SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QORAAL

YAA KA DAMBEEYA XASUUQA HAWEENKA SOMAALIYEED?

W/Q:MM Garaad:

 E-mail: garadsom@hotmail.com


Haweenku waxay ka mid yihiin qaybaha loo yaqaano birimagaydada,kadib markii ay dowladii dhexe ee Somaliya meesha ka baxday horaantii 90'ska ragguna ay gabeen kaalintoodii ayey Dumarka Soomaaliyed u istaageen samatabixinta qoysaskooda,iyadoo ilaa iyo hadana(ku dhawaad 20sano)ay wali garbaha ka raranyihiin.Waxyaabaha ugu badan ee ay reerahooda ka dabarayeen ayaa waxaa ka mid ahaa:-

ka ganacsiga Qaadka,Shidaaalka,Shaaha,dharka hadba sida ay fursadaha ukala heli karaan.IWM.Si gaar ah waxay caan ugu ahaayeen sandaqadaha wadooyinka hereerahooda ku yaala ee ay ganacsigooda ku maarayn jireen maadaama aanay dhisan karin ama iska bixin karin ijraarka qolol tayo leh amase anay is keeneen qiimaha waxyaaba ay ka ganacsanayaan iyo ijaarka qolka oo aad u badan.

Max'ed dheere oo aaminsan in dadka loo talin karo marka ay gaajoodaan lana xanuujiyo islamarkasna qonsaday in howlaha dumarkani hayaan lagu taageero waxa uu ugu yeero argagixisada ayaa katarabiilo waawayn ku ekeeyey howlihii dumarkaaasi ay qosysaskooda u hayeen,isagoo ku andacoonaya in jidadka iyo nidaamka la hagaajinayo. Intaas ugama sii harin ee wuxu guri guri u duqeeyey goobihii ay ku noolaayeen hawenkas uu soo baaba'shay meheradahoodii ee aan helin bedelka goobihii ay ku ganacsan lahaayeen,sida dhaqanka dowladnimadu yahay,iyadoona lagula dhaqaaqay falal iskugu jira dilal, jirdil,bililiqo iyo kufsi uu Max'ed dheere amarkiisa lahaa, taas oo ku qasabtay inay nafta ula baxsadan duleedka magaalada Muqdisho.

Su'aashu waxay tahay M.dheere dumarkii halkaas ma uga haray?Waxan Warbaahinta ka maqalnay Max'ed dheere oo u caytamaya si aan mas'uuliyad lahayn oo leh "hoydaybaan gudneen minaanan Ceelsha biyaha imaanin" xili uu u jawaabayey wiilal yar-yar oo taleefanka gacanta ka wacay.Wuxuu sheegay in dadkii uu ka barakiciyey Muqdisho oo 98% ah haween iyo caruur ay yihiin Argagixiso ayna tahay in talaabo kale oo anay ka so waqsan laga qaado.Taas bedel keeda lagama hayo maamulkii uu madaxda ka ahaa oo gurmadka ugu yar ee ah inay bacaha roobabka laga galo ay u geeyaan dadkaas oo runtii marka laga soo tago dhibaatada M.dheere baday aan haysan gabaad ay ka galaan marka ay roobabku da'ayaan.

QOOM BALAAYO ABUURAY,
IYAGAY BARKATAAYE,
DULMI BIIRAY MA RAAGEE,
BERYAAN AAD U FOGAYN,
BALAAYADAAD FALKISEEN,
BARTANKIINA KA EEGA...W T:Tabantabo.

Todobaadkii tegay Markii xilka laga qaaday max'ed dheere kumanaan haween ah oo farxad la ilmeeynayey ayaa dibadbax ay ku taageerayaan xil ka qaadistiisa ka dhigay inta u dhaxaysa Siinka dheer iyo Af-gooye, midka mid ah hooyooyinkas oo aad u qiiraysnayd ayaa BBCda u sheegtay inay neecaaw dareemayaan hadii barakiciyihii uu EEBE ka hor wareejiyey,waxayna dhanka kale sheegtay in ay jeclaan lahayd inaan intaas looga harine ay mar uun dhaayaha ka qaado M.dheere iyo Saaxiibadiisa gummaadka oo cadaaladda la hor geeyo. Fulay xantiis ma mooga bay Somalidu ku mahmaahdaa, xantu waxay sheegee in M.dheere waraysigaas aad uga carooday uuna ku gooodiyey inuu aarsan doono.

Haweenkii 3da bishan la xasuuqay oo ah ku dhowaad 100 iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, waa isla kuwii ku barakacay duleedka Muqdisho oo intay caruurihii ka soo tagteen islahaa armaad nolol maalmeedka soo heshaan.Waa isla kuwii la bililiqaystay wixii ay hanti haysteen,waa isla kuwii jirdilka,dilka,bililiqada iyo kufsiga(slight genocide)lagu hayey.Hawenkani waa marag ma doonto inaysan Umadda Soomaaliyed aanay cadaw u ahayn ee ay leeyihiin hal cadaw kaliya oo ah kan gabood faladaas oo dhan u gaystay.

M.dheere ayaa Isbitaalka Madiina yimid isagoo u tacsiyeynaya dumarka la xasuuqay waxay i soo xasuusinaysaa Sheeko sanado ka hor ka dhacday Muqdisho:Mid ka mid ah
ganacsatada Soomaalida ayaa qolo ay ka dhaxaysay aano qabiil Masaajid ugu soo galeen,waxaa sheekada lagu hayaa in ragga mesionka fulinayey ay ahaayeen 3dex nin oo iska dhig-dhigaya inay Masjidka ku cibaadaysanayaan.

Ninka la bartilmaameedsanayey markaas salaad taraawiix ah ayuu ku jiray 3dexdii nin waxay sameeyeen, mid Layrkii masaajidka ayuu denshay,midna xabbadii ayuu ku dhuftay kii kalena afka ayuu labadii yeershay"Inaalilaah,subaaxaanalah,ma masaajidkiibaa la'iskugu soo galay,waliba nin soomanaa,salaad ku jiray illaahay meesha logu dhowyahay oo ah sujuuda marayeyey,waawaray adduunyooy xaalkaa ba' IWM." Raggii falka gaystay waxaa la tuhunsanyahay inay wadaadadii kale ku ooyin darsadeen.

Bal u fiirso Hawenkas waxay barakacsanaayeen ku dhawaad 2sano in dhibkooda uu ka sii shaqeeyo mooyane wali lagama hayo ereyo xitaa uu dhibka kula qaybsanayo, xataa waxaa la xasuustaa in M.dheere uu is hortaag ku sameeyay sahay haweenkaas la gaarsiinayay oo u badnaa biyo caadi ah isagoo u dhaartay Cali maxamed siyaad (Cali dheere) Gudoomiyaha ganacsatada suuqa bakaaraha oo xiligaas gurmadka hormuud u ahaa. Maxay tahay sababta Max'ed dhere gaysay Isbitaalka Madaniina?Waliba si deg-deg ah waxyar kadib markii falku dhacay...Ma kula tahay in marka uu falku dhacayay uu sheeda ka eegayey ayna tahay qorshe lagu sii talagalay oo muujinaysa in uu ka dhabaynayo Aargoosigii laga soo sheegayey? Caqliga saliimka ahi ma ogolaanayo in nin gurmad horistaagay uu dad u gurmanayo.

Marka la soo qaato war saxaafadeedkii Odoyaasha beesha muqdisho,lagu daro xogag laga aruurshay qaybaha kala gedisan ee bulshada,lagu biiriyo danbiga ay galeen haweenkaas ee ah inay doonayaan in M.dheere Maxkamada la soo taago, lagu soo gunaanado dhaqanka M.dheere ee ah in aanu cafin ciddii uu u arko inay eed ka gashay Caruur iyo haweenba ha ahaadeene,waxay xaajadu u egtahay ninkii dhuumanaayee dhabarkiisu muuqdoow waa dharaar lagu dhowraye ogow.Aan ku soo afjaro tix ka mid ah Gabay uu mariyey Abwaan Cismaan Guure

Ma-wada baabaynoo, baaqi baa hari doona,
Intii naga badbaadana, berri way xisaabtami,
Haddii malyan meydo, maalyiinna dhamaato,
Madiidin shisheeya na maamuli maayo,
Toban kunna ha dhimatee, taangiga Amxaarada,
In nalooku taliyaa, waa habeenki xalay tegey
Bulsha diidan gumeysi, xorriyad madaxbannaaniyo,
Beegsaneysa xaqooda, BM lagu garaaciyo,
Kumanyaal la bireeyey, uga beyrimaayaan.

W/Q:MM Garaad: E-mail: garadsom@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkanwaxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com |  August 5, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS