SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Khilaafka Madaxweyne Yuusuf iyo Ra,isulwasaare Nuur Cadde, Iyo itoobiya oo la safan Nuur cadde, Maxayse tahay sababtu?.    By: Daahir Faarax Afdheere.

Madaxweynaha DFKMG ah Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa ay horey isu khilaafeen Ra,isulwasaarihii hore Prof: Cali Maxamed Geeddi.

Waxaana uu khilaafkoodu sababay in Geeddi uu shaqada isaga tago oo uu is casilo.

Muddo yar kadib ayuu madaxweynuhu soo magacaabay Col: Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ah nin aan da, ahaan waxba ka yareyn  Col: yuusuf,  kaasoo ah isla beesha ee Cali maxamed Geeddi.

Haddii aan usoo laabto ujeedada qoraalkaan ayaa waxaa maalmahaan dambe soo shaac baxay Khilaaf soo kale dhaxgaley Madaxweyne yuusuf iyo iyo Ra,isul wasaare Nuur Cadde kaasoo ah hadal haynta ugu badan ee baryahaan la isla dhex marayo.

Waxaa hadaba maalmihii tegay uu Raisul wasaaraha Nuur cadde uu xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb ( Dheere), Isagoo talaabadaan u arkayay mid dhaxalgal ah kadib markii  Maxamed Dheere ay shacabka reer Muqdisho horey oga muujiyeen cabashooyin isla markaana ku eedeeyeen  inuu wax ka qaban waayay xaaladda cakiran ee magaaladda muqdisho, waxaana talaabadaas ay shacabku ku soo dhaweeyeen Caleemo qoyan iyagoo  si aad ah ugu faraxsan.

Talaabadaan uu qaaday Ra,usul wasaare Nuur Cadde ayaa ah midda ugu weyn ee sababtay in uu cirka isku shareero Khilaafka kala dhexeeyo madaxweyne Yuusuf.  Waxaana la xaqiijiyay in madaxweyne yuusuf uu aad oga carooday talaabada uu qaaday raisul wasaaraha Nuur Cadde  Taasoo uu ku tilmaamay mid aan sharcigga waafaqsanayn, Sababtoo ah buu yiri Ra,isulwasaaruhu waxuu leeyahay soo jeedin oo kaliya ee malahan awoodda xil ka qaadidda.   Madaxweyne Yuusuf ayaa talaabada nuur cadde uu qaaday u arka mid seef la boodnimo ah isla markaana ah mid lagu quursanayo oo xad gudub ku ah awoodiisa madaxweynonimo.

Sida caadiga ah madaxweynaha iyo Raisulwasaarahu waxaa ay kale leeyihiin xaduuddo qaanuuni ah oo aan midba kan kale usoo gudbi Karin.

Inkastoo  madaxweyne yuusuf ku saxsan yahay in raisulwasaaruhu

Uu leeyahay soo jeedin oo kaliya, Ayaa hadana talaabada uu qaaday Nuur cadde aanay ahayn mid lagu mushquulo oo  sababi karta Khilaaf saas u weyn oo xargaha goosta,haddii aanay siyaasad kale ku hoos jirin.  Waxaana ay taageerayaasha Nuur Cadde talaabadaan ku micneeyeen inay tahay mid xaq ah Maadaama uu raisulwasaaruhu uu u dhashey gobalka banaadir isla markaana uu isagu  garanayo Dantooda.

Warar la xaqiijiyay ayaa sheegaya in ay fashil ku dhamaadeen isku day iyo dadaal laga dhex waday in lagu hishiisiiyo labadaan masuul. Waxaana la sheegay in midba midka kale uu u arko inuu ka saxsan yahay  taasoo keentay in uu xaalku noqdo MINDI MINDI KU TAAG!.

Si kastaba ha ahaatee labadaan masuul ee sar sare waxaa midba midka kale uu dusha oga tuuray eedaymo isagoo midba kan  kale ku eedeeyay inuu isticmaalayo awood uusan lahayn.

Madaxweyne yuusuf oo aaminsan in raisulwasaaruhu ku xadgudbay awooddiisa ka sakoow ayaa lasheegay in raisulwasaare Nuur Cadde uu isagana madaxweeynaha ku eedeeyay arimo fara badan oo ay ka mid yihiin  in madaxweynuhu uu carqaladayn ku hayo xukuumadda nuur cadde, taas oo la sheegay in col nuur cadde aaminsan yahay in madaxweynuhu ka dambeeyo iscasilaada dhawr wasiira ah oo ka soo jeeda beesha daarood ee Cabdulaahi Yuusuf. Arintaan ayuu  uu raisul wasaarahu u arkaa  mid uu madaxweynuhu kaga jawaabayo talaabadii  uu  nuur cadde shaqada oga eryay  maxamed dheere.

Waxaa  kale oo la sheegay in raisul wasaare nuur cadde madaxweynaha ku eedeeyay  in uu maleegayo  mooshinno lagu mijo xaabinayo xukuumaddiisa, taasoo uu raisul wasaaruhu sheegay in madaxweynuhu mar kasta ka dambeeyo xildhibaanada caadeystay inay markasta  abaabulaan mooshinno ka dhan ah xukuumaddiisa . Kuwaasoo la sheegay in xukuumadda nuur cadde ay  ku  eedayeen dambiga ah  khiyaano qaran!

Eedaymaha uu raisul wasaaruhu ka tirsansanayo madaxweynaha oo aad u badan ayaa waxaa ka mid in Ra,isulwasaaruhu ku eedeeyay madaxweynahu  inuu  ka shaqaynayo fashilinta hishiiska ay dhawaan DFKM ah iyo isbahaysiga dibu-xoreynta ee garabka shariifyadda ku gaareen magaalada jabuuti.

Waxaa ilaa hadda aan jirin wax waan waan ah oo laga gaaray khilaafka soo kala dhexgaley labadaan masuul, hase yeeshee waxaa ay dad badan is weeydiiyaan, Maxaa sababay in xukuumadda itoobiya ay saaxiibkoodii hore ee Col Yuusuf kala saftaan nuur cadde? !

Kadib markii uu soo shaac baxay khilaafka labadaan masuul ayaa waxaa la sheegay in madaxweyne yuusuf looga yeeray magaalada Adis-ababa, taasoo sida la sheegay uu  madaxweynuhu ka dhega adeeygay, waxaana bedelkiisi si dhaqsa ah  looga yeeray  Adis-ababa taliya ciidamada Itoobiya ee  ku sugan soomaaliya Gen: Gabre Dile,  Si uu wada tashiyo ula soo sameeyo madaxdiisa ka saraysa, Khaasatan ra,isulwasaaraha Itoobiya Metles Zenawi.   

Ku soo laabashada Gabre ee magaalada muqdisho waxaa ay daboolka ka qaaday Mowqifka siyaasadeed ee xakuumadda itoobiya ee  ku wajahan khilaafka soo kala dhexgaley masuuliyiinta sarsare ee  DFKMG ah col: yuusuf iyo col nuur cadde. Waxaana mowqifku sida la sheegay uu yahay in xakuumadda itoobiya ay aad ula dhacsan tahay siyaasadda nuur caade sidaa awgeed ayaa isla markiiba  la xaqiijiyay in uu Genaral Gabre uu madaxweyne yuusuf si cad ugu sheegay inuu faraha kala baxo nuur cadde iyo hawlihiisa.

Tallaabadaan ayay dad fara badan ku micneeyeen in General gabre uu fulinayo amar laga soo faray xaruntiisa Adisa-baba, waxaa kale oo ay  dadka  siyaasadda Oddorasa ay arintaan  ku tilmaameen in itoobiya qudheedu ay fulinayso amar sare oo ay soo siisay dawladda maraykanka oo ah midda ciidamada itoobiya ku haysa soomaaliya.

Dad farabadan oo horey u ogaa in in xukuumadda itoobiya uu saaxiibkooda kowaad yaha Cabdulaahi Yuusuf ayay filanwaa ku noqotay mowqifka cusub ee ay itoobiya ku taageerayso Nuur Cadde.

La yaab malahan in dad fara badan ay u qaataan  in itoobiya ay is bedashay oo haatan ay waddo danta soomaaliyeed, Nuur caddana uu yahay samo-wade loo soo diray bulshadda, Hase yeeshee xaalku waa mid ka duwan sidaa,  Sababtoo ah Itoobiya waa uun itoobiya! waxayna markasta ilaashanaysaa danaheeda guracan ee ay ka leedahay soomaaliya,

Nuur caddana waa uun mid ka mida shaqaalaheeda oo ay waliba haatan aad ula dhacsan yihiin. Wax farqi ah oo uu dhexeeya majiraan Col:Nuur cadde iyo Col: Cabdulaahi yuusuf, waayo labadooduba waxay saaran yihiin Baabuurka shacabka ku dul socda ee magaciisa la yiraahdo EMBAGATI. Kaasoo uu  darawal ka yahay Col:Yuusuf, Shukaantana uu Fadhiyo Nuur cadde, Khilaafkooduna wax kale ma.ahan ee Baabuurkii oo raba inuu dhaqaaqo ayuu nuur cadde Hand-break-gga u jiiday, ujeeddada  nuur cadde ma, ahayn in uu Baabuurka joojiyo oo kaliyee ee waa in markii uu baabuur istaago uu hadhoow u bedelo Tareen cusub oo shacabka dul mara.

Sababtoo ah waxaa Nuur cadde lagu eedaynayaa in hawlaha uu isagu ugu yeero DIBUHISHIISIINTA ay yihiin kuwo ay usoo igmadeen shisheeye dano gaar ah leh, Waxaana ay dad badan ay aaminsan yihiin in col: nuur cadde uu ku guuleystay kala qaybintii Isbahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliyeed, kadib markii uu qayb libaax ka qaatay abaabulka shirkii jabuuti ee lagula shiray garabka Shariifyadda ee ay Dawladda cadawga ee maraykanku u taqaan QUNYAR SOCODKA. Taasoo keentay in isbahaysigu u kale jabo laba garab oo iska soo horjeeda, waxaana ay Taasi  tahay guul usoo hoyatay cadawga soomaaliyeed.

Haddii aan usoo laabto Jawaabta Su,aasha ah Sababta ay haatan xukuumadda Itoobiya u taageerayso nuur cadde ayaa dadka siyaasada indha indheeya ku tilmaameen Dhawr arimood kuwaasoo ah:-

1): Waxaa aan shaki ku jirin oo iska cad in ciidamada gumaysiga xabashidu ay ku fashilmeen soomaaliya, Isla markaana ay aad ugu riiqmeen haatana ay u muuqdaan kuwo quus ah oo raadinaya waddo qurux badan oo ay ku baxaan, si aan marnaba loo soo hadal qaadin tacaddigii iyo gaboodfalkii ay ka geysteen shacabka  soomaaliyeed, Sidaas awgeed ayay xukuumadda itoobiya Nuur Cadde u aragtaa midka isugu u xaarayo wadaddii quruxda badneyd ee ay cagta saari lahaayeen.

2): In dawladda Cadawga ah ee maraykanka oo markii horaba itoobiya soomaaliya ku haysay ay lafteedu ku fashilantay oo ay doonayso inay qaab kale wax u wajahdo.

3): Waxaa kale oo ay dadka siyaasadda u dhuun daloola qabaan in haatan ay xukuumadda itoobiya ay doonayso in  dambiyaddii ay soomaaliya ka geysataey ay oga siibato Col; Cabdulaahi Cuusuf oo ay eedda isaga dusha ka  saarto, Sababtoo ah waa caadada gumaysiga ina aanu kala jeclayn kii u  shaqeeyay iyo kan kasoo horjeeda mar haddey soomaali wada yihiin.

4): Arinta kale ee loo badinayo in itoobiya ay saaxiibkood cabdulaahi kala saftaan nuur cadde ayaa ah;  iyadoo haatan ay xukuumadda itoobiya u aragto Cabdulaahi yuusuf inuu yahay Macangag aan laga fujin Karin wixii uu qabsado, kaasoo aan lahayn Diblomaasiyad iyo siyaasad furfuran. Sidaa awgeed uusan sii wadi Karin danahooda, iyagoo ka cabsi qaba inuu fashiliyo hawlaha ay u igmadeen. 

Isku soo wada duuboo Khilaafka iyo is marinwaaga labadaan masuul ee sar-sare  ayaa sababi kara in Dawladda lagu meelgaaray ee farqaha ishaysata ay u kala jabto laba garab isla markaana ay dhici karto in dadka soomaalida ah ee ay qabyaaladdu dar-dartey ay lakala saftaan, taasoo shacabka masaakiinta ah ee daalan ku ah dhabarjab aad u wayn.

Daahir Faarax Afdheere.

Email: gulan1969@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com |  August 20, 2008

BAARID | SEARCH


Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS