SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MADAXWEYNAHA RUUSHKA OO KU HANJABAY IN XALKU XOOG NOQON DOONO.

Waan idin salaamay dhamaan akhristayaasha qiimaha iyo qaayaha lahoow.

Maalinimadii isniinta ee 25 august 2008 ayaa madaxweynaha Ruushka Dimitry Medvedev soo hordhigay codsi guriga DUMA ee baarlamaanka Ruushka uu ku doonayey inuu ku aqoonsado gobolada ka go,ay Georgia ee Ossetia iyo Abkhazia. Cod loo qaaday ka dib wuxuu cod aqlabiyada ku helay in loo ogolaado codsigiisa.

Maalinimadii talaadada ee 26/08/08 ayuu madaxweynuhu ka hadlay TV-ga afka dowladda ku hadla ee INTERFAX kagana dhawaajiyey in dowladiisu aqoonsatay gobolada Ossetia iyo Abkhazia. Hadaladiisii waxa ka mid ahaa: ' Habeen wanaagsan muwaadiniintii qaaliga ahaydeey, sida aad la wada socotaan waxa muddo dheer Georgia oo daba dhilif u ah cadaw is qarinayey haddase soo shaacbaxay oo is muujiyey ,ay xasuuq ba,an ku haysay dadyowga laga tirada badan yahay ee nala deriska ah ee walaalaheen ah ee Ossetia iyo Abkhazia.Xasuuqyadaas biniaadanimada ka baxsan markaan u adkaysan weyney waxaan ciidamadii Georgia ka saarnay magaalooyinkii goboladaas,annagoo dib ugu celinay meelahay kasoo doolaal tageen, waan ka daba tagnay waan burburinay oo wiiqnay awoodoodii meleteri xag berri,bad iyo cirba.

Muwaadiniinta qaaliga ahoow ciidamadeenu howlgalladii loo diray way soo fuliyeen kuna soo guuleysteen. Khasaaraha oo markii hore aan ugu talo galnay ilaa 5% inuu noqdo, wuu ka yaraaday intaas oo wuxuu noqday wax ka yar 1%, taas oo ay sabab u tahay tababarka,hubka ay wataan iyo khibradda dagaal ee ciidankeena.

Muwaadiniinta qaaliga aheey waad la socotaan hanjabaadaha soo yeedhaya,diyaar garoowga meleteri, yagleelidda xarunta difaaca sawaariikhda ee Poland la rabo in laga fuliyo iyo qaar kaloo badan oo laga soo horjeedo danta guud iyo midda gaarka ah ee waddankeena. Poland hadday taageerto oo soo dhoweyso kuna rakibto dhulkeeda qalabkaas qabta sawaariikhda jawaabteenu waa cudud meleteri.'

Hadaladaas iyo qaar kaloo xasaasi ah oo madaxweyne D.Medvedev kaga dhawaajiyey waxay cabsi hor leh iyo cadho gelisay wadamada galbeedka.

Madaxweynaha maraykanka ayaa ugu hanjabay Ruushka inay ka noqdaan aqoonsiga goboladaas,sheegayna inay tahay sharci darro iyo arrin lagu degdegay oo aan laga fiirsan. waxa uu intaa raaciyey madaxweyne Bush inay Ruushku la kulmi doono caqabado kaga yimaadda waddamada galbeedka.

D.Medvedev oo arrinta Bush ka hadlaya wuxuu yiri cid annagu aanu ka baqaynaa ma jirto. dagaal qaboow inaan bilaabose ma jecli. Haddii laga fursan waayose waa dhacaysaa in xataa dagaal kululi yimaado.

Sida Kosovo waddamo badan oo reer galbeed ahi u aqoonsadeen ayaan Ossetia iyo Abkhazia u aqoonsaday, waxana ku jirta dantayda xag dhaqaale iyo xag nabadgelyaba.

Wasiirka arimaha dibadda ee Britain Mr. david Miliband oo hadda ku sugan caasimadda Ukraine ee Kiev ayaa mar uu maanta (27/08/08) la hadlayey ardada jaamacadaha ee dalkaas u sheegay in ruushku uu sameeyey khaladkiisii ugu weynaa, markuu isku deyey inuu wax ka bedelo khariidadda (map) Caucasus ee uu aqoonsaday gobolada gooni goosadka budhcadda ah ee Ossetia iyo Abkhazia. Wuxuu yiri Ruushka waxaan uga digayaa inaanay bilaabin dagaal qaboow mar labaad. Dowladda Ukraine-na wuxuu ka codsaday inay taageeraan galbeedka kana soo horjeestaan gardarada ruushka.

Si kastaba ha ahaatee waxa waqtigan xaadirka ah murugsan oo cirka ku shareeran(sky raketed ) isku day,yada diblomaasiyadeed ee lagu dhexdhexaadinayo ruushka iyo galbeedka, kadib markuu ruushku seegay inuu wada hadal diyaar u yahay kadib markuu ka soo faraxasho howlgalo ayaamo qaadanaya oo uu gobolka ka wado.

Markab kuwa dagaalka ah oo maraykanku leeyahay ayaa gaafwareegaya badda madoow. isagoo waqtigan xaadirka ah ay in ka yar 200 mile ay isu jiraan markab kuwa quusa ah oo ruushku leeyahay oo badda madow heegan kaga jira. Markab kale oo sida caawimo bani,aadanimo oo 34 ton ah oo maraykanku leeyahay (The US coast guard cutter DALLAS) ayaa isna ku soo xirtay dekedda magaalada Batumi ee Georgia.

Haddaba akhristoow aan isha ku hayno waxa ka soo cusboonaada xaaladda cakiran ee rrushka iyo galbeedka.

wabilaahi tawfiiq.

Ing. farhan Fagah-Fagah

farhangacaliye@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 28, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS