SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QORAAL

Xog Ku saabsan Xukuumada Nuur Cadde

Jaamac AYaanle Feyte
Feyte37@hotmail.com

Bosaso- Somalia

Magaalada Muqdisho Wasiirro ayaa is casilay, qaar kalena waa la magacaabay, Magaalada Baydhabana, waxaa ka taagan dood baarlamaanka ka billaabatay Waxaas oo dhan waxaa sal u ah, khilaaf soo dhex galay Madaxda ugu sarreysa dalka

Wey jirtaa in ay dowladdu ku guuleystay tallaabooyin dhowr ah oo ku wajahan xuquuqda aadanaha iyo dib u heshiinta, dhanka Amaanka laftigiisa waxa laga gaadhay xoogaa Natiijo ah.

Waxaa is dhimay tirada dadka iyaga oo aan waxba geysan laga qabqaban jiray dariiqyada iyo guryaha magaalada Muqdisho ee xabsiga la dhigi jiray, kuwaasi oo qaarkood halkaasi ku abaadi jiray.

Dadkaas, iyaga oo aan Maxkamad la soo taagin ayaa qaarkood la soo deyn jiray, waxaana jira eedeymo sheegaya in dadkaasi ay bixin jireen lacag baad ah si ay u iibsadaan xorriyaddooda.


Khilaafka waxaa sal u ah xil ka qaadista Maxamed Cumar Xabeeb

Dhanka kale, waxay dowladdu xorriyad siisay odayaasha beesha Muqdisho, oo dowladda kula jiray dagaal af ah, iyaguna xabsi iyo dhuumasho ku noolaa.

Weerarradii iyo bililiqadii ay ciidammada dowladdu ka geysan jireen suuqa bakaaraha, ayaa suulay kaasi oo ahaa mid inta badan ahaa mid keena isku dhac iyo jaah wareer.

Waxay Dowladdu meesha ka saartay, muran iyo khilaaf dowladdii iyada ka horreysay kala dhexeeyay Hey'adaha samafalka, gaar ahaan kuwa u soo gurmaday dadka u barakacay Ceelasha Biyaha.

Wax qabadka kale ee muuqda ee dowladda hadda sii kala socota, waxaa
Ka mid ah tallaabooyinka ay ka qaadday dhinaca dib u heshiinta ka dib markii wakhti hadda 2 bilood laga joogo ay heshiis la gashay Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

Dadka qaar waxay waxqabadka dowladda ku daraan, ku tala gal ha ahaato ama ha u noqotee, in ay kala qeybisay mucaaradkeedii hubka kala soo horjeeday,kuwaasi oo kala noqday Laba Garab. 

Si kastaba ha ahaatee, dad badan ayaa dhaliilsan Raiisal Wasaare, Nuur Xasan Xuseen, iyo dowladdiisa kuwaasi oo leh Dawlada Nuur Cadde kama ood sokayso tii Rai"Salwasaarihii is casilay ee Cali Maxamed Geedi taasi oo ahayd mid inta badan ay Madaxa iskula jireen Masuuliyiinta Sar Sare.

Waxay qabaan, rabi-waa iyo kari-waa mid ay tahayba, in dowladdu ay samayn weyday miizaaniyad ay ku shaqeyso iyo in isticmaalka lacagtu uu noqday mid shaki abuuri kara.

m
Madaxweynuhu waxa uu sharci darro ku tilmaamay qaabka xilka looga qaaday Duqa Muqdisho

Waxaa kale oo dowladdan lagu eedeeyaa, in ammaanka oo awalba xumaa uu hadda ka sii daray.

Mudanayaasha baarlamaanka ee dowladda dhaliilsan, ayaa mid ka mid ahi igu yiri, dowladdu kama taliso meel ka baxsan magaalada Baydhaba iyo waddada isku xirta airporka Muqdisho iyo Madaxtooyada.

Qaar kale waxay dowladda ku eedeynayaan in ay hawsheedii oo dhan ay ku soo koobtay dib u heshiin, hawlo kale oo badan oo ay ahayd in lagu garab wadana ay ka seexatay.

Nuur Xasan Xuseen, markii uu dhisay Golaha Dowladda, waxay dad badani u arkayeen in ay tahay mid kooban, oo ay ku jiraan dad aqoon leh, qaar khibrad leh, dhallinyaro firfircoon iyo qaar intaba isku darsaday, balse dadka qaar ayaa markiiba sheegay inay aad uga biyi diideen. 

Haddii ay tiradu dhabowdo, waxay noqoneysaa in in ka badan 10 Wasiir, oo mushaarkooda ay bixiyaan dowlado kale, ammaankoodana ay hayaan ciidamo shisheeye, ay isku casileen muran ka dhashay xil ka qaadid Duq magaalo.

Biilka joogtada ah iyo sugidda ammaankooda waxaa wasiirrada is casilay la wadaaga kuwa dowladda ku soo haray.

Dadka Soomaaliyeed, ee u dhexeeya xabbadda muqaawamada iyo tan ka sii weyn ee Ethiopianku, ma haystaan cid ammaankooda sugta.

Khilaafka dowladdu wuxuu ku soo beegmay, iyada oo Q.M ay sheegtay in dadka Soomaaliya ku nool barkood aanay haysan raashin ay cunaan, oo ay u baahan yihiin in la quudiyo.

Ddadkaasi Soomaaliyeed ee gaajoonaya, dabcan ma heystaan dowlado shisheeye oo mushaar siiya, waxa jira Boqolaal kun oo Qosy oo ka bara kacay Dagaalada Muqdisho.

Markaa dadka Soomaaliyeed ee gaajeysan, baqdintuna u dheer tahay ma fahmi karaan sababta ay Wasiirradu isu casileen? taasi oo ah wax aad loola Yaabo Runtii.

Mase ku qanci karaan karaan in dowladdani, ay ka daacadsan tahay, kana tayo badan tahay kuwii saddexdii sano ee iyada ka horreeyay, dad badan oo aan xilal ka hayn Dawlada Federaalka Somaliya ayaa waxay ka wel wel san yihiin xaalka sii xumaanaya ee ka taagan gudaha Dawlada Somaliya.

Maxaa ka Xasuusataa Khilaafkii Cali Maxamed Geedi iyo C/laahi Yuusuf    

 

    

C/laahi Yuusuf iyo Prof Cali Maxamed Geeddi

Malays oran karaa Khilaafka haatan ka Abuuray Gudaha Dawlada Somaliya waxa uu marayaa wadiid tii hore ee sababtay u ahayd inuu Xilka iska Casilo Rai"salwasaarihii hore ee Dawlada Somaliya Cali Maxamed Geedi kaasi oo xilka tiriyay ka dib markii uu qaboobi wayay Khilaafka u dhexeeya isaga iyo Madaxwaney C/laahi Yuusuf.

Milicsi:- Bal aan dib u Yara eegno halka uu ka Bilwaday Khilaafkii Prof Geedi iyo Mr C/laahi Yuusuf.

Madaxweynaha dowladda federaalka KMG ah Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’’isul Wasaare  Geedi ayaa waxay doonayeen in dowladdu ay fariisin ka kala dhigato magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo maadaama ay magaalada Muqdisho tahay magaala aan nabdooneyn, waa sida ay madaxdu soo jeediyeenee. Sidoo kale C/llaahi Yuusuf iyo Cali Geedi waxaa ay qabeen in dalka la keeno ciidamo nabadda suga kuwaas oo aan laga reebeynin dalalka safka la isku yiraahdo ee Kenya, Ethiopia iyo Djibouti.

Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Adan iyo wasiiro awood ku leh magaala madaxda Soomaaliya ayaa arrintaasi kasoo horjeestay waxaana ay ku tilmaameen mid aan macquul aheyn oo aan soconeynin. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku tirtirsiiyay xukuumada in ay horkeento mashruucyada ku saabsan halka loo guurayo iyo ciidamada shisheeye baarlamaanka hortiisa.

Khilaafku Waxaa uu Kasoo Bilowday Nairobi      

Ugu horeyntii waxaa uu khilaafka si rasmi ah uga dhex qarxay golaha wasiirada oo shirkoodii inta ay isku fahmi waayeen gaar ahaan cidda xaqqa u leh in ay shirka golaha wasiirada fariisato tusaale ahaan, ma ra’iisul wasaaraha, ra’iisul wasaare ku xigeenada iyo wasiirada kaliya mase intan oo lagu daray wasiiru dowlayaasha iyo wasiir ku xigeenada. Wasiiro u badan kuwa Xamar hubka ku haysta ayaa ka horyimid Ra’iisul Wasaare Geedi, waxaana ay ku andacoodeen in wasiiru dowlayaasha iyo wasiir ku xigeenada aysan xaq u laheyn in ay fariistaan shirka golaha wasiirada balse uu wasiirka koowaad ku adkeystay in ay xaq u leeyihiin in ay kasoo qeyb galaan shirka golaha wasiirada taasoo keentay in wasiirada hubeysan isaga baxaan shirkii golaha wasiirada, Professor Cali Max’ed Geedi-na uu sii shir guddoomiyay shirkii oo gunaadkiisa lagu sheegay in lagu ogolaaday ciidamo nabad ilaalin ah oo la keeno dalka, laakiin siyaasiyiinta hubeysan ee wasiiradana ka ah dowladda ku tilmaameen go’aankan mid waxba kama jiraan ah.

Khilaafkii ma uusan sii qaboobin oo waxaa uu ku fiday baarlamaanka. Kadib isqab-qabsi ku saabsan xiliga la qabanayo fadhiga baarlamaanka iyo sida loo dhigayo mashruuca ay xukuumada soo gudbisay ayaa waxaa lagu guuleystay in uu fadhigii baarlamaanka qabsoomo. Balse markale ayuu khilaafkii cirka isku shareeyay kadib markii 17-kii bishii Maarso ee 2005-ta ay dagaalameen mudanayaasha baarlamaanka ayagoo kala aaminsan labada fikir ee soo kala horjeeda. Shirka maalintan oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka, goob joogna uu ka ahaa ra’iisul wasaaraha ayaa buuq iyo fak fakasho ayadoo lagu jiro waxaa la jabiyay dhaladii lagu codeyn lahaa, dabadeed waxaa uu guddoomiyaha baarlamaanku amray in gacantaag lagu codeeyo. Guddoomiyaha baarlamaanka waxaa uu watay shaqadiisa waxaana uu ku dhawaaqay natiijadii codbixinta oo uu sheegay in ay u dhacday sidan:

Fadhiga baarlamaanka waxaa fadhiya

217 mudane

Mudanayaasha baarlamaanka ee ogol in la keeno ciidamo shisheeye oo aysan ku jirin dalalka safka hore

156 mudane

Mudanayaasha baarlamaanka ee ogol in la keeno ciidamo shisheeyo kuwaasoo ay ku jiraan dalalka safka hore

55 mudane

Mudanayaasha baarlamaanka ee ka aamusay

6 mudane

Hadabada markii lagu dhawaaqay natiijadan ayaa waxaa isku jeestay mudanayaashii baarlamaanka ee soo kala horjeeday ayaga oo isla dhacay ulo iyo kuraastii ay ku fadhiyeen. Wasiirka 1aad Professor Cali Max’ed Geedi ayaa waxba kama jiraan kasoo qaaday go’aanka uu Shariif-ka ku dhawaaqay, waxaana uu eedeyn usoo jeediyay guddoomiyaha baarlamaanka oo xakamayn waayay, waasida sida uu Geedi yiriyee, rabshada ka dhex jirta baarlamaanka taasoo keentay in mudanayaal baarlamaan isbitaalka la geeyo.

Maalinta uu dhibkan dhacayay waxaa sidoo kale ku shirayay hotelka New Stanley ee magaalada Nairobi wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka IGAD waxaa ayna u fadhiyeen in ay ka hadlaan arrinta ku saabsan ciidamada la geynayo Soomaaliya. IGAD waxaa dhabar jab ku noqotay warka ku saabsan is garaacidda iyo go’aanka uu ku dhawaaqay Shariif Xasan kaasoo xildhibaanada iyo wasiirada taageersan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha u arkayeen mid waxba kama jiraan ah. Soomaaliya oo uu maalintaas shirka wasiirada arrimaha dibadda u fadhiyay wasiiru dowlada arrimaha dibadda Ibraahim Jeebe ayaa waxaa ay IGAD go’aansatay in ay Soomaaliya u dirto 1700 oo askari kuwaasoo ka socda dalalka Uganda iyo Suudaan, dalalka kalena ee gobolka ay ka taageeraan dhinaca saadka, taasoo markii dambe muran ay ka keeneen garabka guddoomiyaha baarlamaanka, ayagoo ku tilmaamay in arrinta saadka la siyaasadeeyay oo la doonayo in ay si kale dalalka safka hore kusoo galiyaan.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo aan isla maalintii ay dhibtaan dhacday aan ka hadlin ayaa maalintii xigtay u jeediyay golayaasha iskhilaafsan ee dowladdiisa in ay isu yimaadaan oo ay xaliyaan khilaafka u dhexeeya, waxaana uu C/llaahi Yuusuf isku dayay in uu ka dhaadhiciyo Shariif Xasan in uu qabto shir baarlamaan taasoo Shariifku sheegay in loo baahan yahay in mudanayaasha baarlamaanka ee markaas ku maqnaa gudaha dalka in ay kusoo xaroodaan magaalada Nairobi si shirka loogu wada dhamaado balse taasi waa ay u cuntami weysay C/llaahi Yuusuf waxaana uu go’aansaday in la qabto shirka baarlamaanka maalin kadib wadahadalka guul-dareystay ee Shariifka iyo C/llaahi Yuusuf.

Shirkan oo uu isugu yeeray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka 1aad Professor Max’ed Cumar Dalxa ayadoo uu Guddoomiyaha baarlamaanku joogay meel aan sidaa uga sii fogeyn halak uu shirka ka dhacayay. Shirkan ayaa waxaa lagu sheegay in ay fadhiyeen 152 mudane kuwaasoo 145-tan mudane ogolaadeen in dowladu u kala guurto Baydhabo iyo Jowhar inta laga nabadeynayo magaalada Muqdisho halka 7 mudane ay ka aamuseen. Shariif Xasan ayaa markiisa ku tilmaamay go’aankan waxba kama jiraan maadaama uusan asaga shir guddoominin. 

Arrintan ayaa waxaa ay sii kala fogeysay golayaasha dowladda, waxaana ay keentay in mudanayaal iyo wasiiro u huleelaan magaala madaxda dalka, halka Ra’iisul Wasaare Geedi, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Wasiiro iyo Xildhibaano u baqoolaan magaalada Jowhar kadib markii xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade uu sheegay in aysan dowladdu imaan karin Baydhabo oo uu asaga ka taliyo, kulana taliyay in ay tagto caasimadda.

Khilaafkii Waxaa uu Kusii Weynaaday Dalka Gudahiisa

Khilaafkan u dhexeeya labada garab ee dowladda ee ay kala hogaaminayaan Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa kusii weynaaday dalka gudahiisa markii ay wada galeen madaxdii dowladda isuna jirsadeen wax ka yar 100 Km.

Labada garab waxaa ay isu adeegsadeen wax kasta oo suurta gal u ah marka laga reebo awood ciidan, waxaana dagaalkooda u badnaa dhinaca diblomaasiyada. Sidoo kale waxaa ay isugu jawaabi jireen dhinaca saxaafadda ayaga oo mararka qaar isu adeegsanayay erayo keenaya in ay wax sii kala fogeeyaan ma ogiyee aan waxba isu keenaynin.

Ra’iisul Wasaare Geedi ayaa waxaa uu dhowr jeer ku hanjabyay in dowladdiisa aysan kusii jiri doonin wasiiro mucaarad in ay yihiin caalamka u sheegaya. Wasiirada hubeysan ayaa iyagana tilmaamay in aanan xil laga qaadi Karin oo ay ku fadhiyaan awood qeybsi, haddii la isku dayo in xilka laga qaadana ay dowladdii halkaas ku burburtay.

Wasiirada hubeysan ee xamar jooga waxaa ay ku hanjabeen in shirka wasiirada arrimaha dibadda ee IGAD in uusan ka dhici Karin Jowhar, waxayna IGAD u jeediyeen digniin taasoo keentay in mar loo baajiyo hanjabaadaas darted, inkastoo markii dambe la qabtay.

Sidoo kale, wasiirka ganacsiga dowladda KMG  Muuse Suudi ayaa ku hanjabay in dayuuradii isku dayda in aysan kusoo dagin garoomada Dayniile iyo Ceel Axmed baalasha ay ku duusha ka arki doonto dhulka. Hadalkaan ayaa soo baxay kadib markii dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay soo saareen amar ay ku siinayaan dayuuradaha in aysan ku dagin garoomada Dayniile iyo Ceel Axmed.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ay ka qeyb galeen shirar dhowr ah oo heer gobol iyo caalamiba leh waxaa ay ak sheegayeen in dowladda la taageero waxaana ay beeninayeen in dowladdu kala qeybsan tahay.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sidoo kale waxaa uu ka qeyb galayay shirar badan oo heer gobol iyo heer caalamiba ah waxaana uu adduunka u sheegay in dowladdu kala qeybsan tahay loona baahan yahay adduunka in ay ku taageeraan sidii ay isugu imaan lahaayeen.

Saldhigga Khilaafka Shariif Xasan iyo C/llaahi Yuusuf   


Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Somaliya

Dadka indha indheeya siyaasadda Soomaaliya waxaa ay sheegayaan in labadan mas’uul khilaafka u dhexeeya uu wejiyo badan leeyahay oo uu ku jiro xittaa khilaaf shaqsi ah.

Marka ugu horeysa waxaa uu khilaafkooda labadan mas’uul soo bilowday markii Sharrif Xasan u tartamayay jagadan uu hadda hayo ee guddoomiyaha baarlamaanka taasoo uu C/llaahi Yuusuf ahaa shaqsiga sida weyn ugu ol-oleynayay Sheekh Aadan Madoobe oo Shariifka la tartamayay. Waxaa la sheegayaa in ay la aheyd Cabdullaahi Yuusuf wax aan macquul aheyn in Shariifka ka guuleysto Sheekh Aadan Madoobe. Taasi waxaa ay keentay in uu mad-madow soo kala dhexgalo Shariifka oo amrkaas gaaray halkii uu doonayay in uu xil ka qabto iyo Cabdullaahi Yuusuf markaas doonayay in uu madaxweyne noqdo.

Intii lagu guda jiray tartankii madaxweynanimada ayaa Shariif Xasan waxaa uu ahaa siyaasiyiinta kasoo horjeeda C/llaahi Yuusuf maadaama Shariifka markiisa si weyn looga soo horjeeday, balse C/llaahi Yuusuf sidii Shariif oo kale ayuu isna soo guuleystay. Balse in uu khilaaf ka dhexeeyo waxaa laga garan karaa marka dib loo milicsado markii uu Shariifka ku dhawaaqayay cidda ku guuleysatay xilka madaxweynanimada Soomaaliya oo afkiisa marka hore soo dafay “Cabdullaahi Axmed Cadow” balse markii dambe yiri “Cabdullaahi Yuusuf Axmed” taasi waxaa lagu fasiray in Shariifka uusan niyadda ka rabin C/llaahi Yuusuf.

Labada nin ayaa khilaafkooda waxaa saameyn ku lahaa Ururka SRRC oo jabhadaha ku bahoobay aaminsanaayeen in ay yihiin isbahaysiga ugu awooda weyn siyaasadda Soomaaliya isla markaana ugu badan xubnaha baarlamaanka, wixii ay doonaanna ka yeeli kara hay’adaha dowladda. Tani waxay keentay in Shariifka uu dareemo in uusan helin xurmadii uu istaahilay sida guddoomiya baarlamaan maadaama uusan wax xiriir ah laheyn isbahaysiga SRRC.

Sidoo kale, waxaa lagu waramayaa in Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan uu kala kulmayay quursi iyo yasmo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Wariye Madax-Banaan


Jaamac AYaanle Feyte
Feyte37@hotmail.com

Bosaso- Somalia
 

Afeef: Aragtida qoraalkanwaxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com |  August 7, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS