SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ma`ooyey Markaan Xorownay?

WQ. Maxamed Barre Haaji Cumar "Fiyoore"

fiyoore@hotmail.com

Waxaan Shacabka Soomaaliyeed ee Shirkeena Jaraa`id hawada kala socda usheegeynaa in aan ku wada suganahay Gudaha Soomaaliya gaar ahaan Koonfurta, waxaan jecelnahay in aan dhowr arimood kusoo koobno Shir Saxafadeedkenaan, kow, waxaan ka raaligalineynaa qilaafkeenii Shacabka uu ku wareeray lana kurbooday, waxaan Shacabkeeniyow idiin leenahay in Maanta Alle mahadii aan kasoo bogsanay xanuun annaga naftigeena Uur kutaalo nagu reebay ileen waan kala oodanay Nin walbana Koox ayaa Sax iyo Qaladba ku raacday,mida labaad, waxaan Alle weydiisaneynaa cafis, Shacabka oo ay Mujaahidiinta ku jiraana waxaan uga cudur daaraneynaa intii uu Jihaadka socday ee aan Banaanka ku maqneyn anagoo ay na wehliyeen jiraan Masuuliyiin badan oo Maxakiimta ah walow si kale aan Jihaadka ugu jirnay.

Maanta waxaan Balan Alle weyne hortiisa ku qaadeynaa in aan Safka hore taagnaaneyno sidii awalba nalooga bartay, kana xoroobeyno danaha Beesha Calamka iyo tan Erataria, iskana iloobeyno in Guusha meel aan aheyn aan ka raadino, waxaan idiinkugu bishaareyneyna in Xoogaga Muqaawamada dhamaan midoobeen Jidka Allah na noo yahay udub dhaxaad, Walaalayaal waxaan hadalkeena kusoo gunaanadeynaa in Insha`allahu wax badan ood ku faraxdaan aad maqlidoontaan ama arkidoontaan dhawaan.

Waxaa markaliya dhawaaq farxadeed oo dabrid iyo ducaba isugu jira ka yeertay Shacabkii kadib markii ay yiqiin sadeen in codadka ay maqlayeen ay ahaayeen Shiiq Shariif Sh Axmed iyo Sh Xasan Dahir Aweys iyo Abuu Mansuur oo si toosa qadka Talefanka Shir Jaraa`id ugu wada qabtay, sigaara waxaa labada Shiiq ee Dalka soogalay ugu duceeyeen da`daalkii ay sameeyeen Hogaanka Muqaawamada ee Gudaha ka tagay si ay udhex dhaxaadiyaan labada Garab ee lanasaqay, iyagoo sheegay in sababtu lahaayeen Rabbi hadhowree soogalbintooda.

Maalmo aan badneyn kadib waxaa bilowday dagaalo cadowgu ku faranaxay waxaana caaboonaaday Qalbiyada Mujaahidiinta, waxaa duco iyo daryeel kayimid Shacabkii niyad dilmay ee hankooda hoosta jiray Malmahan, waxaa durba Idaacaduhu sheegeen in Baladweyne uu ka socdo Dagaal aan horey loo arag iyagoo markaa qadka Taleefanka si toosa usoogaliyey Afayeenka Milatariga ee Midowga Maxaakiimta Sh C/raxiin Ciise Cadow, wuxuuna Shiiqu sheegay in xoogaga is garabsanaya ay inta badan magaalada la wareegeen, dur durada dhiiga cadowgana ay dareerayaan dariiqyada Baladweyne, isagoo raaciyey in ay ku hanweyn yihiin haduu Eebe idmo in dhamaan ay la wareegidoonaan Xarunta Gobolka ee Baladweyne,wariyihii Idaacada ayaa sii raaciyey in ay Indhihiisu qabanayaan Ciidamo Itoobiyaana oo sii baxsanaya iyagoo lugtooda malaya.

Allow wada jirku fiicanayeey maxaa Gumeysitihii qabsaday, waxaan maqlaaba waa war farxad leh, kolba dhanbaan u ordaa, Taleefan dir oo Mujaahid hebel weydii cadowgii jiida hebla joogay imisaa laga qabtay halkee xaalku marayaa?, Rabbow mahadaa waxaa soo dhacay qabar dag daga kasoo ah in Warshada Baastada Guuto Gudoomiyaha Midowga Maxaakiimta Sh Shariif horkacayo ay cagta mariyeen Xabashidii iyo Copy-gii halkaa ku sugnaa, wuxuu Amiirka u sheegay Iadaacada in ay soo islaaxiyeen aagagaa oo idil isagoo sheegay in hub fara badan ay ku qabsadeen Warshada Baastada iyo Xeyla Bariise iyo Maxaabiisba, wuxuuna sheegay in dirirta hada ka socota Isbartiibada ay xoogooda isugu geyndoonaan kuna biiridoonaan xoogaga walaalaha Al shabaab ee daraf ka qabsaday Garoonka kuwaas oo iyagu kasoo galay dhanka Towfiiq, wuxuuna Sh Shariif intaa ku daray in uu Saxaafada dib ula hadlidoono.


Guuleysta waa wixii aan sugaayey waa wixii ay sugaayeen shacabka, "jabiya Gaalad madowda Dalka ma`iyagaa nala leh" waxaa sidaa tiri Hooyo Yaanyo danbiil ku sidatay oo aan idaacada wada dhageysaneynay, waxaan isticmalayaa taleefankeyga si aan ula socdo guulaha isdaba jooga ah marna Idaacadahan marba mid saartaa, Allah Allaah, Bishaaro kale waxaa durba maqlayaa Mujaahid Abuu Mansuur oo leh waxaan kulaaleynaa Saldhigyada waaweyn ee Baydhabo waxaana socda dagaal aad uculus, isagoo mar la weydiiyey cida ku wehlisa Alshabaab dagaal yiri"Walaal waa laga soo gudbay xiligii naloo kala saari jiray Qunyar socod iyo Argagixiso waxaana mahadaa leh Allah sw waxaana dagaalka nagu wehliya walalaha Jabhada Islaamka Soomaliyeed ee Jabiso".

"Ma`raadiyahan yar ee aan sito ayaan farxad darteed la tuuraa?, ma`waxaan xusuustaa Maalmihii Madoobaa ee Samirka Culimada nagu waanin jireen?, cako yaa Boqol iiga dhiga aan baqti badan ka talaabsadee".

Mansuur haduu Baydhabo ka shanqarinaayo maxaa uyaal meela badan oo cadowgu dagan yahay?, Raxmaanow iigusin inaan guusha oo dhameystiran arko, Madaxtooyada waxaa fananaaya Jabiso oo Guutooyin xoog badan ah waxaana ku wehliya MMI sidaa ayuu u sheegayaa Saxaafada Afayeenka Jabiso Farxaan ciilmooge, wuxuu Farxaan leeyahay waxaan soo qabsanay ilaa dhanka Tiyaatarka iyo wardhiigley jidka Caga dhig, wuxuuna leeyahay Dagaalku wuxuu ku socdaa dhabihii Awood badanaha nagu abaal marinayey samirkaan usoo galnay, isagoo sheegay in ay marwalba kusii siqayaan Madaxtooyada ayna qabsadeen Afafka Safaarada Itoobiya, isagoo xaqiijiyey in ay ugu dhex tageen Safiirkii Xabashida oo dhaawac ah gacantana ay ku hayaan si ay ugu badashaan walalo uxiran cadowga.

Ma`ilmadaa iqubaneysa?,Allahu Akbarta aan Takbiirsado Gaalo Dhoorey Godkeedaa Biya ugu galay, durba Shiiq Fu`aad Shongolo oo aan waayadan la maqal ayaa Ciidamado Mujaahidiinta Al Shabaab ah oo uu hogaminaayo ay Geeska Xaafada Madiina kasoo galay Kuwa sharciyeynayey Gumeysiga ee AMISOM,Mujaahidka oo ay codkiisa ka muuqato qiiro ayaa sheegaya in ay Gawaari ka qabsadeen cadowga, Dagaal saf balaaran ahna uu socdo,Allow ku xafid adiga iyo inta Mujaahid ee kula socota,waxaa idaacada soogalay Mujaahid Cumar Xaashi wuxuuna Korneylku sheegay in Baladweyne ay Xorowday cadowgana ay ka qabsadeen Hub fara badan iyo Maxabiis isagoo sheegay in Ciidama xoojin ah ay uga yimaadeen Shabeelada Hoose oo uu horkacayo Sh Tuurxume Rabbina usahlay in cadowgu soo afjaraan awoodiisa.


Maalmuhu iguweynaa maxey Mujaahidiintu makansadeen Maganta Illaahey, waxaan xusuustay Shacabka dibadaha jira ee Qalbi Mujaahid iyo Qarash Mujaahid aan ubixiyey ee qaarkood Sariiraha la saaran Cudur ay dawadiisu tahay Dalkoo Xorooba, away Gabadhii Dhiigu furmay markii ay maqashay cadowgii Dalka waa qabsaday kadib dagaalkii sagaalka cisho ee labadii kun iyo Todobadii iyadoo Naf ka dhowr ahna la dhigay Cisbitaalka Abuu sanada ee Jiddah,Tollow ma`ogtahay Gabadhaa Guulahan aan ku diirsaney?, sow ma ogi in qaar badan ay ku hurdi jireen Cadowgii madoobaa caawa maladin?, ma`waanan ka jawaabin Taleefana badan kuwaa oo ay iga soo waceen qaar farxad la oynaya,qaar aanba hadli karin, qaarba si, aniga nafteydaa lamida oo aanan Juuq awoodin Jiifna Warkiisa daa ama in aan damiyaa Taleefankeyga Hormuud.


Adba garo wali waxaan hadba weydiinayaa oon wacayaa horjooge Mujaahid ah sida in aan ahay Taliya Guud ama Wariya shaqadiisa ku jira, waxaan weydiinayaa sida ay ku sugan yihiin Guutooyinkiisa aanan kala joojin Xabada tan iyo Afartii Cisho ee lasoo dhaafay,waxaan ogaanayaa in Guutooyinka Iidaale ee sida aadka ah u tababaran ay Afgooye ku qaadeen Guluf ay cadowgu sara madaxa uqaadi waayeen kuwaa oo iyagu ku leh Dagmada keydka ugu weyn ee looga guro Hubka Xiryaha Muqdisho ku yaal, waxaa Guutooyinkaa horkacaaya Afayeenka Siyaasada MMI Sh Maxamuud Sh Ibraahim Suuley, ogow waxaa durba laga soo sheegayaa Guulo bilow ah iyo in beerta ay dagan yihiin Xabashido bar gubaneyso.

Dhanka kale Waxaa Shir Jaraa`id qabtay Jandaaydii Madaxa Dhukurneyd aheydna Wakiilka Mareykanka ee Geeska, iyadoo Saxaafada usheegtay in aanan loo dulqaadan karin Dagaalka socda loona baahan yahay in la xaqdhowraa Heshiiskii Jabuuti, waxaa kaloy tiri waa in ay Nabadgalaan Ciidamada caawinaada uyimid ee Itoobiya iyo kuwa Amisom, markasaan Afka ka iri "sow kaama weyn iga bixi, sowkama weyn Jandaay Dadka Masaakiinta unax oo Diyaaradahada naga deyso, Maantaba Cirka kasoo daadi waxaad heyso koley waan ujeedaa Diyaradahada si Sare iyo si Hoosay udul heehabayaan hawada Muqdisho,Baladweyne iyo Baydhaba",waxaanse la`yabanahay yaa Hoteel udagan oo ay la hadashaa? ma`kuwii looga yimid Asmara iyo Jabuuti? waaba hadey joogaan, qaarna xaqiiqdey qaateen oo Gudahay soogaleen, qaarna Ingiriiskey ku noqdeen, Nin walbana camalkiisuu qabsaday kii Alle dartii u Jihaadayey wali Shaqadii kama bixin, kii Xil raadinayey ee awalba la`ogaa ama Culimada isku diraayey si uu Ilmaha uga korsado ama dana Shisheeye ufuliyo Maanta Muraadkada Mowlaa maya yiri kii Muslimiintana Aqbalay.

Sidii anigoo Raadiyaha usita iyo Taleefankeyga Hurmuud, Habeenba Tuula seexda ayaan maqlayaa Malas oo leh Ciidankeena waan la baxeynaa hadii Dagaalku nalagu caawin waayo isagoo dhaleeceynaya Dowlada Mareykanka, wuxuuna sheegayaa in Dowladii ay Taangiga ku sideen ay Guul dareysatay,maxaan kaa filaayey Mallaz Dijaal Cawarow in aad sidaa u ooyidoonto, ma`waadan ogeyn in Wasaarada Gashaaniga iyo Kuliyada Jaale Siyaad Ciidankii Gumeysiga ee ku jiray badankooda is dhiibeen ayna dhagta dhiiga udareen Mujaahidiin uu hogaaminaayo Sh C/raxman Janaqow kuwaa oo kusii wajahan Xirada Asluubta?, ma`waadan ogeyn in Ciidankadii Niyada jabsanaa ee ku sugnaa Masaajidka Sh Cabdi ee Cali Kamiin ku yaal ee aad ka dhigteen Kaniisad iyo kuwii Xarunta Xisbiga ku jirayba in Mujaahidiin uu horkacayo Sh Xasan Dahir Aweys ay ka dhigeen wax baqtiya iyo wax laqabtaa oo haweenka laga adeejiyaa?.


Ma`waadan ogeyn in Cisbitalka Carafaad,Gubta iyo nawaaxigaa Mallasow ay soo nadiifiyeen Xoogaga Caaboon ee Jabiso ee uu horkacaayo Sh .......kabigana soo saaray Isbartiibo oo ay horay dhinaca kale uga hurgufaayeen Dhinbilo Rasaas ah Mujaahidiin hormuud uu ka yahay Sh Shariif iyo Mujaahidiinta Alshabaab?, Ma`waadan ogeyn Males in dhamaan Walalaha Mujaahidiinta heshiiyeen Rabbina Muwaafaqadaa nagu siiyey Guuusha? Nacabkiyow kanaxoo Nafta waa.

Afayeenka Jabiso ayaa markale Idaacada kusoo noqday wuxuuna sheegaya in Rag badan ay gacanta ku dhigeen Ragna Xukunka Alle lamariyey,kuwa ku baqtiyey Dagaalka Madaxtooyada ka socda ayuu ka magac dhabay Xuubsireed,Daahir Maxamed Xirsi,C/di Xaaji Goobdoon,Darwiish,iyo Askar, isagoo sheegay in qaar uu Nuurcade ka mid yahay iyo Axmed C/di salaan dhaawac yihiin, qaarka ay hayaana ay dib kasoo sheegidoonaan Magacyadooda, isagoo sheegay in Rag waaweyn oo Gaala wad ahaa ay ka mid yihiin, waxaan is warsaday kuwa lahayaa ma`waxaa kamida Cabdulahi Yusuf,Maxamed dheere iyo Siciid dheere, mase Gabre, markasaan is iri horta aan utago Nuur cade iraahdana Maadama aad Aabahey Korneyl Barre Xaaji Allaah yarxamuyee aad saxiib qaaliya ku aheydeen Ciidanka iyo kadib intaanu saaca kaa wareegin Maantana wada xun in ay Nafta kaga dhacdaa aad halis utahay Nuurow Naar iska bad baadi Ilaaheyna utowba keen oo Cafis warso koley dhaawacada in aad ka`kicidoontid ma`ogid, hadaad ka kacdana xisaab Aduunya kuu dhiman iyo tii Akhiro.

Digfeer Ciidankii ku jiray iyo Xeradii Horseed ee Itoobiyaanka ahaa iyo Copy-goda waxaa Dagaal bal baliyey oo Barakeysan ku qaaday Mujaahidiin uu korkacaayo Sh C/di qaadir Cali Cumar waxaana ka baxay dhawaaq cadowgii, waxeyna ciidankaasi isku soo dharariyeen ilaa Saybiyaane, durbana waxaa lasoo shegayaa in C/di Qeybiid ku mid yahay kuwa lagu qabtay, wuxuuna iska hor`imaad culusi uu ka socdaa Hoyiga Gabre ilaa Sona K,Bishaarada kaloo timid ayaa ah iyadoo Guutooyinka Shuhadada Badamadow lasoo sheegayo in ay soo dhafeen Baraawe, Shuhadada Badamadow ayaa waxaa horkacaaya Sh Xasan Turki, Guutooyinka Shuhadada Badamadow ayaa ku wajahan in ay u nusreeyaan walalahooda inta badan Xarumaha uu cadowga fadhiyey qeybo ka qabsaday ama qaarna qabsaday qaarna wali ay Xabadu ku socoto, Markaan arkay Guulaha isdaba yaal iyo in cadowgii Gooba badan laga soo saaray ayaan inta Idaacadaha mid ka mida wacay ka bilaabay in aan Mujaahidiinta ku Gubaabiyaa Gabaygii Abwaan Dhirbaaxa Jinni utiriyey Mujaahidiintii ku jirtay Dagaalkii Saban saban ee Xabashida dhagta dhiiga loogu daray.

Qaranimo Dadkii doonayo iyo inuu Calan qaato

Qurbacdaa mayara iyo Nimuu Gumacu Leefaaye

Qarniyaal ayaa lagu waday Qoob ku Diririkaaye

Qalbigeena iyo haduu ogyahay Qaatilnimadeena

Qalfooftaa lasoo uruurshay Qalab ma`keeneenee

Qasabuu inoo baran markaad Dacar u Qooshtaanee

Qofka kaadi taga waa in laabtu Qaraxdaaye

Isagaa qanci ee Xaajadu Qabow haloo diido

WQ Qorra iyo Saxafi: Maxamed Barre Xaji Cumar "Fiyoore"
fiyoore@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 16, 2008

 

BAARID | SEARCH


WAREYSI: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
“Itoobiya naguma soo duusheen haddaanu leennahay madax iyo dowlad dhab ah” Akhri

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS