Goorma ayeeynu ummad jirta noqon doonaa ?
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah,
naxariis iyo nabad gelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas
kadib dhammaan akhristayaasha sharafta iyo qadarinta mudanoow iga
gudooma salaanta Islaamka (A.C.W.W).
Adduunkan aynu ku nool nahay, ummad waxa kala
hormariyay hadba inta ay leeyihiin { waxgarad, Aqoonyahano, Culumo,
Mufakariin, Odayaal, Garyaqaano, Ganacsato iyo weliba inta caqliga u
ehelka ah }. Dadkaas ayaa mar walba ka fakara aayaha iyo Mustaqbalka
dadkooda. Waxaa laga sii fakaraa sidee ayeey ummaddeenu u noolaan
doonaan sanadaha soo socda. Waa leyska qabtaa kuwa marwalba la ogyahay
inay ku socdaan jid khaldan. Marna fursad lama siiyo dadka ku sifoobay {
Qaa’inul waddan, Mujrimnimo, waxisdaba maryeen, dhac, tuugo I.W.M }.
Qof walba waxaa lagu qiimeeyaa, oo miisaanka lagu saaraa hadba inta uu
waddankiisa wax ku soo kordhiyo ama uu ka qeyb qaato horumarka dalkiisa,
haddey noqota, xag siyaasad, dhaqaale, caafimaad, waxbarasho, isboorti,
arimaha bulshada i.w.m.
Waxaan xasuustaa dabaaldeg aan ka qeyb galay sanadii
2006di, oo lagu xusayey maalinta Leicestershire. Waxaa maalintaas
bandhig aqooneed soo bandhigay nimaan loogu yeerayey inay yihiin
Furayaasha horumarka Leicester. Nimankaas waxey soo bandhigeen waxa ay
ugu yeereen, Leicester sidee ayeey u ekaan doontaa sanada 2011ka,
markaasna waxeynu joognaa 2006. maalintaas waxyaabihii ay soo bandhigeen
dadka qaar waxaa loo arkayey riyo iyo waxaan suuroobi heyn. Haddaba
maanta oo ah 2008da, ayaa iyadoon weli la garin sanadii ay qasbsadeen
laga dareemayaa Leicester isbadalka ku dhacay iyo barnaamijyada
horumarisneed ee ka socda magaalada haddey noqoto xag dhismo, dhaqaale,
shaqo abuur, wacyi gelin, sare u qaadista aqoonta, i.w.m. Haddaba marka
aan ka hadlayo Leicester, bal ka warama iyaguna magaalooyinka kale ee ka
waaweyn kana dhaqaalaha baddan hal;ka ay maryaan. Soomaalidu waxa
halheys u ahaan jiray { Lakala dheerey, orodna maaha }.
Waxaa dhici karta inay dad baddan niyada ku dhistaan,
war waa maxay ninkan nala tartansiinaya waddamadan horey u maray. Taasi
jawaabteed waa bal aynu soo qaadano waddamada xitaa nala deriska ah, oo
ay wax baddan annagu ka hormarsanaan jirnay iyo halka ay maanta
marayaan. Soomaaliyeey ma inoo sheegi kartaan waddan maanta adduunka oo
idil mid horey u maray iyo mid dunida saddexaadba ah, oo aanan laheyn {
wasaarado shaqeeyo, hay’ado dowliyo, bangiyo, shaqaale rigliya, ciidamo
suga amniga oo lagu kalsoon yahay, rugo caafimaad, waxbarasho isku xiran
oo dhameystiran }. Runti waa wax aan dhici karin inaad hesho waddan
heerkaas gaarsiisan ama xor ha ahaado ama hala gumeystee, aanan Soomaali
ka aheyn.
Markaad eegto qaabka ay ku shaqeyso Dowladdan
federaalka ah, runti waa wax qalbiga bani’aadanka ka xanuujiya, dowlad
ay wasiiradeedu xafiisyo laheyn, aanan laheyn system dhameystiran ay ku
shaqeyso, haddana 24ki saac dadka ku maawweelinaysa waxaan nahay dowlad
dibu heshiisiineed. Maxaa u diiday inay isku wado labadaba dhinacii
horumarka, iyadoo isku dayeysa inay ku shaqeyso magaalooyinaka ay
nabagelyadu ka jirto, sidoo kalen raadinaysa nabbaddii iyo heshiiskiiba.
Intee lagu arkay dowlad 24ka saac iyadii isheysata, oo maalin walba
ra’iisal wasaare cusub halasoo dhiso iyo kan ha iscasilo. Intee lagu
arkay Barlamaan caqligiisi iyo aqoontiisiiba ay noqotay, mooshin ka dhan
ah hebel maalin walba hala keeno, oo aanan marnaba aragtidoodu ku
dhisnayn mid wax lagu dhisayo, in wax lagu dumiyo mooyee. Sidee ayeey u
wada shaqeyn karaan Madaxweyne iyo Prime Ministerkiisa is heysta 24ka
saac, oo weliba qaabkey isku heystaan aanan aheyn qaab wax lagu
dhisayo.
Mucaarad waxaa la arki jiray, iyagoo mucaarid ah
haddana dowladda kala qeyb qaata arimaha lagu dhisayo waddanka, oo mar
walba kasoo horjeesta waxyaalaha horseedi kara duminta waddanka, haddaba
intee ayaa lagu arkay mucaarid aragtidiisa ay noqotay haddanan annaga
kursiga ku fadhiisaneyn ma jireyso wax kala soconaya. Waa run waddanka
Itoobiya ayaa joogta, laakiin marna ma la is weydiiyay Itoobiya horteed
maxeynu ku sugneen. Yaa keenay Itoobiya, yaa siiyay fursaddii ay noogu
timid. Annigu waxaan qabaa Soomaliyeey Itoobiya wax ay naga qaadeyso iyo
awood ay ku joogi karto waddankeena ma jirto, haddii aynu annaga nahay
ummad caafimaad qabta, oo isaaminsan, iskuna xiran.
Aqoonyahan waxaa la arki jiray ummadda hormuud u ah,
indho u ah, oo looga deydo wixii wanaagsan, intee lagu arkay Aqoonyahan
qabiiladii lakala safta, oo weliba qaarkood ay feylasha u waddaan
qabqable dagaal, oo aan waxna qorin waxna aqriyin. Intee lagu arkay
aqoonyahay isagii wax lagu shubanayo, oo uu ku shubanayo odeygi la rabay
in isaga la saxo, oo loogu yeero jidka wanaagsan. Intee lagu arkay
aqoonyahay kii isku daya inuu wax qoroba dhooqo faraha lagalaya, oo
fitno hor leh ka dhex abuuraya ummaddan walaalaha ah., intee lagu arkay
aqoonayahan had iyo jeer fitno huriye ah, oo loo waayey kuwo wanaaga ka
shaqeeya.
Warbaahinta oo ah aaladda had iyo jeer faafisa
wararka iyo isgaarsiintaba, ayaa iyaduna Soomaaliya tan ka jirta loo
adeegsadaa dariiq qaldan, taasoo kasii qeyb qaadata hurinta mushkiladaha
ka jira waddanka. Warbaahinta Soomaaliya ayaa had iyo jeer u taagan sidi
ay ummadda walaalaha ah isugu gubi laheyd, oo mar walba waxey wararkooda
buun buuniyaan nimaan ku ah ummadda shar ama aananba ogoleyn in wax
wanaag ahba la sameeyo.
Haddaba su’aasha meesha taal ayaa waxey tahay, haddii
ay Soomaali meel ay joogaanba noqdeen ummad kasoo horjeeda wanaaga, oo
kii Dowladda ku jiray, kii Mucaaradka ahaa, kii aqoonyahanka ah,
shiikhii, shariifkii, wadaadkii, waranlihii iyo dhammaan caamadii,
leynaga waayay wax wanaag doon ah, sidee ayeeynu ku noqon karnaa ummad
jirta ?
Aayad quraan ah ayaa micnaha ugu dhow wuxuu ahaa {
War miyaananba idinka mid aheyn qof wanaagsan }, runtii Soomaali waxaa
isweydiin leh halkee ayeey ku maqan yihiin ama yaa laga sugaya ciddi
waddankan ka saari laheyd bur burka iyo baaba’a uu hadda ku sugan yahay,
yaa laga sugaya inay badbadiyaan dakan 24ka saac uu ku habsanayo
madfacan aan loo meel dayeeynin, ee ay soo tuurayaan ama kuwa sheeganaya
dowladda ama kuwa kasoo horjeedaba, yaa badbaadin doona ubadkeena uu ku
dhacay mustaqbal la’aanta, yaa u maqan dadkan ku baab’aya xeryaha
Qaxootiga ee ka dhisan magaalooyinka dibadooda.
Allaah subnxaanu watacaalaa, qoom ma qayiro inay
iyagu isqayiraan mooyee. Soomaaliyeey bal idiinkaan idiin daayay
su’aasha jawaabteed, oo ah Goorma ayeeynu ummad jirtaa noqon doonaa?.
Waxaan kaloo fursaddan uga faa’ideysanayaa inaan
tacsi halkan uga diro Dumarkii Soomaaliyeed, oo iyagoo ku jira olole
nadaafaded sida xaqdarada ah loogu laayay bamkii loo dhigay, waxaan
leeyahay allaha ka waraabiyo janatul ferdowsa, eheladoodiina samir iyo
iimaan Allaha ka siiyo.
Wabilaahi Towfiiq
Qalinkii:- Abdihakim Jama Joje
saicentadv@yahoo.com