SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Faallo: Mooshinada Baarlamanka Dowlada KMG ay soo hindisaan ee la xisaabtanka Xukuumada Ma dib u heshiisiinbaa Mise waa “Hellow Lacag ku shubo”…!!!?.

Tan iyo xiligii dhidibada loo taagay Xildhibaanada Dowlada KMG ee Soomaaliya waxay kusoo Caanbexeen in ay Musharaxiinta xiligaasi isku soo sharaxday in ay ku loolamaan jagada Mas’uulka ugu sareeya ee Madaxweyne Ninmo, waxayna waqtigaas Xildhibaanada u kala safteen Musharaxiintii iyagoo Codkooda uu ahaa mid furan oo lakala iibsanaayay.

Mudanayaashii jagadaasi u loolamayay ayaa waxay bilaabeen in ay Codadka Baarlamanka kala iibsadaan wuxuuna Codka Xildhibaanku gaaray 10,000 $ {Toban Kun Doollar}, waxayna xildhibaanada qarashaadkaas qaar kood la sheegay in ay Musqulaha ku qaateen halka kuwo kalena si cad loo siiyey.

Xiligaas wixii ka danbeeyey xildhibaanada Baarlamanka waxay ogaadeen in Mas’uuliyiinta dowlada ugu saraysa in ay wadada kaliya oo ay dhaqaale uga heli karaan in ay tahay qilaafyo soo kala dhexgala kadibna ay Mooshino kusoo rogaan si ay dhaqaale uga helaan.

Madaxweyne Yuusuf markii uu jada Madaxtinimo ee dalka ugu saraysa marka loo doortay ayuu ogaaday in wax walba ay lacag tahay, wuxuuna bilaabay in uu gato Mudanyaal badan oo ka mid ah Baarlamanka si ay ugu shaqeeyaan Codkooda danta shacabkana uga hor mariyaan dantiisa wayna u hirgashay taas.

Madaxweynaha Markii uu xilka qabtay wuxuu Ra’iisul Wasaare u doortay Xiligaas Cali Maxamad Geedi oo ay ahaayeen Maxamad Dheere Saaxiib isku dhow isagana soo saartay Masraxa Ra’iisul Wasaarenimada wuuna ku guuleystay taas.

C/laahi Yuusuf iyo Cali Geedi mar walba oo ay is qabtaan oo uu qilaaf soo kala dhexgalo waxay Xildhibaanada Dowlada bilaabayeen Mooshin ka dhan ah Xukuumada, xildhibaanadana waxay kala ahaayeen kuwo laba baarti ah, Baartida ugu weyn waxay codbuuxda u hayeen Madaxwene Yuusfu, in kastoo tiro kale oo aan sidaa u buurneyn ay taageero u hayeen Ra’iisul wasaarihii hore Cali Geedi oo xag dhaqaale ku farjinayay.

Dowladu waxay noqotay mid qilaaf keeda aad uu u bato balse Xildhibaanada marka ay arkaan qilaafyada dowlada waxay soo hindisaayeen Mooshin ka dhan ah Xukuumada, C/laahi iyo Cali Geedina waxaa uga baxayay qarashaad aad u fara badan, wallow markii danbe qilaafyadooda intay noqdeen kuwo joogta ah siina qoto dheeraaday in dowlada Itoobiya oo ah iyadu ah meesha kaliya dowlada KMG looga arrimiyo Cali Geedi ku qanciso in uu xilka isaga dego, taasna wuu aqbalay Cali Geedi wuxuuna Baarlamanka ka hor aqriyaya warqadii istiqaaladiisa sidaana uga degey xilka Ra’iisul wasaarenimada ee uu ka hayay Dowlada.

Xildhibaanada Baarlamanka markii uu Cali Geedi ka dagay jagada dowlada waxaa soo foodsaartay dhaqaale yari maadaama marka ay isaga iyo Madaxweynaha is qabtaan ay dhaqaale ka heli jireen qilaafyadooda, waxayna I adeegsan jiraan Mooshinada ay soo hindisaan.

Madaxweyne Yuusuf wuxuu soo dhisay Xukuumad hor leh kasoo uu Ra’iisul wasaare kaga dhigay Nuur Xasan Xuseen {Nuur Cadde}, dar dar hor leh ayuu la soo galay siyaasada Nuur Cadde wuxuuna bilaabay in uu dib u heshiisiin raadiyo, markii ugu horaysayna wuxuu soo daayay qaar ka tirsan Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo muddo badan heebtooda la la’aa, wuxuuna taas ku helay Ra’iisul Wasaaraha kalsooni aad u balaaran.

Kadib wuxuu ku guulaystay in uu heshiis hordhac ah la saxiixdo Isbahaysiga Dib u xoraynta kalka, in kastoo Isbahaysiga uu heshiiska la gaaray ay laba garab kala noqdeen haddana wuxuu ku mutay in uu noqdo shaqsi raadinaya nabada dalka.

C/laahi Yuusuf lama filaan ayay ku noqotay howlaha uu wado Nuur Cadde, maxaayeelay Madaxwenuhu marna ma rabin in xal loo helo qilaafyada dowlada iyo Mucaaradka, waxaana lagu tiriyaa C/laahi Yuusuf in uu yahay shaqsi dagaal, Nuur Cadde ayaase kasoo hoos baxay oo noqday Shaqsi Nabadeed, nabar uusan filayn ayuuna ku noqotay Madaxweynaha qilaaf ayaana soo kala dhexgalay.

Qilaafkooda waxaa si weyn ugu farxay oo uu jaanis u noqday Xubnaha Baarlamanka Dowlada, qilaafkiina wuxuu noqday mid cirka isku shareera, labadoodana waxay bilaabeen in ay xiriiro la sameeyaan Xubnaha Baarlamanka si ah ugu soo hindisaan Mooshin ka dhan ah midba midka kale.

Nuur Cadde wuxuu taageero xoog leh ka haystay dhinaca shacabka oo uu u muujiyey dib u heshiisiinta uu wado iyo qaar badan oo ka mid ah beesha Caalamka xitaa dowlada Itoobiya oo caqabad ku ah joogitaanka Ciidamadooda ay ka joogaan Soomaaliya, maxaayeelay in uu dhibka ku sii kordho mooyeen wax ay ka qabteen gudaha aysan jirin, maalin kastana qaar ka mid ah Ciidamadooda ay si iskood ah isku toogtaan ama heer ay is madaxmaraan gaaraan.

Labada Mas’uul waxaa looga yeeray dalka Itoobiya oo ah xudunta ugu weyn ee dowlada waxayna dowlada Itoobiya bilowday in ay xal ka dhex dhaliso Mas’uuliyiintaas balse dhinaca C/laahi ayay maaro ugu waysay, balse markii danbe dowlada Itoobiya C/laahi si cad ayay ugu sheegeen in uu yahay qof qaldan, diiradana ay saaran tahay, waxayna dowlada Itoobiya Mooqifkii C/laahi Yuusuf wax badan in uu ka bado ku qasbeen sidaana xal aan sal buurneyn kusoo gaareen halka Dowlada Soomaaliya looga arrimiyo ee Itoobiya.

Xildhibaanada oo iyaga fursado dhaqaale ka raadiya qilaafyada Madaxda ugu saraysa Dowlada ayaa markiiba waxay bilaabeen in ay soo hindisaan Mooshin ay ugu magacdareen Laxisaabtanka Xukuumada ay bilaabeen Mooshino, xilidhibaanadana sida u caadada ahayd labada dhinaca u kala safteen.

Mooshinada Baarlamanka Dowlada KMG ay soo hindisaan ee la xisaabtanka Xukuumada Ma dib u heshiisiinbaa Mise waa “Hellow Lacag ku shubo”…!!!?. Haa way iska caddahay jawaabta durba Maskaxdaada kusoo dhacaysa waxaana taa daliil u ah haddalo kooban oo uu Madaxweynaha shalay ka hor jeediyey qaar badan oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka waxaana hadaladaasi ka mid ahaa.

“Taleefoonadiina waan ka joogi waynay oo kooxiba qof bey soo wacaysay, laakiin ogaada adinku in aad qof qof noola hadlaysaan ayaad moodeene inagoo dhan ayaa dhageysanaynay hadaladiina..waxaana nagu batay shanqarta Mobile-da aad haysataan, anigu kolay ma ogi sida uu xaalkiinu ahaaye”.

Mooshinada Baarlamanka KMG ay soo hindisaan ee la xisaabtanka xukuumada dib u heshiisiin ma ahan ee waxa uu la mid yahay “Hellow Lacag Codkeyga ku shubo si aan kaaga wareejiyo Mooshinka aan kugu ridirabo”.

Isku soo wada duub Xildhibaanada Dowlada oo matalaya Shacabka Soomaaliya ayaan ahayn kuwo shacab u hadla, waa xildhibaano qaarkood uu leeyahay Madaxwene Yuusuf oo Codkiisa ku hadla cidii uu yiraahdana Mooshin halagu soo rogo ay kusoo rogayaan qofkii kalena ay u arkaan in ay Mooshinadiisa waxoogaa dhaqaale ah ku helayaan ay kusoo hindisaan.

W/Q: Bile Maxamad Cabdi {Bile Baastey}
Muqdisho-Somalia
Igala soo xiriir
Email: baastey8@hotmail.com baastey8@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 29, 2008

 

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS