SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Faallo: KHILAAFKA Cabdullaahi  Yuusuf IYO Nuur Cadde 
 

Labadan oday ee hoggaanka u haya dowladda KMG ah  ee Soomaaliya dhinacyada madaxtooyada iyo xukuumadda waxay isaga mid yihiin: ciidan ahaan iyo darajada Korneyl, waxayse ku kala duwan yihiin wixii intaas ka soo haray guud ahaan, waxaase la hubin karin da’da oo marna nin la sheego inuu sanado weyn yahay. 
 

 

C/llaahi Yuusuf markii ay is qabteen Ra’iisal wasaarihii hore ee Cali Maxamed Geedi waa ku guuldareystay inuu uga takhaluso gudaha xukuumadda iyo Baarlamaanka isagoo adeegsanayay wasiiro isaga ka shidaal qaata ama kula bahoobay fulinta danaha madaxtooyada iyo xildhibaanno la mida: 

Dib u xusuuso: wasiiradii ku shiri jiray guriga  Jangeli ee magaalada Baydhaba.

Ha iloobin: Doodii Baarlamaanka ee la xisaabtanka  xukuumadda (is mari waagii qodobadii 41 iyo 42 axdiga KMG ah). 

Dib u jaleec: Kutladii  ay dhiseen diidanayaashii C/llaahi Yuusuf ee xildhibaanada Baarlamaanka oo ay kadhex muuqdeen C/llaahi Sheekh Ismaaciil, Qanyare, Muuse Suudi, Maxamed Cabdi Xayir iyo xubno kaloo fara badan. 

Ogsoonow: Loolankii guddoomiyenimada  Baarlamaanka ee dhex maray C/llaahi Yuusuf oo watay Sheekh Adan Madobe iyo Cali Geedi oo taageersanaa Saalim Caliyow, markii la doortay Sheekh Aadan si cad ayuu C/llaahi u qirtay arrintan… 

Xaaladu markii ay fiinaal gaartay waa tii ay soo faragelisay Itoobiya oo xaaladda lagu soo dhameeyay Adis ababa iyadoo uu Mareykanka garwardeen ka ahaa heshiiska Cali Geedi xilka looga qaaday C/llaahi Yuusuf-na ciriiriga looga qaaday. 

Intaas oo dhan markii la isku  soo xooriyo waxaa cad inuusan C/llaahi Yuusuf maalin qura ku kaaftoomin jagadiisa iyo xadkeeda  uu sharcigu siinayo, wuxuuna ku milan yahay hay’ad waliba oo TFG-da ka mida, Wakaalad, Wasaarad, Xukuumad iyo Baarlamaan intaba. 
 

Nuur Xasan Xuseen markii uu aqbalay xilka Ra’iisal wasaarenimo ee loo magacaabay 22-ka  November, 2007  dad badan oo aqoon u alahaa ayaa  la yaabay oo waxay u heysteen inuusan xilligan goobtaas qasan ee haaraanka ah aanu isku ceebeyn doonin, laakiin si kastoo ay ku dhacdo jagadii Ra’iisal wasaarenimo ayuu qabtay halka dad kale ay saadaalinayeen inuu wax ka qaban doono xaaladda cakiran ee dalku marayo waxna ka bedeli doono is mari waagii iyo qalafsanaantii dowladda TFG-da. 

Nuur Cadde taariikhdiisii wanaagsaneyd iyo shaqsiyadiisa waxay ku dhex dhacday shabaqii C/llaahi Yuusuf, waxaana laga wada naxay qaabkii uu u dhisay xukuumadiisii ugu horeysay oo xildhibaannadii ka horjeeday C/llaahi Yuusuf ay sheegeen inay ka dhex muuqato fartii Odayga, taasina waxay keentay in laga hor yimaado dal iyo dibadba wasiirada cusub oo 99% ahaa kuwii Cali Geedi ee raacsanaa C/llaahi Yuusuf. 

Nuur Cadde ma rumeysan khiyaamada iyo sharafdhaca ay tallaabadaasi ku keentay illaa uu safar ugu anbabaxay Yurub kana qeyb galay shirar ka dhacay Nairobi iyo Madrid, kadib wuxuu ku qabsanaaday inuu xukuumadii uu soo qoray C/llaahi Yuusuf iska laallo soona dhiso xukuumad cusub oo qaab la aqbali karo leh micnaha tiro yar qeyb ka mid ahna bannaanka laga qaato. 

Qadarta Alle waxay keentay in waqtigii xukuumadda labaad ee Nuur Cadde oo Baarlamaanku ansixiyay lana magacaabayay ama la dhaarinayay  C/llaahi Yuusuf uu soo wajaho xunuun darran oo qabow feeraha uga dhacay lagu sheegay una socdaaalo arrimo caafimaad oo ka bilowday Nairobi ilaa London markii dambe uu ku dambeeyay  wararkii ugu xumaa ee xaaladiisa laga sheegayna ay ahaayeen inuu aad u liito, wallow uu qaarkood beeniyay isagoo aan bogsoon isbitaalkii uu kaga jiray magaalada Nairobi. 

Xukuumadda la ansixiyay  waxaa si buuxda uga dhex muuqday yaan wada ahaanine xubno uu keensaday C/llaahi oo ilaa  toban xubnood lagu sheegi karo wayna u caddeyn qofkii xaaladda la socday mar ay ahaataba inay dhinaciisa ka soo jeesan doonaan. 

Is barashadii wada-shaqeyneed ee NUUr iyo C/llaahi 

Labada oday ninkii odorassa dabeecadahooda wuu garan karaa akhriska koowaadba inay kala maan iyo kaaf iyo kala dheeri yihiin oo sinna maamul isula keeni Karin, laakiin waaya-aragnimada dhacday ayaa caddeyn inoogu filane bal aan dib u jaleecno. 

DAGAALKA LABADA ODAY EE KHADKA WARFAARINTA: 

Nuur Cadde wuxuu codkiisa siyaasadeed ku bilaabay: siyaasad waayeelnimo isagoo ku dhawaaqay inuu Dib u heshiisiinta siinayo muhiimadda koowaad isla markaana la kulmayo cid waliba oo mucaarad ah, taasina waxay keentay inuu ka hor yimaado odaygii kale ee C/llaahi ahaa xitaa isagoo aan ka soo bixin isbitaalkii uu London ku jiray ayuu VOA ka sheegay inaysan dowladu la kulmeyn wax uu ugu yeeray kooxaha Alqaacida ku xiran, siina daba dhigay caddeyn ah in isaga iyo Nuur Cadde khilaaf u dhaxeeyo oo aanay xitaa iska war heynin (Dhageyso). 

Dagaalkii labada oday ee dib u heshiisiinta:

Kala aragti duwanaanshaha labada oday ee dhinaca dib u heshiisiinta waxay timid Muqdisho waxayna noqotay  arrintii ugu horeysay ee labada oday isku qabsadeen ayna isku mari waayeen, khilaafkani wuxuu socday muddo bil ka badan, waxaana markii dambe waanwaan ka galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo Muqdisho arrintaasi u yimid, laakiin isaguna kuma guuleysan ee waxaa lagu soo afjaray waanwaan uu ka dhex sameeyay labada oday wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Seyoum Mesfin oo Baydhaba saddexdooda kula kulmay horaantii April 2008, maalintii  xigtayna waxay  wada tageen Baarlamaanka  oo madaxweynuhu u sheegay inuusan jirin wax khilaaf ah  oo u dhaxeeya isaga iyo Nuur Cadde arrinta oo dhamina ay ahayd dayaacad la fidiyay..!!. 

Runtu waxay ahayd in Itoobiya ay  fursad siiyay dadaalka Nuur Cadde, Oday  C/llaahi Yuusuf-na kula talisay (amartay) inuu faraha ka qaado qorshaha Nuur Cadde haddiiba uu wax ka keeni karo, maadaama Marekaynka iyo Yurub ku taageereen shirkii xasaradah aAfrika ka dhacay Adis ababa. 

DAGAALKII SUUQA BAKAARAHA 

Weerarkii kooxaha ka horjeeda dowladda KMG ah iyo Itoobiyaanka ku qaadeen Isgoysyada Howlwadaag iyo Aadan Cadde wuxuu naf soo geliyay madaxweynaha iyo la-taliyeyaashiisa  wuxuuna keenay culeys kale oo dul fuula Nuur Cadde, “Nuurow waa kuwaase dib u heshiisiinta aad sheegeyso maantaba ka keen!!!” waxay ahaayeen ereyo madaxweynuhu ku yiri Ra’iisal wasaarihiisa aan dhanna u fiyoobeyn, xilli ciidamadii dowladda iyagoo cararaya isku shubeen madaxtooyada  iyo agagaarkeeda loona qeylo dhaan dirayay ciidamada Itoobiyaanka. 

Bililiqadii Suuqa Bakaaraha bartamihii April 2008 iyo lama aragtii halkaas ka dhacday waxay doc wareen Nuur Cadde ku dhacay, wuxuuse uga dabaashay qaab aan la fileynwuxuu adeegsaday hadallo wanaagsan iyo qirsho boobka ciidamadii dowladiisa ku dhaqaaqeen kaasoo Asbiriin aan tayo badneyn u noqday madax xanuunkii weynaa ee laga wada qaaday falkii ciidamada dowladeed ee  isu bedelay burcadda ku kaceen. 

Caqabadihii Nuur Cadde la hor dhigay 

Howlgallada ciidamada waxay ahaayeen kuwo u socda qaab aanay xukuumadda inteeda badan war ka heynin ama barbar socda oo ka horjeeda qorshaheeda, ilaa markii taliyeyaasha ciidamada la hor keenay Golaha wasiirada oo la weydiiyay cidda ku amartay inay howlgal qaadaan ay magacaabeen saraakiil ka tirsan madaxtooyada (Qaar ka mida ay qalabka ka qaateen ciidamada waxaa si toos ula hadlay oo amarka siinayay afhayeenka madaxtooyada). 

Wasiiradii C/llaahi keensaday kuwooda ugu horeeya waxaa ka mida:  

Prof. Saalim Caliyow Ibrow:

Xiriirkoodu wuxuu ka abuurmay isbaheysi ay  ka yeesheen ridistii Cali Geedi oo salka ku heysay deeqdii Sacuudiga (32 Milyan oo doolar), Saalim oo kusime u ahaa  Cali Geedi wuxuu C/llaahi kula heshiiyay inuu lacagta u maamulo sida Duqa rabo, isagana uu siiyo balanqaad ah inuu xukuumad kasta ku soo daro, waxna aan loo raacan.

Sida ka muuqata warbixinta fadeexadda ee iminka lagu eedeeyay xukuumadda Nuur Cadde ayna soo saareen Guddiga Baarlamaanka waxaa inteeda badan leh Saalim Caliyow Ibrow. 

Cali Jaamac Jangeli:

Waxaa lagu tilmaamaa gacantii C/llaahi Yuusuf ee xukuumada, mana jirto xukuummad uu ka maqnaa TFG-da intii ay jirtay, waa ninka 4.5-ka Harti uu wasiir ahaanta ugu xulay C/llaahi Yuusuf. Waana ninkii lahaa abaabulka wasiiradii lagu kiciyay Cali Geedi markii loolanka kala dhaxeeyay C/llaahi Yuusuf. 

Ceydiid C/llaahi Ilka-xanaf:

Waa oday Ra’iisal wasaare ku xigeen looga dhigay Nuur Cadde, laakiin wuxuu C/llaahi Yuusuf ku bedelay C/llaahi Sheekh Ismaaciil jagadaas u hayay muddo dheer Beesha Direed, sababta sidaasi loo yeelayna waxay ahayd ciqaab loo marinayo taageeradii uu siiyay Cali geedi loolankii kala dhaxeeyay odayga. Waxaa jira wasiiro kale oo dhowr ah kuwaasoo la mida saddexdan aan sare ku soo xusnay balse aan ku darajo ahayn. 

Dhaxalka Qabqableyaasha

Xubnaha xukuumadii Cali Geedi ay tiin ahaanta uga tagtay C/llaahi Yuusuf-na sida soke ugu xiran ama marka uu doono u adeegsado jookar ciyaareed waxaa ugu waaweynaa: Maxamed Dheere iyo Cabdi Qeybdiid, iyaguna waxaa la hadal hayay in laga bilaabi doono dib u habeynta dowladda KMG ah ee Nuur Cadde oo xilalka laga qaadi doono, waxayna qaadatay muddo dheer taasoo ay sabab u ahayd kala taagga iyo is jiidka hoose ee u dhaxeeyay labada Oday ee C/llaahi iyo Nuur. 

HESHIISKII JABUUTI

Intaas oo caqabado ah iyadoo ay jiraan ayay la yaab ahayd inuu isaga sii socdo dib u heshiisiinta ilaa uu ka jibo keenay shirkii Jabuuti oo heshiis hordhac ah uu la galay Isbaheysigii Dib u xoreynta ee Asmara, tallaabadaasi waxay ahayd mid ku filan in Nuur Cadde lagu bogaadiyo, horumarna lagu tilmaamo, iyadoo laga eegayo halkii y TFG-da joogtay iyo sida uu waaqacnimada ugu soo dhoweeyay. Laakiin tacbanayaasha oday C/llaahi waxay ilaa maalintaasi wadeen diidmo iyo dayaacad heshiiska ku saabsan ama eedeyn dhinac kaliya ah. 

Labada oday iyo xaaladda maanta

C/llaahi Yuusuf iyo Nuur Xasan waxay marayaan meeshii ugu danbeysay iyo wejigii saddexaad ee wadajirkooda, waxayna 7 bilood kadib oo ay isku qabsanaayeen hadda ku kala jiraan go’doon siyaasadeed iyo kala guur aan dawo lahayn, rajadiisuna xun tahay. 

Xil ka qaadistii Maxamed Dheere ma ahayn wax ka badan fursad uu C/llaahi baadi goobayay si uu Nuur Cadde ugu qaadqaado, wasiirada is casilay iyaguna ma ahayn wax ka badan riwaayadii Oday C/llaahi dhigi jiray marka uu arko inuusan rabitaankiisa ka soconeynin ninka xukuumadda hor kacaya, haddaba mar haddii aanay tallaabooyinkaasi nagu cusbeyn oo dhaqankii odayga ku cad yihiin waxay arrinta la wada sugayo tahay sida uu wax yeeli doono Oday Nuur Cadde oo markii horeba khalad aanu sixi karin iyo gole karaahiyeed rajo ka soo doonay isaga iyo inta la fikirka ah ee xukuumadiisa ku jirta. 

NUUR CADDE MAXAA LA GUDBOON?

Dariiqa  uu ku socdo Ra’iisal wasaaraha wuxuu u muuqdaa mid uu goostay inuu ku wajaho madaxweynihiisa magacaabay, wuxuuna ku dhaqaaqay tallaabooyin fal celin ah oo uu ku furay herdan toos ah oo uu la gelayo madaxtooyada, inta ku taageersan Nuur tallaabooyinkiisa dibad iyo gudaha lama wada oga…, inta uu isku haleynayo marka ay timaado xaajadu Baarlamaanka ADC fadhiya oo ah kala saaraha ugu danbeeyana ma cadda, laakiin ugu yaraan waxaa la saadaalin karaa inuusan ahayn nin wax fududeyn kara ooxildhibaanada  gacanta kala hadli kara sida uu C/llaahi yeeli karo. 

Haddii aanu Nuur Cadde laaluush ogoleyn, xukuumadiisiina lagu eedeynayo inay hanti lunsatay sow jahawareer maaha.!?. Haddii kuwii hantida ugu badan inay dhaceen la sheegay ay iyagii eedeynayaan xukuumadoodii ayna is casilaad ku ordayaan sow xaajo Misaar liqday maaha..?, Haddii inta islaaxa rabtay ay ee fara-ku-tiriska ahayd dhooqadaasi ka dabaalan karin dadka intooda badanina aanay waxa socdaa fahmi karin sidee ku soo socon TFG-da kala taagani?!. 

Nuur Cadde waxaa la gudboon aragtideyda inuu shaarkiisa ka caddeysto goobtan uu ku soo khaldamay iskana casilo xilka si muwaadinnimo ah isagoo marka hore soo bandhigaya, isla markaana caddeynaya sida wax u dhaceen oo dhan, hanti la lunsaday ilaa sida loo maamulo dowladda KMG ah. Waana inta uu loolanka kula jiro inuu uga faa’iideysto arrintaasi, haddiise uu waqti ku lumiyo la dabaaqtanka Oday C/llaahi wax badan ayaa uga lumaya, haddii uu Laaluushka dhinaciisa ka galana waxay noqonaysaa inuu ku karaamo seego (MEEL SIDAY U TAAL AYAA LOOLA YAAL). 

Waxa Qoray: Shariif Moalim

Email; shariif55@hotmail.com 

Afeef; Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com |  August 5, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS