaftii Ummada Soomaaliyeed lasoo celiyo.
 
8) Waxaa muhiim ah in dhamaan suntii bada lagu daadiyay imikana wali socota, dunida lala kaashado in nalaga saaro.
Waayo, waxaa la ogsoonyahay in malaaygii badda ku jiray qaarna ay sunta ka carareen oo ay galeen South Africa, qaarna shirkado Mafiyaan ahi iska daldashaan, lacagta laga helona ay Koontooyin dad Soomali ah ay iska leeyihiin ay ku dhacdo.
 
9) Waxaa muhiim ah in dunuubtii dhacday aan cidina cid wax u qabsan ee Soomaali is wada cafiso oo waa dad walaala ah ee ay gacmaha is qabsato.    Waxii dhacay ma in la qoro, mise in la isa sii daba galo:  Anigu waxaan qabaa dhiig danbe oo Soomaliyeed inaan mar danbe la daadin. Xitaa ninka la dhaho Cabdullahi Yuusuf anigu waxaan qabaa inaan far la saarin ee la tuso inuu wanaagu yahay midka fiican ee cuqdada iyo xumaanto tahay mida aafada inoo horseeday.
 
 
10) Waa in dadka Soomaaliyeed looga baxaa guryaha iyo dhismayaasha sida sharci darada ah looga jiro.   
 
11) Waa in dadkeena Galmudug-State iyo Puntland dhibaatadooda si degdeg ah looga xaliyo, intaysan faraha ka bixin, waa in la baro shuruucda aasaasiga ah ee banii-aadamka oo ah ilaalinta sharciga lahaanshaha. 
 
12) Maalka Ummada ee la iska dhacayo ha laga tanaaasulo.   Xaarani cawaaqib xumo weyn ayey leedahay. Mooskii Somaliya kala bar, in ay Dawladaha Maraykanka iyo Talyaanigu iska daldashaan waa la ogyahay, lacagta laga helona Koontooyin lagu shubto.
Waxaa la ogsoonyahay in macdantii Buur-Xakabo niman Mafia ahi inteedi badan rarteen. 
 
Gunaanad.
Ummada Soomaliyeed ee Ilaahay u dhaliyay magaca Somali!
 
Wuxu waa Ummad sidii dunta looga dilayay dhimatay! dhimatay!  
Wuxuu waa Ummad xaarka qasatay! Qabyaaladina cunto iyo cabitaan u noqotay!
Dadkan Soomaali ee laguu sheegi waa wax dhintay oo uray!
Qabiilkan qalajiyay ee ay daba naadini mooyee waa dad Diin iyo Iimaan kale oo ay leeyihiin uusan jirin.
Waa dad aan inaba dan ka lahayn dad,dadnimo,sharaf iyo wax kale toona.
Walee tan Soomaali ah ayaan hagaagin! Waa Ummad qaliban oo Ilaahay meel baas ku wado.
 
Soomaali waxaad ka quusataa waa dadka kaliyah ee Dunida oo dhan:
Mujrim u noqdo Madaxweyne.
Shaydaanka laga Cawdu bilaystay u yahay Gudoomiye.
Saqajaanku u yahay Suldaan.
Tuug u noqdo Taliye.
 
Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com
skyword268@yahoo.com
Sweden, Stockholm

Faafin: SomaliTalk.com |  August 1, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS