SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Tallo iyo Turxaan bixin ku aadan Baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya.


Siyaadda Dalka Soomaaliya ayaa waxay soo martay marxalado kala duwan oo qalafsan oo jahawareer badani uu ka dhex muuqday 17-Sano ee la soo dhaafay ,hase ahaatee kaddib markii ay DFKMG ahi ay u Magacawday R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen ayaa waxaad moodaa in ay Siyaasaddii uu ka dhex abuuray is faham iyo kalsooni soo kala dhexgashay Hoggaamiyeyaashii iska soo horjeeday wuxuuna abuuray jawi nabadeed oo ay isku fahmi karaan dhammaan Dowladda iyo Mucaaradka ka soo horjeeda , sidaa darteed R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen wuxuu mudan yahay in ay Shacabka Soomaaliyeed ku Taageeraan Geedi socodka nabadda ee uu Horseedka uu ka yahay laguna siiyo" Billadda Geesinida ee Afrika."

Haddaba, Baarlamaanka FKMG ah waxaannu tallo iyo turxaan bixin ugu soo jeedinaynaa inay dib u eegaan Marxaladii uu Dalku ku sugnaa markii uu R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen loo dhiibayey iyo Nabadda uu maanta abuuray ee ku salaysan Heshiiska iyo is fahamka labada Dhinac ee DFKMG iyo Dhinaca Isbahaysiga Dib u Xoraynta Dalka Soomaaliya ,sidoo kale R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen waxaannu ognahay inuu markii ugu horaysay uu ka dhawaajiyay in uu Heshiis la geli doono Cid walba loo la diyaar ah inay la hadasho DFKMG ah ee Soomaaliya wuuna ka dhabeeyey, waxaa kaloo xusid mudan Wasiiradii 300 iyo ka badan ahaan jiray sida uu u Xakameeyey , waxaa kaloo Xusid mudan sida uu Caalamka ugu soo jeediyay ina wax u qabtaan Shacabka Soomaaliyeed oo ay Gaajadu Dubatay .

R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen waa kaadir Siyaasi ah oo Shacabka Soomaaliyeed ay ku faani karaan ,marka laga soo bilaabo taariikhdiisa iyo Waxqabadkiisa inta la ogyahay waqtigii uu ka soo shaqaynayey Taliskii Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Xilalkii uu ka soo qabtay oo uu ku mutaystay abaarmarino iyo Dallacaado iyo Xilligii uu ahaa Xeer Illaaliyihii Guud ee MBD ee Soomaaliya , R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen wuxuu ahaa Nin Xilkii loo dhiibo si Wanaagsan u guta Mudane Nuur Wuxuu kaloo la soo shaqeeyay mudadii uu burburka ka jiray Dalka Soomaaliya oo uu Madaxna ka ahaa Bisha Cas ee Soomaaliya iyo Red Cross oo labaduba ka mid ahaa Hay'adaha aan Dowliga ahayn ee u gargaarayey Shacabka Soomaaliyeed .

Baarlamaanka FKMG ahi maxaa la gudboon? ma helayaan Qof u khalmi kara R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen waana inay dib u eegaan Waxqabadkii uu waqtigii yaraa uu Xilka hayey ku qabtay iyo kalsoonida ay Ummadda Soomaaliyeed u hayaan ha ahaadeen Muxaafid ama ha ahaadeen Mucaarid R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen Codkooda way siinayaan ,sidaa darteed waxaad ku biirin kartaan fikrad haddii ay tahay mid Shacabka wax loogu qabanayo laakiin R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen intii uu soo qabtay waqtigii yaraa uu Xilakni hayey ammaan ayuu ku mutaystay , taana waxaa daaha ka qaaday Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Axmed Waliid Cabdalla oo u hadlayey Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota ee Cariga Maraykanka uuna Caddeeyey in heshiis Wanaagsan uu abuuray R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen.

Baarlamaanku waa aqalka odayaasha Soomaaliyeed, haddii kii wanaag abuuraya aad u soo Xoog sheegataan kumaa Shacabkan u gargaaraya? waxaannu ognahay in Dagaaladii Sokeeye ay Dhibaatooyin u geysteen Dalka oo dhan ilaa iyo immankana ay meel qaarkood ay nabadoodii ay halis ku jirto , Dalkuna uu ku sugan yahay Xaalad Gumeysi ay dhexjoogaan Ciidamo Shisheeye , Ninka keliya ee Xaaladdan khalafsan Shacabka Soomaaliyeed ka bixin karaa waa R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen , Odayaal Qabiilku wax uu keeni kari waayey bal aannu u fiirsano inuu Khabiirkani uu na Hoggaamiyo nabadduna uu inoo soo Celiyo.

Waxaannu ka Codsanaynaa inay BFKMG ahi ay qaataan Taladan iyo Turxaan bixintan ,si loo badbaadiyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dhammaan Dunida Daafaheeda, ha ahaadeen kuwa Dalka Gudihiisa ku jira, kuwa Qaxootida ku ah Waddamada Dibadaha ama kuwa ku soo Tahriibaya Badaha ama kuwa laga soo Tarxiilayo Wadamada ay u Shaqo doonanayaan ,iyo kuwa lagu laynayo South Africa iyo meelo kale oo Dunida ka mid ah , Waxaannu idiin rajeynaynaa khayr fara badan iyo go'aan midaysan oo Shaafi ah.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 3, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS