SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Munaasabadda Ramadaanka Caawin Walaalkaaga Somaaliyeed

Munaasbada Bisha barakeeysan(Ramadaanka)waxaan halkan
Shacabka Somaaliyeed guud ahaan uga soo jeedinaayaa duco
iyo hambalyo munaasabaad qaaliga ah,waxaan Raxamaanka ka
rajeeynaayaa in wuu ina siiyo(Raxmadeeda,naxariista iyo
Cadaab ka Xoreeyn Bishaas lagu sharfay)aamiin,sidoo kalle
waxaan ka tuugaayaa in wuu dhibaatada culeeyskeeda mudada
dheer soo socoteey iyo Tacadiyada xasuuqa ee gumeeysigu ku
hayo Ummadda Somaaliyeed ka badbaadiyo-Dalkeena qaaliga ah
wu soo celiyo Xoriyadii iyo jiritaankii qaaliga ah,Alloow
Cadoowga Itoobiya iyo kuwa ka dameeyaba naga Qabo,Mideeyo
Quluubta iyo awood Dadka Somaaliyeed,kuna toosiyo wadada
toosan-aamiiin.

Bisha Ramadaanka wexey leedahay oo Allah
gaar u dhigay sifooyin badan oo kheeyr iyo barako badan
leh,waxaana laga doonaayaa Muslimiinta ehel kheeyrka ah
iyo inta damiirka nool leh in Munaasabaas awgeed caawiyaan
una gargaaraan Walaalahooda Somaaliyeed oo tabaaleeysan
ama ku sugan xaaladaha adag dhaqaale ahaan ama duruufaha
qalafsan heystaan hadii eey ahaan lahayeen-Naafadii horre
ee Xoogii Dalka,Xarumaha Agoomaha,Dadka Bara-kacsan sida
weyyn ugu dhiban Duleedka Muqdisho,Gobolka Hiiran, Bay,
Bakool,Sh/Hoose,Jubooyinka,Gedo,Galgaduud,Sh/Dhexe,Dhanka
P/Land ama P/Landba, ama kuwa ku sugan xeryaha Qaxootigga
Dalka Yaman,Xeryadaha qaxootiga Dalka Kenya,Ugaandha iyo
Dalalka Tanzaaniya ama Koonfurta Afrika.

Munaabasaad awgeed waxaan ku boorinaayaa Jaaliyadda
Somaaliyeed oo Qurbaha ku dhaqan oo ku caanka ah camalka
kheeyrka iyo damiir wanaag gudashada waajibaad,Masuuliyada
iyo Xilka weyn oo inaga saaraan Dadkeena Tabaaleeysan oo
Isha naxariis leh dhankeena ku soo eegaaya,waxaan si gaar
ah Firiintaan u diryaa Haweenka Somaaliyeed oo muuqiyeey
door sharafeed iyo Dadnimo wanaag in eey Ramadaanka kor u
qaadaan dadaalkooda gacana u fidiyaan Dadka taakulada iyo
Gargaarka gaarka ah wu baahan-Weliba sida ku haboon uga
gacan qaataan Howlaha Mashaariicda(Afuriinta Somanayaasha)
oo goobo badan oo Dalkeena laga hirgelinaayo Sanadkan,
kana Xiriira Culimaa-udiinka iyo Hey'adaha Samaflka gaar
haan kuwa Islaamiga ah(Somaaliyeed).

-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK- 28/08/2008.
-sharifhassan50@yahoo.com-

Faafin: SomaliTalk.com |  August 28, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS