SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SIDEE BUU KUSOO ISLAAMAY FEERYAHANKII MAXE'D CALI KALAAY

Intuusan soo islaaamin Max'ed kahor, waxa uu jeclaa in loogu yeero ninka dunida ugu weyn (AL-acdam), oraahdaas iyo hadalo kaloo aaad u adag, ayuu ka hor oran jiray taageerayaashiisa feerka marka uu garoomada soo galo, max'ed oo caan ku,ahaa ciyaarta Feerka ee taageerayaasha badan leh, ayaa ahaa sanadihii lixdamaadkii feeryahanka dunida ugu laacibsan, qarnigii tagayna ugu wacdarada badnaaa.

Max'ed cali kalaay oo magiciisii hore ahaa, Kaasiiyoows maarisloos kalaay ayaa kudhashay magaalada caanka ku ah cunsuriyada iyo digaaaga quruxda badan ee Koontaki, kuna taal cariga maraykanka, isla iyadaas cunsuriyada badan ayuu ku koray, isagoo ay caruurta reer kontaki dhibaato badan kuhayeen midabkiisa madow daraadii, taasi ayaa lagayaabaa inay sabab u ahayd inuu feerka siwacan ubarto,inkastoo uu ilaahay hibbo usiiyey xubno waa weyn iyo jir dhisan. markii ay da'diisu ahayd 20jir, ayuu kaqayb galay ciyaarihii olompikada ee 1960kii lagu qabtay ROMA,ciyaarahaas oo uu max'ed wacdaro kadhigay kadib markuu Rikoodhkii kala wareegay Sooni Liistoon, oo isna inkaar kuqabay feerka, Maxe'd waayadaas ayey dunida baratay oo taageero lagarab istaagtay, dhalinyaradii waayadaas ayaa aad ujeclayd kalaay, markuu soo istaago kaabada wareegsan ee loogu talagalay feerka, markuu lagdo ciyaaryahanka kale ee uu lacayaarayo ayuu intuu murquhiisa kor uqaado isagoo tusaya dadka tarbuunka saaran ayuu oran jiray, ANIGAA dunida ugu weyn, markaasay taageerayaashiina sawaxan isladhexqaadi jireeen. Sheekadaas masii socon,maalin danbe oo uu ciyaar kulahaa garoonka ugu weyn feerka ayaa la,isku soo baxay,ciyaartu waxay udhaxeysaa Kalaay iyo laacibkaloo mucjisa ah, dadkii baa isweydiinaya talow yaa badin doona maaanta, ciyaartiibaa fooda la,isdaray,la,is lagday, marba kor la,isku qaad qaaday oo xarigii kuwareegsanaaa garoonka la,iskasoolaadlaadiyey, ugu danbeyntii max'ed ayey guushii halkaas kuraacday, waakan hee tarbuunkii camirnaaa,taageerayaashiisii oo kasugaya sidiisii caadada ahayd inuu murqihii lasoo baxo oo yiraahdo ANIGAA DUNIDA UGU WEYN candhuuftoodiibay dib uliqeen, ilayn sheekadu sidii barisamaadkii maahane, max'ed ayaa oraah kale kubadalay tii hore ee lagu yaqiin, waxa uu garoonkii dhexdiisa ka aqriyey Ashahaadada islaaamlka, taasoo loo fahmay nacay diintiinii oo islaamkaasaan kuqancay waana islaamay, garoonkibaa halmar shib islayiri, afkiibaa juuqda gabay oo waxaaba lamoodaayey in tarbuunka ay cidba saarnayn ama aysan meeshuba ciyaari kadhicin, HADABA SIDAY KUDHACDAY INUU KALAAY SIDAN SAHLAN U ISLAAMO?? kalaay oo su,aashaas uu waydiiyey joornaalka Alfaysal waxa uu kujawaabay

( Waxay qaadatay sanado badan sidii aan ku ogaan lahaaa mida saxda ah islaamka iyo kirishtaanka, waxaan ogaaday in baadilkii iyo wasakhdii kaniisadaha aan kujiray inay ahayd wax naftayda ay kuqanci wayday, islaamka ayaa ah diinta saxda ah ee lagu qanci karo,waa diin aan ogolayn kalasoocida dadka, qofka ugu wanaagsana waa kan ilaahay kacabsada oo kuxiran, arintaasna waxaa ii sahlay sxb wanaagsan oo muslim ah,sxbkey had iyo goor wuxuu iikaxayn jiray goobaha islaamka sida masaajida iyo xarumaha muslimka, si,aan qudbado islaam ah usoo dhagaysto, halkaas ayuuna kabilowday safarkaygii nuurka iyo islaaamka, kadibna waxa ii xigay akhris badan oo aan kusameeyey diinta islaamka iyo sida muslimku udhaqmo), Kalaay islaam, oo kabax jahwareerkii iyo degenaan la,aaantii gaalnimada, intuusan islaamin kahorna waxa uu baadi goobi jiray labada shey ay dunida oo dhanba raadiso waa lacagta iyo caanimo,e, balse lacagtaas iyo shuhradaaas way kadaaweyn waayeen qalbi jabkii max'ed nolosha kahaystay, ilayn nolol aan iimaan haysan maraaxaysan karteee, kadibna waxa uu iskubadalay Daaci weyn oo islaamka faafiyey, Ameerikana aad loogabartay, dhowr jeerna waxa uu booqday gurigii ilaahay ee kacbada, Kalaay ayaa hada ah aabe leh dhowr caruur ah, caruurtiisana wuxuu ulabaxay magacyada islaamka, waxaana kamid ah Maryama, Rashiida, hanaa, Jamiila iyo kuwa kale, waxay ilatahay inaaan uwada ducayno geesigan labareeray islaaamnimadiisa

XUSEEN AADAN KANEEC

blacksahafi@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 5, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS